Golaha Wasiiradda oo
Ansixiyay Miisaaniyadda 2009 iyo Baarlamaanka Puntland oo
maanta la horkeenay(Warbixin).
(Garoowe.
May 02, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo maalinimaddi shalay ahayd ay golaha Xukuumadda
Dawladd Goboleedka Puntland ansixiyeen Miisaaniyadda
Dawladda ee 2009 ayaa miisaaniyaddi shalay ansixinteeda ayaa
golaha xukuumadda DGPl cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen ku
talagalka miisaaniyada sannadka 2009.
Miisaaniyadan ayaa lagu ansixiyey kulan aan caadi ahayn oo
ay Shalay yeesheen goluhu ka dib markii shirkii khamiislaha
ahaa lagu balamay in laysla soo eego ka dibna dib laysugu
soo noqdo.
Hadaba ka hor inta aan la ansixin miisaaniyada 2009 ayaa
waxa kulankaasi warbixin ku aadan ku talagalka miisaaniyada
2009 ka hor akhriyey wasiirka wasaaradda Maaliyada Faarax
Cali Jaamac wuxuuna yidhi:anigoo cuskanaya dastuurka iyo
shuruucda maaliyadeed ee u degsan DGPL,waxaa manta sharaf
weyn ii ah inaan soo gudbiyo ku talagalka Miisaaniyadda
sannadka 2009 iyo canshuur kordhin ku lifaaqan oo aan rabno
in lagu sameeyo badeecadah aan daruuriga ahayn si loo
daboolo baahida kharash ee jirta.
Dhaqaalaha siyaasadeed ee dawlad kasta waxa saldhig u ah
labo arrimood oo kala ah siyaasadda ilaalinta lacagta iyo
kharash iyo dakhli isu dheelitiran.
Innagu ma lihin siyaasad lacag ilaalineed oo xoog leh waayo
Bangi dhexe oo lacagta Kontaroola ama sameeya ma lihin.sidaa
darted bajadka aan samaynaa ma noqon karo mid xaqiiqada
dhaqaale ee waddanka ka tarjumaysa maadaama aysan jirin
kontarool dhab ah oo lacagta iyo bajadka lagu ilaalin karo.
Qiyaasta Miisaaniyada sannadka 2009ka la odorosay waxay dhan
tahay Shso.545B,dakhli iyo kharash,halkii ay ka ahayd
sannadkii hore 2008 Shso.363B,taas oo muujinaysa koror dhan
Shso.182B,sida laga arki karo shaxda warbixinta ku
jirta.waxaa kale oo xusid mudan in Miisaaniyadda sannadkan
2009 ay u kala qaybsan tahay labo qaybood oo kala ah:
Qaybta Kowaad:Jannaayo ilaa April2009,ooka kooban
Shso.128.9B,una dhiganta bishiiba 32Bilyan.
Qaybta labaad:May ilaa Decembar 2009 oo ka kooban
Shso.416B,una dhiganta bishiiba 52B.
Kororsiimada dakhliga ee qaybta kowaad Jan ilaa April 2009
oo u dhiganta 6.7.%,wuxuu ku yimid kor u qaadida sarrifka oo
la kowsaday bartimihii qaybtaas kowaad.
Kororka dakhli ee qaybta labaad May ilaa Dec 2009 oo u
dhiganta 66.3%,wuxuu ka imaan doonaa:kor u qaadida sarifka
$1 oo la mid ahaa 22,000,waxaa la gaarsiiyey $1=28,000.
Ballaarinta iyo horumarinta canshuuraha oo ah 6B=30%
Canshuur kordhin badeecadaha aan daruuriga ahayn 7B=35%
Si dhaqaale loogu helo baahida kharash ee jirta,waxaa lagama
maarmaan ah in lagu sameeyo Canshuur kordhin badeecadaha aan
daruuriga ahayn kuwaas oo la qiyaasay in laga heli doono
dakhli dhan
Sh.so
7Bilyan,bishiiba una dhiganta $250000 bishiiba taasoo
miisaaniyada sannadkan ka ah 13.5% waxyaabaha laga qaado
canshuurta furdooyinka 52% waa waxyaabaha daruuriga ah,halka
48% ay yihiin waxyaabaha aan daruuriga ahayn.
Waxaa jirta iyana in sannadkan la saadaalinayey in labo
madax laga heli doono dakhli aan hore u jirin kuwaas oo kala
ah:
a)Khidmada maxjarka xoolaha oo laga filaayo in laga heli
doono lacag dhan Sh.so14.56B sideeda bilood ee dambe 2009.
b) iyo ruqsada sahaminta khayraadka oo la filaayo in laga
heli doono lacag dhan Sh.so14B,sideeda bilood ee dambe
2009,inkastoo madaxaani horey u jirey hase ahaatee aan
dakhli miisaaniyadda ka soo geli jirin haba yaraatee,haddana
waa lagu soo daray iyadoo la saadaalinaayo in wax ka
yimaadaan.
Sidoo kale dhinaca kharashka,oo u kala baxa labo qaybood oo
kala ah.qaybta kowaad ee Jannaayo ilaa April 2009 oo ka
kooban Shso.128.9B(bishiiba 32.2B).qaybta labaad May ilaa
Decembar 2009 oo ka kooban Shso.146B(bishiiba 52B).
Waxaa xusid mudan in la tilmaamo sababaha mudnaanta koror
loogu sameyey kharashka Dawladda.
1.kororka mushahar ee Golayaasha,shaqaalaha iyo Ciidanka
Dawladda wuxuu dhan yahay Shso.5.5B,taas oo loo tixgelinayey
baahida dhaqaale ee ay qabaan,oo ka dhalatay isbedelka
macaamiisha iyo ballaarinta dawladda oo u dhiganta 34%koror
kharash.
2.Kororka hawlsocodsiinta Dawladda,wuxuu dhan yahay Shso.
2.5B oo u dhigma 12% kororka kharashka,waxaana lagama
maarmaan noqotay in la kordhiyo kharash hawlsocodsiinta
hay’adaha Dawladda si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo
iyadoo markii hawlsocodsiintu timaado qoondan la’aan darted
mushaharooyinku kaharash u bixi jireen sidii hore u dhici
jirtay.
3.Kharashka dhexe ee Dawladda waxaa la kordhiyey 12B.oo u
dhiganta 54%,si Dawladdu u gudato hawlaha baaxada leh ee
laga sugaayo,oo isugu jira suggidda nabadgelyada,siyaasadda
iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.
Gabagabadii warbxinta wasiirka ayaa waxa uu ku soo
gabagabeeyey sidan:
Ugu dambayntii,annaga oo ka qiyaas qaadanayna xaaladda
dhaqaale ee 4bilood ee tagtay sannadkan,ballaarinta
Canshuuraha iyo Canshuur kordhinta aan soo jeedinay waxaan
rajenaynaa in miisaaniyadan ay u dhici doonto sida aanu
saadaalinay.
Sidaa darted,waxaan rajenaynaa in aad ansixin doontaan
Miisaaniyaddan iyo Canshuur kordhinta wehelisa si loogu
gudbiyo golaha wakiilada iyadoo wakhtiga aan haysanaana aad
u yar yahay.
Ansixinta Golaha wasiiradda marka laga tago Iyo
Warbixinadda oo Nuquladoodu soo gaareen Xafiiska Ceegaag
online ee D.G.Puntland ayaa haddana maanta la horkeenay
Golaha Wakiladda Dawladd Goboleedka Puntland .
Fadhigan Maanta ayaa waxaa su'aallo Dhawr ah lagu
weydiiyay Wasiirka Maaliyadda iyadoo Su'aal weydiiyay
Wasiirka uu Gudoomiyaha Barlamaanka Amar ku bixiyay in
Saxaafadda Dibadda loo saaro .
Iyadoo sidoo kale maantana uu wasiirka Maaliyadda
akhriyay Miisaaniyadda ay shalay ansixiyeen Xubnaha Golaha
Wasiiradda Iyadoo Maanta Golaha Baarlamaanka Nuqulka la
siiyay si ay wakhti ay ku akhristaan u helaaniin iyadoo
sidoo kale Golaha Wakiilada ay horyaalaan hawlo culus oo ay
kamid tahay in ay ogolaadaan ama diidaan, Miisaaniyada,
waxaa kale oo horyaala, in ay dhegaystaan waxqabadka
wasiirada kadibna ay siiyaan codka kalsoonida ama ay u
diidaan, waxaa horyaala Golaha Wakiilada Puntland dib u
eegida dastuurka qabyada ah ee loo baahan yahay in loo qaado
afti dadweyne oo wali Puntland ay 66 Baarlamaanka ah soo
Doortan Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |