Farooloow Gaalkacyo Xaalkeeda
Ma dhawa inta Cadaalada Laga Fogyahay.
(Gaalkacyo,
August 20, 2009 Ceegaag Online)
Dhacdooyinkii
ugu waawaynaa ee ka dhaca Gudaha magalada galkacyo ayaa
waxa la dilay Masuuliyiin Miisaan Culus ku leh Puntland
Horaantii Bishan Augst ayaa si Badheedh ah Loo dilay
Wasiirkii Warfaafinta ee Puntland Alla u naxariistiee
Warsame Aadan Shirwac
Seefta Banaanka
oo ay dileen besha
CUMAR
MAXAMUUD.
Waxa la
dilay Taliyihii Guud ee Booliska Puntland Col. Juquraarfi
si uusan sirta u bixinin,
Waxaa sidoo
kale si naxdinle Gudaha Jasaajidka wayn ee Gaalkacayo loogu
Toogtay 7-ka mid ah Culmada Tabliiqa ah waxana dilkaasi
Fuliyay Rag hubaysan oo ka titsan ciidanka PISTA.oo ah
ciidamada sirta maamul goboleedka puntland
ilaa hada cid loo qabtay ma jiraan dhacdooyinkaas sababtoo
ah waxaa fulisay beesha uu ka soo jeedo madaxweynaha
cabdiraxman faroole ee Maxamuud Saleebaan.
hadaan u soo noqdo mowduuca aan la rabo inaan ka hadalo waa
Sidaan lawada soconay waxay Beelaha Puntland in ka badan 11
sanadood la ildaraayeen dhibaatooyin ay kaga cabayaaan
Maamulkii hore ee jiray sida cadaalad darro xaga awood
qaybsiga ah, waxqabad la’aan, isqabqabsi ka jiray Maamulka
Sare, hadaba Bulshada Reer Puntland waxay si aad ah u
sugayeen isbedal dhinaca Maamulka ah oo dhibaatoyinkaas ay
tabanayaan wax ka badela.
waxaase
layaab noqotay Markii uu Xukunka Sare uu ku guulaystay
ninkii ugu jeclaa uguna olole badnaa dadka isbedel-doonka ah
sidii loo filayey inuu isbedel deg-deg ah sameeyo uu
meeshiisii ka sii waday Cadaalad daradii ay Sameeyeen
Maamulkii hore ee umadu ka qaylinaysay, iyadoo ay ka jirto
dhammaan Beelaha Puntland degan ayaa waxaa tusaale kuugu
filan Beelaha
Majeerteen
ka ah ee Mudug degan Cadaalad darada ka jirta oo aad shaxdan
hoos ku qoran ku arki kartid sida loo kala badsaday
Jagooyinka heer Gole-Wasiir, heer Gobol iyo heer degmo iyo
Taliye Ciidanba. Beelaha Majeerteen ee Mudug degan waxay wax
kasta oo soo dhexmara ku qayb sadaan 4 qaybood oo kala ah:
-
Cumar Maxamud
-
Reer Bicid-yahan
-
Reer Maxamud
-
Baho Majeerteen (
Idigfacle,
Wabeeneeye, Amarti-waaq, Wadal-mogge, Nuux
jibraahiil Daanwayne, Gumasoor, Amaanle
Dhamaan umada
somaliyeed meel walba ay joogo waxba kalama socdaan
cadaalada darada ka jirta Puntland gaar ahaan magalada
galkacyo aqiristoow hadaad fiiriso shaxda maamulka gobolka
mudug waxaa kuu soo baxaya waxaadan filaneynin oo ah in cid
keliya isku koobtay dhamaan maamulkii ka jiray magalada
galkacyo.hadaba sidee bey galkacyo amaan buuxa ku heleysaa
hadii sidani wax yihiin ?
waxaa taas ka
sii daran dhibaatada beesha xukunka isku gaar yeeshay ka
wado magalada galkacyo dhac bareer ah, dil, xasuuq
barakicin.
1-C/nuur
Maxamed Geeseey
Guddoomiyaha Gobolka Mudug
Cumar Maxamuud
2-Maxamed
Muuse Xuseen
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta G/Mudug
Cumar Maxamuud
3-Muxuyadiin
Xuseen Calas
Iskuduwaha Shaqada iyo Shaqaalaha G/Mudug
Cumar Maxamuud
4-Jaamac
Maxamed Cali
Maamulka Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud
5-Cabdirisaq
Caynab maxamed
Iskuduwaha Wasaaradda Ganacsiga G/Mudug
Cumar Maxamuud
6-Bashiir
Cabdullhi Adbaley
Iskuduwaha Wasaaradda H/Guud iyo Gaadiidka
Cumar Maxamuud
7-C/shakuur
C/llahi CaliCigaal
Xisaabiyaha Bankiga Laanta Galkacyo
Cumar Maxamuud
8-Baddel
Sugaal Xaabsay
Madaxa Xafiiska Tirakoobka Dadwaynaha D/G
Cumar Maxamuud
9-Khar
Dhuubane Axmed
Ciidanka Ilaada Deegaanka Dagmada
Cumar Maxamuud
10-Cabdusalaad Warsame
Madaxa Canshuurada Dadban ee W/Maaliyada
Cumar Maxamuud
11-Maxamed C/lahi
Faarax
Madaxa Waaxda Dhulbixinta D/HooseGalkacyo
Cumar Maxamuud
12-.Sicid
Cali Yusuf(Gadayare)
Xisaabiyaha Guud ee Gobalka Mudug
Cumar Maxamuud
13-Axmed Cali
Salaad
Duqa Magaalada Galkacyo
Cumar Maxamuud
14-Siciid C/rixmaan
Yuusuf
Maareeyaha Garoonka Diraadaha Galkacyo
Cumar Maxamuud
15-Yaasiin
Axmed Cilmi
Taliyaha Ciidanka P.I.S Gobalka Madug
Cumar Maxamuud
16-Warsame
Yuusuf Axmed
Taliyaha Ciidanka C.I.D Gobalka Madug
Cumar Maxamuud
17-Sacdi
Faarax Xasan
Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Godaad G/yo
Cumar Maxamuud
18-Maxamuud
C/qaadir Xasan
Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Galkacyo
Cumar Maxamuud
19-Cabdisalaan sanyare
Taliyaha Ciidanka |Garoonka Diyaarada G/yo
Cumar Maxamuud
20-C/rixmaan
Cali Warsame
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud
21-Maxamed
Cabdi Faarax
Guddoomiyaha Waxbarashada Deg.Galkacyo
Cumar Maxamuud
22-Cabdirisaaq Cumar Gaab
Khasnajiga Dowlada Hoose Deg. Galkacyo
Cumar Maxamuud
23-Siciid C/qaadir
Yuusuf
Madaxa maamulka Lacagta C.Darawishta G/M
Cumar Maxamuud
24-Xasan
Maxamed Jaamac
Agaasimaha Radio Galkacyo
Cumar Maxamuud
25-Maxamuud
C/nuur Aadan
Agaasimaha hay’adda HADM Gobalka Mugud
Cumar Maxamuud
26-Cabdi
Jaamac Nugaal
Madaxa Baarista danbiyada Saldhiga DhexeD/G
Cumar Maxamuud
27-Aadan Nuur
Qaal
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Gobalka Mudug
Cumar Maxamuud
28-C/llahi
Nuur Shabeel
Iskuduwada Dowladaha Hoose Deg. Galkacyo
Cumar Maxamuud
29-Bashiir
Cilmi Xasan
Xisaabiyaha Dowladda Hoose Deg Galkacyo
Cumar Maxamuud
30-Bile Xaaji
Cali Ciise
Maamulaha Ispitaalka Guud ee Galkacyo
Cumar Maxamuud
31-Bashiir
Maxamed Mire
Guddoomiyaha Ku Xigeenka 2aad ee G/Mugud
Cumar Maxamuud
32.Shikh
C/salaam Mac.Ax’ed
Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad
Cumar Maxamuud
33-Cabdulaahi
Cali Bare
Maamulaha Bankiga Laanta Galkacyo
Cumar Maxamuud .
Waa hubaa nin
kasta oo arka shaxda kor ku qorani inuu la yaabayo Cadaalad
darada ka muuqata awood qaybsiga Beelaha walalaha ah oo wada
degan gobolka Mudug waxaa intaas dheer in aan loo wada
sinayn dhinaca khayraadka wadanku leeyahay sida kaluumaysiga.
Waxaa intaas garabsocda in marka loo baahdo daafica guud ee
Deegaanka Puntland iyo gaar ahaan difaaca gobolka Mudug ay
beeluhu si siman uga soo qayb galaan difaacaas.
Waxaa xusid mudan in Beelaha aan ahayn Majeerteen ee degan
gobolka Mudug iyaguna ay tabanayaan Cadaalad daro ay ku
samaysay Beesha majeerteen.
Hadaba Beelahaas iyo kuwa kale oo degan deegaamada gobolka
hoos yimaada Maamulka Puntland ee tabanaya Cadaalad daro ku
raagtay waqti intee le'eg bay u dulqaadan karaan Cadaalad
daradaas ?
Waxaa xusuus mudan in dagaalada dheeraday iyo Colaada la
dabin waayey ee Soomaliya baabi iyey ay salka ku hayso
Cadaalad daro ay isku Sameeyeen Beelaha Soomaliyeed walina
loo tirinayo Beelaha hadda gacanta ku haysta xukunka
Puntland inay aabe u ahayd Cadaalad daradaas Soomaliya
dhaxal siisay Dawlad la'aanta nidaam darada iyo silica.
Dulmigaas iyo Cadaalad daradaas mid lamid ah oo haatan
hareeysay Puntland ayaa wuxuu keeni karaa Colaad ay ku kala
fogaadaan beelaha Puntland wuxuuna sababi karaa dagaalo,
nidaam la'aan ismaqal la'aan iyo Beel waliba inay heshiis la
gasho Beelaha Soomaliyeed si ay u hesho xuquuqdeeda Beelnimo,
mar haddii ay ka dhex weyday Maamulka ay ka tirsanayd taa
soo dhaawici karta midnimada Beelaha Puntland.
Waxaan la
daawan Karin sida loo qaybiyey Jagooyinka Dawladda Heer
Gobol illaa Heer Degmo iyo Heer Puntland.
Waxaa kale oo Beelaha Puntland wada wadaagaan in laga qaado
Canshuur aad u tiro badan wax loogu qabtana aysan jirin
loona adeegsado sidii iyaga loogu kala qaybin lahaa looguna
samayn lahaa Cadaawad la dhexdhigo iyaga iyo Beelaha
walaalohod ah iyo kuwa dariska ahba, hantidaas aadka u badan
oo aan shacabka waxba looga qaban oo ay siday doonaan ka
yeelaan madaxda isku Jifada ah ee gacanta ku haysa.
Waxaa garab
socda in markasta la xaraasho ama ay iska dhistaan hantidii
guud ee Qaranka Soomaliyeed sida dhulka danta guud ahaa oo
qaarna ay gataan qaarna dhistaan iyagoo ka gadaya kuwa ay
isku Beesha Hoose yihiin
GUNAANUD.
Faroole hadii uusan wax ka qaban cadalad darada ka jirta
gobolka mudug in aan la heli doonin amaan waafi ah bal waxaa
qiilqiil galeysa in uu sii haado madaxweynaha maamul
goboleedka puntland.
CABAAS
CALI
goldogob2006@hotmail.com
Xasuusin: Bayaankan Mas'uul
kama ahan Shabakada
Ceegaag
online ee kala xiriir Shaqsiga soo qoray.
webmaster@ceegaag.com |