Dowladda
Midnimo Qaran waa inay Ahlu Sunna Wal Jameeca Saamigooda Ku
Yeeshaan'
(Soomaaliya, January,
08 2009 Ceegaag Online)
Aniga
oo qadarinaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee hamuunta
u qaba inay dalkeenna ka dhalato nabad waarta ayaa waxaan
soo-jeedinayaa in la hubiyo ka mirodhalinta geedi-socodka
dib-u-heshiisiinta Jabuuti oo ay dhab ahaantii aqlabiyadda
bulshadu gacmo furan iyo niyad wanaag ku soo dhaweeysay.
Waxay
dadweynuhu ka walaacsan yihiin kala burburka ku yimid
isbahaysigii dib u xoreynta Soomaaliya (ARS) oo u kala
jabay laba qaybood oo Asmara iyo Jabuuti xarumo ka kala
dhigtay. Nasiibdaro, qaybta Asmara laguma guulaysan inay
ka qayb qaataan wada hadaladii socday ilaa bishii shanaad
ee sanadkii la soo dhaafay. Sidoo kale, waxaa xaqiiqo ah
inaysan qayb ka ahayn barnaamijka dib-u-heshiisiinta ee
Jabuuti ururro hubaysan oo dalka ka dhaqdhaqaaqa sida Al-Shabaab,
jabhatul Islaam, Raaskambooni, iwm.
Waaqica ka jira gayiga
Soomaaliya hadii si dhab ah loo cabiro, waxaan indhaha
laga qarsan karin ahmiyadda ay leedahay in la hubiyo ka
qayb qaadashada Ahlu Sunna Wal Jameeca dhismaha dowladda
midnimo qaran annaga oo qadarinayna baaxada taageero ee uu
leeyahay Golaha Culuma'udiinka Ahlu Sunna Wal Jameeca,
doorkiisa taariikheed ee halgalkii gobanimo-doonka
Soomaaliya, ilaalinta dhaqanka suuban ee Islaamka oo aynu
uga duwanayn ummadaha kale ee qaaradda Afrika nagula nool,
dhowrista midnimada caqiideed ee bulshadeenna, nabadeynta
iyo walaaleynta beelaha Soomaaliyeed oo aysan marnaba ka
daalin muddadii dowlad la'aanta la ahaa, cududda ay ku
leeyihiin dhamaan gobolada,degmooyinka iyo tuullooyinka
dalku ka kooban yahay, iyo doorka ay haatan ka qaadan
karaan soo celinta xasiloonida, kala dambeynta iyo
sarreynta sharciga oo ah waxa ugu weyn ee hortaagan soo
celinta qaranimadii iyo sharaftii dalkeenu lahaa.
Hadaba
waxaa la is waydiin karaa sida looga qayb galin karo
ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca geedi-socodka nabadda ee
haatan socda? Hadii ay daacadnimo jirto oo ay dhab naga
ahayd in aanu raacno qodobada lagu soo heshiiyey, si cad
ayeey ugu qeexan tahay in qaybaha bulshada ee aan qayb ka
ahayn heshiiska ay albaabadu u furan yihiin (eeg qodobka
5aad farqadda labaad) ee heshiiskii ugu dambeeyey ee la
saxiixay 26 October 2008.
Waxa
kaliya ee shacabka Soomaaliyeed isku aragti ka yihiin waa
inay xadka ka baxsan tahay tirada lagu heshiiyey inuu
baarlamaanku noqdo oo 275 lagu daro 275 kale. Waxaan qabaa
sida kaliya ee looga qancin karo dadweynaha Soomaaliyeed
baahida keentay in uu dalkeenu yeesho 550 xildhibaan oo u
dhiganta baarlamaanka dalka Hindiya oo tiradoodu kor u
dhaaftay hal bilyan oo ruux (KUN MILYAN) waa iyada oo Ahlu
Sunna Wal Jameeca lagu soo dhaweeyo saami-qaybsiga
dowladda midnimada qaran.
Ugu
dambeyntii, waxaa dhici karta in dadweynuhu is waydiiyaan
in ay Ahlu Sunna Wal Jameeca diyaar u yihiin ka qayb
qaadashada heshiiska iyo dhismaha dowladda midnimo qaran?
Waxay ila tahay in ay waajib ku tahay Dowladda Federaalka
KMG iyo ARS, iyo sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay Mudane Ahmadu Walid Cabdalla, iyo
dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ay ka
dalbaan, kuna soo dhaweeyaan Golaha Culuma'udinka Ahlu
Sunna Wal Jameeca ka qayb qaadashada talada iyo dhismaha
dowladda.
Wabilaahi Towfiiq..
Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad
webmaster@ceegaag.com |