Barnaamijkii Kororso
Aqoontaadda Qaybtii 4aad.
(Qardho.
June 17, 2009 Ceegaag Online)
Waa
barnaamij Todobaadle ah oo aad kala socotaan Shabakadda
warbaahinta ee Ceegaag Radio waxaana soo jeedinaya Wariye
C/Rashid Maxamed Daahir.
Barnaamijkan Todobaadkan Waxaan ku soo Qaadanaynaa oo kaliya
Barnaamij Gaar ahaaneed oo aan ugu Talagalnay inaan kaga
Sheekayno Marxaladihi Kacaanka umadda Somaliyed iyo Intii ay
jirtay Dawladdi Military ee uu Hogaanka u hayay Marxum
Maxamed Siyad Barre. Hadaba Ka Bogasho Wacan.
Xiligan oo ah muddadii u dhaxausay Inqilaabkii MILITARY ee
xukanka dalka qabsaday 1969-1991, dadka qaarba magaca ay
jecelyiihiin bay ugu yeeraan, Sida Xukunkii Askarta,
Kacaanka ama Nidaamkii Hantiwadaagga iyo xukunkii M.S. Bare.
Waxaan qabaa
in uusan magaca.bixinto, aysan macna-wayn la hayn, ee waxa
macnaha keenayaa yahay Nuxurka ka dhashay magaca. Waxaase la
isku waafaqsanyahay in ay tahay marxaladdii Nidaamkii
S.Barre , magac iyo astaana iyada ayaan u qaadanayaa.
Labaatankii sano ee nadaamkani dalka maamulayay, waxaa
caddan ah in aan la filayninin in uu dhasho, wax Barlamaan
lagu magaccabi karo, oo waxayba ka soo horjeedaa Dabeecadda
nidaamka dalka laga dhisay, oo ahaa XUKUN ASKAREED. Wuxuuna
ahaa hal nooc oo keli-talis ah amse hal marxalad oo laba
magac loogu kale yeeray, balse waxaan oran karnaa halkii
magac ayaa laba loo sii bxiyay. Muddadan kacaanka waxaan u
arkaa in aysan wax-badan innaga qaadanhaynin, haddu yahay
waxa lag hadlayaa Barlamaan iyo noloshiis. Inkasta oo hal
marxalad lagu magacaabi karo, haddana waxaan u kala qaadayaa
seddex marxalood oo uu soo maray Nadaamkii S.Barre, kuwaas
oo aan midba si kooban u eegi doonno. waana:
1-
GOLAHA SARE EE KACAANKA:
Markii
ciidamadu inqilaabka ku rideen Dawladdii la doortay Oktoobar
1969kii, waxay dhiseen Golihii Sare ee Kacaanka , oo ka
koobnaa 25 sarkaal, oo isgu jira 20 Xoogga dalka ah iyo 5
Poliska ah, oo madax uu u noqday M.S. Barre oo markaa ahaa
Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed. Golahaasi wuxuu la
wareegay Awooddii Dalka oo idil, tii Sharci-dejinta, (
Barlamaan) tii Fulinta ( Xukuumadd) iyo tii garsoorka. Waxaa
kale oo ka mid ahaa tallaabooyinkii ugu horeeyay uu
golahaasi ku dhaqaaqay kala diriddii Barlamaankii la soo
doortay, baabi’intii Dastuurkii Qaranka 1961 kii,
Mamnuuciddii dhammaan Axsaabtii siyaasadeed, iyo ururadii
madaniga ahaa ee ka jiray waddanka. Mar haaddii Awooddi oo
dhan ay ku ururtay hal hay’ad oo waliba askar ah, waxaa
Soomaliya u bilaabatay cahdi Dektaatooriyad, oo la mid ah
kuwii ka jiray meelo kale oo addunka ka tirsan siiba Laatiin
America, bariga dhexe iyo africa. Billawgii Kacaanka waxuu
lahaa golaha Sare awood wadaag, wax lagu timaami karo,
laakiin sannad ka dibba awoodaas waxay ku ururtay gacant
Madax-waynihiisii M.S.Baree, golihiina waxaa u soo haray
magac qur ah. Waqtigaas meeshaba ma oollin wax barlamaan iyo
noloshiisa ah oo aan ka haddalla.
2-
XISBIGA HANTI-WADAAGGA KACAANKA S.
1976 dii
waxaa la asaasay Xisbiga Hanti-wadaagga Kacanka Soomaaliyeed.
Waxaana ka soo qayb-gelay shir-waynihii lagu asaasay xisbiga
3000 qof oo la isugu geeyay meel Xero ciidan ah. Dadkaas
waxa baddi laga soo xulay, degmooyinka Dalka, xaafadaha
magaalooyinka iyo hay’adaha dawladda meelihii lagu magacaabi
jiray Xarumaha Hanuuninta iyo ururada balshada. Dadkaas
intooda badan waxay ahaayeen, dad aan aqoon la hayn, oon
waxna qorin waxna akhriyin. Waxaana shirkaa asaasidda
Xisbiga lagu magacaabay Gole-dhexe oo ka kooban 42 qof, oo
bar ka mid ahi yihiin golihii sare ee kacaanka, inta kalana
wasiiradii markaa jiray iyo saraakiil ciidamada laga keenay.
Waxaa lagu soo daray tiro yar oo la keenay Ururadii Bulshada,
sida ururada shaqaalaha, Hawaynka, Dhallinyarada iyo
Iskaashatooyinka Golahaas-dhexe, wuxuu u doortay M.S. Baree
Xoghayaha Guud ee xisbga, Waxaa la baabi’iyay Golihii Sare
ee Kacaanka, Seddexdii Awoodood ee qarank, ayaa mar labadd
loo soo raray Golaha Dhexe ee xisbiga Magac ahaan, dhab
ahaanna waxay mar kale loo soo raray gacanta Xoghayah Guud.
Oo isku darsaday jagooyonkii Dalk ugu sareeyay dastuuri
ahaan oo kala ah_
1- Xoghayaha Guud ee XHKS.
2-
Madax-waynaha jumhuuriyadda
3-
Ra’iisu-wasaaraha
Xukuumadda.
Xisbiga
waxaa loo dhisay habkii Nidaamyada xisbi-kaliyeedka ah ee ka
jiray Waddamada Shuuciga ah ( One Party system). Oo aan la
ogolayn xisbi kale iyo Ra’yi kale oo siyaasadeed. Waxaa kale
oo la mamnoocay wax Organisation ah nooc kastaba ha ahaado
eh, haddoosan ahayn ku Xisbiga ku xiran ama sidii loo yaqiin
Baalasha Xisbiga. Dhamaan ururadii bulshadana waxaa si toos
ah loo hoos keenay Xisbiga oo waxay u shaqaynayaan
waaxyihiisa oo kale Marxaladdana way iska caddahay iyadana,
inaysan meeshaba oollin wax Barlamaan iyo noloshiis ah oo
laga hadlaa.
3-
DAGAALKII XABASHIDA:
Markii laga
soo noqday Dagaalkii 1977-1978, ee soomalida iyo Xabashida,
waxaa dalka soo foodsaaray dhibaatooyin dhaqaale, Siyaasadd
iyo Habbiso gudaha ah. Xagga dhaqaalaha, waxa si xad-dhaaf
ah u batay, deenkii Dibadda iyo kii gudaha, waxaa mesha ka
baxay gabi ahaanba kaalmadii dhaqaale iyo Military ee
Midawga Sofyeeti, oo ahayd midda uu run ahaan ku tiisanyahay
dhaqaalaha dalku. Waxaa si aad u kurdhay kharashkii
ciidamada, waxaa qiima_jabay shilinkii Soomaaliga, oo intii
Dagaalkaa ka horaysay ahaan jiray lacag-adagg, waxaa ciriiri
gelay maciishaddii dad-waynah. Xagga siyaasadda waxaa mesha
ka baxay taageeradii Sofyeetka oo ahaa quwadda Calami ah,
firaaqo ayaa halkaa ka dhashay, quwaddii kale ee
reer-galbeed ma booxinin kaalintaa banaanaatay, marka laga
reebo diplomaasiyadd Afka-baarkiisa ah. Gudaha Dalka waxaa
bilaamay guux-dadwayne iyo caro xagga ciidanka ku baahday,
Guud ahaan la liqi waayay natiijadii dagaalka.oo loo arkayay
in Soomaalidu military ahaan guulaysatay, laakiin siyaasad
ahaan fashashay. Dareenkaa guud wuxuu dhaliyay, isku day
Inqilaabkii 9 abriil 1989kii ee uu hogaaminayay Col.
Maxamuud sh. Osmaan ( CIRO). Dilkii toogashada ahaa ee lagu
laayay Saraakiishii ka qayb-gashay Inqilaabkaa, waxaa ku
burburtay midnimadii Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo tii
Qabaa’ilka Somaaliyeed ee uu ka koobanyahay shacabku.
Dhaawicii soo gaaray midnimadii ciidanka iyo shacabka, waata
abuurtay Jabhadaha qabaa’ilka ku dhisan, oo taageero ka
helay Dalkii Itoopia ee dagaalka lagu la jiray, waana tan ay
manta la dhutinhayso Umadda soomaaliyeed.
April 9, 1978 -
Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido
xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa
ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey
Col. Maxamed Sheekh
Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi
Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku
jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa
inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo
wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu
dhicisoobay.*]
Sept 1978
- Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu
horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF)
taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).
LABA KACLAYNTII:
1980kii ,markuu
arkay dhibaatooyinka dalka ka jira ee dhaqaale, siyaasad.
Iyo bulshu, ayuu M.S.Bare ku dhawaaqy waxa uu ugu yeeray
Laba kaclayn iyo turxaan-bixin. Uu sheegay in ay Kacaankii
21 oktobar, ka leexisay jidkiisii, haddana dib loogu soo
celinayo. Waxaase ku ku dhamaatay k
Janaayo 30, 1984:
Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku
xasuuqday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4
macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5
macalin , waxaa kaloo dadka ku nafwaayay weerarkaas kamid
ahaa 4 hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka....
udbado
ayaamo socday kaddibna isku demay
4-
GOLAHAYAASHA SHACBIGA:
Waxaa golaha
dhexe eeXHKS, go’aamiyeen in la qabto Doorashin, guud oo
lagu soo dooranayo:
1- Madaxweyne.
2- Barlamaan.
3- Golayaal-Degaan.
Kuwaas oo
lagu tilmaamay in yihiin tallaabooyin lagu xaqiijijnayo
Diimoqraadiyadda, isla markaana ay Ciidamada qalabka sidaa
ku oofinayaan, ballan-qaadkoodii 21 Oktoobar 1969 kii ee
ahaa in ay Awoodda dalka dib-ugu-celin doonaan shacabka
marku uu u bislaadu. Waxaa la qabtay doorashu,
madaxwanne1981dii, mana ahyn mid lagu tilmaami karo doorasho
Arimahan hoos ku qoran darteed:
1- Ma jira
wax tartan ah uu ogolaanayay nidaamkii Xisbiga u dagsanaa,
oo ahaa oo uu yahay hay’adda kaliya ee xaq u leh inay soo
rashaxdo Madaxwaynaha. Xisbiguna wuxuu soo Rashaxay
Xoghayihiisii Guud M.S. Bare.
2- Hal
musharax hadday arinto ku koobantahay lama dhihi karo wax
wax baa la kala dooran, saa meeshaba lama ogola in wax la
doorto, waana tii ay ku sooo baxday shiribkii ahaa( Nin
dooran , ay dooro leeyihii, ya hoy, way danbaajiha).
3- Waa afti
dadwayne oo dadka waxaa loo ogolaa in ku codeeyaan HA iyo
MAYA midkood. Natiijadiina waxay noqotay sidii lagu yiqiin
nidaamyada hal-xisbiyeedka kali-taliska, oo ah 99,99
boqolkiiba , waana mid la sii wada ogyahay inta aan la
qabanin cadaynta.
Haddan wax-yar
ka tilmaanno golihii shacbiga ee qaranka( Barlamaan) iyo
golayaashii degaannada ( Dawladaha Hoose), waxaannu markiiba
isha ku dhufanhaynaa arimo yaab leh oo aan weli adduunka soo
marin , waxayna ahaa-yeen kuwo uu soo hindisay M.S. Bare.
Uma jeedo arimaha la xiriira, habka doorasha iyo si
caddaalad ah ma dhacday mase maya? Ee waa kuwo khuseeya
nuxurka macnaha wakiilnimada xubinta golayaasha, Waana kuwan
tilmaamahaasi qaarkood:
1- Golaha
Qaranka oo ka koobna 150 xildhibaan-magaca markaas baa la
bixiyay- waa tiro isku duuban, oo waddanka oo dhan wakiil
uga ah si duu-duub ah, loo ma kala saarin gobol iyo degmo.
Marka lama yaqaan qofka Xamar wakiilka ka ah, kan Baydawo,
Kismaayo Saylac…iwm.
2- Waddanka
magalooyinkiisa , goboladiisa, iyo degmooyinkiisa, lama
yaqaanno tirada xildhibaan uu midba leeyahay. Balse waxaa la
oran karaa midna waxba ma ma laha.
3-
Golayaasha dagaanka oo degma kasta loo qoondeeyay, degmana
kama xigto demooyinka kale ee dalka, oo waxaa looga
codaynayaa dalka oo dhan .Tusaale ahaan Golaha dawladda
hoose ee Zaylac, waxaa u codeenaya dadka kismaayo deggan oo
ayna badankood arkin Saylac wligood haddana u socon. Waa
nidaam aan weli sheekana lagu maqal.
Falsafadda
ka danbaysay Fikraddaas waxay salka ku haysaa in meesha laga
saaro, in xubnaha goliyaasha ay wakiil ka yihiin Magaalo,
Degmo ama Gobol. Si uusan xildhibaanku u dareemin in uu ku
soo galay golaha, abtirsiinta uu ku abtisanayo gobolkaa,
degmadaa ama magaaladaa. Taas waxaa lagu bedaly fikradda ah,
Xubinimada Golaha waxaa kuu gartay: ku abtirsiga Xisbiga iyo
Xughayihiisa Guud.
4-
AWOODDA GOLAHA SHACBIGA:
Golahaan oo
ka dhigna barlmaan wuxuu lahaa, awood dastuuri oo ballaaran
marka la eego xagga Dastuurka siiba sharci dejinta iyo
kormeerka hay’adaha dawladda. Lakiin marka laga eego xagga
waqica dhulka yaal, wuxuu iska ahaa Magac-u-yaal. Waana kan
habkii uu u hawl-gali jiray:
1- Goluhu
waxuu yeenlan jiray laba KAL_FADHI sannadkii, oo middiiba
yahay Saddex casho. Xubnihiiso waxay ahaayeen dad Mas’uuliin
ka aha hay’adaha kala duwan ee dawladda, wasiiro. Xubno
golaha dhexe ee Xisbiga, sarakiil ciidan. Hawl-wadeenno
dawladeed , madax ururo bolsho … iwm. Xubin kastaa wuxuu
mashquul ku yahay hawshiisii caadiga ahyd, ee mushaharka uu
ku qaato, tan goluhuna waxay ahayd iska sharaf iyo magac qur
ah..
2- Goluho
waxuu lahaa waxa lagu yiraaho GUDDIGA JOOGTADA ah, oo ka
kooban ilaa 18 qof , oo ay ku jiraan Goddoonka iyo xoghaynta.
Wixii sharciyo ah guddigaan ayaa loo soo gudbiyaa, isagaana
waafaqa oo golilhii wakiil ka ah.
3-
Kal-fadhiga marka la isugu yimaado waxaa la waafaqaa,
sharciyadii uu sii ogolaaday G.Joogtada ah, muddadii u
dhaxaysay labada ka-faddhi.
4- Waxaa ka
mid ahaa rashaxaadda madaxwaynaha, laakiin waxaa hortiis soo
rashixi jiray G.dhexe ee xisbiga , wax dood ahna marna kama
dhicin.ee waa laga ASIXIN jiray, tartanna warkiba daa.
5- Xubnaha
goluhu , dhammaatood waxay ahaayeen mas’uuliin dawladeed,
mana jirin wax-qabadd muuqda, oo ay ku la haayeen hawlaha
golaha, inta aan ka ahayn guddiga joogta ah.
6- Maamulka
kacaanka u lama jeedin dhismaha golayaasha shacbiga, ku
siqid dhinaca diimoqradiyadda, ee waxay ka ahayd buuxin
kaalin ka bannaan qayb wayn oo ka mid ah qaybaha Hay’adaha
qaranka iyo ku dayasho Nadaamyayadii shuuciga ahaa ee ku
wareegayay giraanta Midawgii Sofyeeti. Kuwaas oo
barlamaanadoodo ku ekaayeen magac iyo muuqaal, runtiina aan
lahayn awood dhab ah oo la taaban karo.
7- Golihii
shacabku sidaas buu u ahaa magac u yaal , ka maran nuxur
barlamaan, Mana jirin wax lagu sheego nolo barlaman ee wuxuu
iska ahaa Ansixiye. Ama waxa loo yiqiin Rabar-stamp.
Gabagebadii
waxaa oran karaa waqtigii Kacaanka ma jirin barlamaan iyo
noloshiis waaqica dhulka yaallay, dadkuna weligi ma dareemin
jiritaankooda, ka mana hadlin ku mana hadaaqi jirin. Taas
macnaheedo ma aha in 20 sano ee Kacaanku Dalka maamulayay,
aan waxba la qabanin, mana jiro qof wax garannaya oo taas ku
addacoon karo, waxaanse ka hadlay oo kaliya hal dhinac, oo
ahaa kii inoo soo taxanaa ee barlamaan iyo noloshiis.
Kacaanka waxa lagu xusuusta laba arimood oo iska soo
horjeeda. Tan hore waa Dhismaha Dalka, tan labaadna waa
cadaadinta Dadka. Labada arimoodba , waxuu ku leeyahay
raad-wayn oon cidina inkiri karin.Waase labo arimood oo ka
baxsan mawduuceenna maanta. Barlamaannadii hore ee awoodda
buuxda lahaa ee ka jiray dalka kacaanka ka hor iyo kii
Kacaanka ee magacu-yaalka ahaa, labaduba waxay lahaayeen DAL
IYO DAWLADD.
`
Aug 7, 1990 -
Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay
1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey
sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.
Jan
27, 1991 - Siyaad
Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,
jabhaduna ay halkaas qabsatay.
Marka aynu Intaasi kaga Gudubno Marxaladihi Dawladi uu
Hogaanka u hayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre la soco
Todobaadka Dambe Qaybta 5aad ee Barnaamijkan Taxanaha ah
Xubintii Ma Ogtahay?.
1-Ma
Ogtahay Akhristaw in Meesha ugu Kulul aduunka ay tahay
Goobta looyaqaan Casiisiya oo ku taala Wadanka Liibiya
iyadoo ay tahay Goobta ugu Qabow Wadanka loo Yaqaan Serbia.
2-
Ma Ogtahay Akhristaw in Magaaladda ugu Qadiimisan Somalia ay
tahay Magaaladda loo yaqaan Caluula ee Gobolka Bari.
3-Ma
ogtahay in Halgankii Daraawiished uu ahaa mid socday ilama
iyo 1900-1921.
3-
Ma Ogtahay Akhristaw in Hogaamiyaha ugu Khudbadda Dheera
Dunida ee ka horjeedinayay Golaha Amaanka uu yahay
Hogaamiyaha Hawlgabka ah ee Fidel Castro.
4-
Ma Ogtahay Akhristaw in Gobolka ugu Khayraadka Badan Somalia
lagu sheego Gobolka J/Hoose.
5-
Ma Ogtahay Akhristaw in Aasaasihi Xizbiga loo Yaqaan Xamaas
loo aqoon jiray Sheikh axmed Yaasin ayna dileen goor subax
hore ah isagoo salad ka yimi Yuhuuda.
6-
Ma Ogtahay Akhristaw in Dalkasi Maraykanka uu xoriyad ka
Qaatay Dawladi Britain sanadkii 1717 .
7-
Ma Ogtahay Akhristaw in Ganacsigi Adoonta ee loo yaqanay(Slave
Trade) uu bilaabay wadanka loo yaqaan Portugal halkaasi
oo lagayn jiray Adoonta Gobolka Waqooyiga America si dadka
Africanka ah loogu shaqeeyo oo ay U beeran Dalagyadda kala
duwan.
8-
Ma Ogtahay Akhristaw in Sayniyahanki helay Curiyayaasha loo
yaqaan (Periodic Table) uu isku habeeyay Naqshadooda
Demitric Mandeleev oo ahaa Saynisyahan Russian ah.
9-
Ma Ogtahay Akhristaw in Dhecanka loo yaqaan Gastric Juice oo
ah kan Caloosha lagu soo daayo uu u kala boxo Laba oo kala
ah Pepsin and Rinotin .
10-
Ma Ogtahay Akhristaw in Xeerka loo yaqaan Low of Reflection
uu
yahay
Angle Of Reflection=Angle of Incidence
Murtida Barnaamijka:
1-Geel
dhalay Dhawaaqi baa Geel Dhaqayo Dhega Tira.
2-Miro
Gunti ku Jira kuwa Geed saran looma Daadsho.
By:C/Rashid Maxamed Daahir
Contact:Lacle1004@hotmail.com
Ama
Rashid@ceegaag.com
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |