Dhacdadii khiyaanada ahayd
ee NFD oo mar labaad dib u soo noqotay 2009!!
(Soomaalida Kenya.
April 17, 2009 Ceegaag Online)
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh,
Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato
korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo
mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa
iyo Maalinta Qiyaamaha.
Intaas ka dib:
Waxay Soomaalidu tidhaahdaa war la qabaa xiiso
ma leh, dabcan qof walba oo aqristiyaasha ka mid ahi, wuu
garanayaa waxan aan kaga hadli doono qoraalkaygan kooban, oo
runtii ay iiga horeeyeen wax ka qoristiisa walaalo badan, oo
ku soo qoray, oo kaga hadlaayay maalmahan ina dhaafay oo
dhan warbaahinta Soomaaliyeed ee kala gedisan. Waana warka
sida kedisada ah ay ayaamahan dadka qaarkiisii ugu
baraarugeen iyada oo ay ka hadlayso warbaahintu, oo ah in ay
dowlad ku sheegan ay beesha caalamku dusha kaga keentay
ummada Soomaaliyeed ee lagu soo dhoodhoobay shirqoolkii
waynaa ee Jabuuti ka dhacay dhowaan,
Inay qayb wayn oo
badeenii ka mid ah ay uga tanaasushay dowlada Kenya!!! Tan
waxay ina xusuusinaysaa dhacdadii khiyaanada ahayd ee NFD
lixdanaadkii, markii ay dowladii waqtigaa dalka ka
talinaysay khiyaanaysay oo niyad jebisay ummadii
Soomaaliyeed, gaar ahaana xoogagii kacdoonka NFD, oo markaas
gacanta kuwada hayay dhamaan dalkoodii, markii ay heshiis la
gashay dowlada Kenya oo uga tanaasushay NFD, dhacdadanuna
waa uun isla tii oo dib u soo noqotay 2009, iyada oo ay
dowlad ku sheega maanta dusha laynagaga keenay si loogu
fushado dana badan oo laga leeyahay wadankeena wanaagsan, ay
uga tanaasushay qayb wayn oo badeena
Ka mid ah dowlada Kenya. Dhacdadanu waa isla
tii NFD, goobtuna waa isla agagaarkii, dowladu waa isla
dowladii, dalaaliintu waa isla kuwii hore, dadka la dhaxal
wareejinayaana waa isla dadkii Soomaaliyeed, wuxuu se yahay
kala duwanaanshaha keli ahi ee u dhexeeya labada dhacado,
waa iyada oo ummada Soomaaliyeed maalintaas dhacdadii NFD ay
qalbiyadoodu meel u wada jeedeen, walaaltinimada iyo
isjacaylka iyo kal gacalka dhexdooda ahina uu ahaa mid aad
iyo aad u saraya, dareenkood diimeed iyo qiiradooda
wadananimona uu isna ahaa mid aad iyo aad u sareeya,
xoogagii kacdoonka ee madaxbanaanida u diriraayay oo uu ahaa
dareenkooda macnawi
Ahaaneed isna mid aad iyo aad u sareeya,
iyagoo ku fadhiyay guul wayn oo waxku ool ahayd oo ay ka soo
hooyeen halgankoodii. Iyada oo uu guud ahaan ahaa xaalka
ummada Soomaaliyeed maalintaas mid sidaas u wanaagsanaa,
ayaa ah wax laga xumaado in ay kala kulmeen maalintaas
madaxdoodii khiyaano iyo niyad jebin. Maanta se waxay
dhacdadanu dib u soo noqotay iyada oo xaalka ummada
Soomaaliyeed uu yahay mid aad iyo aad u liita, gaadhayna
dulinimo heerkii ugu hooseeyay oo ay ummadi weligeedba
gaadho, iyada oo ay dadkii walaalaha ahaa ay kala irdhoobeen
qabyaalad iyo jahli daraadood, oo lagu kala tegay
walaaltinimadii iyo
Rixinkii iyo wanaagiiba, oo lagu kala tegay
Soomaalinimadii, oo qofka Soomaaliga ahi u soo uraayo
walaalkiisa Soomaaliyeed, uuna jeclaysto haduu maqlo amaba
arko in laba waayo, haday u suura gashona aanuba ka
warwareegayn in uu khaarajiyo, waa waqti ay Soomaaliyi
burbursay dhamaan waxay soo dhisayeen afartanka sano, iyadoo
ummadii wadankan lahayd ay in badani uga hijroodeen wadamada
reer galbeedka, oo ay u raadsadeen nabad iyo nolol wanaagsan,
in badanina ay qaxooti ku yihiin wadamada deriska ah, in
kaloo badanina ay ku barakaceen wadanka gudihiisa, oo ay ku
hayso nabad gelya daro, gaajo, xanuuno iyo darxumo oo dhami
Waa kaa faraqa labada
dhacdo u dhexeeyaa, hadaba waxaa dhacday in dhacdadan dambe
ay kediso iyo lama filan waa ku noqotay ummada Soomaaliyeed
intooda badan qaybahooda kala duwan, dabcan aniga iyo qaar
kaloo badan se naguma ahayn kediso iyo lama filan waa toona
dhacdadan dambe, bal waxa weeye waxaanu filaynay horena uga
dignay, oo aan in badan kaga hadlay qoraaladaydii u
dambeeyay, waxa looga gol lahaa shirqoolkii Jabuuti ee lagu
soo dhoobdhoobay dowlad ku sheegan, in badan ayaan
aqristaasha ku baraarujiyay khatarta inagaga soo fool leh
dowlad ku sheegan iyo shirqoolka kuwa la magic baxay beesha
caalamku ay la damacsan yihiin dalkan iyo
Ummadatanba, wixii ka soo baxay shirqoolkaa oo
ahayd dowlad ku sheegan dusha laynagaga keenay, ee aynaan
dhismeheeda haba yaraatee waxba laynaga waydiin, ayaan
ummada tooj ugu ifiyay wax yaabaha isla markiiba afkooda ka
soo baxay oo cadaynaayay waxa loo soo igmaday iyaga, waxa ka
mid ahaa hadalkii ku jiray khudbadii ugu horaysay ee
shariifka, wuxuuna ahaa sidatan: “ waxaanu kula noolaanaynaa
wadamada deriska ah, deris wanaag iyo is qaderin, wax walba
oo khilaaf ah oo na dhex yaalana waan ka heshiinaynaa”,
maalintaa qoraalkayga waxan isku waydiiyay, dowladahan
khilaafka keli ah ee ina dhex yaalaa wuxuu ku saabsan yahay
dal iyo
Dad, khilaafyada caynkaas ahina ma aha kuwaa
sidaas fudud ee uu Shariifku hadalka u dhigay looga heshiin
karo, manaba filaayo in ay dowladahaasu u soo gogol
fadhiisanayaan khilaafka inaga dhexeeya ee, gaar ahaan
maanta oo cid waliba xaalkeena ogtahay, markaa Shariifka iyo
dowladiisu ma waxa ay ku talaabsan doonaan waxa aanay ku
talaabsan dowladihii ka horeeyay iyaga!!! Waayo hadalkiisu
waa hadal rasmi ah oo aad looga soo shaqayay ee maaha hadal
qof iska yidhi, sidaas darteed markaan maanta maqlay waxay
dowladiisu uga tanaasushay Kenya qayb aad u wayn oo badeenii
ka mid ah, iguma ay noqon kediso iyo lama filan waa toona,
Bal waa wax aan malaynaayay oo aan hore uga
sii digay, welibana waxaan leeyahay waxa qarsoon oo aynaan
ogayn baa badan, waayo kanuba wuxuu ahaa heshiis qarsoodi ah
oo aan laynoogu tala gelin in aynu wax ka ogaano, runtii
lamana ogaadeen hadii aanay daba gelin oo kashifin dhalinta
wadaniyiinta ah ee shabakada Somalitalka.com Allaah tacaalaa
ha ka abaal mariyee iyaga iyo dhamaan intii kala qayb gashay
baahinta iyo fidinta dhacdadan khiyaanada qaran ah, waa dhab
waxa qarsoon ee aynaan ogayn baa badan, kuwa isku magcaaba
beesha caalamka iyo maamulada ka taliya wadamada deriska ahi
markay dusha kaga keenayeen
Ummadatan Soomaaliyeed dowlad iyo baarlamaan ay
iyagu xubnahooda soo xusheen, ma ay ahayn sida mid walba oo
inaga mid ahi uu u og yahay, inay maslaxad iyo wanaag u
wadeen ama la doonaayeen ummada Soomaaliyeed, mana ahayn in
ay xubnahan ay dusha inagaga keeneen ay yihiin qaaraabo iyo
ahal, ee bal waa xubno ay ka dhex arkeen ayna isku afgarteen
in ay u fuliyaan danaha guracan ee dulmiga ah ee ay ka
leeyihiin wadankan Soomaaliyeed, wax walba oo u suura gelin
kara in ay xaqduudsiyaan shacabkana waa loo fududeeyay oo
loo samayay, sida kordhintii baarlamaanka ee loogu daray
275ka xubnood ee iyaga u gaarka ah ee u dhaarsan,
Si ay wax kasta oo ay ku kacaanba ay ugu
taageeraan codkooda, sida haday maanta dhacdo in la horkeeno
baarlamaanka heshiiskan khiyaanada qaran ah, sida ay hadaba
dalbadeen xubno aad uga xumaaday sida ay wax u dhaceen, way
iska cadahay in uu baarlamaanku meel marinaayo waayo dee
iyagii baa aqlabiyada ah oo waxaa isaga diyaarsan ugu yaraan
275 maanlaawe oo dhaarsan, inta ka dhimana way iibsanayaan
codadkooda oo ka dhex waayi maayaan baarlamaanka kuwa qoodh
iyo xera laawayaal ah oo lacag uuni u daran tahay, markaa
Soomaaliyay miyaanan ku sax sanayn markaan qoraaladaydii
hore ku lahaa waa in ay beel waliba kalsoonida kala noqotaa
xubnaha kaga jira
Baarlamaanka? Miyaanay se runtay ahayn markaan
isla qoraalkaa ku lahaa, hadaan maanta kalsoonida lagala
noqon, beri waxay dusha inagaga keenayaan musiibo aynaan ka
soo waaqsan doonin? Khiyaanadan qaran ee maanta ina
hortaalaa se miyaanay ahayn musiibo lagama soo waaqsadaan
ah? Weliba waxa qarsoon ama soo socda baa daran, waxaa hore
loo yidhi lax waliba shilalka ay is dhigto baa lagu qalaa,
wuxuu yidhi ninkii wasiir ku sheega ahaa ee khiyaanadan
qaran saxeexay, waxay noo sheegeen dowlada Kenya markaanu
heshiiska kala saxeexanay, inay heshiiskaas oo kalena ay la
soo saxeexanayaan dowlada Tansania!!! Wasiir ku sheegow ma
Joogaan Tansania kuwa adoo kale ah, oo
dhaafsanaaya ciidooda iyo badahooda habeen la seexdo hotel
raaxo leh, oo ku yaala Nairobi iyo xoogaa mushahar ah oo ay
beesha caalamku uga soo qaadhaanto aduun waynaha, oo magac
wasiirnimo lagu siiyo, oo sicirkaa raqiiska ah ku khiyaanaya
qarankiisa!!! Tansania dowlad baa ka jirta aan ogolaanayn in
shibir ka mid ah dhulkeeda iyo badaheeda la soo damaaciyo oo
la soo hawaysto, laakiin aan idhaahdo runtii waynu mudanahay
in sidaas lay noola dhaqmo, waayo intaynu dawladeenii iyo
qaranimadeenii duminay, oo aynu cadaw oo dhan isu kadnay, oo
aynu wadankeenii burburinay, shacabkeenii iska horkeenay oo
Cadaw isaga dhignay, oo
aan colaad iyo darxumo oo dhan dhaxalsiinay, cadawgeeniina
aan kala hororsanay oo qoloba mar u dustay, si uu ugaga
hiiliyo qolada kale ee ay iska soo horjeedaan, oo aynu
dhisan kari waynay dowlad mudo labaatan sanadood ah,
cadawguna qoladeenba meel ku xidhay kana dhaadhiciyay mid
walba inay yihiin kuwa ay taageerayaan, si shirqoolkooda
wayn ee ay ka leeyihiin wadankeenu ugu hirgalo, oo ay u
gurtaan khayraadkeena, oo aynaan mar dambe cagaheena isku
taagin, oo isu ceshan dowladnimadeenii iyo qaranimadeenii,
ugu dambaynta ay wax walba si fudud inoogala wareegaan, ugu
dambayna waxa is tustay in haatan la gaadhay
Waqtigii dhulkaba ay inagala wareegi lahaayeen,
iyaga oo ku andacoonaaya in aynaan basharba ahayn, ee aynu
nahay wuxuush aan mudnayn in ay lahaadaan dal iyo dowlad
toona, si ay taas u meel mariyaan ayay waxay inoo soo
dhoodhoobeen waxay dowlad ku magcaabeen, oo ay doonayaan in
ay danahooda guracan ee dulmiga ah iyo shirqooladooda ay
inala maagan yihiin ku fushadaan, iyadoo laynoo diiday in
aynu ku yeelano soo dhisideeda wax talo ah haba yaraatee,
ayaa hadana in badan oo inka mid ahi sidaas ku aqbaleen oo
ku soo dhowayeen, xoogagii kacdoonka ee halganka soo galayna
dhabarka loo soo jeediyay, oo la yidhi kuwa dhibtaba wadaa
waa iyaga.
Miyaynaan markaas mudnayn in ay ina dhaxal
wareejiyaan, oo aynaan kasban taas?!!! Hase yeeshee arimuhu
sidaas uma wada ah mugdi, runtii waxaa ii muuqatay xoogaa
ifafaale rajo ah, oo muujinaya in ay weli jiraan dad badan
oo wadaniyiin ah oo damiirkoodu nool yahay, oo ka damqanaaya
hagar daamooyinka iyo dhaca lagu hayo wadankooda, oo aan
marna ka dul qaadan doonin, kuwaas oo ay aad u gilgishay
khiyaanadan qaran ee ay maanta ku kacday dowlad ku sheega
lagu soo dhoodhoobay Jabuuti, waxaa tusaale u ah taas maanta
halkay iska taageen iyo doorka ay ka qaateen warbaahinta
Soomaaliyeed intooda badani, iyo siday ugu baraarujiyeen
Bulshawaynta Soomaaliyeed dhacadan khiyaanada
ah, iyo siday u muujiyeen dareenkooda ku aadan khiyaanadan
qaran, iyo sida firfircoonida leh ee ay ugu baraarujiyeen
arintan ummada oo dhan, iyagoo gees iska dhigay markaan
qabyaaladii qudhunka ahayd ee ummadan lagu ibtilayay, meelna
uga soo wada jeesteen siday u badbaadin lahaayeen ciidood
iyo badahooda, waxay muujiyeen runtii hormoodnimo ku dayasho
iyo bogaadin mudan, waxaa iyaguna si xooga dareenkooda ku
aadan khiyaanadan u muujiyay aqoon yahano badan meel kastaba
ha ku sugnaadeen ee, iyo dhamaan bulsha waynta qaybeheeda
kala duwan, Allaah tacaalaa waxaan ka rajaynaynaa
In tanu noo noqato faataxo khayr leh oo soo
celisa midnimadii iyo walaaltinimadii lagu kala tegay iyo
kal gacalkii iyo wanaagii ummada dhexdeeda ahaa, taas uun
baana keeni karta in aynu ka hortagno oo ka badbaadino
dhulkeena iyo badaheena dhagarta cadawgu inoo soo maleegay.
Waxaana leeyahay intii ka gilgilatay khiyaanadan qaran ee
laynagula kacay khayr Allaah tacaalaa haydin ka siiyo oo
haydin xafido, waxaana laynooga baahan yahay in aan
hawsheenu intaas oo keli ah ku ekaan ee bal aan samayno
debed baxyo is daba jooga ah, oo aan arintan kaga soo
horjeedno debeda iyo gudahaba ilaa aynu ka fashilinayno
dhacdadan khiyaanada ah, taas oo aynu ugu muujinayno aduun
Waynaha dareenkeena ku
aadan khiyaanadan qaran ee laynagu sameeyay, qof walbaa waa
in uu halkiisa ka ordaa inta tamartiisu tahay ku aadan wax
ka qabashada arintan foosha xun, waxaan ugu baaqaynaa
maamulka Puntland iyo dhamaan gobolada iyo degmooyinka kale
ee ay ka hawl galaan budhcad badeedu waa in ay si deg deg ah
xil isaga saaraan la dagaalanka iyo dabar gownta budhcad
badeeda, iyadoo aanay cidna wax kaga sugin oo ku cadaadin,
waa in aydin ka badbaadisaan dhalin yarada ay hawl
gelinayaan budhcad badeedu ee maalin walba waxna lagu
laynaayo waxana laga buuxinaayo jeelasha dawladah shisheeye,
waa inaad abaartaan oo la
Dagaalan taan kuwa ka dambeeya ee dhalin yarada
hawl gelinaaya, oo iyaga faa’iidad qaadanaaya, budhcad
badeedu waa shirqool debeda laga soo abaabulay oo uu
cadawgeenu ka dambeeyo, loogana gol leeyahay sidii badaheena
lagula wareegi lahaa.
Ugu dambayntii waxaan leeyahay anigoo codkayga
ku daraaya codkii walaalihii iiga horeeyay wax ka qorista
mawduucan, waxaan leeyahay: waa waray, waa waray, waa waray,
war hayaay, war hayaay, war hayaay ka kacaay, yaa Muslimiin
ahay, yaa Soomaali ahay, war intii yarayd ee inoo hadhayna
dhulkii iyo badiiba la qaadayay, war ka kacaay.
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud
Almutawaadic@yahoo.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |