Dowlada Walad Cabdullaah
maba ay dareemin dareenka kacsan iyo cadhada shacabka
Soomaaliyeed inta ay le’egtay!!!
(Soomaaliya.
May 02, 2009 Ceegaag Online
Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga
Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa
Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid
kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisii ilaa
iyo Maalinta Qiyaamaha
Intaas ka dib:
Aqristayaal badan baa laga yaabaa in ay
is waydiinayaan waa tee dowlada Walad Cabdullaah, dabcan
waxan uga jeedaa waxa weeye dowlad ku sheega khiyaana qaran
ee dusha laynagaga keenay, iyada ayaa ah dowlada Walad
Cabdullaah, runtii isaga ayaa ah madaxwaynaha dhabta ah ee
dowlad ku sheegaa khiyaana qaran, ee hada Muqdisho xaafadaha
ka mid ah ka hawl gasha, wax aanu isagu amrin oo
tartiibteeda soo maaraynin kuma ay kici karto, oo ma dhaqan
gelin karto haba yaraatee.
Hawlaha iyo danaha balaadhan ee laga
leeyahay wadakeena iyo shirqoolada lala maagan yahay isaga
ayaa loo soo igmaday, oo ay u xil saarteen kuwa isku
magcaaba beesha caalamku, ee ka leh wadankan danaha gurcan,
waxaynu odhan karnaa ama ayba runtii tahay, golihiisa
wasaaraduna waa haya’adaha samadiidka ah, ee isku magcaaba
haya’adaha samafalka, golaha baarlamaanka dhabta ahina waa
dabcan kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo wadamada
deriska ah, dowlad ku sheegan khiyaano qaran ee ummada
shisheeyuhu dusha kaga keenay, xubneheedu iyagu waa
Magac u yaal ummada lagu marin
habaabinaayo, oo lagaga qarinaayo xaqiiqada danaha gurcan ee
wadankan laga leeyahay iyo shirqoolada lagu hayo, hadaba
hadaynu taas garanay, waxaa fiican bal inaynu isku dayno in
aynu wax ka ogaano, yuu yahay ninkan la yidhaahdo Walad
Cabdullaah, runtii anigu waxba kama sheegi karo ninkan
taariikhdiisa, taariikhdiisa Allaah ha tirtiree, iyo siduu
mansabkan ku gaadhay toona, inshaa Allaahu tacaalaa waxaynu
heli doonaa walaala kale oo baadhitaano ku samayay oo inoo
soo bandhiga taariikhdiisa, anigu se waxaan jecelahay in aan
Aqristayaasha ku baraarujiyo arin
ninkan Walad Cabdullaah la xidhiidha, waana in ninkan Axmed
Walad Cabdullaah uu ka yimid wadanka la yidhaahdo
Mauritania, oo ku yaala woqooyiga Afrika, wuxuuna ka mid
yahay wadamada shanta ah ee laysku yidhaahdo galbeedka
Carabta, waana wadamada Libya, Tunisia, Algeria, Morocco iyo
Mauritania. Wadamadaas Carbeed sidaynu wada ognahay, waa
wadamo Islaam jacaylkooda, Carbnimadooda iyo wadan
jacaylkoodu uu aad iyo aad u sarayo, shucuubta wadamadaasu
waxay la soo galeen gumaystihii haysan jiray
Halgan aad u dheer oo qadhaadh, ilaa ay
ugu dambayn ka xoreeyeen wadamadoodii, Algeria oo keli ah
waxaa kaga shihiiday halgankii gobanimadoonka malyuun qof,
sida iyaga loo gumaysanaayay way ka duwanayd aduunka intiisa
kale, oo gumaystuhu wuu isa siiyay wadamadaas, oo marka laga
reebo Libya, uu gumaysan jiray Faransiisku, Faransiisku xoog
buu wadamadaas u degay, waxayna u arkaayeen qayb ka mid ah
dhul waynaha Faransiiska, hase yeeshee halgan dheer oo
qaadhaadh ka dib Faransiisku waa iskaga huleelay wadamadaas,
In kasta oo ay tahay taariikhda
shucuubtaasu mid sidaas u wanaagsan, baa hadana waxaa ku
jira dad yar oo raacsanaa oo midiidin u ahaa gumaystihii oo
daacad u ahaa, ilaa iyo maantana u ah, waxaa kale oo
wadamadaas ku noolaa ilaa maantana qaarkood ku nool yihiin
Yuhuud, iyaguna halkaas waxay ku leeyihiin dad raacsan, oo
daacad u ah, weliba Yuhuuda wadamadaas ku noolaan jirtay
markii Yuhuudu isugu tageen Falastiin, waxay noqdeen kuwa
ugu cadaawada iyo cunsurinmada badan intii Yuhuud halkaa
isugu timid, halka kuwii Yamen ka yimid ay noqodeen kuwa ugu
Cadaawada iyo dhibta yar, marka waxan
hadalkan uga jeedaa waxa weeye, in gumaystihii iyo Yuhuuduba
ay wadamadaas ku leeyihiin dad ay weli halkaas ku ilaaliyaan,
oo ah kuwii raacsanaa, danona ay weli uga haya wadamadaas
iyo caalamka Islaamka oo dhanba, madaama ay dadkan iyagu
ilaaliyaana waxay u fidiyaan taageerooyin fara badan sida
dhaqaalaha, waxbarashada iwm, inta badan waa kuwa hela
mansabada caalamiga ah ee waawayn, sida ninkan oo kale,
waayo waxay ku xidhan yihiin dowladaha reer galbeedka iyo
Yuhuuda oo aduunka maanta ka taliya, bal eega intii
Aynu burburka ku jiray Walad Cabdullaah
waa ninkii saddexaad ee wadamadaas ka yimaada oo ay UN tu
ugu soo magcowday ergaygeeda gaarka ah ee Soomaaliya,
shakina kuma jiro in UN ta la soo mariyo shirqoolada iyo
dhagarta wadankan lala maagan yahay, labadii nin ee ka
horeeyay waxay labaduba ka yimaadeen Algeria, waynuna wada
xusuusanahay hagardaamooyinkii ay wadankeena ka gaysteen,
kanu se waa kii ugu daraa ee ugu khaayinsanaa, ninka la soo
diyaariyay Norway iyo Kenya heshiiskan khiyaanada qaran ah,
ee badeenii Kenya lagu siiyay waa isaga, iyo
Weliba xogta badeena ee ay dowlad ku
sheega khiyaana qaran u gudbisay UN ta, yaanayna idin hodon
marka la waydiiyay ee uu dafiray in uu wax ka og yahay
heshiiskan, wuxuuna ku riixay dowlada ku sheega khiyaana
qaran, dabcan maaha wax la qiran karo oo waa in uu dafiraa,
maaha arin uu samayn karo nin muslim ah oo Allaah ka
cabsanaya oo damiir nool lehi, in uu u xalaalayo dhul Islaam
ah gaalo, bal eega hada shalay Budrus Qaali xoghayihii guud
ee hore ee UN ta isaga oo milad ahaan aan Muslim ahayn, ayuu
hadana diiday oo is hortaagay shirqooladii Soomaaliya lala
Maaganaa, waayo waa dhul carbeed buu ku
daafacaayay, ilaa uu ku waayay shaqadiisii, markii ay
dowladaha reer galbeedku is hortaageen gaar ahaan Mareekanku,
in uu dib mar labaad isu soo sharaxo mansabka xoghayaha guud
ee UN ta, waxa kale oo tusaale wanaagsan ah dowladii hore ee
Soomaaliya, markii laga gown rabay Pakistan Bangladesh, oo
ay taas uga ololaynayeen UN ta Ruushka iyo India, dowladii
Kacaanku iyadoo ka mid ahayd dowladihii la jaalka ahaa
Ruushka oo dhamaantood wada taageeray in ay ka go’do
Bangladesh Pakistan, dowladii kacaanku taas way
Ka soo horjeesatay, oo way diiday in la
kala gooyo Pakistan, halkaas ayuuna ka bilaabmay
xiidhiidhkii xumaaday ee Ruushka iyo Soomaalia. Markaa Axmed
Walad Cabdullaah iyada oo aanay qarsoonayn in uu yahay kan
la soo diyaariyay dowladahaa heshiiskan ee dabada ka
riixaaya ayuu hadana wuxuu dembiga kan wayn, ee laga galay
ummada Soomaaliyeed ku soo riixay dowlad ku sheegan khiyaana
qaran, oo iyagu aad aragtaan in ay weli ku sii indha adag
yihiin, oo ay ku adkaysanayaan khiyaanadan qaran ee ay
samayeen, oo weliba ku andacoonaya in ay heshiis muhiim ah
oo
Cumar Cabdi Rashiid
wuxuuba Soomaalida u qabaa wada jaahil
Taariikhi ah la galeen Kenya, oo wax
wayn ugu soo kordhinayaan wadanka!!! Xaqiiqada inoo muuqataa
se ay tahay mid taa ka gedisan, bal ay tahay in ay ku takri
faleen badeenii oo uga tanaasuleen dowlad shisheeye ah, oo
markeedii horeba dhul inaga haysatay iyo badba, uu inooga
qaaday gumaystihii dhulka xukumi jiray, Cumar Cabdi Rashiid
isaga oo isku kalsoon oo degan, oo aan haba yaraatee
dareemin dareenka kacsan iyo cadhada shacabka, bal laba
yaaban dadka arintan ka hadlaaya, buu yidhi horta waxaan
saxeexnay maaha heshiis ee waa is faham, isaga oo isku
deyaaya in uu dadka
Marin habaabiyo, unaba qaatay sida ka
muuqata in aanay ummadatanu wax wax garanayaba lahayn, oo ay
wada jaahil iyo dad wareersan yihiin. Waxay taasu I
xusuusisay sheekada nin dhalinyaro ah, oo wadanka ka tegay
intii aanu burburku dhicin, wuxuuna ku barbaaray oo wax ku
bartay wadan debeda ah, markii dambena ka shaqaystay, waxa
uu si wayn ula socday dhibaatada dhulkiisii hooyo ka taagan
iyo burburka ay ummadii Soomaaliyeed dhulkoodii u gaysteen,
aad buu uga xumaan jiray markuu maqlo wararka caynkaas ah,
wuxuuna qabay in wadanka dadka
Joogaa yihiin dad jaahiliin ah oo
wareersan, wax caqli lihina aanayba meesha joogin, beri
dambe ayuu wadankii booqasho ku yimi si uu u soo arko
ahalkiisii iyo qaraabadiisii iyo dhamaan wadanka oo dhanba,
markii uu habeenkii u horaysay gurigoodii u hoyday, ayaa
aroortii waxaa u yimid odayo qowskooda ah, markii lays
nabdeeyo oo cabaar lays waraystay ka dib, bay odayadii ku
yidhaahdeen: war hebel waxaanu saaka kuugu soo jarmaadnay
waxay tahay, waxaa beryahan colaadi ka dhex taagnayd reer
hebel iyo reer hebel, colaaduna meel xun ayay ka gaadhay, oo
Xabadaa isugu jirta, markaa bal waxaanu
rabnaa inaad noo timaado oo aynu dhexdhexaadno labadan reer,
ninkii cabaar buu aamusay, dabadeedna wuxuu yidhi: waa yahay
ee beritoo haynoo ahaato, odayadiina waa yahay bay
yidhaahdeen oo waa ka tageen, hadaba ninkanu markii uu
cabaarka aamusay, intaanu jawaabta odayada siin, wuu isla
sheekaystay, oo wuxuu isku yidhi: alaylehe waa sidaan
garanaayay oo meeshan wax caqli iyo xikmad toona hayaa ma
joogaan, ma anay maanta xikmad iyo maskax I soo bideen,
markii odayadii ka tageen buu wuxuu goostay in uu
Xoogaa is qaali garayo, si baahida loo
qabaa u sii waynaato, oo ay hadhowtoo ugu fududaato in
fekrediisa iyo xalka uu keeno si yar loo qaato, markaa wuxuu
goostay in aanu u tegin waqtigii uu la balamay odayada,
waana samayay, maalintii xigtay bay ku soo noqdeen odayadii,
oo yidhaahdeen war hebel maxaad noogu iman wayday, waanu ku
sugaynay ee? Wuxuu yidhi: raali iga ahaada waan yara
mashquulay ee, waxaana idiin iman doonaa beritoo, waa yahay
bay yidhaahdeen odayadii, wayna ka tageen, maalintii dambena
sidii oo kale uma uu tegin, hadana
Maalintii xigtay bay ku soo noqdeen, oo
yidhaahdeen: war hebel maxaad noogu iman wayday waanu ku
sugaynay ee? Wuxuu markaasna yidhi: raali iga ahaada waan
idiin soo bixi kari waayay oo waan mashquulay ee, ee waxaan
idiin iman doonaa beritoo, odayaashii baa waxay ku
yidhaahdeen: horta hebelow raali waanu kaa nahay, inaad
mashquul tahayna waanu la soconaa, tan kale inaad adigu
timaado madasha garta horta muhiim ma aha, oo halkan dadkii
oo dhan baa wada jooga, waxaa jooga kuwo kaa cilmi badan,
kuwo kaa xikmad badan, kuwo kaa
Garyaqaansan, kuwo kaa aftahansan,
intaas oo dhami way joogaan oo waa la buuxaa, laakiin waxa
keli ah ee adiga lagaa soo martiyay, ee lagaaga baahday
waxaa weeye dhaqaalihii garta lagu maamuli lahaa, ee laysugu
iman lahaa, kaana dee waad bixin kartaa adiga oo aan isba
soo lugown oo shaqadaada iska wata!!! Markaas ayuu intuu
madaxa ruxay yidhi: haa hadaan wax fahmay, oo ogaaday in
fikirkiisii hore oo dhami khaldanaa, hada Cumar cabdi
Rashiid wuxuu ummada ugu khudbeeyay sidii ay wada yihiin dad
jaahiliin ah, oo aan waxba fahmi karin, manaba dhaadin
In ay ummadanu leedahay khubaro fara
badan oo takhasus walba leh, iyo kuwa aan qiyaas lahayn oo
waaciyiin ah, oo aan lala hortegi karin ama loo maldahi
karin arimaha qaarkood, hadaba waa run oo dowlad ku
sheegiinan khiyaana qaran ummadanu xilka idiinma dhiiban,
dabcan markaa waa iska caadi in aydaan tixgelin dareenkooda
iyo cabashooyinkooda, bal waxaad tixgelisaa ra’yiga iyo
shirqoolada ay kuu soo gudbiyaan khaayiniinta waawayn ee
dowlad ku sheegiina ka midka ah sida Shariif Xasan sharafka
Allaah ha ka qaadee, sharafna ma laha ee iyo Ibbi iwm,
Ummada Soomaaliyeed se iyadoo xaalkiinu
sidaas yahay oo aanay idin soo dooran, hadana markaad meesha
timid waxay kaa quud daraynayeen adiga oo uu ku dhalay aabe
ay ummadu aad u jeclayd, inaad ku soo kordhisid wax wanaag
ah, iyo xal aad u heshid arimahan murugsan ee wadanka ka
taagan, marnaba se lama filayn inaad iska daa xal ee, aad ku
takri fali doonto badihii Soomaaliyeed oo aad u hibayn
doonto dowlada shisheeye ah, marka waxaad tahay la mood
noqon se wayday. Waxaan isna maalmahaas oo dhan doonaayay,
oo aad u xiisaynaayay siday qayrkayba
Aad baan u
xiisaynaayay hadalka Shiikh Shariif ee heshiiskan ku aadan
U xiisaynayeen in aan Shiikh Shariif
hadalkiisa maqlo ku aadan heshiiskan khiyaanada ah, bal waxa
uu ka yidhaahdo khiyaanadan qaran ee dhacday, iyadoo ay
warar soo baxayeen, odhanaaya markii hoos loo waraystay in
uu yidhi waxba kalama socdo heshiiskan oo layma ogaysiin, in
kasta oo aanan anigu rumaysan wararkaa, waayo waxa igaga
filayd in aan ra’yigiisa ku ogaado, aamusnaanta uu mudada
dheer ka aamusnaa arinta, taas ayaa calaamad u ah in uu ka
raali yahay waxna ka ogyahay, hase yeeshee kolay waan
xiisaynaayay in aan hadalkiisa ku aadan heshiiskan maqlo,
Sida ay ummada inteeda kaleba u
xiisaynaysay, way se nagu dheeraatay oo waqti dheer ma uu
hadlin, malaha mudadaa mar bay inta aan ogahay ay waraysatay
mid ka mid ah idaacadaha dowlad ku sheega la jaalka ah,
waana idaacada VOA, iyana maalintaa waxba kama ay wadiin
dhacdadan, ugu dambayntii waxaa waraysatay idaacada BBC da,
oo su’aal ka waydiisay iyaga oo aan ku sii dheeraan arinta
heshiiskakan, waxan u malaynayaa in maalintaas hadalkiisu ku
noqday lama filan waa iyo niyad jab dad badan oo is lahaa
wuu dhaleecayn doonaa heshiiskaa, markii uu
Isaga oo xanaaqsan ku tilmaamay dadkii
Soomaaliyeed ee dareenkoodu kacsanaa ee cadhaysnaa, in aanay
ahayn waadaniyiin wanaagsan, ee ay yihiin fidnawalaayaal
iska qaylinaaya, inta wanaagsan ee wadaniyiinta ahina ay ku
taageersan yihiin, iyagana aanay ka suurtoobin in ay
dalkooda khiyaanayaan, ayna heshiiskan dalka wax ugu soo
kordhiyeen, waxa fiicnaan lahayd in uu Shiikh Shariif ummada
siiyo fasiraad lagu qanci karo, oo ka duwan haday jirto tan
ay hada ku andacoonayaan, oo dhab ahaantii waxa heshiiska ku
qorani ay ka duwan tahay tay iyagu ku
Andacoonayaan, heshiisku aad buu u cad
yahay oo waxaa lagu boobayaa oo lagu dhaxal wareejinayaa
qayb wayn oo badeena ka mid ah, waxa hubaal ah in aanay
garan waayin dowlad ku sheegan khiyaano qaran, dhaamaan
madaxdoodu iyo golayaashooduba, ha ahaado kan wasaarada ama
baarlamaanka ee, dhibta ay ummada u soo jiideen, ee laakiin
arinta ayaa iyagana dusha kaga timid, oo kaga timid kuwii
iyaga dowlada ka dhigtay, oo aanay amaradooda diidi karin
haba yaraatee, marka waa in ay indha adayg inagala hor
yimaadaan, oo ku doodaan andacooyin iska
Baadil ah, kolay haba iska yaraadeen ee
ummadatan cid ku raacda ka waayi maayaan ee, kuwaasu ama ha
ku taageereen qabyaalad ahaan ama koox ahaan ama
saaxiibtinimo iwm, sidaynu hadaba warbaahinta qaarkeed ugu
aragnay kuwa leh dhulkuba qiima ma laha ee dadkaa ka qiima
badan!!! Dadku xaguu joogi doonaa hadaad dhulkii iyo badiiba
bixiso!!
Heshiiska laynagu
dhagraayo
Hadaba aan u yara fiirsano heshiiskan
laynagu dhagraayo, iyadoo aynu hada fekred fiican oo cad ka
qaadanay dhinacyadiisa oo dhan, markii aynu ka helay cadaymo
iyo sharaxaado fara badan oo ay ka bixiyeen aqoon yahano
isugu jira garyaqaano, khubarada badaha, topography yiin,
siyaasiyiin iwm oo isugu jira Soomaali iyo ajnebiba, taas oo
lagu sii dhamays tiray diraasadii iyo warbixintii dheerayd
ee bahda shabakada Somalitalk.com khayr Allaah ha siiyee,
sidan baa inoo soo baxaysa:
1- in asalka heshiisku ahaa qarsoodi,
oo la saxeexay todobaad ka hor maalinta la yidhi waa la kala
saxeexday, waana sida ay cadayeen siyaasiyiin lagu kalsoon
yahay, oo u dhuun daloola siyaasadaha dowlada Kenya, waxaana
keenay in mar dambe lagu dhawaaqo saxeexiisa, waa markii la
ogaaday warbixinta ay shabakada Somalitalk.com hayaan oo
doonayaan in ay ku soo saaraan bogooda, taas oo kashifaysa
wixii jira oo dhan, markaa si taas loogaga hor tago ayaa
loogu dhawaaqay saxeexa heshiiskan, oo lagu daray markaas
faqrado aan ka mid ahayn asalkii heshiiska si ummada loogu
marin habaabiyo
2- in qodobka keli ah ee lagu heshiiyay
yahay in bada Soomaaliya ay ku muransan yihiin labada
dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, markaa waxaa fiican in
aynu ogaano in aan Kenya bilaash isagaga murmayn bada
Soomaaliya ee ay arintu intaa ka qota dheer tahay oo ay
quwado shisheeya ahi ka dambayaan oo ah dowlado iyo shirkado
shidaal, mudo dheer waxa la ogaa in dowlada Kenya iyo
shirkadaha shidaalka ee dalka Norway ay ka sahaminaayeen
shidaal badeena, sidaas owgeed waxa ay calaamadiyeen si ay
dowlada Kenya ugu muranto lahaan sheheeda masaafad
Dhan 38,000km square oo badeena ah,
taas oo ay Kenya u gudbisay UN ta, taageerona uga raadsatay
dowladaha reer galbeedka, iyada oo ay la wadaan oo ku
taageerayaan dowlada Norway iyo shirkadaheeda shidaalka ee
dhaqaalaha badani, iyagoo taas ku isticmaalaya dhaqaale fara
badan, wayna ku guulaysteen oo arintan dariiq bay u heleen
UN ta iyo taageerada reer galbeedkaba, waxaana xataa u dhan
oo ay hubtaa Kenya in hadhow ay maxkamada aduunku u
xukumayso badeena ay calaamadsatay, markaa waxa hadhsani waa
in la helo dariiq loo tuso aduun waynaha in ay arintu si
sharci ah u dhacday, si loogu qanco.
3- in dhamaan faqradaha kale ee aan
ahayn tan aan asalka heshiiska ku soo sheegnay hada, ee uu
heshiisku ka kooban yahay, ay yihiin marin habaabin lagu
kordhiyay markii heshiiska la ogaaday, si loogu taageero
dowlada ku sheega khiyaana qaran, wax ay la hortegi karto
shacabka Soomaaliyeed ee dareenkoodu kacsan yahay, sida
magaca heshiiska oo ay ku sheegeen isfaham, kaas oo aan sida
xaqiiqada ah asalka heshiiska waxba ka bedelaynin, iyo in ay
labada dowladood isla ogolaadeen in midood waliba
cusboonaysiisato oo u gudbisato xogta badeeda ee
Ballaarinta qalfoofka dambe ee badda ee
ka baxsan 200 nmi UN ta, arintanu maah mid u baahan heshiis
iyo isfaham toona oo dowlad waliba iyadaa dhulkeeda iyo
badeeda gooni u leh, wax kaga xidhmi kara dowlada deriska
ahna ma jirto oo ay ka heshiiyaan, aduunka oo dhana weligeed
kama dhicin, markaa waa marin habaabin ku wajahan bulshada
Soomaaliyeed.
Waxan oo dhan waxaa isku fuuq
fuuqsanaaya, oo muujinaaya shirqoolkan wayn iyo khiyaanadan
ay ku kacday dowlad ku sheegan khiyaana qaran, waa sida
degdegta ah ee ay ugu gudbisay UN ta heshiiskan iyo xogta
badeena, xogtaas oo ay soo diyaarisay dowlad shisheeya ah oo
dana gaar ah ka leh, oo ku hawlan kana qayb qaadatay boobka
lagu hayo badeena, waana dowlada Norway ee aan kor ku soo
xusnay, iyada oo aanay jirin khubaro Soomaali ah oo lagala
tashaday haba yaraatee, xogtaas oo wadamada
Aduunka oo dhami mid waliba ku hawlanaa
siduu u soo urursan lahaa xogta badiisa mudo ka badan
labaatan sano, welina aanay jirin cid u gudbisatay UN ta,
halka iyaga looga soo diray dhowr khabiir oo ay Norway iyo
Kenya u soo direen, oo u khudbeeyay wax aan ka badnayn laba
saacadood, lagana dhaadhiciyay in ay UN ta u gudbistaan
xogtan ay iyagu u soo diyaariyeen, oo ay sidaas isla
markiiba ku gudbiyeen!!! Waa arin ku tusinaysa in arintu ay
ahayd ka gaadhsii oo lagala cararaayay ummada Soomaaliyeed.
Heshiiska oo
baarlamaanka la hor gayn doono wegeray!!!
Kuwa isku magcaaba beesha caalamka iyo
wadamada deriska ahiba, waxay muda dheer ina sugaanba maanta
ayay inoo fekereen!!! Maxaa keenay in hada baarlamaanka la
hor geeyo heshiiskan, iyada oo aan markii hore la gayn,
dowlad ku sheeguna ay weli ku sii adkaysanayso heshiiskan?
Baarlamaanku se ma is hor taagi karaa khiyaanadan qaran?
Shaki kuma jiro in waxa hada keenay in dowlad ku sheegu hor
gayso heshiiskan baarlamaanka uu yahay, sidii ay ugu adkayn
lahayd mowqifkeeda, oo markaa ay yidhaahdaan waa kan oo
baarlamaankiina waa ogolaaday, oo waa heshiis ay Soomaalidu
ka wada raali tahay, baarlamaankuna isma hortaagi karo
heshiiskan, waayo baarlamaanku maaha
Mid isu miisaan ee waa mid dhinac u
badan, oo ay aqlibiyadiisa leedahay dowlad ku sheegan
khiyaano qaran, wixii ay iyagu doonayaana ay marsiisan
karayaan, oo hadaba ay iska cadahay natiijada codaynta
baarlamaanka ee heshiiskan, marka horgaynta heshiiskan
baarlamaanka, waxan aaminsanahay in ay arinta uga sii
darayso, oo ay sii adkaynayso, markaan sidaas leeyahay maaha
macnahaygu in aanay baarlamaanka ku jirin, dad wadaniyiin ah
oo wanaagsan, oo ay dhacdadanu ugu dhegtay sida dhimbiil dab
ah, sida qayrkood oo ah wadaniyiinta damiirka nool leh,
waxaa ku jira oo ka mid ah aqoon yahano iyo wadaniyiin
sharaf leh, laakiin se waxay tahay su’aashu intee kuwaasu ka
yihiin baarlamaanka? Dabcan waa dad aad u yar oo
natiijooyinkiisa aan waxba ka bedeli Karin
Maxaa marka inaga
inala gudboon shacab ahaan?
Horta arintu waxay ku fududaan lahayd
oo musiibadatan lagaga hortegi kari lahaa, iyada oo ay ka
noqdaan kuwii inoo soo jiiday, hase yeeshee taasu ma muuqato
oo wayba ku sii adkaysanayaan, wax dan ah iyo heelo toonana
kama laha qayladhaanta iyo cadhada shacabka, bal dhegba u
jalaq siin maayaan haba yaraatee, markaa iyada oo aynu
aragno oo si cad oo badheedh ah laynoo dhaxal wareejinaayo,
oo laynoo ku soo gabanaayo dowlad ku sheegan khiyaana qaran
ee dusha laynagaga keenay, ee aanu xukumkeedu gaadhsiisnayn
wax ka badan 4km, dhegna aan
Loo jalaqsiinayn rabitaanka shacabka
iyo cadhadooda, waxay is waydiintu tahay, maxaa inala
gudboon shacab ahaan in aan samayno, si aan nafteena iyo
wadankeena u badbaadsano oo uga difaacano shirqoolada laynoo
soo marinaayo UN ta iyo dowlad ku sheegan khiyaano qaran? In
kasta oo ilaa hada la samayay dedaalo badan, hadana waxaa
muuqata in aanay inagu filayn, oo aanay fulin qaradkii aynu
ka lahayn ee ahaa is difaaca, waxaa lagama maarmaan ah in
aan dedaalada intaas ka sii kordhino, debed baxyadu ama
mudaaharaatku waa wasiiladaha ugu wanaagsan ee lagu
Fashilin karo shirqoolada laynoo
maleegaayo, sidoo kale warbaahintu waa in aanay ka daalin
dedaalka ay wadaan, aqoon yahanka waxaa laga sugayaa dedaal
dheeraad iyo inay keenaan talooyin wax ku ool ah oo lagaga
bixi karo dhibtan inala soo deristay, sidoo kale waxaa mid
taas la mid ah laga rabaa, siyaasiyiinta caafimaadka qabta
ee damiirkoodu nool yahay, culimada iyo dhamaan qaybaha
bulshada ee kale, waa in aynu hurdada ka kacnaa, hadii kale
berina waxaan maqli doonaa wasiir dowlad ku sheegan ka mid
ah oo in yidhaahda: waxaa ka mid ah waxyaabaha ugu la yaabka
badan in aynu deganahay dhul ay dowlad kale leedahay!!!
Dalkan iyo dadkan cidina uma maqna ceela uma qodna.
Maamulka Puntland ilaa iyo manta
kamaanu maqal oo kama soo saarin wax war ah oo ku saabsan
dhacdadan khiyaanada ah ee foosha xun, waan maqlay hadal aan
rasmi ahayn oo uu yidhi madaxwayne Faroole mar la waraystay,
marka ma waxaad sugaysaan marka xeedho iyo fandhaal kala
dhacaan, oo arinta lagu kala tago, waxaa fiican inaad
shacabka maamul ahaan hormood u noqotaan, mise dee dowlad ku
sheega baad la qabtaan, halkay arintan iska taagtay waa
yaabee,
Sidoo kale maamulka Soomaliland wax
hadal ah oo arintan ku saabsan kamaynu maqal, arma laga
yaabaa intaynu iskaga jiro riwaayadan inala macaan ee ah
gooni isu taaga iyo way dhaqaaqdayda, in aynu subax soo
toosno iyadoo idaacaduhu leeyihiin, dowlad ku sheegii
khiyaano qaran waxay uga tanaasushay bada woqooyi ilaa iyo
meel wax yar u jirta xeebta Berbera dowlada Jabuuti!!! Walee
ma fogaysan karo arintan anigu, ee markaa miyaanay waajib
ahayn inaad kala qayb qaadataan shacabka Soomaaliyeed
difaaca ciida iyo bada, oo aynu bal horta is badbaadino.
Hambalyo iyo
bogaadin
Ugu dambayntii waxaan bogaadin iyo
hambalyo u jeedinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed
qaybihiisa kala duwan ee ka damqaday hagardaamooyinka
dhulkooda iyo badahooda loo gaysanayo, waxaan si gaar ah ugu
bogaadinayaa oo ugu hambalyaynayaa bahda shabakada
Somalitalka.com dedaalka aan la soo koobi Karin ee ay u
galeen badbaadinta dhulkeena iyo badeheena, iyo dhamaan
aqoon yahanada kala qayb qaatay ku baraarujinta bulsha
waynta Soomaaliyeed xaqiiqada khiyaanadatan qaran, iyo sidoo
kale dhamaan warbaahinta kala gedisan
Ee arintan cadaynteeda ka qayb qaatay,
waxan kaloo ku bogaadinayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee London
mudaaharaadkii ay ku samayeen safaarada Kenya, waxaan
leeyahay walaalayaal sii laban laab dedaalkiina, jaaliyadaha
kale ee Soomaalida ee daadsan dunida daafeheedana waxaan
leeyahay waa in aynu ku daynaa reer London.
Waxaan kale oo halkan ka bogaadinayaa
wasiirka arimaha debeda Md Maxamed Cabdullaahi Oomaar
mowqifkiisa sharafta leh ee uu iska taagay khiyaanadan qaran,
iyada oo ay muuqato inuu ka mid yahay inta laga qarinaayay
oo lagala cararaayay, waayo waa kii ay ahayd in uu isagu
saxeexo arintan oo kale, waxaan kale oo bogaadinayaa oo ku
hambalyaynayaa sida fiican ee uga soo horjeestay khiyaanadan
qaran wasiirka jaaliyadaha debeda C/laahi Axmed Cabdulle (Azhari),
sidoo kale waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin uga
gudbinayaa xildhibaan garyaqaan Caydiid Ilka Xanaf iyo
dhamaan xubnaha baarlamaanka ee aanan halkan magacyadooda ku
soo koobi Karin ee ka soo horjeestay khiyaanadan qaran.
Soomaalia ha noolaato cadawgeeduna ha jabo, Allaah tacaalaa
ummada quluubtooda ha isu soo jeediyo, oo sharka ha inaga
dhex saaro aamiin
Wabillaahi atowfiiq
Essa
Mohamoud
almutawaadic@yahoo.com
webmaster@ceegaag.com |