shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax weyn ayaa xalay Gilgilay Suuqa weyn ee Markato ee Magaalada Addis Ababa.

(Addis Ababa, Sept  04,  2008 Ceegaag Online)

Qarax weyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, Qaraxan xoogan oo ka dhacay Suuqa ugu weyn dalka Ethiopia oo loo yaqaano Markaato ayaa sababay dhimashada 4 Ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxan oon la ogeyn cida ka dambeysa ayaa waxa uu ka dhacay meel Shaneemo yar oo lagy daawado Filamada una dhaw meelaha ay dadku aadka ugu badan yihiin, hase ahaatee Taliyaha ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Ethiopia Tesfaye Meresa ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano, iyagoo Dowladdu si gaar ah ugu eedeysay Ururka OLF (Oromo Liberation Front).

Tesfaye Meresa wuxuu kaloo intaa raaciyay in dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi la dhigay Cisbitaalka Black Lion (Duqur Ambasa)  ee Magaalada Addis Ababa kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo, waxaana dadkaasi badankooda ay yihiin  kuwo xaaladooda ay liidato.

Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia ayaa horay qaraxyo kala duwan  ugu dhacay iyadoo Xukuumadda Addis Ababa ay ku eedeysay Dowladda Shacbiyaa (Eritrea) oo Ethiopia ay ka dhaxeeyso khilaaf dhinaca soohdinta ah iyadoo Eritrea ya taageero Dhaqaale iyo Mid Mileteri ba ay siiso  Jabhadaha Dagaalka kula jira Dowladda Ethiopia sida OLF ONEK iyo ONLF.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com