shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Cod Aqlabiyad ah ku diiday mid ka mid ah Qodobadii dhawaan ay ku soo heshiiyeen Madaxweyne Yuusuf iyo Nuur Cadde 

(Baydhabo, Sept 11,  2008 Ceegaag Online)

Xildhibaanada Barlamaanka KMG Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah Maanta ku diiday in xukuumada Soomaaliya lagu soo Celiyo-10-kii Wasiir ee horay isku casilay Qodobkaasi oo ka mid ah heshiiskii ay Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ku soo gaareen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Fadhigii ay maanta ku yeeshen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya xaruntooda magaalada Baydhabo ayey cod Aqlabiyad ah ku diideen kadib dood ay maanta ka yeesheen qodobo ka mid ah heshiiskii ay Madaxda sar sare ee Dowlada ku soo gaareen Magaalada Addis ababa.

Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa dood dheer oo dhex martay Xildhibaannada Barlamaanka in 10-ka wasiir ee horay isaga casilay Xukuumada ay dib ugu soo noqon karaan xukuumada iyaga iyo ku xigeenadii is casilay.

Guudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii shaaciyay sida ay dooda xildhibaanada u dhacday waxaana uu sheegay in 15-xildhibaan waxaa ay siiyeen codka kalsoonida wasiirada waxana ka soo hor jeestay 171 xildhibaan waxaana uu sheegay in kala fadhigii uu sidaasi ku dhamaaday ayna wasiiradii ku waayeen kalsoonida isla markaana ay ansax tahay.

Xildhibaanada ayaa waxaa ay u muuqdeen kuwa isku raacsan in aaneey 10-ka wasiir iyo 3-da ku xigeen ka mid noqon xukuumadda waxaana uu fadhigii maanta ahaa mid aad u kacsan oo ay ammaankisa illaalinayeen ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Itoobiyan iyo Booliiska Dowlada Federaalka Soomaaliya

Tallaabadan ayaa waxay ku soo aaday kadib markii habeen hore Magaalada Baydhabo lagu dilay mudane ka tirsanaa Baarlamaanka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cismaan Maye

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com