Aasaaskii Puntland
11 sano ka dib.
(Puntland.
July 21, 2009 Ceegaag Online)
Dawladda Puntland waa
qeybta ugu xasiloon somalia waa meesha martigalisay in ka
badan 30% dad ka soo barakacay koonfurta somalia kuwasi oo
ka soo cararay Colaada holceysa waxaana Puntland ku fadhidaa
dhul masaafo ahaan gaaraya 212.510 KM2 iyadoo tiro ahaan
dadka ku nool puntland lagu qiyaasay inay gaarayaan 3.9
million taasi oo 52% yihiin reer guuraa degan dhulalka
miyiga ah ee Gobolada Bahwadaagta Puntland 70% dad ku nool
waxay da'doodu ka yartahay 30 sano magaalooyinka waaweyn
gaar ahaan Bosaso,Qardho,Garowe,Galkacyo iyo Laascaanood
iyadoo ay u dheertay dadka ay Puntland martigelisay.
Xog ururin ay samaysay Shabakadda Ceegaag Online ayay ku
ogaatay in qofkasta oo Puntland ku nool bishii soo gasho
dakhli gaaraya 150-130 Dollar dhaqaalaha Puntland waxaa uu
ka koobanyahay afar qeybood oo waaweyn sida:-
1-Xoolaha
2-Kheyraadka Badda.
3-Beeraha.
4-(Faleenka iyo Maydiga) iyo lacagta ay soo xawilaan Qurba
joogtu.
Dhoofinta xoolaha ayaa soo geliya 80% Lacagta adag.60% dadka
reer Puntland waxay ka shaqeeyaan xoolaha.Puntland waa dhul
qalalan heer kulalkeeduna waxaa uu gaaraya inta u dhaxaysa
27C-37C dhulka inta badan waxaa laga helaa qiyaas roobaad
dhan 17MM/Year tusaal ahaan Magaaladda Bosaso waxay heshaa
qiyaas dhan 17MM xiliyada roobka waa April,June,Septemper
-October waayahan ugu dambeeyay ayaan xog ururintayadda ku
ogaanay inay abaaro isdaba joog ah soo food saareen kuwaaso
xaalufiyay deegaanka iyo xoolaha waxaana ka mid ahaa
abaartii dhacday sanadihi la soo dhaafay ee 2001-2004.
Marka aan fiirino Biyaha roobka ee dulcarara Puntland ma
jirto faa'iido iyo kaalmeysi ay sameeyaan dadku maadaama
aanay jiri Biyo xireeno ama dams kuwaasi oo ay kaliftay
Beeraha oo yar awgood PUntland waxay leedahay xeeb
dhererkeedu gaarayso 1640 KM oo ay ku jiraan kheyraad
farabadan sida,Aargoosato,Kaluun iyo kheyraad kale.
Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada,
siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala
duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la
go'aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada
dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul
dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada
Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii
laysku oran jiray Waqooyi Bari.
Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad
Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah,
Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh,
Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo
madaxwayne ku-xigeen.
Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee
lagu dhisay Puntland.
Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo
habka Federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli
kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan
raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku
dhisan habka federaaliga ah.
Puntland waxay ka kooban tahay todobo Gobol oo kala ah.
Bari
Karkaar
Nugal
Mudug
Sool
Ayn
Sanaag
Dowlad Goboleedka Puntland waxay leedahay sadex waaxood oo
dowli ah.
Golaha Xukuumada
Golaha Wakiilada
Golaha Garsoorka
Siyaasadda Puntland:-
Puntland waa meel ay isha ku hayso beesha caalamku maadaama
ay ka midtahay Goobaha ugu nabdoon somalia isla markaana ay
ka dhisantahay dawlad shaqaynaysa waxaana Puntland ay iminka
u muuqata inay door ka qaadan karto xalinta Koonfurta
somalia iyadoo Puntland ay dhisnayd mudadi hore hab Qabiili
ah oo beelaha ku bahoobay Puntland ay iyagu awooda qebysan
jireen(Clan Power sharing) waxaase dastuurki ugu dambeeyay
ee Puntland dhawaantan loo dejiyay xooga la saaray sidii
Puntland ugu gudbi lahayd Nidaamka asxaabta Badan tasi oo ka
mida horumaradda ay Puntland ku talaabsanayso Dawladda cusub
ee lix bilood jirsatay ee ay Hogaamiyaan Dr:C/raxmaan
Faroole iyo Md:C/samad cali shire waxaa looga fadhiyaa inay
dardar geliyaan siyaasadooda Gudaha oo aad moodid inay meelo
badan qabyo ka tahay sida Puntland doorka ay ka ciyaari
karto dagaal diimeedyadda ka soo cusboonaaday somalia.
Siyaasadda Puntland ee Gudaha:-
Siyaasadda gudaha ee Puntland waa mid ku qotonta sidii
Puntland door muuqda uga qaadan lahayd xoojinta Midnimadda
Beelaha bahwadaagta ee ku bahoobay Puntland iyadoo Dawladda
Puntland ay firfircoonida siyaasadda Gudaha ku wajahaysa
Qaab Degan oo ka hufan kii hore waxaana Dawladda haatan
jirta ay waajib ku tahay oofinta Balanqaadyadi ay horay u
balanqaaday waxaana jira wax loogu yeero Isbedelka
Siyaasadda Gudaha waxaana siyaasadasi dareemi kara dadka loo
igmaday inay noqdaan hagayaasha Puntland siyaasad ahaan
Puntland waxaad mooda in magaceedi uu gaaray badi caalamka
markii dawladaha America iyo England ay casumaad u fidiyeen
madaxweynaha Puntland iyadoo siyaasadda dibadu tahay mid
ceynkaasi ah ayaa hadana doorarka Arrinta Koonfurta iyo
xalinta siyasadda Beelaha dega Puntland gaar ahaan Goboladda
Maqan tahay mid puntland ay u ciyaarto siyaasad ka kharaar
Kiniinka taasi oo wax weyn ka bedeli karta isyaasadda
Dibadda iyo Gudaha Puntland.
Koonfurta Somalia waxaa ka jira colaadu ku baahay inta badan
Bartamaha iyo koonfurta fog urur diimeedka Al-shabaab ayaa
awooda ugu badan haysta koofurta iyo Bartamaha somalia
halkaasi waa meesha looga baahanyahay inay Puntland isbedel
siyaasadeed oo muuqda ka samayso warbixin aan ka diyaarinay
Qaabka iyo xiriirka Wadadada Puntland iyo Alshabaab ayaa
muujinaysa inaanay dhana iska shabihin wakhtigi golaha
Maxaakimta islaamiga ah ka talinayeen 6-Koonfurta somalia
dad badan ayaaa fikriyan uga taageeray Gobolada Puntland
kuwaasi oo qeybtod gaaray Muqdisho si ay taageero dhan kasta
ah uga kaahsaadan balse tah Al-shabaab iyo xasan daahir
aways ayaa ah mid aan aqbal ku noqon karin Shacabka reer
Puntland mana taagersana Ficiladda xunxun ee ay ku kacayaan
dadka diinta ku qaraabanaya balse waxaa muuqata inay dadka
iyo dawladda Puntland ka tashadaan aayahooda iyo
mustaqbalkooda siyasadeed iyadoo dawladda ay tahay inay
siyaasad sare oo aad u kharaar ka ciyaarto habdhaqanka
koonfurta oo saameynkara Puntland.
By:C/rashid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |