Kow iyo labaatanka sano ma
qadar u qoran Soomaalida baa?!!!!
(Soomaaliya,
Dec
12, 2009 Ceegaag Online)
Mahad iyo amaan Allaah
ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad
gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii
iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku
hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Cambaarayn: waxaan qoraalkan
bilowgiisa uga faa’iidaysanayaa in aan ku cambaarayo
arxanlaawayaashii mujrimiinta ahaa, ee ka dambayay qaraxii
ismiidaaminta ahaa, ee ka dhacay Hotel Shaamow, ee lagu
gumaaday doorkii ummada ee birimagaydada ahaa, ee ahaa
wasiiradii aqoonyahaniinta ahaa, dhakhaatiirtii naftooda
hurayaasha ahaa, indheergaradkii, ubixii rajada iyo
waalidiintoodii, runtii waxay u ahayd maalin murugo leh
ummada Soomaaliyeed intooda leh
Damiirka nool ee caafimaadka qaba, ee
Allaah ka cabsiga iyo Islaamka toosani ku dambayay, dhab
ahaantii maanta waxa ina soo food saartay musiib tii ugu
waynayd, oo aan ina soo marin mudadii dheerayd ee aynu
burburkan ku soo jiray, in maanta cabsida iyo khatartu wada
saamaysay dhamaan bulshada qaybaheed kala duwan, ayna
cadaatay in aan cidina ka badbaadi doonin, hadii aynu sii
eegano qumbuladahan bini Aadamka ah ee aan cidna looga aaba
yeelayn,
Waxaynu dhamaan noqonaynaa oo u
qaybsamaynaa kuwa iyaga loo adeegsado qunbulad ahaan, iyadoo
lagu marin habaabinaayo janaada ayaad ku gelaysaan falkaa
foosha xun ee mujrimnimada ah, gaar ahaan dhalinta yaryar
iyadoo lagaga faa’iidaysanaayo xamaasadooda dhalinyaranimo,
caqligooda oo aan weli bisaylka gaadhin iyo diin jacaylka.
Iyo kuwa lagu gumaado qunbuladahaaa la soo cabayay ee bini
Aadamka ah, markaa waxaa aan shaki ku jirin hadayno sidaa ku
sii eegano, in ay ka daran yihiin kana wayn yihiin
waxyaabaha soo socda, jiritaankeenuna
Uu halis ku jiro, hadaynaan arintan
uga hortegin si isku duubni ah inta aynu khilaafkeena meel
iska dhigno. Waxaan tacsi ka gaadhsiinayaa falkaa foosha xun
ee bahalnimada ah, ummada Soomaaliyeed inta damiirka nool ee
caafimaadka qaba leh, si gaar ah ahalkii, qaraabadii,
asxaabtii iyo ardaydii birimagaydadii halkaa lagu xasuuqay,
Allaah sabir iyo iimaan ha inaga siiyo iyagana raxmad waasac
ah, inagu Allaah xagiisa ayaan ka ahaanay, xagiisa ayaana
laynoo celinayaa, Allaah isaga ayaa iska leh wuxuu bixiyo,
Allaah ayaana iska leh wuxuu qaado.
Waxaan kale oo tacsi taas la mid ah u
dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed iyo qowskii iyo ahalkii
iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Cali Xassan
Cali (Cali Barduuro) xubintii keli ahayd ee ka hadhsanayd
halyayadii aasaasay urur waynihii wadaniga ahaa ee SYL, oo
shalay ku geeriyooda dalka Kenya, dhamaan Allaah ha inaga
siiyo sabir iyo iimaan isagana raxmada waasac ha siiyo
aamiin.
Hadaan u soo laabto qoraalkan waxaad
moodaa in dhacdooyin badan oo wadankeena soo maray ay mid
waliba soconaysay oo ku soo afmeerantay mudo ah kow iyo
labaatan sano, waana faalada uu qoraalkanu xambaarsan yahay,
ka sokow taas waxaan kaga hadli doonaa oo aan tilmaamo
gaaban iyo qandhuufooyin yaryar ku dul mari doonaa arimo
dhowr ah, oo la xidhiidha dhacdooyin badan oo maanta
wadankeena ka taagan, waa arimo dhowr ah oo mid waliba u
baahnayd runtii qoraal gaar ah, aan se anigu ka door biday
in aan hal qoraal u wada adeegsado, markaa siday warbaahinta
soomaalidu tidhaahdo waa qoraal dhinacyo badan taabanaaya
waana sidan:
Dhacdada kowaad: waxay ahayd
siday taariikhyanadu sheegaan dagaalkii uu halyaygii waynaa
Iimaam Axmed Ibrahim (Axmed Guray) uu la galay Xabashida iyo
huwantoodii ahayd gaalada isbahaystay, wuxuu dagaalkaasu
soconaayay mudo ah kow iyo labaatan sanadood, in kasta oo ay
dowladii Islaamka ee uu markaa hogaankeeda hayay ay intaa ka
fac waynayd, laakiin waxaan ka hadlayaa waa intii uu
soconaayay dagaalkii uu la galay boqortooyadii Xabashida iyo
xulufadeedii reer
Galbeedka gaalada ah ahaa, xiligaas oo
uu dhiig badani harqiyay oo uu ku daatay dhulkeena, ayna ku
guulaystay dowladii Islaamku inay qabsato dhamaan dhulkii
Muslimiinta oo ka safaysay cadowgii Xabashida ahaa, hase
yeeshee ugu dambayntii lagu jebiyay ciidamadii dowladii
Islaamka ee uu hogaaminaayay Iimaam Axmed Ibraahim (Axmed
Guray), markii ay si toos ah ugu soo hiiliyeen Xabashida
dowladihii reer Yurub ee gaalada ahaa, gaar ahaana dowlada
Portaqiiska.
Dhacdada labaadna: ee taas
xigtay ee iyana ku soo afmeerantay mudo kow iyo labaatan
sanadood ah, waa tii daraawiishta, taas oo ay daraawiishtii
uu hogaaminaayay halyaygii Seyid Maxamed Cabdullaah Xasan,
ay la galeen dagaal hubaysan gumaystayaashii iyo
dabadhilifyadoodii Soomaalida iyo ummadaha kaleba lahayd,
waqtigaas oo uu dhiig badani qulqulay oo ku daatay dhulkeena,
oo ah kii gumaystaha iyo dabadhilifkoodii iyo kii
halgamayaashii u dagaalamaayay in
Ay ciidooda ka xorayaan gumaystaha ku
soo duulay iyo weliba kii dad badan oo shacab iyo maatoba
ahaa oo aan iyagu waxba galabsan, dagaalkanu wuxuu ahaa
aabihii dhalay dhamaan halgamadii gobanimadoonka ee goor
dambe ka bilaabmay guud ahaan qaarada Afrika iyo aduunka
saddexaadba, waa kii laga bartay in gumaystaha lala
dagaalami karo oo heeryadiisa layska tuuri karo, taas oo
markii dambe xaqiiqo noqotay, oo ay maanta neecawdii
xoriyada
kuwada naaloonayaan Afrika iyo aduunka
saddexaadba, in kasta oo aanay tanu ahayn wax cadayn u
baahan, ee bal tahay arin laga wada dheregsan yahay, hadana
waxba u dhimayso hadaan soo qaadano hadal uu yidhi mid ka
mid ah halgamayaashii Afrika iyo aduunka saddexaadba ugu
caansanaa waqtigii gobanimadoonka, waana madaxwaynihii ugu
horeeyay ee uu yeesho dalka Algeria (Aljazaa’ir) madaxwayne
Xabiib buu Tafliiqah, wuxuuna marar laga waraystay
halgankoodii
Ay gumaystaha la soo galeen yidhi:
“halganka iyo fikrado badan oo la xidhiidhayba waxaanu kaga
dayanay halgamayaashii Soomaaliyeed.”, waa run oo markii
dambe mudadaa aadka u dheer ka dib gumaystayaashii
daraawiishtii cududoodii ciidan way jebiyeen, waxana taas
suura geliyay markii ay ku soo weerareen diyaarado,
ciidamadii daraawiishta goobihii fariisimohooda ahaa ee ugu
adadkaa sida Midhishi, Jiidali, Ceerigaabo iyo xaruntoodii
Taleexba, waxaana sidaas isaga
Dhignayd qadarta Allaah ee aan marna la
dhaafi karin, ee gulfkan lagu jebiyay Daraawiishtu runtii
wuxuu ahaa isku daygii ugu dambayay, ee uu goostay
gumaystihii in uu noqdo kii ugu dambayay, ee uu ama ku jebin
lahaa Daraawiishta ama Soomaali xornimadeeda ku siin lahaa,
gulfkan uu soo qaadayna maahayn mid wax badan ka duwanaa
kuwii uu hore ugu soo qaadi jiray, ee ay mar walba ku jibin
jireen, marka laga reebo in gulfkanu uu dheeraa kuwii ka
horeeyay
Adeegsiga diyaaradaha dagaalka, taas oo
ahayd markii ugu horaysay ee uu gumaystuhu u adeegsado in uu
ku cabudhiyo oo ku jebiyo diyaarado gobanimadoonka ka soo
horjeeda, waxayna ahayd arin argagax ku noqotay xoogagii
Daraawiishta, waayo hore umay arag diyaarado cirka ka soo
duqaynaaya, tanu waxay keentay in ay Daraawiishtu ka baxaan
fadhiisimohoodii adadkaa, oo ay jahooyin badan u kala
filqamaan oo awoodoodii wiiqanto, sidaan hada soo sheegay
qadarta
Allaah uun baa sidaas u dhignayd, shaki
se kuma jiro hadii ay fahamsanaan lahaayeen xaaladii
diyaaradah ama xeeladaha lagu yarayn karaayo in ay khasaare
badan kuu gaystaan iyo in ay arintanu tahay isku daygii ugu
dambayay, arintu sidaas way ka duwanaan lahayd, waxana
dhaboobi lahaa balanqaadkii gumaystaha tiisii dambe, ee
ahayd in uu Soomaali xornimadooda siiyo, waayo diyaaradihii
lagu soo weeraray Daraawiishta oo ay tiradoodu ahayd 22
diyaaradood,
Waxaa ka badbaaday oo dib ugu laabtay
fadhiisinkoodii Cadaneed ee ay ka soo kaceen 2 diyaaradood
oo keli ah, intii kale waxay noqdeen waxaan gaadhin goobihii
ay Daraawiishtu fadhiday, wax lagu soo riday xabad
keliyaalihii ay daraawiishtu adeegsanaysay iyo wax soo
noqodkii jidka ku soo burburay, marka waxa halkaas ka cad in
aanu jireen guluf dambe oo ay gaaladu soo qaadaa, laakiin
qadarta Allaah tacaalaa baa sidaas u xukumnayd.
Waxaa xusid mudan in qaarkiin
odhanayaan sidee xabad keliyaale diyaarad loogu soo riday?!!!
Waxayna tahay diyaaradihii waqtigaasu ma ay ahayn kuwa joog
sare ku duula oo dheeraya sida kuwa maanta, ee joog hoose
ayay ku duuli jireen wayna gaabin jireen, taas baana
sababtay oo suura gelisay in lala helo xabadii ka dhacaysay
qorigii xabad keliyaalaha ahaa ee daraawiishta. Sheeko xiisa
leh oo ku saabsan qoriga xabad keliyaalaha ah baa waxay
tahay, in dagaalkii Khaliijka ee
Dambe, ee gaaladii huwanta ahayd ay
Ciraaq ku qabsadeen, ayaa maalmihii uu dagaalku bilaabmay,
ayaa diyaarad ciidanka Mareekanku leeyahay, oo ah kuwa
qumaatiga u kacaa ay soo dulmartay koox beeralay ah
koonfurta Ciraaq, nin ka mid ah kooxda beeralayda ayaa wuxuu
haystay qori xabadkeliyaale ah oo duug ah, oo sida uu
sheegay ninkaasu oo la odhan jiray Cali Khamaash, laga
dhaxlay awoowgiisii labaad, isna waqtigaa wuxuu ahaa nin
todobaatankii kor u
Dhaafay, markaa khamaash diyaaradii
cadowga xabad ayuu ku riday, wuuna la helay oo diyaaradii
way soo dhacday, waxayna halkaa ku qabsadeen duuliyihii iyo
gargaarihiisii, si farxad leh bayna ugu gacan geliyeen
ciidamadii Ciraaq abaal gudna way ku heleen, laakiin taasu
waxay keentay inuuba is mahadiyo odaygii Khamaash ahaa oo ka
badbadiyo!! Waa marka uu maqlay in diyaarad la yidhaahdo B52
oo wax gumaada ay magaalooyinkii Ciraaq garaacayso, oo
dunidii
Baabisay, markaas ayuu wuxuu wacad ku
maray in uu B52 u soo rido sidii uu walaasheedba u soo riday!!!!
Hase yeeshee taasu ma dhicin oo dagaalkii baa si kediso ah
oo aan la filayn u soo afjarmay!!. Aan qoraalka dib ugu
noqonee, Daraawiishtii gumaystuhu wuu jebiyay ciidan ahaan,
laakiin kuma guulaysan in uu u jebiyo fikir ahaan, oo waxaa
dabadood iska soo daba baxay dhaqdhaqaayo iyo shakhsiyaad
fikirkoodii xambaarsanaa sida Shiikh Bashiir, Faarax
Oomaar, Shiikh Xassan Barsame, Xaawa
Taako, Ururkii SYL iwm ilaa aynu ugu dambayntii ku hananay
gobanimo, bal fikirkoodii wuxuu saamayay Afrika iyo Aduunka
saddexaad oo dhan ilaa ay dhamaan ka wada xoroobeen
heeryadii gumaysiga reer galbeedka gaalada ah.
Dhacdada saddexaadna: ee iyana
qaadatay mudada ah 21 sanadood waa xukumkii dowladii
kacaankii 21october ee uu hogaaminaayay madaxwayne Maxamed
Siyaad Bare, kaas oo wadanka gaadhsiiyay horumar balaadhan
oo dhinac kasta ah, Soomaalina ka dhigay ummad iyo dowlad
casri ah oo meel fiican kaga jirta Khariidad aduunka, hase
yeeshee in kasta oo uu kacaankii 21october dalka iyo dadkaba
gaadhsiiyay horumar baaxad leh, hadana kama madhnayn guul
Darooyin baaxad leh oo la soo deristay,
ayna ugu waynayd guul daradii ka soo gaadhay isku daygii
xoraynta dhulka maqan ee Soomaali galbeed, taas oo loo
aanaynaayo inay horseeday burburkii kacaanka, dagaaladii
sokeeye iyo burburkii baaxada lahaa ee ka dambayay ee dalka
oo dhan ku habsaday, oo aynu ilaa maantadaa ku sugnahay.
Dhacdada afaraadna: waa tan
aynu manta ku jiro, ee iyana hada fooda la gashay 21kii
sanadood, oo aad moodo iyana inay ku ekaanayso 21ka sanadood,
ayna ka soo doogi doonaan, dee waa hadii ay wax inaga
reebaan xasuuqa AMISOM iyo kuwa ismiidaaminayaa ay wadaan ee!!!
Waa xiligan la magaca baxay “cad yohow ama ku cunay ama ku
ciidayay”! waa xili aanay Soomaaliyi waxba isu ogolayn, waa
xili ay Soomaaliyi is wada nacday oo ay isu soo wada urayso,
waa xili xumaantii u
Noqotay Soomaalida wanaag, wanaagiina
uu u noqday xumaan, waa xili uu baadilkii ula ekaaday xaqq,
xaqqiina ula ekaaday baadil, waa xili ay ka dhigteen
cadawgoodii saaxiib iyo walaal, walaalahood iyo sokeeyihiina
ka dhigteen cadaw iyo shisheeye, waa xili ay Soomaalidu ku
kala tagtay oo ku kala qaybsameen diintii suubanayd, koox
walibana u fasirtay Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyada
Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam sida ay hawadooda iyo
Rabitaankoodu doono, lana baal maray
jidkii toosnaa ee xaqqa iyo saxda ahaa, waa xili Soomaalidu
dhamaan mabda’yadii toosnaa ee ay aaminsanaayeen ay daaqada
ka tuureen, wixii xumaan ee la necbaa ee laga dhiidhiyi
jiray la soo dhowaystay oo lagu kacay layskuna amaanay ku
kicistiisa, waa xili daba dhilifkii iyo qabiilaystihii loo
arkay in ay wadaniyiin yihiin, laguna amaano oo lagu
taageero xumaan oo dhan, wadanigii lahaa damiirka nool,
aragtida fiyowna
Iyo qiirada wadaninimona loo arkay
khaayin qas wade ah ama waxmagarad, waa xili ay soo baxeen
dagaal oogayaal daalimiin ah oo damiir laawayaal ah, oo ay
ka dhigeen ummadii wax ay isku gumaadaan iyo wax ay iyagu
gumaadeen, waa xili dhaqaalihii wadanku ku dhacay gacanta
tijaar dhiig miirto ah, oo la bahoobay dagaal oogayaasha iyo
kooxo dana gaar ah leh, waa xili dhibaatadiisu wada
saamaysay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, oo ay noqdeen wax
la
Gumaaday, wax la barakiciyay oo ku
tabaalaysan xeryo aanay daryeel la taaban karo ku helin
wadanka gudihiisa, wax bada ku le’day, wax xeryo ku yaal
wadamad deriska ah ku darxumaysan, iyo wax ku kala filqamay
oo u haajiray aduunka dacaladiisa, waa xili dadnimadii iyo
akhlaaqdii wanaagsanayd oo dhami ay ka luntay Soomaalida,
waa xili dadkii bahaloobay oo hilmaamay abaal oo dhan,
qofkuna gownaayo gacanta is tidhaahda quudi, haa walaahi waa
xili uu qofku
Gownaayo gacanta u samafasha, tan waxay
I xusuusisay qoraal bishii November ee ina dhaaftay
dabayaaqadeedii ku soo baxay wargayska Jamhuuriya ee ka soo
baxa magaalada Hargaysa, kaas oo muujinaaya heerka
dulinimada ah ee maanta Soomaalida qaarkeed gaadheen, kaas
oo ay ka soo xigteen
xoghayaha arrimaha dibeda
ee xisbiga xagjirka ah ee KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar, oo uu cinwaankiisu ahaa “Maraykanka
oo u Ololaynaya Madaxbannaanida Koonfurta Suudaan iyo
Faa’iidada ugu Jirta Somaliland”
taas oo uu ku
sheegaayo ninkaas xagjirka ah, ee ay madax martay waxa ay
ugu yeedhaan gooni isu taagu, isaga oo ku hadlaaya afka
xisbigiisa xagjirka ah, in ay ku faraxsan yihiin oo soo
dhowaynayaan faa’iida waynina ay ugu jirto Somaliland, sida
uu sheegay Maraykanka oo u ololaynaaya siduu u kala qaybin
lahaa Sudaan ayna ka rajaynayaan isaga oo ku xodxodanaaya
Maraykanka, in uu iyagana xagooda soo eego oo dabacsanaan ka
muujiyo qadiyadooda!!!!!!
Hadaba in kasta oo masuuliyiinta
maamulkaas Somaliland mucaarid iyo muxaafid toona aan
afkoodaba wax wanaagsani ka soo bixin, oo aynu horeba ugu
haynay hadala kaa kasii qadhqadhaad, sida inay yidhaahdaan:
“ mar kasta oo ay sii kordho dhibaatada koonfurta Soomaaliya
ka taagani, inaga waxa inoogu jira faa’iido iyo ictiraafkii
oo inoo soo dhowaada” iyo “Ethiopianka ayaa iga xiga
Soomaalida” iwm, bal se hadaynu hada eegno ninkaa xagjirka
ah ee
aynu hadalkiisa hada hayno iyo inta la
xisbiga ah, ee ay madax martay arinta gooni isutaaga, ee
Shaydaanku ku ibtilayay, miyaanay hilmaamin dadnimadii,
damiirkii walaaltinimada Muslimiinta, qoomiyadii Carabeed
iyo Afrikaanimo, dersnimadii iyo xidhiidhkii soo jireenka
ahaa ee walaaltinimo ee inaga dhexayay Suudaan, dhab
ahaantii hadalkan waxaa ka yakh yakhasooday qof kasta oo
Soomaali ah, oo uu ku jira damiir nool oo caafimad qabaa,
Waxaana ah wax aad looga xumaado in uu
afkiisa ka soo baxo hadalkan oo kale oo uu yahay fikirka uu
xambaarsan yahay, nin ku andacoonaya in uu yahay aqoon yahan
iyo masuul Soomaaliyeed, walaalayaal miyaanu ahayn ninkanu
mid gownaaya gacantii keli ahayd ee isu soo taagtay in ay u
fidiso gargaar lagama maarmaan ah shacabka, ay isaga iyo
kuwa la midka ahi ay cidlada ku go’doomiyeen iyo guud
ahaanba shacabka Soomaaliyeed? Muxuu kaga duwan yahay
Kuwii shalay doorkii ummada ku gumaaday
Hotel Shaamow?!!!! Maaha oo keli ah in ninkan iyo inta la
fikirka ahi ay ku faraxsan oo la doonayaan dhibaato, musiibo
iyo burbur ay la tahay in ay iyagu ka faa’iidaysanayaan dal
muslim ah, oo ay inaga dhexayso caqiidada iyo walaaltinimada
Islaamku, wada dhalashada Carabeed iyo Afrikaanimada iyo
derisnimaduba iyo xidhiidh dheer oo walaaltinimo oo aynu
inagu mar walba ahayn kuwa ka faa’iidaysta ee, iyada oo ay
Suudaan ahayd
Halkii ay ka soo aasaasantay
waxbarashadeena iyo aqoonta aynu maanta ku naaloonayno gaar
ahaan gobolada wooqooyi, bal Suudaan maantana waa dalka keli
ah ee ilaa maalintii burburku inagu habsaday aynu gacanteena
ku kasbanay, isu keen garab taagay si daacadnimo iyo
walaaltinimo ahaan ah, oo aan marnaba ka daalin oo ka niyad
jabin gefefkeena aan caqliga ku salaysnayn iyo xal u helida
qadiyadeena aan la garan Karin, sida ay yeeleen kuwa kale oo
qayrkood ahi, iyaga oo
Weliba mar walba iska ilaalinaayay in
ay u kala hiiliyaan ama arimahood hoose ay galaan
walaalahooda shaydaanku isku ibtilayay, taas oo si wayn uga
duwan tay inagula dhaqanto Jabuutida aynu nidhaahno waxaanu
isku nahay Soomaali, waxay si gaar ah inooga taageeraan,
taariikh ahaana inooga taageeri jireen, taynu ugu baahida
badanahay ee lagama maarmaanka ah, taas oo ah in ay
ubadkeena aynu mustaqbalkoodii luminay ay wax inoo baraan,
ka sokow tobanaanka
Dugsi ee ay wadankeena goboladiisa kala
duwan ka fureen, waxay deeq waxbarasho oo aan xuduud lahayn
ka siiyaan Jaamacadahooda ubadkeena aynu inagu luminay
mustaqbalkooda, waxaa taas sii dheer in ay iyagu siiyaan
aqoonsiga shahaadadaha laga qaato dugsiyadeena ee aan meelna
laga aqoonsanayn, si ay ubadkeenu ugaga heli karaan
waxbarasho Jaamacadaha aduunka intiisa kale, marka
saaxiibkeenakanu wuxuu abaal gud uga dhigay wadanka sidaas
isu keen garab
Taagay, in uu u rajayo oo la doono dhib
iyo musiibo iyo in la kala qaybiyo, si uu ugu helo
faa’iidada dhalanteedka ah ee uu ku andacoonaayo in uu ku
helaayo, markaas miyaanu ahayn mid gownaaya gacantii loo soo
fidiyay ee quudinaysay?!!!!! Waxaan se xusuusinayaa ninkaas
caqligu ka lumay ee ay xaqqa iyo wanaaga ka indha tirtay
fikirkan shaydaan ee lagu ibtilayay ee ma dhalayska ah iyo
kuwa la midka ah iyo taageerayaashoodaba, in aanay
Soomaaliya marnaba arinteedu la mid ahayn tan
Suudaan oo aan lagu qiimayn Karin haba
yaraatee, Kosoofona aanay la mid ahayn amaba Taiwan siday
qaarkood dadkaas caqligu ka lumay Allaah ha inaga hayee ku
andacoodaan!!!! Ayna la gudboontahay intay ri’yada,
dhalanteedka iyo xumaanta shaydaanku u qurxiyay isaga
hadhaan, oo ay ummadooda ay isu baahan yihiin isa soo garab
taagaan, oo aynu dhamaanteena gacmaha is wada qabsano, oo ka
hor tagno shirqoolka cadawgu inoo maleegay ee ay doonayaan
in ay inagaga
Tirtiraanba khariidada aduunka. Halkan
waxaan ka leeyahay afeef, markaan ka hadlaayo dadka gooni
isutaaga lagu ibtilayay ee uu madaxa maray xanuunkan dilaaga
ahi, looma fasiran karo in aan hadalkayga qabiil gaar ah ku
duraayo oo aan ula jeedo, sida warbaahinta qaarkeed ku caan
baxeen oo ah runtii wax aad looga xumaado, waayo waxaan si
fiican u ogahay markaan ka hadalo qabiilooyinka reer woqooyi
oo aan ku faanaayo ka mid ahaanshahooda, sida aan ugu
faanaayo in aan ka mid ahay beel
Waynta Soomaaliyeed ee Islaamka ah, in
arintan gooni isutaaga ay ku magcaabeen lagu kala qaybsan
yahay qabiil walba gudihiisa iyo jifa kasta gudeheeda
dhamaan qabiilooyinka reer woqooyi, ayna qaybta yar ee lagu
ibtilayay fikirkan guracan ee ma dhalayska ahi afduub ku
haystaan ummada inteedii kale, mida kale ogsoonow in dadka
dagaalka ugu qadhaadh kala hor yimi fikirkan guracan ee
ibtilada ah, godkii ay ku rideena aan cidina ka soo saari
karayni, ay yihiin aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta reer
woqooyi qabiilooyinkooda kala duwan.
Taageero iyo hambalyo: mar
hadaynu wadaninimo iyo difaaca dalka iyo dadka ka hadlayno,
waxaan hadana qoraalkan uga faa’iidaysanayaa in aan taageero
iyo hambalyo u muujiyo wadani Soomaaliyeed, oo wadaninimo
dhab ah oo aan hore looga baran muujiyay dhowaanahan, waana
xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, oo aan ku hambalyanaayo
doorkii wanaagsanaa ee geesinimada ahaa ee uu ka qaatay
burintii heshiiskii khiyaamada qaran ee loogu
Hibeeyay badeenii dalka Kenya, waxaana
ku taageerayaa ololaha uu ugu jiro burinta heshiiska kale ee
ah isna khiyaanada qaran, ee uu Nuur Cade ugu ogolaaday
maraakiibta iyo ciidamada shisheeyaha ee shirqoolka wayni ka
dambeeyo, in ay u adeegsadaan badeena marmarsiinyaha ah la
dagaalanka budhcad badeeda, heshiiskaas oo uu isagu
xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax ka soo fagay meeshii lagu
daboolayay ee lagu qarinaayay. Maaha xildhibaan Maxamed
Qanyare
Afrax oo keli ah inta ka gilgilatay ee
ka dagaalantay heshiisyadaa khiyaanada ah magacyadoodana
halkan laguma soo koobi karo, dhamaan waan ku hambalyaynayaa,
ee xildhibaanka isaga waxaa keenay in aan halkan ku xuso, in
ay isaga hore ugu caan baxday falal xun xun oo xad gudub ku
ahaa shacabka Soomaaliyeed, uun ka mid ahaa dagaal
oogayaashii dadka iyo dalkaba dhibaatayay, in kasta oo aan
marnaba loo haysan intaan ka war qabo, arimo uu
Ku fara geliyay hantida ma guuraanka ah
ee ummada ka dhexaysa, qofkuna mar haduu xumaanta wanaag ka
dambaysiiyo waxa waajib ah in lagu amaano oo lagu sii dhiiri
geliyo wanaaga uu la yimid, markaa waxaan leeyahay
xildhibaan waxaad maanta yeelatay kayd wayn oo aad u culus,
marka haba soo afjarantee oo kaydkaagu cirkaba ha isku
shareeree, waa inaad taas ku dartaa inaad meel fagaare ah
ama warbaahinta aad ummada hore dhibaatada kaaga tirsanaysay
aad cafis
Kaga dalbataa, oo kolay arintanu waxay
aad kaaga taraysaa doorashada madaxtinimo ee soo socota, oo
aan filaayo in isu soo taagisteeda ay weli kuugu hadhsan
tahay mar iyo laboba.
Baaq iyo dardaaran: waxaan ugu
baaqayaa oo aan weli ku celcelinayaa DKM ah ee ay
hogaaminayaan Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Cumar Cabdi
Rashiid in ay ummada ugu baaqaan oo ku talaabsadaan dibu
heshiisiin dhab ah, iyada oo ay ummadu la wada socoto in
aydaan marna ku kicin dibu heshiisiin dhab ah iyo nabadayn,
intaad xukumka timaadeen, bal mid taas ka soo horjeeda
waxaad abuurteen dagaalo iyo colaado cagaar iyo qalaylba
cunay, oo ay
Ummadii ku hoobatay, waxaad isla
markiiba bilowdeen dagaalo, hanjebaado iyo inaad
taageerayaasha aad ka soo xodxodataan kuwa idinka soo
horjeeda, iyada oo aad taas ugu magac darteen dibu
heshiisiin!!!! Tan kale waxaad ku dagaal gasheen
maleeshiyaad iyo kooxo suufalool ah, oo iyagu laftoodu iska
soo wada horjeeda, oo aan ujeedo iyo hadaftoona wadaagin, oo
hadiiba ay guulaystaan, aan wax shaki ahi ku jirin inay
dhexdood ka qarxayso, dhacdaynaba dhowr goor
Iyada oo aydin weli is hor fadhidaan
kuwii idinka soo horjeeday, taasuna maaha mid lagu gaadhaayo
nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo wadanka oo dhan. In
badan ayaan anigu warbaahinta ka dhaleecayay DKM ah ee aad
hogaamisaan iyo shakhsi ahaantiinaba taas oo lagama maarmaan
ahayd si aad wax u saxdaan, hase yeeshee hadii la soo dhaafo
xukum jacaylkiina, waxaan si fiican ugu qanacsanahay in ay
labadooduba yihiin wadaniyiin wanaagsan, oo tusaale
Ahaan isma barbar dhigi karo heshiiskii
ay u saxeexeen Kenya iyo kii uu Nuur Cade sida badheedhka ah
ugu saxeexay dowladaha shisheeyaha ah ee reer galbeedka, si
uu taageero ugaga raadsado, waayo dhibta haysata Shiikh
Shariif iyo Cumar Sharmarke waa iyaga oo aan lahayn wax
khibrad siyaasadeed ah, ayna gacanta u galeen rag budhcad ah
oo gudaha iyo debedaba leh, kuwaas oo iyagu sida muuqata
maamulaaya arimaha wadanka, marka waxaan leeyahay baraaruga
Oo iska fogeeya budhcadaas, oo
bedelkooda soo dhowaysta aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta
daacada ah, ee wax ka qaban kara arimaha murugsan ee wadanka
ka taagan, oo dibu heshiisiin dhab ah wadanka ka bilaaba,
markaan dardaarankan idin leeyahay waxaan si fiican u ogahay
in ay qaar idinka soo horjeedaa diidayaan dibu heshiisiinta,
laakiin hadaad taas samaysaan waxaad ummada u muujinaysaan
inta fikirka guracan wadata, waadna ka guulaysan doontaan.
Waxaan qoraalkan ku soo afmeerayaa
dhacdadan aan hada ku jiro waxay madaxa la gashay kow iyo
labaatankii sano, Allaah tacaalaa uun baana og waxa maqan oo
iman doona, laakiin ifafaalaha inaga inoo muuqdaa waa in ay
ku ekaanayso intaa, waxaana Allaah tacaalaa waydiisanaynaa
in aan uga gudbno wanaag iyo badhaadhe daa’im ah, oo aan
lahayn kow iyo labaatan sano oo dambe, Allaah tacaalaa
dhamaanteen ha ina garansiiyo xaqqa iyo wanaaga.
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud Aadam
Almutawaadic@yahoo.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |