Qabanqaabadda
Xuska 1-da Luulyo oo si wayn looga dareemayo Magaaladda
Qardho.
(Qardho.
June 30, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa si
wayn looga dareemaya magaaladda qardho ee xarunta gobolka
karkaar xuska 1da luulyo oo ku aadan maalinimadda berrito ah
waxaan xuskani 1da luulyo la xusaa sanadkasta hadaaya iyadoo
ay tahay 49sano guuradi ka soo wareegtay markii ay
xoriyadooda ka qaateen goboladda Koonfureed iyo bariga
somalia gumaysigii Talyaaniga ahaa ee faashiga.
Magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar ayaad waxaad ka
dareemaysa dardarta ay ku socoto xuska maalintani wayn
waxaana si wayn u wadda qabanqaabadda ururadda haweenka iyo
dhalinyaradda ururadda kala ah"Yedo,Youthe education
development Organization"YEHO,KSA,GARWONET,GARWADO ayaa
wadda qabanqaabadda xuska 1da luulyo oo berii la filayo inay
qabtaan xaflad wadajir ah oo ka dhacaysa Hoolka dawladda
Hoose ee degmadda qardho.
Xafladani ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah maamulka gobolka
iyo kan degmadda qardho iyadoo xuskani berri uu yahay mid ay
ku midaysanyihiin qaybaha kala duwan ee bulshadda.
Maxamuud mahad faarax oo ah Gudoomiyaha ururka Dhalinyaradda
ee YEDO ayaa iiga waramay sida uu u socdo hanaanka
xafladu"Bismilaahi raxmaani raxim sida muuqata dhamaan
ururada dhalinyaradu waxay u diyaar garooben sidii looga
qaybgali lahaa xuskani oo ah mid aan aad usoo agaasinay
waxaan danaynaynaa inaan ka muqano magaalooyinka gale
ururadda haweenka ee kala ah GARWONET,GARWADO ayaa iyaguna
nagala qaybgalay xuskani balaaran ee aan berri qabandooni
insha'alaah.
1DA-LUULYO:
1dii luuliyo 1960, waa
maalintii calansaarka iyo midnimada, 1dii luuliyo 1960 waa
maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen
gumeysigii talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen
gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda
Soomaaliya.iyo 26 juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo
xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee
ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda
badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale
Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee.
Waxaana halkaasi gabey
qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee
Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid ahaa maansaddii
uu habeenkaas tiriyey ee ay ka mid ahaayeen ereyada ah:
“SAREEYOOW MA NUSQAAMOOW,AAN SIDUU YAHAY EEGEE KANA SIIB
KANA SAAR” oo uu ula jeedey in calankii gumaystaha meesha
laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd
maalintaas dhamaanba bulsho weynta Soomaaliyeed waxayna
maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee
ingiriiska.iyo talyaaniga waxaanse shaki ku jirin in
caalamka dadka ku nool qolo walib ay marba heer soo martey
taariikh iyo waayo kala duwan.
Waa maalintii xornimada laga
helay gumeystihii saancaddaalaha ahaa oo buluugley ay
dabeyluhu ka lulayeen daaraha dushooda.Waa maalintii ugu
horreysay ee qaranka Soomaaliyeed labo midowday oo hal
dawlad ah yeesheen oo horey u ahaa “British Somali land” iyo
“Italian Somali Land”.
Waa maalintii hanka
Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hammiyey loona hawlgalay in
la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhammeystiran.Waa maalintii
aan ku heesnay ”Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu
waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn.”
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |