shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dimuqraadiga iyo Gobolaysigu inaguma haboona ee Shuurada ma eegnaa? :waa Dhambaal ku socda Aqoonyahanka Soomaaliyeed

(Soomaaliya, January, 04  2009 Ceegaag Online) 

Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska leh Rabiga Caalamiinka Amaan iyo Nabadi ha u sugnaato kii aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo mid kasta oo wanaag ku raacay kuna hadaysmay Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

 

Intaas ka dib:

 

Waxaa dhowaanahan ay Beesha Caalamku Shir Aqoon is waydaaris ah ugu qabatay Qaar ka mid ah Aqoonyahanada Soomaalida Dalka Kenya, runtii si fiican ugama war qabo Shirkaa Qaabka looga qayb galay iyo cida ka qayb gashay toona iyo dhamaan wixii la xidheedha Shirkaa ee waxaan uun la kulmay sida Qayrkayba ula kulmay Dood loogu qabtay Qaar Dadkii ka qayb galay Shirkaa Idaacada BBC da Laanteeda Afka Soomaaliga, taas ayaana ku ogaaday in Shir noocaas ahi dhacay oo lagaga doodaayay Qaabka Xukumka ugu haboon ee lagu dhaqi karaayo Soomaaliya

 

 

Taasu waxay timid markii Caalamkii ka yaabay Wadankan oo mudo ku dhowaad 20 Sano ka dhamaan waayay Qas, Fowdo iyo Colaado, Dedaalo fara badan oo la is yidhi wax ha loogu qabtona oo Dowlad ha ku dhisteena socon waayeen, hadaba Shirarka noocaas ahi marmar way dhacaan inta badana waxa looga dan leeyahay waa in lagu lunsado xoogaa Lacag ah oo Soomaalida looga soo qaadhaamo Aduun waynaha mase aha kuwa laga doonaayo in ay ka soo baxaan wax Natiija ah oo la taaban karaa ama wax ku ool ahi, waana Shirarka had iyo jeer lagu qabto Kenya iyo Jabuuti

 

 

Aqoonyahanka Soomaaliduna isuma xil saaraan oo kuma dedaalaan in ay Xal u helaan Wadankooda Qaska iyo Jaahwareerka ku jira ku dhowaad 20 Sano, way jirtaa in ay Qaarkood ku kacaan dedaala aan badanayn oo ay tagaan meelaha hadba loogu qabanaayo Soomaalida Shirarka oo ka soo jeediyaan Ra’yigooda ay la tahay in lagu hagaajin karaayo Xukumka Wadanka, waxa se ah wax laga xumaado in aanay Aqoonyahaniintaasu marna keenin oo ku talin Nidaam lagu xukumo Wadanka oo ku salaysan Dhaqanka iyo Diinta Ummada amaba xataa mid keeni kara wax ay ku heshiiyaan Soomaalidu oo isu dheeli tiran maadaama Dhibta jirtaa ay tahay Xukumka oo laysku hayo iyo is aamin la’aan

 

 

Ma samayaan Shirar Waxku ool ah oo dhamaantood isugu yimaadaan oo ay isku dhegaystaan Ummada inteeda kalena ka soo qayb geliyaan oo ka dhegaystaan iyagana Fikirkooda, haday sidaas samayn lahaayeen oo ururin lahaayeen fikrado badan oo Tusaale ahaan Shirarkaa lagu qaban lahaa wadanka gudihiisa si qaybo badan oo Bulshada ahi uga soo qayb galaan, waxaa hubaal ah in ay ka soo bixi lahayd Natiijo wanaagsan oo lagu daawayo Jaahwareerkan Dalku ku jiro lana heli lahaa Nidaam Xukum oo isu dheeli tiran oo ay ku qancaan Dhinacyada iska soo horjeeda oo dhami

 

 

Si kastaba ha ahaa tee waxaan dhegaystay siday Dad badaniba u dhegaysteen Doodii ay BBC du u qabatay dhowr Aqoonyahan oo ka mid ahaa kuwii ka qayb galay Shirkaa Aqoon is waydaarsiga ahaa ee lagu qabtay Kenya. Doodii BBC da ka dhacday aniga waxay iigu muuqatay Fekredaha ay qabeen ka qayb Qaatayaashu inaan u qaybin karo Afar Qaybood:

 

 

 Qolada kowaad: waxaa ay qabeen in Wadanka lagu dhaqo Nidaamka Gobolaysiga ah, iyagoo taas Arimo badan u cuskanaayay oo ay ugu waynayd mar hadii Dadkii Soomaaliyeed isu laayay Qolo Qolo oo ay Qolo walbaa fadhiistay Goboladii ay Asal ahaan ka soo jeedeen, marka waxa laabud ah in ay Qolo walba halkeeda Maamul ka samaysato dhamaana aynu wada yeelano Dowlad dhexe oo inoo dhexaysa

 

 

Qolada labaad: waxay qabeen Ra’yi kaa ka soo horjeeda, waxayna qabeen in Ra’yigaas hore ee Qolada kowaad uu yahay mid khatari ay Wadanka ugu sugantahay oo loogu sii gogol xaadhaay sidii Wadanku Mustaqbalka u kala furfuran lahaa marka loo baahdo uuna yahay Ra’yi debeda laynooka keenay oo ay in soo jeediyeen Dad shisheeye ah oo ay sidaas dani ugu jirto, waxayna qabeen oo ku talinayeen Ra’yiga ah Xukumka aan fedaraaliga ahayn ee aynu awelba ku dhaqmi jiray, hase yeeshee iyada oo aynu Nidaamkii hore ka dhaxalnay burburka aynu Maanta ku suganahay baanay Qoladaasu keenin wax Xal ah oo waxku ool ah oo lagu daawaynaayo ama lagu saxaayo wixii khaldamay

 

 

Qolada saddexaad: waxay ahayd Qolo aad moodaysid in ay wax qarsanayaan, haba yaraatee kama ay dhiiban wax Ra’yi ah oo la taaban karo Dooda sida ay la tahay in ay ku haboon tahay in Wadanka lagu xukumo, waxayna yidhaahdeen oo ku adkaysteen in aan Waqtigan la gaadhin in aan Xukum ka hadalo ee ay tahay bal in marka hore Nabad la gaadho oo ay Dadku heshiiyaan, dabadeed baa laga hadli karaa habka Xukumka loo samaysanaayo, waxaa cad in aanay Qoladan Ra’yigoodu suuragal ahayn waana taan ku idhi waxaad moodaa in ay wax qarsanaayeen waayo dee Dadku waxay isku laayeen oo ku dirireen waa Xukumka, hadiina aan loo soo bandhigin Xukum lagu maamulo Dalka oo wada qanciya Dhinacyada iska soo horjeeda oo dhan Heshiis ma imanaayo, markaa waxay iigu muuqataa aniga in Xukumku yahay waxa ugu horeeya ee laga wada hadlo

 

 

Qolada afraad: waxay ahaayeen iyagu Qolo aan soo jeedin wax Ra’yi ah bal aad moodayso in ay Jaahwareersanaayeen oo meel ay kaga soo qabtaanba waayay, Hadalkooduna wuxuu ahaa dee maa bal wuxuun aynu qaadano, iyo wax kale oo Fekredahaa hore ka duwan ma helaynaa oo waxaad Hadalkooda ka milicsanaysay inkasta oo aanay si cad u soo bandhigin in ay doonayaan in wax laga bedelo bal Nidaamadan hada jira oo la helo Nidaam la jaanqaadi kara Diinta iyo Dhaqanka Soomaalida. Qoladan waxan u arkaa kuwa ka waaqicisan kuwii ka horeeyay oo dhan, Su’aashooda ahna wax kale ma helaynaa waxay furaysaa Albaaba badan oo keeni kara in ay helista Xalka uga dhowaadaan kuwaa ka horeeyay iyaga oo dhan

 

 

Qolada labaad laftigoodu in kasta oo aanay soo jeedin wax Xal ah oo looga bixi karo Jaahwareerkan hada taagan oo keenaaya in aynu dib boodhka uga jafjafno Qaranimadeenii iyo Dowladnimadeenii, hadana waxaan u arkaa amaba la qabaa in Fikirka Gobolaysigu uu yahay mid Shisheeye oo loogu googol xaadhaayo in Wadanku Waqtigii loo baahdo uu si yar u kala furfuran karo aanayna jirin haba yaartee wax kale oo faa’iido ah oo aynu ka dheefayno, waayo Gobolaysi wuxuu Xal u yahay oo ku haboon yahay Ummad leh Qoomiyado kala duwan oo aan wadaagin Jinsi, Af, Diin, Dhaqan iwm, inagu se waxaynu wada nahay Dad Walaalo ah oo isku Qows ah oo aan ku kala duwanayn Jinsi, Af, Diin, Dhaqan tiradeenuna aanayba ka badnayn 10Malyan, waxaynu nahay Dad is wada dhalay oo isku dhex Milmay, waana sida ay u sheegeen Qoladii Ra’yigan qabtay

 

 

Dadka ku andacoonaaya Gobolaysiga ee rabaa waa Dad ay caadifad Qabiil ka dhex guuxayso ama Madax martay amaba ay wuxuun saamayn ah ku leedahay ee aanay haba yaraatee xisaabin oo ka fekerin Cidhibta xun ee ka dhalan karta Mustaqbalka dheer ama dhowba Nidaamkaa iyo in aanay marna ku imaanayn Nabad iyo Xasilooni laguna gaadhayn Heshiis lagu kala raali yahay, Tusaale yar Anigu waxaan ka soo jeedaa Magaalada Ceerigaabo ee Caasimada Gobolka Sanaag, waxaa halkaa wada dega dhowr Qabiil ama Beelood, hadaba hadii laga dhigo Madaxa Gobolka Nin Beelahaa Beel ka mid ah ka soo jeeda waxa hubaal ah in ay Beelaha kale oo dhami ay ka soo horjeedsanayaan oo diidayaan.

 

 

 Tusaale kale Laascaanood ama Garoowe ama Garbahaaray oo ay mid walba Beel keli ahi degto hadii laga dhigo Madaxa Gobolka Nin Magaaladaas u dhashay oo Beel keli ahi degto dabcan Beeshaasu waxay u qaybsantaa Jifiyo, tana waa hubaal in Jifida uu ka soo jeedo Ninkaasu maaha ee kuwa kale oo dhami diidayaan, waana wax dhacay Tusaalahan iyo kii ka horeeyayba, markaa Xalku waa in la keenaa oo Madax looga dhigaa Gobolkaa Nin ka soo jeeda Gobolada kale waana siday ahaan jirtay dhibina kama dhici jirin inta badan, Dadka taas diidanina waa Dad uun ay Madax martay Caadifad Qabiil oo Indha la’ iyo Xasad iyo Cunsuriyad kuna eegayn Waaqica Aragti fiyow

 

 

In kasta oo laga yaabo in Magaalooyinka Qaar ay ku soo beegmeen Shakhsiyaad xumi oo iska ah Nasiib ayaa hadana waxaa jiray Magaalooyin oo ay ku soo beegmeen Shakhsiyaad Sharaf lahaa oo Wadaniyiin ahaa oo ilaa Maanta laga xusuusto Magaalooyinkii ay ka soo shaqayeen, waxaana ka xusuustaa Ragaa oo Tusaale inoogu filan Bile Rafle Guuleed Waqtigii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo sidii uu u hagaajiyay oo u dhisay Gobolkaa, waxa ku xigtay in loo bedelay Gobolka Togdheer iyana siduu u hagaajiyay iyo sidii looga jeclaa waa mid aad loo xusuustaa, ilaa ay dhacday in ay dalbadeen in loo soo bedelo Gobolka Woqooyi Galbeed iyo Gobolka Sanaagba, waxana laga aqbalay Dalabkii oo loo bedelay Bile Rafle Gobolka Woqooyi Galbeed, Gobolka Sanaagna waxa loogu balan qaaday in mar dambe loo soo bedeli doono, mase dhicin taasu oo waxaa ka soo soka maray in uu Bile Rafle u dalacay Wasiir

 

 

Markaa aniga oo saldhig ka dhiganaaya Ra’yiga Qolada labaad baan Xalka ka dhiman ka dhamaystirayaa Ra’yiga Qolada afraad ee ah Su’aashooda ah miyaanay jirin wax Nidaam ah oo kale oo aynu qaadan karnaa? Waxaana leeyahay: bal wuu jiraa mid aynu inagu leenahay oo aan ku kaabi karo kaa hore ee ay u soo jeediyeen Qolada labaad oo aan u arko in uu noqonaayo Xalka ay u baahan tahay Maanta Soomaaliya lagagana bixi karaayo Jaahwareerka taagan oo dhan, in kastoo runtii uu walaac badani igaga jiro in uu wax taraayo Dadkan Soomaaliyeed ee Aduunkii oo dhami Af garan la’yahay iyagiina is Af garan la’ sababtuna waxa ay tahay oo ah wax aad iyo aad looga xumaado Dadkii Soomaaliyeed sida ay u badan yihiin ma jirto wax xidhayaa oo ay xeerinayaan, ma xidhayso Diin iyo Allaah ka cabsi, ma xidhayso Dadnimo iyo Damiir midna mana xidhaayo Sharci iyo Qaanuun tooni, waxaana faan ah oo Qofka lagu amaanaa siduu u jebin og yahay Arimahaa aan soo sheegnay

 

 

Intaasna Ummad laga waayay oo aan xeerinayn waa ma dhacdo in ay Dhib ka baxaan oo hurumar gaadhaan, bal hada eeg Muuqaaladii aynu Internet ka iyo Tv yada ka daawanay ee ansixintii Baarlamaanka Golihii Wasiirada ee uu soo dhisay Ra’iisal wasaare Nuur Cade, Fadhigii Baarlamaanka ee lagu ansixinaayay Golahaa wasiirada wixii ka dhacaayay Baarlamaanka gudihiisa oo Aduunka oo dhan laga daawaday Ceebtii Soomaalida oo awelba iska badnayd bay debeda u soo saartay, taas oo cadaysay in aynaan ahayn Dad xeerinaaya Diin, Dadnimo iyo Qaanuun toona, waayo Dadkaa halkaa ka samaynaayay Qaska iyo Fowdada ee labada Gacmoodba taagaayay waa Dad ka tirsan Golihii Sharci Dejinta oo Xilal Sare ka soo qabtay Dowlada DFKM oo ku soo wada dhaartay in ay ilaaliyaan Qaanuunka oo Wadanka iyo Shacabkaba daacad u noqdaan iyo Tusaale ay ku daydaan, Xukuumada meesha lagu ansixinaayay iyo qaabka loo ansixinaayaba waxay ahayd Sharci daro cadaan ah,bal waxa taa raacday in Maleeshiyo Qaar Xubnaha Baarlamaanka ka mid ahi leeyihiin lagu soo daayay Golihii Baarlamaanka dhexdiisa oo ay hanjebaado iyo baqdin gelin ku samayeen Xubnihii Baarlamaanka ee Sharci darada ka horyimid!!!

 

 

Aan dulucda Qoraalka u soo noqdee waxaanay haba yaartee afartaa Kooxood midkoodna xusuusan in aynu nahay Dad Muslimiin ah, taasuna waa Mushkilad haysata Aqoonyahanka Soomaalida waana tan ay ku dhacdaa had iyo jeer in ay keeni kari waayaan wax Xal oo wax ku ool ah oo wax lagaga qabto Dhibtan iyo Jaahwareerkan wadakeena ragaadiyay mudada dheer, Islaamkuna wuxuu leeyahay Nidaam Xukumka ah oo Allaah tacaalaa u soo dejiyay Basharka oo ay liibaantooda iyo Maslaxadooduba ku jirto uuna tacaalaa inagu amray in aan qaadano oo ku dhaqano oo hadaynu yeelo uu inkaga raali noqonaayo, ma hilmaamsani oo ma moogani in Maanta lagala dagaalamaayo oo aan loo ogolayn in ay Muslimiintu qaataan oo ku dhaqmaan Nadaamka Xukumka ee Islaamka bal laga dhigay in tahay Dembi wayn in lagaa maqlo lagaana xoog iyo Awood badan yahay oo ay tahay in aanad iska Indha tirin Duruufaha kugu xeeran iyo Maslaxadaha lagaa leeyahay iyo tan aad adigu leedahayba

 

 

Hase yeeshee iyada oo ay sidaas tahay baan hadana waxaan leeyahay in aynu qaadano Nidaamka Xukumka Islaamku maaha mustaxeel hadaynu la nimaadno Caqli wanaagsan iyo Siyaasad furfuran oo ku salaysan Cadaalad kana faa’iidaysano Duruufaha hada taagan iyadoo Aduunkiiba ka yaaban yahay Xal u helis la’aanta Qadiyadeena Mudadaa dheer, ugu horayn waa in aynu fahamnaa oo Aragti fiyow ku eegnaa in aanu Gobolaysigu ahayn Nidaamka inagu haboon, Dimuqraadiguna aanu ahayn Nidaam aynu ku hagaajin karo Xukumkeena!!! Waa hubaal in Aqristuhu uu ka biyo diidaayo Hadalkaygan waayo waa Fikir si qota dheer laynooga dhaadhiciyay ilaa aynu u rumaysanay si duuduub ah inaga oo aan ka eegin dhinacyadiisa xun iyo Dhibta uu inoo horseedi karo toona, laakiin se waxaan leeyahay Haa kuma hagaagaayo Xukumkeenu Diimuqraadiga oo inaguma haboona sidaanay ugu haboonayn Wadama badan oo Aduunka saddexaad ah

 

 

Markuu dhamaaday Dagaalkii Qaboobaa ee Galbeedka iyo Bariga u dhexeeyay waxay Wadamada Reer Galbeedku u soo tafa xayteen in ay marka gaadhsiiyaan Aduunka oo dhan Nidaamkooda Xukumka ee lagu magcaabo Diimuqraadiga oo ay ku sandulayaan Dadyowga oo dhan, hase yeeshee Wadama badan oo Aduunka ah baa Arintaa ka qayliyay oo cadayay in uu Nidaamkanu uu u horseedi doono Wadamadooda Qas iyo Jaahwareer gaar ahaan Wadamad Afrika inuu u horseedi doono Masiibooyin iyo Colaado aan Cidhibtooda la mahadin, waxaa ka mid ahaa Madaxdii Afrika ee dhaleecaysay ee aadka uga soo horjeesatay Nidaamkaa Madaxwaynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi, hase yeeshee Wadamadii Reer Galbeedku ma dhegaysan cabashooyinkii Dadyowga kale ee waa ay ku sandulayeen Aduunka oo dhan Nadaamkaas

 

 

Madaxdii ka digaysayna waa la arkay waxay Maalintaas ka digaayeen, Tusaale waan la soconaa wixii Kenya ka dhacay Doorashooyinkii dhowaa, inaga inaguma cusba Nidaamkanu oo horaynu u soo marnay waana la wada xusuusan yahay lixdaneeyadii tii inaga soo martay wallow aanay waantoobin Dadka Soomaalidu kuna cibrad qaadan Dhacdooyinkii soo mara, ka sokow fasaadka Akhlaaqda Bulshada iyo Dhaqaalaha iyo Qaska iyo Jaahwareerka Siyaasadeed ee uu xambaarsan yahay Nidaamkaasu, waxa aanu hadana fursad u siinayn in ay ka soo ag dhowaadaan Xukumka iyo Shaqadaba Dad badan oo Dalka iyo Dadkaba wax u faa’iidayn lahaa, waayo waxaa ka soo hor maraaya oo ka Dad badanaaya mid aan Dalka iyo Dadka toona wax u soo kordhinayn bal Dhib iyo Hagardaamo uun ku soo biirinaaya oo laga yaabo in uu jaahil yahay sidii hore inoo soo martay hadanaba taagan

 

 

Hadaba si aynu Dhibaatadaa iyo Jaahwareerkaas oo dhan uga baxno oo u helo Nidaam Xukum oo inagu haboon waxay iigu muuqataa in aynu haysano fursad Maanta aynu ku salayn karo Nidaamka Xukumka ee Wadankeena mid la jaanqaadi kara Diinteena iyo Dhaqanka Bulshadeena waana Nidaamka Islaamka ee Shuurada ama aan idhaahdo Wadatashiga, dhinacna aan iska dhigno Nidaamada aan Qas, Fowdo, Jaahwareer, Colaad iwm uun maaha aynaan wax kale ka korodhsanayn waana Diimuqraadiga, Gobolaysiga iyo 4.5 ka Xaaraanta ah, ma jirto wax badan oo uu ka bedelaayo Nidaamkanu Nidaamka guud ee ay hada u dhisan tahay DFKM ee waxaynu u baahanaynaa xoogaa habayn ah iyo Nadiifin ah

 

 

Nidaamkaas Shuuradu ama Wadatashigu wuxuu ka aasaamaa oo ku salaysan yahay hal Gole oo la yidhaahdo Golaha Wadatashiga, kaasna waxaa ka farcami kara Golayaal kale intii loo baahdo sida Golaha Fulinta iwm, Maxkamadii Sare iyo Xeer ilaalintiina waa la samayn karaa, tirada goluhu waa intii laysla garto waxaana haboon in tiradiisu aad uga yaraato kan hada jira, hadaba waxa hubaal ah hada inaad iswaydiinaysaan Qaarkiin waa maxay hadaa waxa is bedelay ee uu Golahanu kaga duwan yahay kaa hore ee Baarlamaanka ee hadaba dhisan? Waxa uu kaga duwan yahay laba Arimood oo waawayn waana Cida ka mid noqonaysa Golahaa iyo Qaabka Doorashada. Tan hore ee Cida ka mid noqonaysa Golahaasu wuxuu ka koobnaanayaa oo ka mid noqonaaya Ummada kuwooda gaarka ah ee ay Talada Bulshadu ka go’do Xalkana keeni kara Dhibaatooyinkana furdaamin kara, waana Culimada, Salaadiinta, Aqoonyahanka, Madaxda Siyaasada ee sarsare, Saraakiisha Ciidanka ee sarsare wixii markaa looga maarmaayo Hawshooda iyadoo dhamaan Qaybahaa lagu soo xulaayo oo looga dhigaayo Shuruud Aqoon heer sare ah, Akhalaaq iyo Amaano iwm,

 

 

Tan labaadna waa Doorashada, Golahanu isaga ayaa dooranaaya Cida Madaxwayne Wadanka ka noqonaysa iyagoo ku salaynaaya Aqoontiisa, Akhlaaqdiis iyo Amaanadiisa aana loo eegayn qaab Qabiil, hadii Ninka ugu munaasibsani uu ka soo jeedo Qabiilka Soomaali ugu yar waa in ay isaga u magcaabaan Jagadaas, Madaxwaynuhu isagaa soo magcaabaaya Ra’iisal wasaaraha, Ra’iisal wasaaruhuna isaga soo magcaabaaya Golihii Wasaarada ama Fulinta Waxaana ansixinaaya ogolaanshaha Madaxwaynaha ka dib Golaha Shuurada ama Wadatashiga iyagoo ku salaynaaya Shuruudihii aan hada soo sheegnay, ma jiri doonto Doorasho ay Dad waynuhu ka qayb qaataan iyo Xisbiyo tooni bal Ummada Golahaas ayaa ka wakiil ah oo Arimaha Doorashada u xil saaran, isagaa Awood u leh dhisida Xukuumada iyo Ridisteedaba

 

 

Markaa waxaa laabud ah in uu noqodo Sharciga Dowlada u degsani Sharciga Islaamka hase yeeshee inaga oo qaderinayna Awoodeena si waaqicinimo ah eegaynana Duruufaha inagu xeeran waa in aynaan markiiba la soo boodin dabaqaada Shareecada oo ku deg degin dhaqan gelinteeda ee bal Caafimaadku qunyar qunyar buu u yimaadaa ee horta hayna aamino Aduunku oo Dhaqan wanaagsan haynaga arkeen, inana aynu is aamino gudeheena Dadkuna Sharceeda ha fahmeen waayo Ummada inteeda badan waa loo bahala geliyay Shareecada taasu ama ha ka timaado Khaladaad gudeheena ka dhacay ama ha ka timaado Dacaayadaha Cadawgu inaka fidinaayo ee waxaa xaqiiqa aan la inkiri karayn ah oo ah wax laga xumaado in in badan oo Aduunka ah oo xataa inaga inaka mid ahi ay u haystaan in Shareecadu ka hor imanayso Hurumarka iyo Xuquuqda Bini Aadamka markaa yaynaan deg degin ee aan is aamino oo wada fahmno Xaqiiqada Shareecada Islaamka

 

 

 Waxaa se loo baahan yahay in Distoorka iyo Qawaaniinta uu yeelanaayo Golahaasu iyo dhamaan Dowladuba aanay ahayn mid Khilaafsan oo ka hor imanaysa Shareecada Islaamka, ugu dambayntiina waxaynu Inshaa Allaahu tacaalaa gaadhi doonaa Waqti aynu ku dhaqano Shareecadeen wanaagsan ee Islaamka mustaxeelna maaha, hadaba kolay Qaar Gobolada ay ka kooban tahay Dalka Malaysia waxay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka in kastaba ha gaadhsiisnaatee hadaanayba ahayn dhamaantood si fiican uma hubo ee iyada oo halkaa ay la degan yihiin Dadyow aan yarayn oo Millada kale haysta bay hadana ku dhaqmaan oo isku xukumaan Shareecada Islaamka, hadana wax Dhib ah iyo Qayla tooni kama taagna Aduunkuna ma dhaleecayn, waana Arin aad u muhiim ah in la derso Xaalada Malaysia guud ahaan waxaa haboon in Aqoonyahanka Soomaalidu kuwooda Aduun waynaha u dhuun daloola ee lagala xidhiidho Arimaha Soomaalida ay Arimahan Diraasad ku samayaan iskana dhaafaan Fikirka Shisheeyaha ee ay kula talinayaan Ummada Soomaaliyeed

 

 

Waxa haboon in ay Aqoonyahanku xooga saaraan Diraasada Nidaamkan Islaamiga ah oo aan rajaynaayo in aynu kaga baxayno Dhibta iyo Jaahwareerka iyo Qaska aynu ka dhaxalay Qabyaalada, iyada oo aad Arintan Tafaasiilteeda kala xidhiidhaysaan Culimadeena iyo Culimada Muslimiinta guud ahaanba, doorashada shacabku ka qayb galo iyo Xisbiyada waxay khilaafsan yihiin Shareecada Islaamka ina kumana soo kordhinyaan waxaan Dhib iyo Qas ahayn iyo Dhaqaalaha oo ay curyaamiyaan, bal waa inaan taasu u daynaa Dadka intooda Caqliga u Saaxiibka ah, Baarlamaankaa maantaba dhisan waxba iska bedeli maayaan ee uun waxaynu ka sifaynaynaa Shakhsiyaatka aan Caqliga u saaxiibka ahayn ee aan wax xidhayaa jirin ee aan Diin iyo Aqoon iyo Akhlaaq iyo Amaano toona u saaxiibka ahayn ee ku soo galay Golaha yaa Reer hebel ka jooga

 

 

Wabillaahi atowfiiq

webmaster@ceegaag.com