Taageeridii
Dowlad Goboleedka: Northland State of Somalia (Daawo
Sawiradda).
(Columbus Ohio,
Sept 02,
2008 Ceegaag Online)
Xaflad si
qurux badan loo soo agaaasimay ayaa ka dhacday gobolka Ohio,
magaalada Columbus, halkaas oo ay isugu yimaadeen Soomaalida
ka soo jeeda degaamada SOOL, SANAAG, iyo CAYN. Xafladaas oo
ay ka soo qayb galaeen aqoonyahano, isimo dhaqameedyo,
haween, culimo, arday, fanaaniin, abwaano, iyo dadweyne
farabadan oo ka kala yimid gobolada Maraykanka sida:
Illinois, Minnesota, California, iyo Boston Massachusetts.
Shirkan ayaa
ku saabsanaa in lagu taageero fikir ay soo dhirindhiriyeen
aqoonyahano ka soo jeeda degaamada SOOL, SANAAG, iyo CAYN.
fikirkaas oo ahaa in la dhiso dowlad goboleed la magac
baxday Northland State of Somalia, maamulkaas oo hoos imaan
doona Dowlada Federaalka Soomaaliya, kana soo horjeeda in
wadanka Soomaaliya la kala gooyo, aamisana in midnimada
umada Soomaaliyeed ay tahay muqadas.
Sida uu
dhigayo axdiga ama tasduurka Dowlada Federaalka in labo
gobol iyo wixii ka badan ay samaysan karaan maamul goboleed
ay isku waafaqsan yihiin. Haddaba aqoonyahanadu, iyagoo ka
faa’ideysanaya fursadan qaaliga ah ee ay siisay Dowlada
Federaalka gobolada wadanka Soomaliya, ayay waxa ay soo
diyaariyeen maamul cusub oo la magac baxay
Northland
State of Somalia,
kana kooban sedex gobol hadeer, laakiin mustaqbalka uu ka
badan doono:
SOOL, SANAAG,
iyo
CAYN.
Aqoonyahanadan oo ka kala yimid Magaalooyinka Chicago iyo
Minneapolis, ayaa waxa ay soo bandhigeen barnaamijkii oo
dhamaystiran iyo sidii caalamka loogu soo bandhigi lahaa,
dhamaan dadkii halkaas isugu yimid ayaa soo dhaweeyey kuna
balan qaaday in ay taageero buuxda ku garab istaagayaan.
Sidoo kale aqoonyahanadan ayaa ku wareegi doona gobalada
Maraynkanka iyo Kanada intii aysan tagen wadankii Soomaliya
gudihiisa.
Halkan ka
Daawo Sawiraddii Shirka oo dhan:
http://www.insideminnesota.org/images.html
Abdimalik
Askar
aabdimalik@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |