Ma
ka faa’iidaysanaa Geela ma se naqaanaa Waxtarkiisa?
(Soomaaliya, January
20, 2009 Ceegaag Online)
Allaah ayaa mahad iyo amaanba mudan oo iska
leh, Rabiga Caalamiinka Amaan iyo Nabadi ha u sugnaato kii
aanu jirin Nebi ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii
iyo Taabiciintoodii iyo Atbaacdoodii iyo mid kasta oo wanaag
ku raacay kuna hadaysmay Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta
Qiyaamaha.
Intaas ka dib:
Qoraalkanu waa Qoraal la xidhiidha
Caafimaadka, waana faa’iidooyinka ku sugan Geela Hilibkiisa
iyo Caanihiisa, waxan u malaynayaa Soomaali hadaynu nahay in
Geela Qof kastaa yaaqaano, uuna aad muhiim ugu yahay
Nolosheena lana ogyahay faa’iidooyin badan oo uu leeyahay,
laakiin aanay Dadka badankiisu u sheegi Karin
faa’iidooyinkiisa si Cilmi ah, si kastaba ha ahaatee
maadaama aynu ka mid nahay Dadyowga aadka u dhaqda noocan ka
mid ka ah Xoolaha, lanaba yidhaahdo Geela Aduunka ugu badani
wuxuu ku dhaqan yahay Soomaaliya, waxaana ku xigta Ethiopia
iyana dee Dadka ku dhaqda halkaana badankoodu waa uun
Soomaali.
Si kastaba Arintu ha
ahaatee dee ilaa waa Geeloo waa sharftii Xooleheenee, wuxuu
mudan yahay inaan Hordhac yar ka samayno intaynaan u gelin
faa’iidooyinkiisa, hase yeeshee aniga waa layga badiyaa
Geela oo intii aan Garaadka fiican yeeshay runtii kama ag
dhowaan, laakiin se waxa aan ku leeyahay xusuus yaraantii
ah, labada Dhaqan ee Magaalada iyo Miyigu aad bay u kala
duwan yihiin, Dadka labadaa Dhaqan ka soo kala jeedaana aad
bay u kala duwantahay Noloshoodu dhinac kastaba, Qolo
walibana Qolada kale bay la yaabtaa oo liidaa, sida ay
Soomaaliba u badan tahay aniga Reerkayagu Miyi iyo Magaaloba
waxbaan ka degnaa, anigu markii aan yaraa waxaan ku
barbaaray Magaalada, hase yeeshee Waqtiyada Schoolka la
fasaxo waxa lay saari giray Miyiga oo Mudadaa waxaan wax ka
qaban jiray Hawlaha Miyiga inta Itaalkayga ah, Waxyaabaha
aadka xusuusta iigu leh waxa ka mid ah Geel oo ahaa hawsha
ugu badan ee lay diri jiray marka halkaa lay geeyo.
Somaalidu sida caadada ah gaar ahaan Dadka
Miyiga wuxuu u yahay Geelu Karaamo iyo Sharaf ay isugu
faanto, Reerka aan Geela lahayn waxa loo haystaa in uu yahay
Caydh, wuuna ka hooseeyaa Dadka iyagu Geela leh, waxayna u
kala qanisan yihiin Dadka Miyigu siday u kala Geel badan
yihiin, aniga Reerka yagu ma ahayn Reeraha lagu yaqaano oo
ku caanka ah Geel badan, mana ahayn kuwa la yidhaahdo Geel
ma laha, yacni iska meel dhexaad baanu ahayn, tirada
Geelayagu marna kor bay u kici jirtay marna hoos bay u dhici
jirtay, markuu ugu badnaa ee aan xusuustana wuxuu gaadhay
150 Dhedig iyo Laba.
Geela wadankeena ku dhaqani wuu kala noocya
duwan yahay oo waxaa dhici karta in Qaar Asalkoodu ka soo
jeedo Wadama kale ama Gobolo isla Wadanka ah oo kala fog
fog, hadba nooca uu yahay Geelu isma bedelo oo Dirkii uun uu
ka soo farcamay buu la mid yahay, runtii Arintan wax Cilmi
ahaan u baadhay ma arag, laakiin se waa sidaan anigu u arkay,
oo Geelayaga baa sidaa u kala duwanaa, oo wuxuu ka koobna
intaan kala sooci karaayay Waqtigaa, ilaa saddex nooc oo
qayb waliba ay Dir magac lahaa ka soo farcantay, wuxuuna ku
kala duwanaa xaga Midabka, Adkaysanka, Badinta iwm. Saddexda
nooc ee aanu lahayn waxay ahaayeen sidatan: kan hore waxaa
la odhan jiray Dir Yaaba.
Yacni Hashii uu
Geelaasu Asal ahaan ka soo jeeday baa la odhan jiray Yaaba,
anigu Duqdii Yaaba ma arag oo ma soo gaadhin, laakiin waxaan
soo gaadhay Geelii ka soo farcamay, oo wuxuu ahaa Geel
Midabkiisu yahay Cadaan oo ka gaagaaban Geela kale. Noocanu
wuxuu ahaa mid aad u adkaysan badan oo u adkaysta Abaarta
iyo Oomanaantaba, laakiin aad buu u yarayn jiray oo
Caanihiisu ma badnayn, noocanu badanaa wuxuu dhali jiray
Dhedig bal ma xusuusni Awr Dirkan ka soo jeeday, Dirkanu aad
buu u tarmi jiray.
Dirka labaadna wuxuu ahaa Dir Cartan, sidoo
kale Duqdii Cartan ee noocan Geela ahi ka soo farcamay maan
arag, Dirkanu wuxuu ahaa Geel Cascas aan se Dhogor badan
lahayn, aad buu ugu adkaysan daraa Abaarta, Oomanaanta iyo
Dhaxantaba, noocanu ma taran badnayn wuxuu se dhali jiray
sidii kii ka horeeyay ee aan hada soo xusnay badanaa Dhedig,
noocanu aad buu u badin jiray, laakiin waxaad moodaysay in
aanay ku haboonayn Dhulkii aanu niilay Bii’adiisu, oo noocan
had iyo jeer arag xumo ayaa ka muuqan jirtay oo xataa ma
naaxi jirin Marka ay Barwaaqadu jirto, Xanuun baa badanaa
kaga dhici jiray Candhada markaas ayaaba layska dayn jiray
maalistiisa.
Noocan Geela ah iyo kii ka horeeyay ee aan
hada soo xusnay lagama heli jirin oo kumaan arag Dhulkaa
aanu degno inta aan arkay noocooda. Nooca saddexaadna oo
ahaa nooca Geelayagu u badnaa waa nooca Geela Soomaaliduba u
badan yahay, noocanu waa baadiya yacni waa Caana badan yahay
waana adkaysan badan yahay xaga Abaarta iyo Oomanaantaba,
waxan ka xusayaa noocan laba Halaad oo xusuus dheer igu leh,
tan hore waa Qowl, Qowl waxay ahayd Hal aad u badisa oo
Hebed ah iyada oo ay xataa Caruurta yar yari maali kari
jirtay, Hashanu waxay inta badan dhali jirtay Awr, Awrtaas
oo noqon jirtay Awr aad u waawayn oo aad u xoog badan.
Awrta ay Qowl dhasho waxaa laga dhigi jiray
Baarqabo oo Geelaa loo hayn jiray, Awr aad u fiican oo
Dadkoo dhami aad u wada jeclaan jiray bay ahaayeen iyada oo
Reeraha kale naga amaanaysan jireen had iyo jeer, si ay ugu
rimiyaan Geela Dadka kale. Hasha kale ee aan jecelahay inaan
xuso waa Qaabil, Qaabil xoog uma badin jirin oo iska meel
dhexaad bay iska ahayd, Qaabil sidaas Qowl bay hebed ahayd
oo Caruurtu maali kari jirtay, Qaabil inta badan waxay dhali
jirtay Awr aan tayo fiican lahayn, waxay ahayd Hal aad u
hawl badan oo socod badan oo intaas soconaysa oo aan
istaagin, Geelana Hogaamiye ayay u ahayd oo meesha ay marto
baa Geelu wada mari jiray, ilayn Xayawaanka iyo wax kasta oo
Noole ahiba waxay leeyihiin Hogaan sida Basharka ee, marka
laga reebo Soomaalida, Soomaalidu waa Noolaha keli ah ee aan
lahayn Hogaan oo Hogaanka ee isku wada haysta.
Marka Geela hadii uu Hogaamiye u yahay Tulud
socod badani ma xasilo oo ma daaqo, ee intaa waa soconayaa,
Qofka raacaana waa ku dhibaatoodaa, hadiise Tulud degani
Hogaamiye u tahay wuu xasilaa oo iska daaqaa, Dadka
ilaalinayaana way nastaan, Geela Soomaalidu kama kasbadaan
manfac sidaas u badan oo aan ahayn inay ku faanaan,
hawshiisuna way badan tahay, waxaa la odhan karaa waa Hawl
culus, Geela inta badan laguma hayn karo Dhulka deegaanka
ah, gaar ahaan haduu badan yahay, oo wuxuu rabaa in la geeyo
meel deegaanka ka fog, Reeruhu waxay kala hadhaan dhowr
Tuldood oo ay Caruurta u maalaan, inta kalena waa la xeriyaa
oo inta Geelal badan laysku daro baa waxa la geeyaa Dhul
deegaanka ka fog, markaa xerin baa la yidhaahdaa.
Waxaa raaca oo lagu
daraa Geela marka la xeriyo Wiilal yar yar iyo Dhalinyaro
meel dhexaad ah iyo iyana Rag waawayn, intaana Qayb waliba
shaqa gooni ah bay ka qaataan ilaalinta iyo maaraynta Geela,
hawsha badankeeda waxa qabta Wiilasha yaryar, oo maalintii
oo dhan Geelaas bay daba joogaan, oo marba dhinac u wadaan
oo ilaaliyaan, waa in mid kastaaba Gudin iyo Doobi Qarqarka
ku sitaa, waa in Marqyo Geel lagaga duubo Naasaha si aan
Nirguhu u jaqin oo kayd ah isna Qarqarka ku sitaa, waa in ay
had iyo jeer sitaan Ul ama Dhenged wanaagsan oo ay Geel ku
ilaaliyaan, waa in had iyo jeer Doobigiisu ama Hadhuubkiisu
hogaysnaadaa, Hogayntuna waa habka lagu nadiifiyo Doobiga
ama Hadhuubka Geela lagu maalo.
Maalin oo dhan Geela ayay daba joogaan oo
raacaan, Habeenkiina ma seexdaan ilaa Geela la liso oo goor
dambe ah, Cunto waxa u ah Caanaha Geela oo keli ah,
Hilibkiisana badanaa lama arko oo Soomaalidu badanaa Geela
Birta kulama dheerayso, laakiin waxay Nafahooda u diideen
waxaa uga soo soka mara oo dhameeya Abaar iyo Cudur, si
kastaba ha ahaatee Caanaha Geelu waa Cunto dhamaystiran
sidaan ku xusi doono Qoraalkan Qaybihiisa dambe, markaa
Wiilashaa yar yari aragoodu ma xuma, oo aad bay uga xoog
badan yihiin oo uga adadag yihiin kuwa Guryaha jooga,
midabkoodu wuxuu noqdaa Cawliin xataa Timahood waxay noqdaan
wax cawlan, laakiin waxaad aad ugu baahanaysaa inaad cunto
wuxuun Calalis ah.
Anigu in kasta oo aan Magaalo ku barbaaray
hadana Fasaxa School ka ee wayn ayaa Miyiga lay saari jiray,
dabadeedna waxaa lay raacin jiray Geela, marka waxaa dhici
jirtay in halka ay Caruurtu ku faraxdo fasaxii oo soo
dhowaaday, anigu waan karaahiyaysan jiray oo waxaan odhan
Jiray: “war nin yohow ma saddexdii Bilood ee baas baa soo
socota”, waayo ilaalinta Geelu waa nolol adag oo dayac ah,
waxa keli ah ee la quutaana waa Caanaha Geela, iyaguna marka
dambe way kaa hor imaanayaa oo waad nacaysaa.
Waan xanuunsaday markii iigu horaysay ee
Geela lay geeyay markaan joogay dhowr Todobaad oo Caano wax
aan ahayn aanan quudan, ayaan xanuunsaday, markaas baa Awr
laygu soo qaaday oo waxaa lay keenay Gurigayagii Miyiga,
Dadkii Guriga joogay ayaa waydiiyay Nimankii Awrka igu siday,
war maxaa helay Inanka? Waxayna yidhaahdeen yarku wuu
bariisooday!!! Waa markii iigu horaysay ee aan maqlo Xanuun
magacaa leh, waxana markii dambe ogaaday in uu yahay Xanuun
ku dhaca Dadka aan u baran in ay Caano uun keliya cabaan, oo
waxay u baahdaan inay helaan wax calalis ah.
Markaa Bariis baa lay kariyay waana ku
bogsaday, in kastoo ay Arintanu igu soo noqnoqotay dhowr
goor oo aan bariisooday, mararka qaarna waan iska yeel
yeelaayay si Guriga lay geeyo oo aan Maalmo ka soo nasto
raacista Geela. Dhalinta meel dhexaadka ah shaqadoodu waxa
weeye in ay kuwaa yar yar Geel ku dul ilaaliyaan oo korkaa
kala socodaan Geela iyo yaryarka raacaba, waa Korjoogayaal,
iyagu fursada badan bay u haystaan in ay meelahaa iska soo
marmaraan, oo hadba Reer u tagaan oo Shaah iyo Cunta kaleba
ka soo helaan ama Gabdhaha meelahaa Adhiga la jooga la soo
haasaawaan, Galabtiina yar yarka ayay Geela la soo
caraabiyaan iyagaana lisah Geela.
Dhalintaas qaarkood waa Dhib badan yihiin
oo yar yarka ayay laayaan ama had iyo jeer canaantaan hawla
badana u diraan, in kastoo Rag fiic fiican oo yar yarka u
wanaagsanina ku jiri karaan, anigu waxaan ka xusuustaa kuwii
wanaagsanaa ee aan markaa Geela la wada joognay saddex Nin
oo aanan hada Waqti aad u dheer arag, waxaana la kala odhan
jiray: Maxamed Maxamuud Caydhimaleh, Cumar Cabdi Nuur Xiddig
iyo Cismaan Dirir Yalal.
Raga waawayni iyagu
woxoo dhan dushaa bay ka ilaaliyaan oo kala socdaan,
shaqadooduna waa uun Arimaha waawayn sida marka meel loo
guuro inay raraan Geelasha, oo Galayaal Cusub u samayaan iyo
marka la aroorinaayo inay yimaadaan oo Geela waraabiyaan,
inta kale dushaas bay kala socdaan waxayna badanaa iskaga
maqan yihiin Tuulooyinka meeshaa ka ag dhow, raacista Geela
iyo dhaqistiisu aad bay u hawl badan tahay, manfac badana
lagama helo sida ay Soomaalidu u adeegsadan, waa uun magac
iyo Qurux laysugu faano, hadiise sida Dadyowga kale ay u
adeegsan lahaayeen wax badan bay ka faa’iidi lahaayeen.
Geelu wuxuu ugu dhib badan yahay oo ugu arag xun yahay
markuu Abaarta ku jiro.
Qaaliyey Aduun kaa qafilan qaabka uu yahaye
Qowlka iyo Darantii hadaad u Qalbi taagayso
Qabowgii Higlooliyo hadaad Qudhacle doonayso
Rag ka quusay Dooxooyinkaad qaaya ku lahayde
Qallaalkii Furriyo waa abaar qalaxi Geed-dheer
e
Qows kama bidhaamaa la yidhi Qararki Hooslay
e
Warsangeli wuxuu sii qubnaa Guban
qallaalkeed e
Qallaafay ku duuleen kuwii Qowlo yuururaye
Cabdi-Naasir qalalaasihii qabay Ogaadeen e
Afartaadan Qoob iyo Candhada qaabilka aad
moodo
Oogada qabiirtiyo Gollaha Qolofka kaa saran
Qac markaan ku siiyaa Indhaha lay
qarrariyaaye
Amba qulubka waan kula qabaa qarawga
laylkiiye
Jiiqdaad Quulaha ka guro qiil Allaa bixine.
Allaah ha u naxariisto Halyaygii Abwaan
Ismaaciil Mire.
Hilibka Geelu
wuxuu kaa ilaaliyaa korodhka Miisaanka iyo Xanuunada Wadnaha
Waxay Baadhayaal Tunisian ahi cadaynayaan
kuna adkaysanayaan in Hilibka Geelu uu ka wanaagsan dhamaan
Hilbaha kale oo dhan, marka laga eego in uu Dufanku ku yar
yahay, uuna kaga sarayo qiimaha quudinta Hilbaha kaloo dhan.
Waxay muujisay Diraasad lagu samayay Tunisia, iyadoo lays
barbar dhigay Hilibka Geela, kan Lo’da, kan Adhiga iyo kan
Digaaga, in Hilibka Geelu uga wanaagsan yahay dhamaan
Hilbaha kale oo dhan, xaga ku haboonaantiisa iyo waxtarkiisa
kuwa doonaaya in ay dhimaan Miisaankooda iyo inuu ka
ilaaliyo Xanuunada Wadnaha ee kala duwan, marka loo eego in
ay nisbada Dufanku ku yar tahay Hilibka Geela.
Waxay kaloo intaas ku dartay Diraasadanu oo
lagu soo qoray Wargayska Aladwaa oo ka soo baxa Caasimada
Tunis, in Hilibka Geela ay ku gaar tahay Fibres adadag oo
qalafsan oo balbalaadhan oo isku xidh xidhan oo ka madhan
Dufanka ku khaldan Muruqyada. Waxa kaloo ku yimid Diraasada
in ay Dhakhaatiirtu kula talinayaan cunista Hilibka Geela
Dadka iyagu raacaa ama ku socda Nidaamka Regime ka Cuntada (yacani
doonaaya in ay miisaanka dhimaan) iyo in ay yarayaan nisbada
Cholesterol ka Dhiiga, marka laga eego in ay ku jirto
Hilibka Geela Acids ka Dufanka ah ee aan buuxin (Unsaturated
fat acids) waana waxa yaraynaaya suurtagalka ah in ay Qofka
ku dhacdo Xanuunada Wadnaha ee kala gedisan.
Waxayna tilmaantay
natiijadii Diraasadu, in ay Dhakhaatiirtu heleen xidhiidh
dhow oo ka dhexeeya qaadista Xanuunadatan iyo kordhinta
cunista Acids ka Dufanka ah ee buuxa (saturated fat Acids)
ee Dufanka Hilibka Lo’da, Buffalo ga, Adhiga iyo Riyaha.
Waxana Diraasadan ku timid in dhadhanka Hilbaha ee ay Dadka
qaarkood ka doorbidaan Hilbaha kale ay ku xidhan tahay
nisbada Dufanka ee ku jirta Hilibkaas, iyada oo tilmaamaysa
in Hilibka Geela ay ku jirto nisbad ka yar tan ku jirta
Hilibka Lo’da.
Hase yeeshee Hilbaha Geelu waxay ka sarayaan
Hilbaha kale oo dhan xaga qiimaha quudinta caafimaadka leh,
marka laga eego nisbada aadka u saraysa ee Amino Acids ka ee
ku jira Dufanka Hilibka Geela marka la barbar dhigo Hilibka
Lo’da. Waxayna sugeen oo cadayeen Baadhitaanadii Cilmiga
ahayd ee kala duwanayd ee Diraasadan, in Amino Acids ka
daruuriga ah ee ku jira Hilibka Geela ay ka sarayso kuwa ka
jira Hilibka Adhiga, Hilibka Lo’da iyo Hilibka cad iwm.
Faa’iidooyinka
Caanaha Geela
Guud ahaan Caanaha Geelu waa cadaan u janjeedha casuus, sida
caadiga ahna waa macaan, hase yeeshee mararka qaarkood waxa
dhadhankiisu u janjeedhaa dhanaan, mararka qaarna wuxuu
noqonayaa dhadhankiisu sida dhadhanka Biyaha. Wadamada
qaarkood Dadku ma jecla Caanaha Geela, bal waa diidaan
sababta oo ah Dhadhankooda oo la necbaysto waa siday
yidhaahdeen ee, hadii la rux ruxo Caanihiisa ama marka la
lisaayoba waxaa ku samaysma Xoor ama Xumbo haba ahaato Waqti
gaaban ee, waxana keena isbedbedelka dhadhanka Caanihiisa oo
ay ku xidhan tahay Geedaha ama Dhirta uu daaqo ama
waxyaabaha la siiyo iyo Biyaha uu cabo.
Marka in mudo ah meel la dhigo Caanah Geela waxaa korodha
heerka Acid da waana nisbad boqolkiiba ah ee Lactic Acid,
wayna ku sii korodhaa Caanaha Acid daa aan soo sheegnay laga
bilaabo 03% markay oolaan laba Saacadood ilaa iyo 0,14% ka
dib lix Saacadood markay yaalaan. Guud ahaan waxay leeyihiin
Caanaha cusubi Acid hoosaysa dabadeedna qunyar qunyar bay u
korodhaa marka la dhigo Caanaha, midabka Dambarka Caanaha
Hasha oo ah Caanaha laga liso maalmaha u horeeya ee ay
dhasho waa cadaan, wax yarna wuxuu ka khafiifsan yahay marka
la barbar dhigo kan Lo’da.
Wadamada qaar waxa loo isticmaalaa
Dambarka Cunta ahaan, hase yeeshee inta badan looma
isticmaalo wax aan ahayn Calool socodsiiye, inta badana
Wadamada dhaqda Geela waxaa loo ictibaar in aanu ku
haboonayn cabista, bal waxaa loo ictibaaraa in aanu u
haboonayn Nirgaha yar yar xataa, waxaana lagu shubaa Dhulka,
iyada oo ay sidaas tahay markaan eegno in ay Dambarka ku
jirto kimiyado waawayn oo Antibodies ah, Maadadaas oo Jidhka
ka difaacda Jeermiska iyo in uu faa’iido u leeyahay
Shiidista Cuntada ee Nirgaha yar yar, ayaa waxaa haboon in
iyaga la siiyo hadaanu ku haboonayn in Dadku cabo.
Waxaynu kor ku soo sheegnay qaar faa’iidooyinka muhiimka ah
ee ay Caanaha Geelu leeyihiin oo quudin muhiim ah ugu yihiin
Dadka, marka la eego hodonimada Maadadaha ku jira Caanahakan
iyo lahaantooda in ay ku jirto nisbado ah Biyo, Dufan,
Protien, Solids, Lactose, Vitamin iwm, qadaro ka saraya
nisabadaha la midka ah ee ku jira Caanaha Lo’da, Adhiga,
Riyaha, Fardaha, Dadka iwm, ayay waxay u leeyihiin Ahmiyad
wayn quudinta Dadka. Sidaas oo kale waxay sheegeen
baadhitaano Cilmi ahi in shaqooyinka Beerku ku hagaagaan si
wayn Bukaanka qaba Infections ka Beerka, taasna waxay timid
markii lagu daawayay Caanaha Geela, taas oo cadaysay
waxtarkooda xaga isku daawaynta.
Kenya waxaa cadaatay in Xoola dhaqatada cabta Caanaha Geela
oo keli ah iyo sidoo kale Xoola dhaqatada cabta Caanahaa ee
Mandaqada Dhaqxaanta ee Saxaarah wayn, inay ay ku sugan
yihiin Caafimaad wanaagsan iyo firfircooni joogta ah,
Caanaha Geelu xagooda waa ka caan in uu leeyahay Caafimaad
iyo firfircooni joogta oo ay ku jirto inuu dhiso Lafaha
Jidhka adkayona, qaar Xoola dhaqatada ku nool Caanaha Geela
oo keli ah,waxaa Timohoodu isu rogaan casaan, laakiin se
Timahaasu waxay ku soo noqdaan midbkoodii dabeeciga ahaa
markay Dadkaasu helaan Cunto isu dheeli tiran, sidoo kale
waxay noqon karaan Caanaha Geelu Calool Socodsiiye aad u
xoog badan hadaanu Qofku cadaysan cabistooda.
Waxaana cadaan ah inay Calooshu kacdo
marka la cabo Caanaha Geela iyagoo kulul oo markaa la soo
lisay, haday se qaboobaan wax wayn oo saamayn ah kuma
yeeshaan socodsiinta Caloosh, guud ahaana si kastaba ha
ahaatee Caanaha Geelu way jilciyaan Caloosha. Waxayna
cadayeen Baadhitaanada qaar in Caanaha Geelu leeyihiin
Sifooyin keenaaya in ay dhimaan Miisaanka Qofka, sidoo kale
waxay fududayaan shiidista Cuntada ee Jidhka, sidoo kale
waxaa la siiyaa Caanaha Geela Bukaanka, Dadka da’da ah,
Caruurta iyo Dumarka Uurka leh, sababta oo ah hodonimada
rakibaadooda Caanahan ee Maadadaha quudinta ee aan hore u
soo sheegnay, gaar ahaan Acid da Dufanka ah iyo Maadadaha
Protein ka ah iyo Vitamins ka iyo in ay Diraasadahaasu
sugeen in Caanahanu ay faa’iido balaadhan u leeyihiin
Caafimaadka iyo dhisida Lafaha.
Waxa lagu tiriyaa in Caanaha Geelu ay yihiin masdar ku hodon
ah Vitamin G da ama waxa loo yaqaan Ascorbic Acid, sidaas
darted waxaa lagu talinayaa in la siiyo Dumarka Uurka leh
iyo kuwa Ilmaha nuujinaaya iyo Dadka duraysan iyo kuwa qaba
Xanuunada Neefsiga ee kale, Wadanka France na waxay
muujiyeen Baadhitaano lagu samayay Caanaha Geela in inta u
dhexaysa 4 ilaa 5kgs oo ah Caanaha Geela iyo waxyaabaha laga
samayaa, ay ku filan tahay inay siiso dhamaan baahida Dadka
ee Calories ka iyo Dufanka iyo Proteins ka iyo Calcium ka.
Waxana odhan karnaa iyada oo aan Qoraalo lagu soo koobi
karayn faa’iidooyinka Caanaha Geela iyo Hilibkiisaba, waa
khasnad uu Allaah tacaalaa inagu manaystay, laakiin se
aynaan garanayn sidaan uga faa’iidaysan lahayn.
Ugu dambayntii anagoo saaka Geelii goor hore maalay, oo
aanaan idinku marti qaadayn Caanihiisii, baa nasiib wanaag
waxaad nala kulanteen, anaga oo saaka Neef yar oo Geel ah
qalanay, markaa Gacanta soo geliya.
Shifo iyo Caafimaad Allaah ha idinka siiyo.
Wabillaahi atowfiiq
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |