Baarlamaanka Somalia oo Maanta Kulmay iyo Sheikh Aadan
Madoobe oo Cambaarayn u jeediyay Xoogaga Al_Shabaab.
(Muqdisho,
April 22, 2009 Ceegaag Online)
Aadan Madoobe
Baarlamaanka Somalia oo Maanta Kulmay
iyo Sheikh Aadan Madoobe oo Cambaarayn u
jeediyay Xoogaga Al_Shabaab.
xidhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa xarunta gaadiidka Booliiska
ku yeeshay kulan, kaasoo loogu qaybiyay
qoraalka miisaaniyada dalka, kaasoo ay soo
gudbiyeen golaha wasiirada
|
Xidhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa xarunta gaadiidka
Booliiska ku yeeshay kulan, kaasoo loogu qaybiyay qoraalka
miisaaniyada dalka, kaasoo ay soo gudbiyeen golaha wasiirada.
Xildhibaanada ayaa laga dalbaday inay soo aqriyaan
qoraalka, ayna berri isugu yimaadaan kulan si looga doodo,
looguna qaado codka kalsoonida, iyadoo miisaaniyada lagu
sheegay inay gaarayso 21-Milyan oo Dollar.
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Sheikh Aadan
Maxamed Nur Aaadan Madoobe oo shir jaraa'id ku qabtay
Magaaladda Muqdisho ayaa si kulul u canbaareeyay xoogaga Al
shabaab oo ka mid ah xoogaga wada Dagaalka ka jira
Soomaaliya.
Afhayeenka Baarlamaanka kmg Soomaaliya sheikh Aadan Max’ed
Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada
Muqdisho ayaa ururka Al shabaab ku eedeeyay in ay yihiin
kooxo u adeega dano shisheeye oo laga leeyahay dalka
Soomaaliya mar hadii ay ka soo hor jeesteen oo ay shaki
galiyeen go’aankii baarlamaanka uu ku ansixiyay Shareecada
islaamka sida uu hadalka u dhigay.
"Runtii Al shabaab kuma Socdaan raligooda waa dad ay u
taliyaan ajaanib,cadaan Madoow wax aysan dalka keenin ma
jiraan dhibaatada dalkana iyagaa ku haya,waxaana
aaminsanahay in diinta islaamka ay dhagrayaan oo ay qiyaamo
ku wadaan,waxaana al shabaab aniga u heystaa in ay yihiin
kuwa ku shaqeeynaya Falsafad la soo abaabulay oo lagu
doonayo in dadka kale lagu tuso in diinta islaamka ay tahay
diin la isku dilo" ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka kmg
Soomaaliya sheikh Aadan madoobe.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa difacaay go'aankii lagu
gaaray in dalka lagu maamulo Diinta Islaamka, wuxuuna ku
tilmaamay go'aan sax ah oo aanay jirin cid diidi karta,
ciddii diidana ay dano gaar ah leedahay.
Cabdirashid Maxamed Daahir
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |