shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo soo dhaweysay wararka sheegaya in gacanta lagu dhigay 14-burcad badeed Soomaali ah.

(Bosaaso, Sept 08,  2008 Ceegaag Online)

Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn u soo dhaweeyay warar sheegaya in Markab Dagaal oo ay leedahay Dowladda Mareykanka ay gacanta ku dhigeen in ka badan 14 burcad badeed Soomaali ah iyo dooni yar oo ay saarnaayeen.

Wasiirka Wasaarada Kaluumeysiga iyo khayraadka Badda Maamul goboleedka Puntland, C/qaadir Muuse Yuusuf ayaa si weyn u soo dhaweeyay weerarkaasi lagu qaaday kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee mudooyinkaani dambe ka qowleysta Biyaha Badweynta Hindiya.

Xeebaha Wadanka Soomaaliya ayaa waxaa soo galay Maraakiib ay leedahay Dowladda Mareykanka kaasi oo bilaabay Howlgalo ay uga hortagayaan burcad badeeda Soomaaliyeed, Maraakiibta Dagaalka ee Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta kudhigay illaa 14  burcad badeed ahaa kuwaasi oo sida lasheegay isku dayay in ay afduubaan markabka Mareykana ee iyagu qabtay.

Xilliga Burcad Badeedani la qabanayay ayaa lagu soo waramayaa in ay kusugnaayeen meel aan sidaas uga fogeyn Xuubaha Maamul Goboleedka Puntland sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana Markabkaasi weyn uu burburiyay doon ay saarnaayeen kadibna gacanta kudhigay iyadoo aan ilaa hada la ogeyn meesha  uu la aaday markabkaasi Burcad badeedii Soomaaliyeed.

Arrintani ayaa kusoo beegmeysa iyadoo Burcad badeeda Soomaaliyeed ay heystaan 10-markab oo laga leeyahay wadamo kala duwan.

14-kan burcad badeed ayaa noqonaya qeybtii labaad ee la qabto kadib markii Ciidamada Faransiiska xilli loosii daayay Dooni Dalxiis oo laga leeyahay Faransiiska ay qabteen burcad badeed iminkana ay weli ku xiran yihiin Xabsi ku yaala Magaaladda Paris ee Dalka France.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com