Degmada Ceegaag waa deegaan Juquraafi ahaan dhaca meel u
dhaxaysa Hawdka Iyo Nugaasha. Degmadan waxay magaalada
Laascaanood ee xarunta gobolka Sool qiyaastii 120Km ka
xigtaa dhanka Waqooyi Galbeed.
Degmadan oo deegaan cusub oo jirtay mudo ka yar saddex
sano taasoo mudadaa ay jirtay ay noqotay deegaan aad loo
camiray ayna deganyihiin dad aad u badan,
Deegaankan Ceegaag waxay udhaxaysaa Deegaamada Yayle iyo
Horufadhi juquraafi ahaana waa deegaan dhul biyood
taasoo dadka deegaankaas usuurta gelisay inay beero iyo
baraago badan ka samaystaan,
Degmadaasi waxay leedahay School waxbarasho, Misaajid
iyo goobo kale oo muhiim u ah arrimaha Bulshada,
Deegaankan waxaa
kasocda horumar dhanka dhismaha iyo balaadhinta ah
kaasoo dadka qurba joogta ah iyo dad kaleba ay
maalgashanayaan deegaankaasi, iyadoo hada laga fulinayo
mashruucyo loogu dhisayo School kale, Goobo caafimaad,
saldhig Booliis iyo goobo kale oo muhiim ah, taasoo hada
ay aqoonyahano deegaankaas u dhashay ay arrimahaas
qaarkood gacanta ku hayaan,
Aqoonyahanada Eng. Muuse Cali Abokor iyo Provesor
Cabdirisaaq Lafoole oo ah aqoonyahano macalimiin ka ah
jaamacado ku yaal wadamada Dibada iyo dalkaba iyo
wariyayaal ayaa deegaankaas Ceegaag gaadhay kuwasoo
deegaankaas u tagay soo indha indhaynta dhaqdhaqaaqyada
horumarineed ee deegaankaas ka socda, sidoo kale waxaa
safarkan isaguna dhinac ka ahaa Ganacsade Suxufi oo ah
ganacsade reer Laascaanood ah ku waa soo gaadhay
deegaankaas duhurnimadii maalinta khamiistii 22/01/2009.
Aqoonyahanka Eng. Muuse Cali Abokor oo macalin ka ah
College Ku yaal wadanka Imaaraadka carabta maalmihii ugu
danbeeyayna ku sugnaa dalka ayaa waday qorshaha safarkan
kaasoo uu ku dhagax dhigayo School cusub oo ah schoolkii
labaad oo ay yeelanayso degmada Ceegaag,
Guda
galka munaasibada lagu dhagax dhigayo Schoolkan ayaa
4:00pm isla maalintaas ka bilaabatay goobta loogu talo
galay in Schoolkaas laga hirgeliyo oo ah dhulwayn oo
reer ceegaag ugu talo galeen in laga dhiso oo keliya
goobaha muhiimka u ah bulshada sida
Cusbitaal,Schoolo,Saldhig,iyo Garoon ciyaareed.
Eng
Muuse Cali Abokor oo dhagax dhigay schoolkan cusub ayaa
hadalo ka jeediyay goobta isagoo ugu baaqay dadka reer
Ceegaag inay dhankooda iska abaabulaan oo guda galaan
dhismaha iyagoo aan xoogooga ku xidhayn wax hantiya
maadaama carruurtooda loo dhisayo schoolka,kana
faa;iidaysanayaan.
Sidoo kale Cabdirisaaq Lafoole oo ah aqoonyahan caan ah
gobolka isla markaana gudoomiye ka ah jaamacada Nugaal
University ee magaalada Laascaanood markaasina macalin
Lectural Dean Acedemic ka ah GTEC (Garowe Teacher
Education Collage) ayaa ka hadlay isagoo macalinku
sheegay in hantida schoolkan ku baxaya ay tahay deeqo ay
ku deeqeen dadka deegaanka u dhashay eek u nool wadanka
dibadiisa, iyagoo ugu talo galay inay horumarka dadkooda
ay qayb laxaad leh ka qaataan.
Lacagta ku baxaya Schoolkan oo lagu qiyaasay 20,000 kun
oo doolar ayaa waxaa 12,000 ku deeqay
Maxamuud Maxamed Aadan (Lafoole
TWO) oo ah wax ilaahay loogu mahadiyo, sidoo kale
waxaa 3000$ kamid ah lacagtan ku deeqay
Cabdilaahi Hareri oo ku
nool wadanka England isagoo la kaashaday dadka reer SSC
eek u nool wadamada Yurub.
Hay’ada SCERDO oo ah hay’ad fadhigeedu yahay wadanka
Canada markaasina uu hogaan u yahay Aqoonyahan Jamaal
Xaaji Cali Cilmi, hay’adaas iyo hogaankeeda ayaa horay
uga hirgelisay deegaanka ceegaag schoolka hore iyadoo
waxqabad balaadhana ka fulisay deegaamada gobolka
Qaarkood.
Shiikh Maxamed Axmed oo ah ganacsade reer Buuhoodle ah
horayna u fuliyay dhismaha masjidka Ceegaag hadana
gacanta ku haya dhismaha schoolkan isagoo sheegay in
lacagta inta masuuliyiintaasi ku deeqeen mooyaane inta
kale looga fadhiyo dadka ku dhaqan mandaqada SSC inay
horumarka deegaankaas kaga qayb qaataan.
Deegaanka ceegaag waxaa kaloo aan odhan karnaa horumarka
ay ka samaysay dhanka arrimaha bulshada waxaa dheeraa
ciidamo amaan oo iyagu lebisan oo markaasi sugaya
amaanka gudaha kuwaasoo leh taliye iyo maamul markaasi
ay ka amarqaataan waa waxyaabaha aan inta badan degmadan
cusub ayna la wadaagin deegaamada kale ee ka agdhow
Degmada Ceegaag ayaa marka aad gudaha usii gasho aad
dareemaysaa in ay tahay deegaan ay aad u kala duwantahay
waqtiga ay jirto iyo horumar balaadhan ee laga sameeyay,
|