shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan Maxamed Cismaan Maye oo xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo.

(Baydhabo, Sept 10,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa Xalay Fiidkii magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay lagu dilay Xidhibaan Maxamed Cismaan Maye oo ka tirsanaa mudanayaasha Barlamaanka Dowladda KMG ee Soomaaliya, Dilka xildhibaanka ayaa waxaa ka dambeeyay sida la sheegay nin ku hubaysnaa bastoolad.

Xildhibaanka oo ka mid ahaa Mudanayaasha ugu cod karsan Baarlamaanka ayaa ahaa Xildhibaan aan hadafkiisa lagamban, isla markaana inta badan dhaleeceyn u jeediya howlaha aysan ku qanacsaneyn Xildhibaanada ee ay qabtaan Madaxda sar sare ee Dowladda.

Dilka Xildhibaan Maye ayaa jirin cid sheegatay ilaa iyo hada, iyadoo mudooyinkan dambe Magaalada Baydhabo weeraro lagula beegsado Guryaha Xildhibaanada Baarlamaanka ka degan yihiin Magaaladaas.

Dilka loo geystay Xildhibaan Maxamed Cusmaan Maye ayaa wuxuu noqonayaa dilkii labaad oo gudaha Magaalada Baydhabo loogu geysto Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana sanadkii 2006 Magaalada Baydhabo lagu dilay Xildhibaan Cabdalla Deerow Isaaq,  oo isna la dilay isagoo ka soo baxay Masjid uu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa cambaareeyay dilkii xalay magaalada Baydhabo loogu geystay xildhibaan Maxamed Cismaan Maye.

Sheekh Aadan Madoobe oo ku hadlaya magaca Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa tacsi u diray guud ahaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Xildhibaanka maye.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com