Xaalada Nololeed ee
dadka ka cararay Colaada ka taagan Muqdisho
(Muqdisho.
July 20, 2009 Ceegaag Online)
Soomaaliya
ayaa noqotay goob quus ah inay nabad waarta ka dhalato ka
dib markii ay xoogaysatay labba kacleynta calooshod u
shaqeystayaalka Soomaalida ah waxaana colaadu noqotay mid
gaamurtay oo lugo fidsatay waxaana colaada ka taagan
magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya noqotay mid ay ka
barakacaan ku dhawaad 1 Million oo Soomaali reer Muqdisho ah
kuwaasi oo qaarkod ku halaagmeen rasaasta la is weydaarsanyo
halka qaarna ay madaafiic ku habsadeen.
Barakacayaasha ka cararay dagaaladu waxay
gaareen gobolo badan oo dalka ka mid ah sida Goboladda
Bartamaha Soomaaliya, Puntland, Somaliland waxaana dadkaasi
aanay ku koobnayn rayid xitaa Abwaanadi, Macalimiintii,
Culumadi, Saxafiyiinti ayaa ka cararay colaada hooga ah ah
ee ka socota Muqdisho.
Dadka gaaray Goboladani si ay gabaad u helaan
waxaa la soo gudboonaatay xaalad nololxumo taasi oo ay
kaliftay in ha'adaha bani aadanimo ay gargaar deeqo biyood
iyo raashin ah la soo gaaraan waxaan dadkaani ay tahay
noloshoodu mid aad u silic ah marka laga reebo qeybo ka mida
dadkasi oo iyagu la soo gaarsiiyay xooga mucaawino ah.
Warbixinta Ha'adaha Gargaarka.
Toddobaadka dhexdiisa, UNFPA iyo la-hawlgalayaal
degaanka ka socda ayaa xirmooyin caafimaad u qaybiyey 1,000
haween barokacay ah oo ku nool afar degsiimo oo ku yaalla
waddada Afgooye. Xirmo caafimaad waxa ay ka kooban tahay
saabuun, shukumaan/tuwaal, oomo iyo caafi-dhowr, iyo
waxyaabo kale.
ACF ayaa aqbashey 135 carruur ay hayso
nafaqo-xumo oo ka mid ahaa 336 carruur ah oo Muqdisho lagu
baarey labadii toddobaad ee la soo dhaafey, halka 823
carruur kale ah lagu daaweynayo Barnaamijyada Quudin ku
daweynta Bukaan-socodka iyo Barnjaamijyada Quudin Ku
Daweynta Bukaan-jiifka ee Muqdisho. Magaalada Waajid ee
gobolka Bakool, 90 carruur ay hayso nafaqo-xumo ba’an oo ka
mid ahaa 203 la baarey ayaa iyagana la aqbaley, halka 654
kale oo carruur ah lagu daweeyey sagaalka Barnaamij ee
Daaweynta Bukaan-socodka iyo kuwa Daaweynta Bukaanjiifka ee
gobolka.
Somaliland, ayaa WFP iyo la-hawgalayaasheeda ay 537
metrik ton oo cunto ah u qaybiyeen 59,305 ka
faa’iideysteyaal oo ku nool degmooyinka Hargeysa, Laascaanood, Caynabo iyo
Berbera. Puntland, ayaa 7,182 ka faa’iideysteyaal ku
heleen 92 metrik ton oo badeecooyin cuntooyin kala duwan oo
hoos imanayey barnaamijka cuntotababar- ku-beddeleshada ee
magaalada Qardho, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 100 qof oo la
nool HIV/AIDS oo heley 10 metrik ton. Ilaa 373 bukaannada
qaaxada ah ayaa heley 38 metrik ton oo cunto hoos imaneysey
barnaamijka.
quudinta hay’adaha ee magaalada Boosaaso.
Gobollada Bakool, Baay, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud ee
Koonfurta/Bartamaha Soomaaliya, ayaa 210,630 qof ay ku
heleen badeecooyin cunto ah, halka barnaamijyo quudin dheeri
ah iyana laga fuliyey gobolka Mudug. Gobollada
Jubbada Dhexe iyo
Jubbada Hoose, ayaa WFP iyo lahawlgalayaasheeda ay
331 metrik ton oo badeecooyin cunto ah u qaybiyeen 3,011 ka
faa’iideystayaal oo hoos imaanayey barnaamijka quudinta
dheeriga ah taas oo ahayd raashinka shakhsiga iyo kan qoyska.
12kii Luulyo, daladda haweenka ee WAWA, ayaa
agabka aan cuntada ahayn u qaybisey 150 haween ah oo laba
toddobaad ka hor uu aafeeyey dab ka kacay degsiimada Tawakal
ee Boosaaso, Puntland. UNHCR ayaa Agabka Aan Cuntada Ahayn u
qaybisey 60 qoys oo uu dab kale 8dii Luulyo ku saameeyey
degsiimada Inji iyo 25 qoys oo ka socdey degsiimada Tawakal
ee Boosaaso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |