Warqado digniin
oo loo jeedinayo haweenka qaadka ka ganacsada oo lagu
daadiyay magaalada Kismaayo
(Kismaayo, Sept
11,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa magaalada Kismaayo
gaar ahaan goobaha lagu iibiyo qaadka lagu daadiyay
waraaqado digniin ah oo haweenka ka ganacsada qaadka looga
digayo inay joojiyaan oo ay iska dhaafaan ka ganacsiga
qaadka.
Warqadahan digniinta ah
oo aanay ku xusneyn cidda ama kooxda soo qortay ayaa sidoo
kale loogu hanjabay haweenkaasi in tallaabo laga qaadi doono
haddii ay ka dhago fadeegaan digniinta loo soo jeediyay,
waxayna taasi jahwareer ku abuurtay haweenka ka ganacsada
qaadka ee magaalada Kismaayo.
Qaar ka mid ah
haweenkaasi ayaa waxay qoraal ashtako ah u gudbiyeen
maamulka Islaamiga ah ee magaalada kismaayo, waxayna madaxda
maamulkaasi sheegeen inaanay iyaga haba yaraatee waxba kala
socon warqadahaasi digniinta ah, ayna tahay mid lagu
carqaladeynayo ammaanka magaalada Kismaayo.
Afhayeenka maamulka
Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa
sheegay in haatan maamulka cusub ee magaalada Kismaayo aysan
qorshaha ugu jirin inay mamnuucaan ka ganacsiga iyo cunidda
qaadka, wuxuuna intaasi ku daray in waraaqahaasi digniinta
ah ay daadiyeen kooxo uu sheegay inay doonayaan inay iska
hor keenaan maamulka magaalada Kismaayo iyo Shacabka ku
dhaqan.
Bishii August
Dhamaadkeeda ayay ahayd markii diyaarad sidday qaad oo kasoo
dagtay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ay
rasaaseeyeen qaar ka mid ah xoogagga Islaamiyiinta ah ee la
wareegay magaalada Kismaayo, taas oo uu dhaawac ka soo
gaartay diyaaradda, inkastoo markii dambe ay raali gelin ka
bixiyeen saraakiisha hoggaaminaysay xoogagga la wareegay
magaalada Kismaayo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |