Dilka Muslimka
Diintu Maxay ka Qabtaa?
(Somalia. March 06, 2009 Ceegaag Online)
Laga soo billaabo maantuu Alle Aadan abuuray ilaa
saacadda Aakhiro ka dhacayso umadaha adduunka ku nooli
dhammaantood waxay isku raaceen inay lama huraan tahay nafta
bina’aadanka in la dhawro oo aan lagu xadgudbin. Sidaas
darted buu Alle Subxaanahu u adkeeyay ciqaabta qofkii naf
xaqdarro ku gooyaa uu Adduunka iyo Aakhira labadaba ku
leeyahay.
Ciqaabtiisa Adduunka:
Qofkii qof kale xaqdarro ku dilaa ciqaabta uu Adduunka ku
leeyahay waxa weeye in nafta looga qaado siduu isba naf qof
kale u qaaday. Ciqaabtaas Alle wuxuu ka yiri:
((وَكَتَبْنَا عَلَيْهِمْ فِيهَا أَنَّ النَّفْسَ
بِالنَّفْسِ وَالْعَيْنَ بِالْعَيْنِ وَالأَنفَ بِالأَنفِ
وَالأُذُنَ بِالأُذُنِ وَالسِّنَّ بِالسِّنِّ وَالْجُرُوحَ
قِصَاصٌ فَمَنْ تَصَدَّقَ بِهِ فَهُوَ كَفَّارَةٌ لَهُ وَمَنْ
لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُوْلَئِكَ هُمْ
الظَّالِمُونَ)) [المائدة (45)]
(Waxaan dushooda Tawraad dhexdeeda kula waajibinnay naf
in naf loo gooyo, il il loo rido, san san loo gooyo, dheg
dheg loo jaro, iligna ilig loo rido, dhaawacyaduna ay qisaas
(waxaad geysatay oo lagaa gooyo) leeyihiin, qofkii dhibkii
ku dhacay sadaqaysta dembi-dhaaf buu u yahay (ama qofkii
dhibka dhigay hadduu is-dhiibo oo ha la’iga gudo yiraahdo oo
sidaas looga gudo dembi-dhaaf buu u yahay), wixii Alle soo
dejiyay qofkaan dadka ugu kala garsoorinna kuwaas baa dulmi
sameeyay) (Al-Maa’ida: 45).
Aayaddani inkastoo ay reer Banii-Israa’iil (Yuhuud) kusoo
degtay misana waa innagu waajib in aynu ku dhaqanno, maxaa
yeelay shareecadii innaga horreysay haddaanay shareecadeenna
khilaafaynin in aynu ku dhaqannaa waa innagu waajib.
Taas oo jirta, misana halkaan Aayaddaas keligeed daliil
ahaan ugu soo qaadan mayno, maxaa yeelay kitaabka Alle iyo
sunnada Rasuulka (Sallallaahu calayhi wasallam) ee afka ah
iyo tan falka ah iyo ijmaaca umadda intaba arrintaasi si
shaki la’aan ah bay ugu caddahay, siduu Alle yiri:
((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمْ
الْقِصَاصُ فِي الْقَتْلَى الْحُرُّ بِالْحُرِّ وَالْعَبْدُ
بِالْعَبْدِ وَالأُنثَى بِالأُنثَى فَمَنْ عُفِيَ لَهُ مِنْ
أَخِيهِ شَيْءٌ فَاتِّبَاعٌ بِالْمَعْرُوفِ وَأَدَاءٌ إِلَيْهِ
بِإِحْسَانٍ ذَلِكَ تَخْفِيفٌ مِنْ رَبِّكُمْ وَرَحْمَةٌ فَمَنْ
اعْتَدَى بَعْدَ ذَلِكَ فَلَهُ عَذَابٌ أَلِيمٌ (178) وَلَكُمْ
فِي الْقِصَاصِ حَيَاةٌ يَا أُوْلِي الأَلْبَابِ لَعَلَّكُمْ
تَتَّقُونَ)) (179) [البقرة]
((Kuwa xaqa rumeeyow! waxaa waajib la idiinka dhigay
dadka la laayay qisaastooda (isu dhigistooda) oo ah in;
qofka xorta ah xor kale loo dilo, addoonka addoon loo dilo,
dhediggana dhedig loo dilo, ee qofkii walaalkiis uu dilay
dhiiggiisii qayb laga cafiyay waa in wanaag lagula dhaqmo,
isaguna wixii ku haray uu si wanaag ku jiro kii cafiyay ugu
gudo, taasina waxa weeye fududayn iyo naxariis Rabbigiin
xaggiisa idiinkaga timid, markaay sidaasi dhacdo keddibse
qofkii xadgudbaa wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
Qisaasta (isu dhigista) nolol baa idiinku jirta, dadka wax
garadka ahow bal in aad dhawrsataan)) (Al-Baqara: 178-179).
Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) wuxuu Nabiga (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Qof muslin ahoo in
Alle mooyee Ilaah kale aanu jirin anna aan Rasuulkii Alle
ahay qiraya dhiiggiisu kuma bannaana waxan saddex xaalo
middood ka ahayn: Qof xaas ah oo sinaystay, naf naf loo
goynayo iyo qof diintiisa ka tegay oo jamaacada ka baxay)[1].
Cabdullaahi ibnu Camr ibnil-Caas (RC) waxa laga weriyay
Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) inuu yiri: (Adduunyada
oo baaba’da ayaa ka fudud nin muslin ah dilkiisa)[2].
Ciqaabta uu Aakhira leeyahay:
Qofka qof muslin ah xaqdarro ku dila Aakhiro wuxuu leeyahay
carada Alle iyo cadaabta jahannama oo uu ku waaro. Ilaah
wuxuu leeyahay:
((وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ
جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ
وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً)) [النساء (93)]
((Qofkii qof mu’min ah ulakac u dila abaalmarintiisu waa
Jahannama oo uu ku dhex waarayo Allena wuu u carooday wuuna
lacnaday (naxariistiisa ayuu ka fogeeyay) cadaab weynin
badanna wuu u diyaariyay)) (An-Nisaa’: 93).
Cabdullaahi ibnu Mascuud (RC) wuxuu Rasuulka (Sallal-Laahu
calayhi wa-Sallam) ka weriyay inuu yiri: (Naf kasta oo dulmi
loo dilo, waxa dhiiggeeda qayb ku leh ina Aadankii hore,
maxaa yeelay wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee dil laga
bartay) [3].
Alle Subxaanahu wuxuu mujaahidiinta u diiday inay dilaan
gaalkii goobta dagaalka lagula jihaadayay ee seefta inta
sare loogu qaaday si qoorta looga gooyo, markaas yiri : (Laa
Ilaah illal-Laah).
Usaama ibnu Zayd (RC) baa wuxuu dilay nin kamid ahaa
gaaladii la dagaallamaysay, markuu Laa Ilaaha illa-Laahu
yiri kaddib. Suubbanaha (Sallallaahu calayhi wasallam)
markii dhacdadii loo sheegay waxa uu Usaama ku yiri: (Ma
waxaad dishay markuu Laa Ilaaha illal-Laahu yiri kaddib?).
Usaamaa wuxu yiri: Rasuul Alloow wuu iiga gabbanayay.
Suubbanuhu (Sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu yiri: (Ma
intaad qalbigiisa jeexday baad ka ogaatay?) [4].
Alle Subxaanahu watacaalaa isagoo arintaas ka hadlaya
wuxuu Qur’aankiisa ku yiri:
((يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِذَا ضَرَبْتُمْ فِي
سَبِيلِ اللَّهِ فَتَبَيَّنُوا وَلا تَقُولُوا لِمَنْ أَلْقَى
إِلَيْكُمْ السَّلامَ لَسْتَ مُؤْمِناً تَبْتَغُونَ عَرَضَ
الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فَعِنْدَ اللَّهِ مَغَانِمُ كَثِيرَةٌ
كَذَلِكَ كُنتُمْ مِنْ قَبْلُ فَمَنَّ اللَّهُ عَلَيْكُمْ
فَتَبَيَّنُوا إِنَّ اللَّهَ كَانَ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيراً))
(94)) [النساء]
((Kuwa Mu’miniinta ahow markaad jidka Alle u baxdaan wax
hubsada oo ha dhihina qof salaan idiin soo taagay Mu’min ma
ahid adinkoo doonaya dhalanteedka nolosha adduunyada, Ilaah
baana qaniimooyin badan haaya, sidaas oo kale ayaad awal
ahaydeen “adinkuba” Allaana idinku galladaystay “idin soo
hanuuniyay” ee kala hubsada, Allena waxaad camal falaysaan
waa xog ogaal)) (Suurat Al-Nisaa’: 94).
Sida uu Alle Aayadaas ku sheegay qofkii gaalka ahaa ee
kula dagaallamayay hadduu dagaalkii joojiyo oo uu ashahaato,
dhiiggiisu waa xaaraan, xalaalna ma aha in la dilo, maxaa
yeelay awalba waxa loola dagaalamayay inuu islaamo, haddii
taas laga helana faraha ayaa laga qaadayaa. Sidoo kale
hadduu gaalku heshiis oggolaado, isna waa la nabad gelinayaa
mar hadduusan diinta Alle hor istaagayn, oggolyahayna inay
ummada gaarto.
Haddaba haddii qofkii aan gaalnimo ku ogayn ee cabsi
darteed daqiiqaddii ugu dambaysay ashahaadinka qirtay uu
xaalkiisu sidaas yahay oo la diiday in la dilo, maxay kula
tahay qof fac-ka-fac muslin ahaa oo salaaddii tukanaya,
soonkii soomaya, sakadii bixinaya, xajkiina gudanaya, sidee
qof kaloo muslin ah oo Alle iyo maalinta Aakhiro rumeeyay
dhiiggiisa u xalaashaday oo xaqdarri ugu dilay?.
Iskaba daa in qof muslin ah dilkiisu bannaan yahay ee
Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) wuxuu ka digay in
qof muslin ah laga nixiyo xitaa haddii ay kaftan iyo ciyaar
tahay. Cabdullaahi ibnu Saa’ib ibnu Yaziid wuxuu awoowihiis
ka weriyay inuu maqlay Rasuulka (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) oo dhahaya: (Qofkiinna yaanu alaabada walaalkiis
dhayal iyo dhab toona ku qaadin, qofkii usha walaalkiis
qaadayna ha celiyo) [5].
Ibnu Abii-Leyla isna waxa laga weriyay inuu yiri:
Asxaabta Nabi Muxammad (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaa
inooga sheekeeyay in iyagoo Nabiga (Sallal-Laahu calayhi
wa-Sallam) la socda nin iyaga kamid ahi uu hurdooday,
markaasna nin kaloo iyaga kamid ahi xarig uu sitay ka qaaday
dabeetana ninkii markuu inta uu toosay xariggii waayay uu
naxay. Markaas Rasuulku (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu
yiri: (Muslin uma bannaana inuu muslin ka nixiyo) [6].
[1] Bukhaari (6878), Muslim (1676).
[2] tirmidi (1395).
[3]Bukhaari (7321), Muslim (1677)..
[4]Muslim (96).
[5] Abuu-Daa’uud (5003),
[6] Abuu-Daa’uud (5004).
Sabriye Macallin Muuse
sabkaxaaji@hotmail.com
Minnesota-United States
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |