Maamulka
Puntland oo u hanjabay Madaxweyne Shariif hadii aan la siin
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
(Djabuuti, February
11, 2009 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Puntland Faroole iyo isimada beesha
Majeerteen ayaa khadka taleefoonka kula xidhiidhay
madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Shariif Axmed,iyadoo
wakhtigaas ay la fadhiyaan xubnaha baarlamaanka uga jira
beeshaas oo ay horkacayaan xildhibaan Xassan Abshir iyo
xildhibaan Ciro,waxaana dood kulul kadib ay siiyeen digniin
kama danbays ah madaxweynaha cusub,iyagoo uga digay hadii
aan xilkaas la siin aanay la shaqayn doonin dawlada Shariif.
Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareed ku dhow madaxweynaha
cusub ayaa madaxweynaha cusub ee Puntland oo khadka
taleefoonka ku jirey uu si cad u sheegay in maamulkiisu
aanay la shaqayn doonin hadaan beesha la siin jagadaas
shakhsi ka soo jeeda Puntland, khaas ahaan beesha Majeerteen.
Ilo wareedyadaas ayaa noo sheegay in madaxweynaha
Puntland uu si cad u carabaabay labada xubnood ee Cali
Khaliif Galaydh iyo Maslax Maxamed Siyaad oo ahaa labadii
xubnod ee beesha Daarood ugu taageeradaa badnaa wakhtigii
doorashadu socotay,isagoo Faroole sheegay inaanay labdadaas
nin aqbali doonin hadii mid ka mid ah magacaabo,isagoo
sheegay inay labadaasi danbiyo ka galeen Puntland oo aanay
la shaqayn doonin,waa sida uu hadalka u dhigaye.
Faroole ayaa sidoo kale ku hanjabay inayba Soomaaliya ka
go'ayaan oo dawlad madax banaan ku dhawaaqi doonaan hadaan
la fulin waxay tabanayaan,oo ah in la siiyo jagada ra'iisul
wasaaraha.
Madaxweyne Shariif ayaa waxa fuulay cadaadis aan xad
lahayn,taasoo ay ku adkaatay inuu ku dhawaaqo ra;iisul
wasaare,iasagoo weli wada wadatashiyo beelaha dhexdooda ah.
Dhanka kale waxaa cadaadis kaa la mid ah Shariif kaga
yimid dhinaca dawlada Itoobiya oo rabta in loo magacaabo
ninka lagu magacaabo Ciro oo ahaa gacanyarihii C/llaahi
Yuusuf,kaasoo sida la sheegay haysta taageerada dawlada
Itoobiya.
Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf,kii Puntland Cadde
Muuse,iyo ka hada haya talada Puntland ayaa ka soo jeeda
isku beel,meesha ay hadana doonayaan inay qabtaan jagada
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya,taasoo beelaha kale ee la dega
Puntland ay raali uga yihiin inay iyagu qabtaan jagooyinka
sare,sidaana raali ku yihiin.(Halkudhiga beelaha kale ee
Puntland: Ilaahow walaalkay wax sii,waxay helaan wax
ha iga siiyaane).
Dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa kulamo saacad saacad
ah la yeeshay afarta beelood ee Soomaaliyeed,iyadoo beesha
Daarood ay isku mar diideen inay la kulmaan Shariifka,oo
beesha Majeerteen si khaas ula kulmeen,meesha Daaroodka
intiisa kale isku mar la kulmeen Shariifka,iyagoo u gudbiyey
cida ay la rabaan Ra'iisul wasaaraha,iyadoo sida nala
sheegay gudbiyey Maslax iyo Galaydh,si uu u kala doorto.
Dhanka kale beelaha dirta ayaa iyaguna ku hanjabay
inaanay la shaqayn doonin Shariifka hadaan xilkaas iyaga
markan la siin.
Xigasho: Afnugaal
webmaster@ceegaag.com |