(Minneapolis,
USA, January
30, 2009 Ceegaag Online)
Buug-daalac
Koora dadab: cishqi & colaad
Qalinkii: Axmed maxamed cabdi-kulumbo “dareewal”
Anwar Maxamed Diiriye
Anwar@Usfamily.net
“Baydan………….war summaddiinnu badanaa, waa maxay summadahan
isma dhaxashada ahi?” bogga 126aad, tuduca 1aad.
Waxa
aan nasiib u helay in aan akhriyo kana bogto buug kal hore
soo baxay oo loogu magacdaray ‘Koora Dadab: Cishqi &
Colaad’. Buugga waxa qoray oo ku farayareystay Axmed
Maxamed Cabdi-Kulumbo oo loo yaqaan “Dareewal” kuna
sugan Hadaaftimo. Baallaha buuggu waa 260 bog oo mid waliba
uu gaarkiisa u buuxo. Waa buug marka aad akhriskiisa bilowdo
maankaaga si sahlan u hantinaya ilaa aad dhammeyso, haddii
aad tahay ruux adkeysi u leh akhriska. Dusha hore waxa ku
goglan aqal Soomaali, seddex geed-saraad & berrin dihin oo
cagaar badan barwaaqana ka hillaacyso. Dhanka dambe waa
ereyo ku saabsan qoraaga, taswiirtiisa & seddex faras oo is
baacsanaya.
Aniga & inta
ila da’da ah ee mar uun nasiib u heshay in ay ku barbaaraan
goob dhaqanka & sooyaalka Soomaalidu sees adag u yahay kuma
cusba cinwaanka buugga loo xushay ee ‘Koora Dadab’,
waxase laga yaabaa in aannu sheeko-baraaley uun u haysanney
oo sebigiyo dhallaanka uun in lagu sasabo ay noogu dhadhami
jirtey ama nalookuguba sheekeyn jirey. Qoraaga buuggani waxa
uu na barayaa mid taa ka duwan oo sheekadii oo dhab u eg
uuna weliba dhabeynayo jiritaankeeda ayuu si deeqsinnimo &
hal-abuurnimoba leh noogu soo bandhigayaa.
Sheekadu
waxa ay ka kooban tahay guud ahaan laba unug oo waaweyn oo
midina colaad, hanfi, kulayl, dhac, boob & xatooyo hillaaban
tahay, tan labaadna ay barwaaqo, kalgacal, nabad, baraare &
beerlul cishqi ku xiddeysan tahay.
Waa reer
Sanaag & reer Bari oo mid waliba Sarreeye barwaaqo, nabad &
caano uu u lukiyey. Waa bahdoo is dhex deggan oo aan wax
cabsi ah kala qabin; waa guud haldhaalley oo hadba gebigay
doonto arigeeda ula tillaabaysa inankay ka heshana si
gobonnimo leh cidahooda ugu soo tilaamaysa oo gabaati &
yarad la is weydaarsanayo xooluhuna ay xeryaha xididka ku
wareegaaleystaan oo summadahoodii la kala garan waayey. Waa
laba bulsho oo isku milantay oo abti & adeer miiran isku
wada ah. Halkaa ayuu Axmed sheekada qaybteeda hore nooga
bilaabayaa oo uu in cabbaar ah nagu mayracayaa.
Colaad lagu
gablamay ayaa goor dambe dhacaysa, fardo magac dheer ayaa la
kala qaadayaa oo dhanka Bari u iillanaya, gar baa la isku
dhiganayaa sidii dhaqanku ahaa, waase lagu hungoobayaa
halkaa ayuuna taxa sheekada ka soo gelayaa Koora Dadabkii
aynnu u niqiin “Dambas Jiif” oo weliba magac dhab ah
yeelanaya waxana uu noqonayaa Cabdalla Axmed Samatar
“Raad-wanle” oo basaas ah sidii aynnu waa horeba maqli
jirney.
Koore Dadab
colaaddii fardaha ee reer tolkii lagu dhacay uuna
darraaddeed isku dulleeyey mid ka daran oo hoog &
hantaawilif ah ayuu garwadeen ka noqonayaa, halkaa ayayna
beelihii beryo wada oolli jirey, garabkana isku noqon jirey,
xididka & xigtadaba ahaa ee aan la kala garan jirin
arrintood waxa ay ku dambeynaysaa is ugaarsi oo ay uur ahaan
& awr ahaanba ugu kala guurayaan Bari & Bogox.
Sheeko buug
lama wada dhammeeyo oo nuxurka lagama dillee waa dambe ayaa
waxa billaabmaya unugga labaad ee sheekada oo dhallin
colaadihii kala fogeeyeen ayaa kalgacal gaamurey & dab ku
shidnaa intii la sii kala jeedey isku deminaya oo
xididtinnimo cusub & nabad caano lehba reerahoodii waa isku
wacnaa goor dambase kala guurey awgood uu Eebbe faraj uga
furayaa. Dib baa la isku soo laabanayaa, waa la wada
xaajeysanayaa, waa lakala gar qaadanayaa oo imika dantii waa
laga boodi jirey ayaa la wada garwaaqsanayaa dabadeedna
nolol cusub oo barwaaqo & nabadba leh mar kale la waadagayaa.
Axmed “Dareewal”,
waxa uu sheekada ku aslayaa af macaan oo saafi ah, ereyo si
xeel dheeri ah loo xushay, maahmaaho, masalooyin, gabayo &
weliba suugaan jabaqeed tii hawleedna ayan ka marnayn.
Maahmaah waliba oo uu meel ku tiiriyaa taam bay ku tahay
halka ay ku jirto. Sheekooyin badan oo jabaq uun ahaa ayuu
isku tol-tolay oo sheeko qurux badan oo run u eg ka soo
saaray. Waayeel uu wareystay ayuu markhaati uga dhigayaa
sadaradiisa & sooyaal-ka-sheekeyntiisaba.
Intaa kolka
laga yimaado waxa uu qoraaga buuggani uu sawir buuxa ka
bixinayaa dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida intiisii
kharaarayd & intiisii macaanaydba. Waxa uu buuggiisa ku soo
bandhigayaa ereyo gaboobey oo waa hore malaha dadka badidi
ay ugu dambeysey, markaasuu weliba iyagoo mutuxan kaaga tegi
uu maayee mid walba sida ugu fudud kuugu macnaynayaa, Masha
Allah……..farshaxannimo iga dheh!
Xoolihii,
ugaartii, deegaankii, xaygii dhirta & dhirtiiba wax weyn
ayuu ka bidhaaminayaa buuggani. Habar dugaag & aynigeed
toosh weyn ayuu ku ifinayaa magacyo badanna wuu nooga soo
dheegey. Fardaha, magacyadooda, midabkooda & tayadoodaba wax
buu ka iftiinshey. Aqal Soomaaligii, sida loo dhiso, waxa uu
ka sameysan yahay & xilliyada nurkaba wax weyn ayuu naga
barayaa.
Tiraabta
baalasha buuggan ku qorani waxa ay qaarkood u egyihiin tix
aan qaafiyadeysnayn, meelaha qaarna waxad ka hollanaysaa
tiraabtii oo tixeysan qaafiyaddeediina u dhantahay. Halkaa
waxa kaaga sawirmaya goortiiba in uu qoraaga buuggani yahay
hal-abuur afka Soomaaliga & dhaqankiisaba sida la iskugu
tidco ku gaammurey oo uu Eebbe u sahley!
“Wax walboo
la ammaanaa ma wada ebyoona e’”,
buuggu guud ahaan waa sooyaal nololeed bulsho oo daryeel
mudan, waxase laga saluugi karaa sida loo hormeeyey ama
saddaradiisa loo jaan gooyey oo aan isku hufnayn hawl
badanna u baahnaa ka hor intii aan daabacadda la gelin.
Dhanka higgaada marmar ayaa lagu saxanayaa oo gaar ahaan
xarfaha labanlaabma ayaan saani loo hubin sida “Eebbe”
oo buugga ugu jira meel walba “Eebe”.
Marka uu
qoraagu ka hadlayo Aw Muuse Ismaaciil Samatar & gabaygii
Darbadaaley, in uu gabay tiriyey & dhawr sadar oo ka mid ah
uun buu nooga tegayaa isaga oo aan noo sheegin wixii dhacay
ee uu gabaygu sababay. Halkaa saluug baa ku jira oo in laga
sii sheekeeyo ayey mudnayd, in kasta oo laga yaabo in uusan
ka ilduufin ee uu oggaal uga tegey maadaama ay ahayd suugaan
colaadeed oo uu malaha boogteeda diidayey, wallow ay hadda
sheeko uun tahay.
Waxa kale oo
dhalliisheeda leh tiiyoo ay wacnayd in uu qoraagu dadka uu
wareystay soo bandhigo xilliyadii & goobihii uu la kala
kulmay & inta goor oo uu ruux walba wareystay. Way fiicnaan
lahayd iyana in tixaha ku jira buugga uu hoostooda ku qori
lahaa qofka u mariyey & qofka ka saxay kii mariyey, imikase
waxa ay u ekanaysaa in uu laftigiisu xilligii la mariyey
joogey oo uu kaydiyey sidaa darteedna aanu cidna marti uga
noqon xogtaa helliddeeda.
Isku soo
wada duub oo buuggani waa dhaxalgal, khaladaadka yaryar ee
aan sheegay ama ka ilduufayna waa kuwo si sahlan loo sixi
karo goortii ay noqoto in mar labaad la daabacayo ayse tahay
in loo dhug lahaado.
Mar waa
dambas jiif
Marna waa
Koora Dadab
Marna waa
kii lahaan jirey!
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |