Weeraro
gaadmo ah oo xalay ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo
Baydhabo.
(Baydhabo, Sept
07,
2008 Ceegaag Online)
Kooxaha ka
soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gudaha Dalka
Soomaaliya iyo Siyaasadda Dowladda KMG ah ayaa xalay Weerar
loo adeegsaday Bambooyin waxay ku qaadeen Saldhig Boolis oo
ku yaala Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo.
Taliyaha
Saldhiga Ciidamada Booliiska ee uu xalay dagaalka ka dhacay
Captain Aadan Cali Aadan ayaa sheegay in dagaalkaasi uusan
ka soo gaarin wax khasaare ah.
Magaalada Baydhabo ayaa waxay xarun u tahay Baarlamaanka
Soomaaliya, waana Magaalo inta badan aysan ka dhici jirin
dagaalada fool ka foolka ah ee u dhaxeeyay Ciidamada
Itoobiya oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka iyo Xoogaga
ka soo horjeeda.
Dhinaca
kale Weeraro gaadmo ah ayaa xalay lagu qaaday Ciidamada
Nabad Ilaalinta AMISOM, kuwaasoo oo saldhig ciidan ku leh
Isgoyska KM4, weerarkan oo bilowday 3-da Habeenimo
xilli dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay sugayeen
Saxuurta ayaa ahaa mid si weyn looga maqlayay Guud ahaan
Magaalada, iyadoo Labada dhinac ay adeegsadeen Hubka cul
culus.
Weerarkan gaadmada ahaa ee xalay lagu qaaday Ciidamada
AMISOM ayaa waxaa sheegtay Xoogaga Al-shabaab oo horay
Afhayeenkooda Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu mansuur uu ugu
baaqay inay socon doonaan Weeraro Xiriir ah inta lagu guda
jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |