Akhristow, waxa
laga yaabaa in aad isweydiiso Dowlad Goboleedka
Puntland xildhibaano miyey leedahay? Jawaabtu waa
haa, laakiin maxaa qoraalkan loo qoray? Qoraalkan
waxa loo qoray isbedel ku yimid taariikh soo taxnaan
jirtey oo ay lahaayeen beelo badan oo degan,
degaamada SOOL, SANAAG, KISMAAYO iyo CAYN,oo ahayd
in aysan soo hormarin dumarka, laakiin hada larabo
in la bilaabo.
Beeshan kor ku
qoran oo degan degaamada SOOL, SANAAG, KISMAAYO iyo
CAYN, ayaa waxa ay ku wada hadleen teleconference
qaatay mudo badan in looga doodo xubin-nimada
Puntland baarlamaankeeda cidii uga qayb qaadan
lahayd, maadaama la kala dirayo baarlamaanka
Puntland maalmahan nagu soo fooda leh, waa hadii
la raaco sida tastuurku dhigayo.
Dadkii ka soo
qayb galay telconferensigaa ayaa waxa ay soo
bandhigeen in aan laga maarmeen in markan
xubin-nimada la siiyo haweenka, maadaama ay
in badan raga soo hayeen, la arkayna waxqabadkoodii
in uu dhaafi waayay “ka dhex hadlid baarlamaanka
dhexdiisa uun, laakiin aan waxba ficil ahaan loo
qabanin”. Sidaa daraadeed waxa la go’aansaday
in markan laga soo xulo qurbajoogta gabadha ugu
firfircoon oo xilkan ka bixi karta, waxayna noqotay
Kobra Keyse Xaaji Jaamac. Haddaba akhristow,
Kobra waa qofma?
Kobra,
waxa ay ku dhalatay magaalada Kismaayo waxayna ku
dhamaysatay dugsii hoose iyo sare, waxayna u soo
baxday qurbaha si ay wax uga barato. Kobra oo
tacliinteedi sare ku dhamaysatay Maraykanka, kadibna
heshay shaqo aad u fiican oo ay ka gaartay ilaa heer
Manager ah. Dhinaca ganacsiga ayaa Kobra waxa ay ka
gaartay heer sare, waxayna abaal marino kala duwan
ka heshay shirkado badan oo gudoonsiiyey bilado.
Kobra, ayaa hadda waxa ay degan tahay oo ay guryo ku
leedahaya gobolka Ohio, magaalada Columbus. Intii ay
joogtay qurbaha Kobra waxa ay wax tartay dadkii ka
soo barakacay dagaaladii sokeeye ee u qaxay
Buuhoodle, waxayna marwalba u doodi jirtay
xuquuqda dumarka iyo caruurta yaryar oo ay ku
tilmaami jirtey in ay yihiin dadka iyagu marwalba
dhibtu taabato. Ugudambeytii, Kobra, waxay ka qayb
qaadatay abaarihii ugu dambeeyey ee ka dhacay
wadanka gudihiisa sanadkan oo ay u dirtey macaawino
isugu jirtey biyo iyo raashiin.
Haddaba hadaanu
nahay qurba joogta degan wadanka dibadiisa ee u
dhalatay beeshan, waxa aanu ka codsnayeynaa Odyaasha,
Waxgaradka, Siyaasiyiinta, Culimada, Macalimiinta,
Haweenka, iyo Dhalinyarada in ay garab istaagaan
gabadhan Aqoonyahanada ah ee tolkeeda jooga
qurbajoogta u garteen in ay u matasho xubin-nimada
baarlamaanka Puntland. Gabadhaas oo kulankeedii ugu
horeeyey uu ka dhici doono gobalka Minnesota, ka dib
markii ay casuumad ka heshey aqoonyahano ka soo
jeeda beesheeda.
Somali Media
Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com