Waa kuma
halyeyga Soomaaliyeed?
(Soomaaliya, February
01, 2009 Ceegaag Online)
Shacabka
soomaaliyeed wuxuu raadinayaa ama baadigoobayaa halyey sabab
unoqda in nabad lahelo, xalna laga gaadho dagaalka
dheeraaday ee ku habsadey Bulshada ku dhaqan dalka
Soomaaliya.
Hadaba
inagoo raadinayna Halyeygaas waxaynu hoos ugu dhaadhacaynaa
taariikhda Aduunka iyo Diinta Islaamka oo ah waxyaabaha Binu
Aadamka u ah iftiin lagu ifiyo dariiqii dheeraa ee nolosha
Dunidu soo martay silooga digtoonaado in khaladku soo
noqnoqdo wakhtiyo aad isugu dhawdhaw.
Diinta Islaamka:
Diinteena Islaamku waxay had iyo jeer ka digtaa in khaladkii
umadihii hore ku dhaceen oo kale lasameeyo. Hadaba si aanay
taasi u dhicin wuxuu ilaahay Quraanka iyo Axaadiista
rasuulkaba SCW inoogu cadeeyey dhacdooyinkii waaweynaa ee
soomaray dadkii inaga horeeyey ama quruumihii iyo umadihii
hore. Khaladku wuxuu uqaybsami karaa dhowr qaybood waxaynuse
ka soo qaadanaynaa labada ugu waaweyn oo kala ah mid Caqiido
ahaaneed iyo mid camal ahaaneed.
Caqiido: hadaynu
soo koobno waa lixda iimaanka iyo wixii laxidhiidha.
Camal saalix ah:
waa shanta tiir ee islaamka iyo wixii la xidhiidha.
Isagoo
ilaahay SWT labadaba ka digaya in wax ka khaldamaan wuxuu
inoo tilmaamay Qoomu Nuux oo Caqiidadoodii iyo
dhaqankoodiiba markay khaldameen ugu danbayntii Daad iyo
Duufaan ilaahay ku rogey ama ku haligey. Sidookale Qoomu
Caad oo iyana ahaa rag garmaqaatayaal ah oo qaab
macangagnimo ah ugu adkaystay mabda oodii khaldanaa iyadoo
ilaahay inoo sheegay inuu reer caad hanuuniyey,laakiin
baadinimadii ayay doorteen iyagoo runta iyo xaqu meeshuu ku
jiro og. Nabigii loosoo diray oo ahaa Huud waxaa loolan adag
lagalay Ragii hogaaminayey Reercaad ugu danbayntiina
khasaare Aduun iyo mid Aakhiro ayay ku danbeeyeen. Waxaa
iyaguna khaldamay reer Samuud oo mabda ahaan iyo siyaasad
ahaanba uga soo horjeestey nibigoodii loosoo diray oo
magaciisu yahay Saalix. Waadna ogtihiin meeshay ku
danbeeyeen.
Waxaa
kamid ahaa dadka taladu ka khaldantay kuna adkaystay
khaladkoodii ugu danbayntiina Khasaare Aduun iyo mid
Aakhiraba ku dhacay qoomu luud oo khaladkoodii ku dhisnaa
kibirku gaadhsiiyey inay nebi luud CSW ku amraan inuu
sidooda oo kale noqdo feker ahaan iyo ficil ahaanba
hadiikale wadankooda uu ka guuro. Lama tirinkaro raga
khaladka u horseeday shacabkooda iyo dadkay talada u hayeen.
Boqoradii Masar oo lagu magacaabi jirey Faraaciin waxay
ahaayeen Rag khaldamay ugu danbayntiina Ninkii garmaqaataha
ahaa ee kusoo beegmay xiligii Muuse binu Cimraan CSW wuxuu
ku adkaystay khaladkii awoowayaashiis iyo miduu isagu ku
daray kadibna wuxuu sabab u noqday taariikhmadow. Quraanka
iyo taariikhda Islaamku waxay inoo sheegeen in Abu Jahal oo
islaamka ka hor loogu yeedhi jirey Abu Xakam iyo Ninka kale
ee Abu Lahab inay ahaayeen odayo khaldamay oo ku adkaystay
khaladkoodii, Nabigeenii suubanaa CSW waxay ku noqdeen
labadaas Nin caqabad ugu danbayntiina iyaga iyo wixii raacay
waxay ku danbeeyeen khasaare. Maaha Ninkasta oo wax
mucaaradaa inuu yahay nin saxan, waxaase muhiim ah in loo
eego shareecada islaamka hadii wax laysku khilaafo. Lama soo
koobi karo Raga khaldamay ee bulshaday ka dhasheen u
horseeday khasaare aan laga soo waaqsankarin. Gefku wuu
dhici karaa waxaase Ilaahay jideeyey toobad haduu yahay mid
diini ah, hadiise uu khaladku yahay mid farsamo waxaa
loobaahanyahay in lasaxo dhamaantiis ama layareeyo khaladka
hadii aan lakarikarin in gebi ahaanba laga takhaluso iyada
oo loo eegayo shareecada islaamka. Maxaayeelay fekerka
Insaanku wuu kala duwanaankaraa miisaankuse waa shareecada
Islaamka.
Taariikhda dhow ee Soomaaliya:
Hadaan
ka soo bilowno Jabhadihii Colaada u horseeday Soomaaliya
sida SSDF, SNM, SPM, USC iyo dadkii u ololaynayay waxay ku
bineeyeen ururadoodaas hab qabyaalad ah dadkoodii
Soomaaliyeedna waxay u horseedeen burbur ilaa hada laga soo
waaqsankari waayey. Sadexdan SSDF;SNM iyo SPM kumay
guulaysan inay ridaan ama gacanta ku dhigaan madaxtooyadii
soomaaliya waxaase USC usuuro gashay taas,laakii kamay
faa,iidaysan oo waxay ku mashquuleen shacabkii wallaalaha
ahaa inay iska horkeenaan. Jeneraal Caydiid oo hogaamiye u
ahaa waxaa ugu danbayntii lagu dilay dagaaladii sokeeye
dadkiisii soomaaliyeedna wuxuu dhaxalsiiyey burbur isna
wuxuu ka tegey taariikh madow iyo in dhiig sokeeye lagu
xasuusto.ugu danbayntii Dawladii uu madaxda ka ahaa C/laahi
Yuusuf khaladaadka ay gashay maaha wax aynu tirinkarno
waxaase ugu khatarsanaa inuu ilaawey inuu u baahanyahay
shacabka soomaaliyeed, wuxuuna lafdhabar ka dhigtay wadamada
shisheeye, meleteri ahaan iyo dhaqaalo ahaanba iyo
dhankastaba. ugu danbayntiina wuxuu ku danbeeyey fashilaad
iyo Taariikh madow.
Waxay
kacaakufto Soomaliya ugu danbayntii waxaa soo baxay
Maxaakimtii midowdey oo iyana cadowga dibadu ku soo qamaamay
iyagana ay ka muuqatey cabsi la,aan iyo inaad moodid inaan
Aduunkaba dadkale lajoogin. Waxaanse odhankarnaa waxay
ahaayeen dadka keliya ee rajada geliyey shacabka
soomaaliyeed iyo muslimiinta Aduunkaba guud ahaan. Wadamada
ku caanbaxay xasarada aduunka ayaa waxay u guntadeen
hawlahoodii ahaa inay iska horkeenaan siyaasiyiinta iyo
xoogaga dawladaha soo koraya iyaga oo kale wadamadaas
siyaasado xeeldheer oo aan sifudud loo fahmi karin. Ugu
danbayntii waxaa burburay hogaankii siyaasadeed ee midaysnaa
ee maxaakimta. Asmara oo Shiikh Xasan Daahir Hormuud u yahay
iyo Alshabaab oo ah hada garabyo badan oo isfahmey sida
xasan turki iyo ururo kale oo islaamiyiin ah ragaas oo
uguntadey Dagaal iyo Xabashi in laga saaro Dalka. Dhanka
kale Garabka jabuuti oo hada ku biiray dawlada soomaaliya
wuxuu u guntadey sidii wada hadal loogaga saari lahaa
xabashida dalka Soomaaliya. Hadaba Shacabka soomaaliya
intiisa badani waxay aaminsanyihiin in kabixitaanka
xabashida uu soo dedejiyey Dagaalkay ku jiraan AL-shabaab
iyo raga kale ee ay isku fekerka yihiin iyo wadahadalka
shiikh shiriif iyo ragay isku fekerka yihiin oo dhanka kale
dadaalkooda ka wadey. Hadaba waxaa qofku ama ururku wax
qabankaraa marka uu awooda leeyahay dhan meleteri iyo karti
siyaasadeedba. Waxaa hubaal ah oo aan laqarin karin in Al-shabaab
yihiin quwad meleteri iyo mid siyaasadeed gudaha soomaaliya
dhanka kale garabka jabuuti oo hada ka mid ah Dowlada iyo
garabyada kale ee sida Asmara iwm majiraan cid laga maarmaa
dhamaan waanu u baahanay hadaanu nahay shacabka Soomaaliyeed.
Hadaba
jawaabtii aynu raadineyney ee ahayd waakuma halyeyga
Soomaaliyeed ?
Jawaabtu
waxay noqonaysaa waa Ninka sabab u noqda in shareecada
Islaamka dalka lagu xukumo isfaham iyo nabadgelyana dhex
dhiga shacabka soomaaliyeed. Kana gudba qabyaaladan
khilaafka saldhiga u ah.
Hogaamiya halyey ah laguma noqdo in khilaaf iyo dagaal
lagalo ee waxaa bulshadu wanaag ku xasuustaan hogaamiyaha
dhibka xaliya, Amaan, dhaqaale, siyaasada guda iyo tan
dibadaba.
Waxaan rajeynayaa
inaan Dawlada Cusubi ku mashquulin raaligelinta wadamada
shisheeye oo ay ku kalsoonaato shacabkeeda, waxaa raaligelin
mudan Ilaahay kadibna shacabka Soomaaliyeed ee colaadu
ragaadisey, . Waana inay ka digtoonaataa Dawladan cusubi in
loo adeegsado ladagaalanka Al-shabaab iwm. Wax marmarsiiyo
ah uma helikaro qofna inuu dagaal iyo dirir cusub ka oogo
Soomaaliya ama uu dilo qof Soomaali ah.
Qoraa Soomaaliyeed
C/laahi cali Gaani( Denmark).
webmaster@ceegaag.com |