Cabdullahi Oomaar
Cawaale oo ku geeryooday Hargaysa shalayto oo maanta lagu
aasay qabuuraha Boqol jire
(Hargaysa.
June 08 , 2009 Ceegaag Online)
Dhegayso
Warbixinta oo maqal ah
Allaha u
naxariistee Cabdullahi
Oomaar Cawaale
oo ahaa ganacsade iyo siyaasi
dadka soomaalida caan ka ahaa ayaa shalay ku geeryooday
magaalada Hargaysa isaga oo isla galabta lagu aasay
Qabuuraha Boqol jire ee magaalada Hargaysa. iyadoo ay
soo gelbiyeen boqolaal baabuur iyo dad kumanaan ahaa oo
xabaasha yimid. Warsaxaafadeed ay qaybiyeen qoysku aya lagu
sheegay taariikhdiisa.
Cabdillaahi
Oommar ku dhashay magaalada Luuq ee Koonfurta Somaliya
1932kii isagoo waxbarashadiisana ku qaatay magaalada Sheekh
iyo magalada Cadan . wuxuu u bayray xagga ganacsiga isagoo
la shaqeeyay Jirdde Xuseen kadibna Aasaasay sharikaddii ugu
horreeyasay Oomaar.
Markii danbe
ee gobanimadii 1960kii u wareejiyay tijaaraddiisii magalada
Muqdisho. Cabdullaahi Oomaar wuxuu sida lagu sheegay
Warsaxafadeedka 1967kii ganacsigisii u wareejiyay London
isagoo mar kale 1974kii
Dib uga furay
haddana ganacsigiisii dalka gudihisa. Waxaa Cabdullaahi
Oomaar lagu Xusustaa Inuu madbacaddii ugu horreysay ee casri
ah ka hirgeliyay Hargeysa gobanimadii ka hor 1957.
Cabdullaahi
Oomaar xagga siyaasadda waxaa lagu xususaan doonaa inuu ka
mid ahaa Asaasayaashii ururkii dhallinyarada dugsiyada ka
soo baxda ee loo yaqannay Al-Madar isagoo 1953kii ilaa
1958kii noqday guddoomiyihi ururkaasi oo qayb weyn ka soo
qaatay xornimadii dalka.
Cabdullaahi
oomaar wuxuu si Rasmi ah usoo degay oo ugu soo noqday
Somaliland 1996kii isagoo Doorashadii 1997kii isu taagay
doorashadii madaxweynaha laakiin dastuurka Somaliland ayaa
sheegay inaanuu labadii sano ee ugu danbeeyay joogin
Somaliland gudaheeda tasoo ka hor istaagtay Musharraxnimadii
Madaxweynaha Somaliland.
Warsaxafadeedka waxa lagu sheegay in Cabdullaahi Oomaar qayb
weyn ka soo qaatay Hawlo badan oo Samafal ah iyo dhinaca
waxbarashada gaar ahaan ku dhiirrigelinta hablaha .
Wuxuu
Cabdullaahi oomar ka tegay Xaas iyo Afar Caruur ah; Raage
Oomaar oo ah Suxufi caalami ah iyo Raaqiya oomaar oo ah
gabadh caan ah oo u doodda xuquuqda Adamaha oo labaduba
galabta Joogay Aaska Aabahooda , iyo Maxamed Cabdullaahi
Oomaar Wasiirka Arrimaha dibedda ee dawladda KMG ee
Soomaaliya.
Anaga oo ah bahda Ceegaag waxaan tacsi
udiranaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Cabdilaahi
Oomaar siiba Maxamed
Cabdullaahi Oomaar Wasiirka Arrimaha dibedda ee dawladda KMG
ee Soomaaliya. Marxuum Cabdilaahina waxaan ilaahay uga
baryanaa inuu janada fardawsa ah geeyo oo loogu naxariisto
halgankii uu u soo galay xariyada aan hada Soomaali ahaan
haysano.
Xigasha BBC qaybta Soomaaliga.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |