Waxa dadka
Soomaalida ah ee wax-akhriska iyo suugaanta xiiseeya lagu
wargelinayaa in maalinta Axadda ee 15th
February 2009 laga bilaabo 14:30:00 – 8:30 ay
Rugta caanka ah ee Kensington Town Hall ee
Badhtamaha caasimadda London marti
inoogu tahay Drs Faadumo Axmed Caalin (Cureejo)
oo booqasho inooga imanaysa waddanka Canada, soona bandhigi
doonta buuggeeda cusub ee Saa Waxay Tiri "And
Then She Said" oo ay ka qortay Taariikhdii iyo
Suugaantii hooyadeed Xaawo Jibriil. Waa buug qiime
leh oo laba af isku turmaya (Somali-English)
Waxa kale oo
xafladdaas lagu soo dhowaynayo Drs Cureejo iyo buuggeeda
lagu daah-furi doonaa
buugaag kale oo cusub oo laga qoray Soomaalida iyo
waayaheeda. Buugaagtaas cusub ee maalintaas la daah-furi
doono waxa foolaad u ah:
-
Hal Aan
Tebayey "The One I Yearned
For Most" oo laga qoray Baal-taariikheedkii iyo
Gabayadii abwaankii weynaa ee waddaniga ahaa Xaaji
Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc): Qalinkii
Maxamed Baashe X. Xasan
-
Barashada Afsoomaaliga:
Qalinkii Cabdiraxmaan Abtidoon
-
Sida
Soomaalida Geela U Dhaqdo.
Qalinkii: Maxamuud X. Ibraahim
-
Roge:
Sheeko mala-awaal ah oo casri ah. Qalinkii Cabdillaahi
Cawed Cige
Buugaagtaas
cusub ee la gardaadinayo, waxa soo raacaya buugaag kale oo
hore loo qoray oo kala duwan oo madasha la soo wadhi doono.
Xafladdan
Gardaadinta iyo Bandhigga Buugaagta raaci doona bandhig
suugaaneed ay ka soo qayb geli doonaan hal-abuuriyo
maansooleyaal kala duwan oo habeennadaas iyana suugaantooda
ina durduursiin doona waraab ahaan, galabtaasna
hibooyinkooda maanka iyo maskaxdaba ku carin doona godol
ahaan. Waxa ka mid ah Hal-abuurka galabtaas goobjoogga ah:
Cali Axmed
Raabbi (Seenyo)
Faysal Aw
Cabdi Cambalaash
Cabdillaahi Bootaan Kurweyne
Cabdiraxmaan Ibraahim (Abees)
CINWAANKA
Kensington Town Hall
Hornton Street
London, W8 7NX
Waa Hoolkii hore lagu qaban
jiray xafladaha 26th Juun iyo 1-da Luulyo
Nearest Tube: Kensington
High Street
Lines: Piccadilly,
District and Circle Lines
Buses: 328, 49, 28, 10,
9, 52, 70,
Xidhiidhka
Axmed Shell 0796 104 2631
Dahabo Dawlo 0207 370 4168
M. Baashe 078 522 39595