Guddigii Dhexdhexaadinta Ee
Maamulka Somaliland oo Soo saaray Go'aamaddi Xalinta
Khilaafaadka.
(Hargayso.
April 30, 2009 Ceegaag Online
Guddida dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed ee Maamulka
Somaliland ayaa shalay soo saaray go’aamo rasmi ah oo ka
kooban shan qodob, kuwas oo la filayo in lagu soo afjaro
khilaafaadkii siyaasadeed ee Somaliland ka oognaa.
Guddidan dhexdhexaadinta ayaa go’aamada ay soo saareen waxa
ay sheegeen in labadii qodob ee khilaafka weyni ka taagnaa
ee muddo kordhinta iyo wakhtiga doorashada sidooda loo
dhaqan galinayo, inkasta oo ay daba dhigeen in haddii ay
muddadu ka dhamaato Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa aanay
dib dambe golaha guurtidu u kordhin karin, Isla markaana
go’aamadan laga ansixinayo golayaasha sharici dejinta.
Waxaana uu u qornaa warsaxaafadeedka xambaarsan go’aamadii
guddida ee kama dambaysta ah sidan:-
Guddiga Dhexdhexaadintu iyadoo ka duulaysa kalsoonida uu
siiyey "Madaxweynaha SL, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo
Guddoomiyaha xisbiga UCID, isla markaana dhegaysteen
doodahoodii iyo qoraalladii ay noo soo gudbiyeen, kana
hormarinay wixii kaleba danta dalka iyo ta ummadda, talooyin
badanna ka heshay bulshada qaybaheeda kala duwan sid;
culimada, salaadiinta, ganacsatada iyo waxgaradka kale,
himiladeeduna tahay sidii doorasho xor oo xalaal ah loo
gaadhi lahaa, jecelna inay soo afjaranto muruggan
siyaasadeed ee taagan waxay go’aamiyeen:
1- Muddo-kordhinta:
1.1- In muddo-kordhinta Golaha Guurtidu siiyey
Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee ku eg 29/10/2009 ay tahay
mid lagu dhaqmayo.
1.2- In doorashadu haddii ay ku qabsoomi waydo 27/9/2009 in
aan Golaha Guurtidu u kordhin Karin Madaxweynaha iyo
ku-xigeenkiisa; waana in arrinkaas laga ansixiyo golaha
sharci-dejinta (Baarlamanka).
2- Muddada Doorashooyinka:
2.1- Doorashadu waa inay ku qabsoonto xilligii
Komishanku u qabtay ee 27/9/2009, ololaha doorashaduna ka
horreeyo bisha Ramadaan ee barakaysan ee qaddarinteeda leh.
2.2- Waa in Guddiga Doorashooyinku sida ugu dhakhsaha badan
u soo saaraan waqti-hawleedka doorashada (Time-line).
2.3- In Server-ku natiijadii kama dambaysta ahayd ku soo
saaro 27/7/2009 si waqti ku filan loogu helo hawlaha
doorashada.
2.4- Qaddiyadda Komishanka waxay guddigani adkaynaysaa in
Madaxweynaha, labada hoggaamiye ee axsaabta mucaaradka iyo
Golaha Guurtida [oo ah cidda soo wada xusha] ay go’aan ka
gaadhaan in la daayo, in la kordhiyo iyo in la beddelo.
3- Warbaahinta iyo Hantida Qaranka:
3.1- Warbaahinta Qaranka:
In saddexda xisbi qaran ee ka qaybgalaya doorashada
Madaxtooyada laga siiyo warbaahinta qaranka xilli isku mid
ah (air time) iyo waqti ku filan sida Radio Hargeysa, TV-ga
Qaranka iyo wargeysyada qaranka.
3.2- Hantida Qaranka:
Hantida qaranka sida maaliyadda, gaadiidka iwm waa in aan
xisbi gaar ah loogu adeegin.
3.3- Waa in dabagal iyo la socodka qodobkan warbaahinta iyo
hantida qaranka ku xusan loo sameeyo guddi adag oo dhex ah
awoodna la siiyo.
4- Xorriyadda Axsaabta iyo Hawlahooda:
4.1- Xisbiyada waa in aan loo diidin awoodaha iyo
xuquuqaha dastuurka iyo shuruucda qaranku siinayo sida
hawl-maalmeedkooda, dhaqdhaqaaqooda, madaxbannaanida
qabashada shirarka iyo bannaanbaxyada.
4.2- In Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeen iyo ciddii u
sharraxan jagooyinkaas ay leeyihiin xasaanad, karaamo iyo
qaddarin.
4.3- In la sii daayo dhammaanba dadkii loo xidhay xiisadda
siyaasadeed intii ay ka aloosnayd dalka.
5- Xeerka Hab-dhaqanka (Code of Conduct):
Waa in la diyaariyaa Hab-dhaqanka (Code of Conduct) ee
xisbiyada xilliga doorashooyinka ka hor intaan ololaha la
bilaabin.
Wa Billaahi tawfiiq
Magacyada Guddiga:
1- Aadan Baxnaan Xirsi, Guddoomiye------------------
2- Jaamac Axmed Maxamed, Afhayeen----------------------
3- Xuseen Cali Nuur, Xoghaye-----------------------
4- Cabdulqaadir Cali Xasan Xubin---------------------------
5- Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre Xubin--------------------------
6- Dr. Aadan Yuusuf Abokor Xubin---------------------------
7- Aadan Xirsi Suge Xubin---------------------------
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |