shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waa maxay Deegaan?

(Qardho.  July 31,  2009 Ceegaag Online)

Deegaanku waxaa uu leeyahay sharaxaad qoto dheer marka laga hadlayo erayga Deegaan waxaan dhihi karnaa"Gibilka nagu xeeran oo isugu jira Dhirta,Dadka iyo walxaha" Deegaanka Faa'iidooyin badan ayaa uu leeyahay kuwaasi oo ay ka faa'iidaystaan Dadka bani'aadamka ah waxaana deegaanku leeyahay Dabeecado kala duwan tusaale,Dhul qalalan,Dhul cimilo fiican,Dhul buuraley ah,Dhul bad ah intaasi waxay asal ahaan u noqon karaan kala duwanaanshaha Deegaanka taasi oo ah la qabsashadda Dadka iyadoo dal walba uu khayraadkiisu yahay Dadka ku nool.
 
Deegaanka noocyadiisa waxaan dhihi karnaa dalba gaar baan usoo qaadan karnaa sida somalia oo sawirka idiin muuqda yahay Goob biyo xireen ah oo laga sameeyay Goboladda Puntland taasi oo qayb ka ahayd Mashaariic la xiriirtay Xakamaynta Daadadka iyo sida dadka uga faa'iidaysanayaan biyo nadiif ah inay kala haraan biyaha roobka taasi oo qayb ka ah sidii loo samayn lahaa horumar xaga Biyaha ah(WATER STORAGE) taasi oo ah si looga faa'iidaysto Dabciga Deegaanka deegaanka qaar waxaan dhihi karnaa(ENVIROMENTAL SCIENCE) oo ah deegaanka marka laga eego,Muuqaal ahaan,sida Physical,Biological and Chemical walxaha ku xeeran sida la qabsiga sida dabiiciga ah ee noolaanshaha Xawayaanka iyo Bani'aadamka waxaanay ka maarmiin deegaanka wanaagsan oo ay kala qabsadeen xaga,Cimiladda,Hawadda iyo caafimaadka gaar ahaaneed.
 
Deegaanka somalia waxaa uu noqday mid dhibaatooyin badan soo gaareen sida dadkii oo dhirtii xaalufiyay isla markaasna u bedelay Dhuxul taasi oo keentay sharciga iyo kala dambayn la'aanta somalia soo foodsaartay muddo gaaraysa 20 sano taasi oo awal xakamaysnayd sida ay ula socon jirtay wakaaladda Daaqa qaranka gaar ahaan deegaanka marka la eego somalia dabcigiisu u dhintay markii dhibaatoy isugu jira deegaankii soo food saaren,Goynta dhirtii,Xaalufintii dhirtii oo yaraatay,Bacaha oo xanibaya Oxygentii iyo Carbon kii is Transfer garaynayay taasi oo kalifaysa inuu Geedku dhintu isla markaasna ay xoolaha cunaan taasi oo dhibaato Double ah ku noqonaysa waxyeeladi Deegaankii.
 
Dikhawga Deegaanka (Enviromental Pollution) waa mid guud ahaan caalamka saameyn karta sida Kulaylka Cimiladda (GLOBAL WARMING) taasi waa mid dunida saamaysay sida wadamadda Horumary oo isticmaalay CO2 Badan oo hawadda ku baahay sababayna inuu kululaado barafkii fadhiyay dunida dacaladeeda mudooyin badan taasi oo ay keeneen laba arrimood sida Wadamadda warshadaha ku horumaray oo sii daaya xadi badan oo ah wasakhda CO2 taasi oo saameyn wayn yeelata halka tan kale la dhihi karo markii ay kululaatay Cimiladda aduunka waxaa khubaro badan isku dayeen inay soo jeediyeen in la isku dayo in Hawadda sare lagu buufiyo SULPHUR taasi oo dhibaato kale keeni karta sida falaaraha difaaca qoraxda ee ULTRA VIOLET oo iyagu dhibaato gaarayso taasi oo noqonaysa dhibaato labba jeer soo noqonaysa.
 
Marka laga soo tago taasi waxaa somalia noqotay goob deegaankii burbur badan loo gaysto sida dadkii oo ka faa'iidaysan lahaa Goobaha harooyinka iyagoo isticmaalaya habab casriya Wabiyadda Jubba iyo Shabelle ee somalia waxaa looga faa'iidaysan karaa dhawr hab iyadoo la tixraacayo ilaalinta deeegaanka.
 
1-Qaabka koronto dhalinta oo ah faa'ido soo korodhay iyadoo la isticmaalyo (HYDRO ELECTRIC POWER).
 
Waxaadna mooda in inta badan koonfurta laga faa'iidaystay biyaha habka waraabka Beeraha ee(Irrigation) taasi oo faa'iidoyin badan ka helayaan dadka isticmaalaya Agricultural Development ama horumarinta Beeraha.
 
Gabagabadi Warbixintani aan cinwaanka uga Dhigay waa maxay Deegaan? waxay xambaarsantahay micno iyo cilmi wayn aniga haddi aan in ka sheegay dadka iga cilmiga badan ayaa kordhin kara laakiin marka aan ka hadlayno deegaan waxaan isbarbardhiyay erayga DEEGAAN iyo somalia cilmi baarista aan soo helay waxay tilmaamaysaa in somalia la heli lahaa Goob biyo xireen ah sida Deegaanka Rabaable oo gobolka Nugaal ee somalia ka tirsan kaasi oo ha'ad baaritaankiisa soo ogaatay biyo xireenada yaryar waa mid si fudud ay dadka uga faa'iidaysanayaan.
 
By:Abdirashid Mohamed Dahir
Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com