Maxaa Sababay Muran, Buuq,
Sawaxan Hareeyay hoolka Baarlamaanka Puntland ee Garoowe
ka Dib Qodobadda Dastuurka oo la soo hordhigay.
(Garoowe. May
27, 2009 Ceegaag Online)
Maalinimaddi shalay ahayd ayay ahayd markii Xildhibaanadda
Baarlamaanka Puntlad la Hor keenay Taasi oo Dhalisay Sawaxan
iyo Buuq Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland Wasiiru
dawlaha Dimoqraadiyada iyo Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa
uu Xildhibaanadda Baarlamaanka ka hor akhriyay Dastuurka
erayga sida wayn sawaxanka iyo buuqa u dhaliyay ayaa ahaa
erayga (Waqooyi bari) sida shalay aanugu soo gudbinay
Akhrisyasha Ceegaag waxaa warsaxaafadeedkii Loo qaybiyay
saxafaada si wayn ugu jirtay Arrinta la xariirta Nidaamka
Azxaabta badan.
Warsaxaafadeedki shalay
HYPERLINK "http://www.ceegaag.com/Qoraalada/2009/May%202009/baarlamaanka_puntland_oo_maanta.htm"
Riix
Erayga(Waqooyi Bari):
Soomaaliya waxa ay ka koobneyd 18 Gobol markii uu bur burey
haykalkii dawladnimo 1991-kii, Goboladii markaas dawladdu ka
duntey kuma jirin magac la yiraahdo Waqooyi Bari, waxaase
kamid ahaa Gobolka Waqooyi Galbeed, marka laga yimaado
magaca Gobolka, waxaa meesha ka muuqdaa waa Jiho haddaan
Tusaale u soo qaadano Magaalada Bosaso waxa ay xarun u ahayd
Gobolka Bari, haddii jiho ahaan la eego Bosaso kuma taalo
Jihada Bari ee waxa ay dhacdaa Jihada Waqooyiga Soomaaliya
ama Waqooyi Bari..Magaca ah Waqooyi Bari ka hor bur burkii
Dawladdii Soomaaliyeed waxaa mar mar isticmaaali jirey
Gobolka Sanaag, laakiin Siyaasiga Gen.Maxamed Abshir Muuse
ayaa magacan arkey in uu ku haboonyahay in ay wada
isticmaalaan Gobolada uu markaas hogaanka u hayey,
Gen.Maxamed Abshir waxa uu markaas u isticmaaley Gobolada ay
deganaayeen dadkii isir wadaaga ahaa ee markii danbe
samaystey Puntland, waxaase la yaab lahayd sida uu markiiba
Caalamka magacaas uga gaday isla markaasna u noqdey mid
rasmi ah oo loo isticmaalo.Hadaba Axdigii Puntland ee la
ansixiyey 1998 bishii shanaad, kaas oo lagu dhisey magaca
Puntland ayaa lagu qeexay in ay ku midoobeen Gobolada
Waqooyi Bari, Sool Sanaag iyo Deegaanka Buuhoodle, waxaa
muuqata in ay ka weecdeen ergooyinkii axdiga dhisaayey
qaabkii uu u isticmaaley Jananku magaca oo ay ahayd in ay ku
qeexaan in Puntland ay ku midoobeen Gobolada
Bari,Nugaal,Mudug,Sool,Sanaag Bari iyo Deegaanka Buuhoodle,
sababtuna waa mar aan weydiiyey mid kamid ahaa ragii la
shaqeyn jirey Jananka 1992-dii, ayaa ii sheegay in Waqooyi
Bari loola jeedo in ka badan Bari, Nugaal iyo Mudug waxaana
uu dallad u yahay ayuu yiri inta isir wadaaga ah oo
dhan.Waana midda keentay sida muuqata in aan si gaar ah
Gobol loo xusin sida, Bari, Karkaar, Nugaal, Mudug, ama Sool,
Sanaag iyo Cayn, balse la isku wada yiri Waqooyi Bari.
Qodobkee Dastuurka ka mida oo
Buuqa Dhaliyay:-
Shalay waxaa la isugu sigtay in Kuraas la isla dhoco
Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland buuqi ka dhex dhashay
shalay waxaa u salka ku hayay(Goboladda Waqooyi bari somalia
waxay yeelanayaan Nidaamka Axsaabta Badan) qodobkaasi waxaa
uu wasiirak Dimoqraadiyadda iyo Madaxtooyadda Dr:Cabdi xasan
ku sheegay inaan Xildhibaanadda Baarlamaanku fahmin balse
inta badan Marka la eego Erayga dooda iyo buuqa dhaliyay
waxaa uu noqonayaa Qodobka la isku mari la'yahay ayaa ah
Qodobkaasi aan kor ku soo xusnay.
Gobolka Waqooyi bari(Waa Puntland) Puntland sida cad waaa
Gobol leh Dhaqaale isku filan deegaan ahaana Isirwadaag ah
waxaa jira Ifafaalo soo baxaysa oo Tibaaxaya in fahan
la'aanta eraygan oo uu cuskaday Warsaxaafadeedka Wasiirku
waxaana sida cad shalay marki Xildhibaanadu fadhiyeen
wasiirku sheegay in Dastuurku saxanyahay balse aan la fahmi
karin ee xildhibaanadu ay isusoo noqdaan iyadoo la
xaqiijiyay in Gobolka Waqooyi Bari yahay
Goboladda,Sool,Sanaag,Cayn,Bari,Karkaar,Nugaal,Mudug.
Gobolka Sool waa la haystaa kamana arrimiso Xukuumadda
Puntland.
Dastuurka Puntland:-
Madaxa I
MABAADIIDA AASAASIGA AH EE PUNTLAND
QAYBTA 1aad
ASTAAMAHA AASAASIGA AH
Qodobka 1aad
MAGACA IYO HIMILADA
1. Magaca Dawladdu waa Dawladda Puntland ee Soomaaliya.
2. Himilada Dawladda Puntland waa taabbagelinta nidaam
dawladeed oo ku dhisan wadatashi, dimoqaraadiyad, sinnaan
iyo caddaalad bulsho oo waafaqsan Shareecada Islaamka, una
horseedi karta dadkeeda nabad iyo xasillooni waarta iyo
horumar dhinac walba ah oo ku jihaysan kor u qaadidda heerka
nololeed ee dhammaan muwaadiniinta Puntland iyo ka
qayb-qaadashada in himilooyinkaas ay gaaraan dhammaan dadka
Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad
SARRAYNTA SHARCIGA
1. Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.
2. Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u
hoggaansamayaan sharciga
Qodobka 3aad
HANNAANKA XUKUUMADDA
1. Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil
ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan
habka Federaaliga ah.
2. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda
Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso
Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis
dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, laguna
qeexi doono Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.
3. Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland
ansixisay (ratified), dabadeedna afti dadweyne lagu
meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad
madaxbannaan.
4. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u
eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee
isla qodobkan, haddii:
(b) Soomaalida ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo
aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga.
(t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada
ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
5. Mowqifka cusub ee ay Xukuumadda Puntland ka qaadato
arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku ansaxinaya
Golaha Wakiillada, kadibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku
cad qodobka 139aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan.
6. Awoodda oo dhan waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u
idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga
waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne,
xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu
farayo ama uu bannaynayo.
7. Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo
awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed.
8. Habka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan
yahay mabaadiida hogaamineed ee:
(b) Shareecada Islaamka;
(t) Xukunka Dadweynaha (Democracy);
(j) Maamul-wanaagga;
(x) Wada-tashiga;
(kh) Horumarinta hiddaha iyo dhaqanka suubban;
(d) Danta guud oo markasta ka horrayneysa danta gaarka ah.
(r) Tartanka xisbiyada badan iyo xukunka oo lagu baahiyo
dhulka oo dhan.
9. Puntland waxay aqoonsan tahay mabaadiida aayo-ka-talinta
ummadaha adduunka.
10. Puntland waxay taageereysaa in khilaafaadka caalamiga
ah, kuwa cusub iyo kuwii hore u jireyba, lagu dhammeeyo wada
hadal iyo hab nabadeed.
Qodobka 4aad
DADKA
1. Dadka Dawladda Puntland waa dadka haysta jinsiyadda
Puntland.
2. Muwaadinnimada Puntland waxaa difaacaya sharci gaar ah,
waxaana qeexaya xeer gaar ah sida lagu heli karo ama lagu
waayi karo jinsiyadda Puntland.
Qodobka 5aad
TIROKOOBKA
1. Dadweynaha Punltland tobankii sanaba mar baa la
tirokoobayaa.
2. Sharci gaar ah ayaa tilmaami doona wakhtiga iyo habraaca
tirakoobka.
Qodobka 6aad
DHULKA IYO SOHDIMAHA
1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari,
Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug,
Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.
2. Sohdimaha Puntland waa kuwii Gobollada iyo Degmooyinka ay
ka kooban tahay la lahaayeen deegaannada dariska la ahaa
Jannaayo 1991kii ka hor, hase yeeshee wixii khilaafaad ee
hore u jiray (1991kii ka hor) waxaa laga xaajoon doonaa
marka Dawlada-Goboleedyada kale ay dhismaan.
3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo
iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda
Puntland.
4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo
dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200
maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka
ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.
5. Midnimada dhulka Puntland waa muqaddas, lama kala qaybin
karo, lagumana xadgudbi karo.
Qodobka 7aad
AFKA
Afka-Soomaaligu waa afka rasmiga ah ee Dawladda Puntland,
afafka Carabiga iyo Ingiriiskuna waa kuwa labaad.
Qodobka 8aad
DIINTA
1. Diinta Islaamku waa tan kaliya ee Dawladda Puntland ee
Soomaaliya.
2. Diin aan tan Islaamka ahayn laguma faafin karo dalka
Puntland.
3. Qawaaniinta iyo dhaqanka bulshada waxaa saldhig u ah
diinta Islaamka.
Qodobka 9aad
MAGAALO MADAXDA
1. Magaalo madaxda Dawladda Puntland waa Magaalada Garoowe
waana fadhiga dawladda.
2. Magaalo madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah.
Qodobka 10aad
CALANKA, ASTAANTA IYO HEESTA DAWLADDA PUNTLAND
1. Dawladda Puntland waxa ay yeelan doontaa Calan, Astaan
iyo Heesta calanka oo u gaar ah.
2. Punland waxay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay la
wadaageysaa Calanka guud ee Soomaaliya, Astaanka iyo Heesta
Qaranka, iyadoo kuweeda u gaarka ahna leh.
3. Xeer gaar ah ee Madaxweyne ayaa nidaaminaya qaabka iyo
midabada Calanka iyo Astaanta iyo sidoo kale nooca heesta
calanka ee Puntland, waxaana uu ka mid noqon doona qodobada
Dastuurka, kadib marka uu Golaha Wakiilladu ansaxiyo.
Madaxa II
XUQUUQDA AASAASIGA AH IYO DAMMAANAD-QAADKA QOFKA
Qaybta 1aad
XUQUUQDA SHAKHSIGA IYO LAALIDDEEDA
Xubinta Koowaad
XUQUUQDA SHAKHSIGA
Qodobka 11aad
SINNAANTA DADKA
1. Dhammaan dadku waa u siman yahay Sharciga hortiisa.
2. Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada,
jinsiga (gender), jinsiyadda, hantida, fikradda uu aaminsan
yahay, siyaasadda, afka iyo isirka.
3. Dastuurka ayaa dammaanad qaadaya xuquuqda dadka laga
tirada badan yahay.
Qodobka 12aad
XORRIYADDA CAQIIDADA
1. Qofka aan muslimka ahayni xor ayuu u yahay Caqiidadiisa,
lagumana khasbi karo mid kale.
2. Qofka muslimka ahi caqiidadiisa kama noqon karo.
Qodobka 13aad
XORRIYADDA FIKIRKA
1. Qof kasta xor buu u yahay fikraddiisa waana soo bandhigi
karaa. Faafreeb horudhac ahi waa reebban yahay.
2. Qofku waxa uu fikraddiisa ku cabbiri karaa qaab hadal,
saxaafadeed, qoraal, muuqaal, suugaan iyo habab kale oo
sharciga iyo anshaxa waafaqsan.
Qodobka 14aad
AASAASIDDA IYO KA MID NOQOSHADA URURADA BULSHADA
1. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu aasaaso, ka mid
noqdo ama ka qayb qaato hawlaha ururada dhaqan-dhaqaale,
bulsho, Isboorti iyo cilmi, haddaan sharci ka reebin.
2. Aasaasidda ururadu waa inay waafaqsan yihiin qaanuunka
dalka iyo danaha ummadda Puntland.
3. Waxaa reebban ururada leh dabeecad qabiil ama ciidan.
Qodobka 15aad
XORRIYADDA DHAQDHAQAAQA
1. Qof kasta waxa uu u madaxbannaan yahay inuu dalka ka maro
ama ka dego meel kasta oo uu rabo iyo inuu dalka ka baxo
kuna soo laabto goortii uu doono.
2. Sharci iyo xeer-hoosaadyo u gaara ayaa caddeyn doona
xadaynta xaqa dhaq-dhaqaaqa.
Qodobka 16aad
LAHAANSHAHA HANTIYEED
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, u
maamusho, ugana faa’iideysto si sharciga waafaqsan.
2. Sharciga ayaa qeexaya duruufaha iyo habraaca lagu xaddidi
karo xaqa shakhsiga ee la xiriira hantidiisa.
3. Xorriyadda wax soo saarku way bannaan tahay, waxaase
shardi u ah in wax soo saarayaashu ay oofiyaan shuruudaha
sharci iyo maamul ee dalka u degsan.
4. Qofna lagama qaadi karo khidmad/kharash, hantidiisana
lalama wareegi karo iyadoo aan loo cuskan sababo sharciga
waafaqsan.
Qodobka 17aad
NOLOSHA IYO NABADGELYEYNTA JIRKA
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay noloshiisa marka laga
reebo qof lagu fuliyay xukun maxkamadeed oo kama dambays ah.
2. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay nabadgelyada jirkiisa
iyo sharaftiisa.
3. Waxaa reeban denbiyada laga galo xaqa nolosha iyo
nabadgelyada qofka sida xasuuq, jirdil, xarig iyo dil aan
sharciga waafaqsanayan.
Qodobka 18aad
MADAXBANNAANIDA QOFKA
1. Qofna madaxbannaanidiisa lagama qaadi karo, xannibaad
kasta oo lagu sameeyana waa inay sharciga ku caddahay.
2. Addoonsiga iyo ka-ganacsiga dadku way reebban yihiin.
3. Madaxbannaanida qofka waxaa shardi u ah in aaney ka hor
imanayn Shareecada Islaamka, xeerarka, anshaxa guud,
xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.
Qodobka 19aad
MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISU-CELINTA EEDAYSANEYAASHA/DENBIILAYAASHA
1. Qofka shisheeyaha ah oo weydiista Dawladda Puntland
magangelyo siyaasadeed waa la siin karaa, haddii uu buuxiyo
shuruudaha u dhigan magangelinta, iyada oo la tixgelinayo
heshiisyada caalamiga ah.
2. Waxaa reebban in muwaaddin Puntland ah loo gacan geliyo
dal kale.
3. Puntland way u gacangelin kartaa dalkii uu ka soo
baxsaday denbiile ama eedaysane shisheeye ah haddii uu jiro
heshiis isu-celin oo u dhexeeya Puntland iyo dalka
weydiistay celintiisa/celinteeda.
4. Qofna looma dhiibi karo arrimo siyaasadeed awgood
(extradition).
Qodobka 20aad
AMMAANKA HOYGA
1. Hoyga iyo meelaha kale ee la degganyahay waxay leeyihiin
xurmayntooda.
2. Ma bannaana baaridda, basaasidda iyo gelidda hoyga amar
Garsoore oo sababaysan la’aantiis, haddii aanu gelin hoyga
qof dembiile ah oo boolisku ku raad-joogo ama aanu isla
wakhtigaas fal-dembiyeed ka dhacayn hoyga dhexdiisa.
3. Waxaa waajib ah in si toos ah loogu akhriyo degganaha
amarka Garsooraha inta aan lagu dhaqaaqin baarista,
baarahana waxaa ka reebban ku xad-gudubka sharciga.
Qodobka 21aad
XAQA SAXAAFADDA
1. Saxaafadda iyo warbaahinta xorta ahi waa ay ka
madaxbannaan yihiin faragelin dawladeed, waxayna u
hoggaansamayaan sharciga oo keliya.
2. Xeer gaar ah ayaa xadidaya xorriyadda saxaafadda.
Qodobka 22aad
XORRIYADDA ISGAARSIINTA
Qofna lama faragelin karo waraaqihiisa boostada, xiriirkiisa
isgaarsiineed iyo qoraalladiisa gaarka ah, marka laga reebo
xaaladaha sharcigu banneeyo baaritaankooda, dabagalkooda,
ama dhegaysigooda. Marka taas lagu tallaabsanayo waa inuu
jiraa amar garsoore oo sababaysan.
Qodobka23aad
BANNAANBAXYADA
1. Qof kasta waxa uu xor u yahay in uu abaabulo, ka
qaybqaato bannaanbaxyo ku salaysan hab nabadgelyo, waase in
uu si qoraal ah ugu sii wargeliyaa hay’adaha ay khusayso, si
uu u helo ruqsad qoraal ah.
2. Bannaanbaxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah
Diinta Islaamka, caafimaadka, anshaxa, amniga iyo
xasilloonida dalka. Sharciga ayaa tilmaamaya mas’uuliyadda
iyo habraaca lagu joojin karo bannaanbaxyada.
Qodobka 24aad
XAQA DACWADDA IYO ISDIFAACA
1. Qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu dacwad qaanuunka
waafaqsan ka furto maxkamadda awoodda u leh.
2. Qof kasta waxaa uu xaq u leeyahay inuu iska difaaco
maxkamdda horteeda.
3. Qof kasta oo aan iska difaaci karin maxkamadda horteeda,
ama aan kari karin inuu qareen qabsado dawladda ayay waajib
ku tahay in ay u qabato qareen difaaca.
4. U irkashada caddaaladdu waa lacag la’aan, haddii aan
sharci gaar ahi bannayn.
Qodobka 25aad
DEMBIGA IYO CIQAABTA
1. Ciqaabta dembi waxay ku koobnaanaysaa qofka geystay
fal-dembiyeedka oo keli ah.
2. Qofna looma qaban/xiri karo, loomana ciqaabi karo fal
markii uu galay aan dembi ku ahayn qaanuunka.
3. Ciqaab aan maxkamad go’aamin cidna laguma fulin karo.
Qodobka 26aad
XUQUUQDA EEDAYSANAHA
1. Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay dembilaawe ilaa si
qaanuunka waafaqsan maxkamadi ugu xukunto gelid denbi.
2. Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in la dhawro
nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa aadaminnimo.
3. Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunku bannayn.
4. Eedeysane kasta waa in 48 saacadood gudahood xariggiisa
maxkamadi ku xalaaleyso.
5. Eedaysanaha waa in maxkamadda awoodda u lihi si
tifaftiran ugu akhrido uguna macnayso dembiga lagu soo oogey.
6. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan
eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa,
waana la damiinan karaa haddii sharcigu oggol yahay.
7. Eedaysanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu qareen difaaca
qabsado.
8. Eedaysanaha laguma khasbi karo qirashada dembiga loo
haysto.
Qodobka 27aad
XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN
1. Qofka ay maxkamadi xukuntay oo xiran waxa uu xaq u
leeyahay ilaalinta nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa
aadaminnimo.
2. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan
eheladiisa, qareenkiisa, dhakhtarkiisa iyo asxaabtiisa.
3. Qofka maxbuuska ahi waxa uu xaq u leeyahay daryeel
caafimaad, cunto iyo waxbarasho.
4. Qofka maxbuuska ah waxaa lagu dhaqayaa xuquuqda caalamiga
ah ee maxaabiista.
5. Xukumanuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu Rafcaan ka qaato
xukunkii maxkamaddu ku ridday.
Xubinta Labaad
LAALIDDA XORRIYADAHA MADANIGA AH
Qodobka 28aad
XAALADAHA DEGDEGGA AH
1. Haddii dalka ay la soo gudboonaadaan xaalado dagaal,
aafooyin dabiici ah, gadood, cudurro faafa iyo
xasilloonidarro dalka qalalaase gelisa, dammaanadaha ku cad
qodobbada 13, 15, 20, 21, 22, iyo 23 si ku meelgaar ah waa
loo laali karaa.
2. Xaaladda degdegga ah waxaa lagu soo rogi karaa dalka oo
dhan ama qaybo ka mid ah.
3. Golaha Xukuumadda oo keli ah ayaa soo rogi kara xaalad
degdeg ah.
4. Xaaladda degdegga ah kama ay badan karto 45 beri,
haddiise ay weli taagan yihiin duruufihii dhaliyay, waxay
xukuumaddu muddo kordhin weydiisan kartaa Golaha Wakiillada
ama Guddiga Joogtada ah.
Qaybta Labaad
XUQUUQDA BULSHADA
Xubinta 1aad
QOYSKA
Qodobka 29aad
XUQUUQDA QOYSKA
Qoysku waa aasaaska bulshada, waxuuna xaq u leeyahay in
sharcigu daafaco. Qoysku wuxuu ka kooban yahay nin iyo
haweeney qaangaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday
iyo carrurtooda.
Qodobka 30aad
XUQUUQDA CARRUURTA
1. Carruur waxaa loola jeedaa qof kasta oo siddeed iyo toban
sano (18) ka yar, xagga Shareecadana waa sida ay qabto.
2. Ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad,
korriimo, waxbarasho iyo daryeel caafimaad..
3. Waxaa reebban shaqada wax u dhimaysa carruurta noloshooda,
caqiidadooda, dhaqankooda, korriimadooda iyo waxbarashadooda.
4. Waxaa reebban in la soo rido ilmaha caloosha hooyada ku
jira, haddii aanay jirin xaalad adag oo hooyada nolosheeda
khatar gelineysa, uuna caddeeyo dhakhtar aqoonteeda leh.
Qodobka 31aad
WAXBARASHADA
1. Qof kasta xaq ayuu u leeyahay inuu waxbarasho helo.
2. Horumarinta iyo baahinta waxbarashadu waa waajib saaran
Dawladda.
3. Dawladda ayaa u xilsaaran ciribtirka akhris iyo qoris
la'aanta, iyo horumarinta Af-Soomaaliga.
4. Waxbarashada aasaasiga ah ee carruurtu waa khasab,
Dawladda ayaana u xilsaaran helitaanka agabka iyo
hawlwadeennada waxbarshada. Marka ay duruuftu saamaxdo,
dawladdu waxa ay kor u qaadeysaa heerka waxbarashada
khasabka ah.
5. Dawladdu waxay dhiirrigelineysaa isla maarkaasna
tayeneysaa waxbarashada diineed ee dugsiyada Qur’aanka.
6. Waa mas’uuliyadda Dawladda diyaarinta, tayeynta iyo
hubinta ku dhaqanka manhajka heerka dugsiyada hoose, dhexe
iyo sare.
7. Barashada iyo tarbiyadda diinta Islaamku waa dariiqad
aasaasi ah, dhammaan heerarka waxbarashada hoose, dhexe iyo
sare.
8. Qofka qaangaarka ahi waa u madaxbannaan yahay
doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed, Dawladdana waxaa
waajib ku ah dhiirrigelinta waxbarashada dadka waaweyn iyo
tan haweenka.
9. Waxaa la furan karaa dugsiyo waxbarasho, kuwo xirfadeed
iyo jaamacado gaar ah oo waafaqsan manhajka Dawladda, kuna
salaysan baahida iyo siyaasadda waxbarashada dalka.
10. Dawladda xil ayaa ka saaran horumarinta hiddaha iyo
dhaqanka.
11. Dawladda waxaa waajib ku ah in ay taabbageliso tacliinta
sare.
12. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya waxbarashada gaarka ah.
Qodobka 32aad
CAAFIMAADKA
1. Waa mas’uuliyadda Dawladda in ay daryeesho caafimaadka
guud ee dadweynaha, ka hortag iyo daaweynba, gaar ahaan
carruurta iyo haweenka.
2. Tallaalka Caalamiga ee Carruurta da’doodu shanta (5) sano
ka yar tahay wuxuu leeyahay mudnaanta kowaad. Waalidiinta
iyo cid kastoo ka mas’uul ah carruurta waxaa waajib ku ah in
ay hay’adaha caafimaadka kala shaqeeyaan arrintaas.
3. Si loo fuliyo waajibaadkaas, Xukuumaddu waxay dajineysaa
nidaam caafimaad ee waddani ah.
4. Dawladdu waxay ogoshahay furasho xarumo caafimaad, iyadoo
ay takhaatiirtuna xirfaddooda ku shaqeysan karaan. Hawlahaas
waxaa nidaaminaya xeer gaar ah oo ay Xukumaddu dusha ka
ilaalineyso.
Qodobka 33aad
DARYEELKA BULSHADA
1. Dawladda ayaa daryeeleysa, intii karaankeeda ah, agoonta,
naafada, danyarta iyo bukaanka.
2. Dawladdu waa in ay dhiirrigelisaa, samaysaana hay’ado
gargaara dadka ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan.
3. Xeer gaar ah ayaa qeexaya dadka loo aqoonsanayo in aaney
isdaryeeli karin.
Qodobka 34aad
XUQUUQDA HAWEENKA
1. Dawladda waxaa waajib ku ah horumarinta iyo dammaanad
qaadka xuquuqda haweenka. si waafaqsan diinta Islaamka.
2. Sharci Golaha Wakiilladu meelmariyo ayaa lagu qeexayaa
saami gaar ah oo loo qoonddeeyo haweenka si sare loogu qaado
kaalintooda dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed.
Qodobka 35aad
XUQUUQDA DHALLINYARADA IYO HORUMARINTA ISBOORTIGA
1.Dawladdu waxay ahmiyad gaar ah siineysaa daryeelka iyo
barbaarinta dhallinyarada oo ah hogaamiyaasha dalka ee
berrito, waxayna u hawlgalaeysaa:
b) Abuuridda naadiyo dhallinyaro iyo isboorti (kuwa dawli ah
iyo kuwa aan dawli ahayn).
t) Hirgalinta dhismaha Ururrada Dhallinyarada.
j) Abuuridda Sanduuqa horumarinta cayaaraha iyo
dhallinyarada.
2. Diyaarinta Goobaha Cayaaraha.
3. Dhiirigalinta qabashada tartamada cayaaraha ee heer kasta,
gudaha iyo dibaddaba.
4. Dhismaha Ururrada Dhallinyarada iyo Barbaarintooda waxaa
qeexaya xeer gaar ah.
Qodobka 36aad
XUQUUQDA SHAQAALAHA
1. Dawladdu waxay u xil saaran tahay shaqo-abuurista iyo
tayeynta tababarrada shaqaalaha.
2. Waxaa reebban shaqo khasab ah, haddii aan qaanuunku si
kale u tilmaamin.
3. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay mushahar u dhigma
shaqada uu qabto.
4. Shaqaale kasta waxa uu xaq uu leeyahay maalin nasasho ah
toddobaadkiiba, fasax sannadeed, fasaxa ciidaha ee qaanuunku
jideeyay. Haweenka waxaa intaas u dheer fasaxyada dhalmada
iyo naas-nuujinta. Shaqaalaha fasaxa ku jira waxba iska
dhimi mayaan xuquuqdooda mushaar.
5. Dawladdu waa in ay daryeeshaa shaqaalaha jir ahaan iyo
damiir ahaanba.
6. Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda ku
muujiyaan bannaanbax ama shaqo-joojin si xeerka waafaqsan.
Ciidammada qalabka sida shaqa joojin ma samayn karaan.
7. Shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaashuba waxay xaq u leeyihiin
iney yeeshaan ururro maareeya una dooda danahooda.
8. Shaqaale kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu doorto
shaqada iyo loo shaqeeyaha uu doorbido.
9. Dhismaha, doorka iyo waajibaadka ururrada shaqaalaha
waxaa lagu qeexi doonaa xeer gaar ah.
Qodobka 37aad
BADBAADADA SHAQAALAHA
1. Dawladda ayaa dejinaysa sharciga shaqaalaha isla markaana
samaynaysa hay’adaha dammaanad qaadaya xaqa hawlgabka
shaqalaha gaarka ah iyo kan dawladdaba.
2. Qof kasta oo xil u haya dawladda oo ku dhaawacma, ku
jirrada ama ku naafooba shaqada, waxa uu xaq u leeyahay
daryeel qaanuunka waafaqsan.
3. Qof kasta oo Dawladda u shaqeeya oo ku geeriyooda hawlgal,
waxaa laga bixiniyaa magdhow sharciga waafaqsan.
4. Xukuumaddu waxay shaqaalaha Dawladda iyo kuwa gaarka ahba
u dejineysaa hab dammanad-qaad shaqaale oo ay maalgeliyaan
dawladda, loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhuba.
Qaybta 3aad
MUWAADINIINTA IYO HABRAACA
DOORASHOOYINKA
Qodobka 38aad
MUWAADINNIMADA
1. Qof kasta oo leh jinsiyadda Puntland waa muwaaddin
Puntland.
2. Muwaaddinka Puntland luminmaayo muwaaddinnimidiisa haddii
uu qaato jinsiyad dal kale.
Qodobka 39aad
WAAJIBAADKA MUWAADINKA
1. Muwaadin kasta waxaa waajib ku ah:
(b) Dhawridda diinta Islaamka, dastuurka iyo xeerarka kale
ee dalka iyo kuwa caalamiga ah.
(t) Adkaynta midnimada ummadda iyo ilaalinta jiritaanka
qarannimada Puntland.
(j) Codbixinta xilliyada doorashooyinka.
(x) Bixinta canshuuraha ku waajibay.
(kh) Ka qaybgalka difaaca Puntland markii loogu yeero ama ay
la soo gudboonaato.
2. Sharciga ayaa qeexaya ciqaabta lagu mutaysanayo gudasho
la'aanta waajibaadka ku xusan qodobkan.
Qodobka 40aad
XUQUUQDA MUWAADINKA
Muwaadin kasta oo da’adiisu gaartay siddeed iyo toban (18)
sano, wuxuu xaq u leeyahay:
(b) Inuu ka qayb-galo hawlaha doorashooyinka iyo inuu cod
bixiyo.
(t) Inuu sameeyo ama ku biiro xisbi siyaasadeed.
(j) In uu xilliyada doorashada u tartamo xilalka dalka,
haddii uu shuruudaha buuxiyo.
Qodobka 41aad
XAQA BANDHIGIDDA CABASHADA
2. Muwaaddin kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu cabashadiisa
qoraal ugu diro Madaxweynaha, Baarlamaanka, xukuumadda, iyo
madaxda kale ee dawladda, asaga/ayada oo dhowraya/dhowreysa
habka jaranjarada maamulka.
3. Xafiiska uu qoraalka cabashadu u socdo waa inuu ka
jawaabo (45) beri gudahood.
Qodobka 42aad
HAKINTA XUQUUQDA MUWAADINKA
Xuquuqda muwaadinka waa la hakin kara haddii ay dhacdo:
In qofku ku jiro xabsi xukun-suge ah ama mid maxkamadi ku
xukuntay. Hakinta xuquuqdu waxay taagnaanaysa ilaa iyo inta
maxkamadi ka siideyso xabsiga ama uu dhammaysto muddadii
xabsiga.
In qofku yahay garaad-dhimman, ama Maxkamadi caddayso inaanu
gudan karin xilkiisa.
Qodobka 43aad
DOORASHOOYINKA
1. Muwaaddin kasta oo buuxiya shuruudaha doorashada wuxuu
xaq u leeyahay inuu wax doorto lana doorto.
2. Xubnaha Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka waa
mansabyada dadweynuhu tooska u dooranayaan.
3. U codaynta mansabyadaas waa inay u dhacdaa si dimoqaraadi
ah oo waafaqsan nidaam sharci ah oo ay maamulayso hay’ad
madaxbannaan oo leh awood Dastuuri ah.
4. Codbixintu waxay noqonaysaa mid caam ah, dadku u
simanyahay, shakhsi ah, qarsoodi ah, waxaana reebban in qof
lagu farageliyo doorashada meesha uu codka marinayo.
5. Sharciga ayaa xadidaya aagagga doorashooyinka ee Golaha
Wakiillada iyo Golayaasha Degmooyinka. Tirada kuraasta uu
gobol ku yeelanayo Golaha wakiillada iyo xubnaha golayaasha
degmooyinka waxay ku xirnaanaysaa hadba inta uu le’eg yahay
dadweynaha ku nool gobolka ama degmada.
6. Taariikhda ay qabsoomeyso doorashadu waxaa goynaya
Guddiga doorashada, waase in aaney noqon laba bilood ka yar
ama afar bilood ka badan dhammaadka muddada golayaasha
wakiillada iyo deegaanka markaas xilka haya.
7. Golayaasha Deegaanka oo doorashadoodu ku beeganto
furitaanka axsaabta ka hor waa la soo gaabin karaa ama la
kordhin karaa muddada xilkooda.
8. Inta aan la gudo gelin doorashooyinka waa inuu jiro
sharci gaar ah oo lagu hagayo arrin kasta oo la xariirta
doorasho dimuqaraadi ah.
Qodobka 44aad
DADKA AAN IS- SHARRIXI KARIN
1. Dadka ka tirsan Ciidammada Qalabka Sida ee aan hawlgabka
ahayan iyo garsoorayaashu, xubin kama noqon karaan xisbiyada
siyaasadda, isumana sharrixi karaan doorashooyinka.
2. Hawlwadeennada dawladda isma sharrixi karaan haddi aanay
iska casilin xilalka ay hayaan. Sharciga doorashada ayaa
sheegaya wakhtiga kama dambaysta ah ee ay tahay inay is
casilaan haddii ay doonayaan inay tartanka doorashooyinka ka
qaybgalaan.
Qodobka 45aad
XISBIYADA SIYAASADEED
1. Dawladda Puntland waxaa lagaga dhaqmayaa nidaamka
xisbiyada badan.
2. Ugu badnaan toddobo (7) xisbi ayaa doorashada ugu
horreysa ka qayb gelaya. Doorashada ugu horeysa waxay
noqoneysaa tan Golayaasha Deegaanka oo qabashada waqtigeeda
xeer gaar lagu soo saari doono.
3. Saddexda xisbi siyaasadeed ee ugu codadka badan
doorashada ugu horreysa ee Golayaasha Deegaanka ayaa xaq u
yeelanaya inay noqdaan xisbiyada siyaasadeed ee sharciga ah,
waana in uu xisbi kasta ka furan yahay ugu yaraan afar gobol.
4. Waxaa reebban xisbiyada iyo ururrada leh muuqaal ciidan
ama qabiil.
5. Qofkii magac xisbi doorasho ku gala kuna guuleysta kursi,
kadibna ka baxa xisbiga, wuxuu luminayaa kursigii xisbiga ee
uu ku guuleystey.
6. Hantida Qaranka ee si guud looga faa’iidaysto sida
garoommada ciyaaraha, barxadaha iyo warbaahinta Dawladda,
xisbiyadu si siman ayay ugu fushan karaan ololayaashooda
siyaasadda iyo hawlahooda xisbi oo kaleba. Goobaha kale ee
dawladda iyo hantida dawladda looma adeegsan karo hawlo
xisbi iyo ololayaal doorasho.
7. Qof kasta oo lagu eedeeyo inuu hanti qaran u isticmaalay
dano xisbi, maxkamad ayaa la horgeynayaa.
8. Xeerar iyo nidaamyo ayaa lagu maamulayaa axsaabta
siyaasadeed, kuwaasoo lagu qeexayo shuruuc kala gadisan oo
ay Xukuumaddu soo jeediso, Golaha Wakiilladuna ogolaado.
Qodobka 46aad
SHURUUDAHA FURASHADA XISBI SIYAASADEED
1. Xisbina kama qayb geli karo doorashooyin haddii aanu
sharciyayn Guddiga Doorashada Puntland (GDP).
2. Si xisbi loo sharciyeeyo, waxaa shardi ah inuu leeyahay
barnaamij siyaasadeed iyo xeer hoosaad haga hawlihiisa.
3. Guddiga Doorashada Puntland ayaa ka baarandegeya
dokumentiga xisbigu soo bandhigo, waxaana la isku hortaagi
karaa, haddii barnaamijka ama xeer-hoosaadkiisa ay
khilaafsan yihiin Dastuurka iyo shuruucda kale.
4. Sharci gaar ah oo baarlamaanku ansixiyay ayaa qeexaya
dhaqangelinta qodobka 44.2, shuruudaha iyo habraacyada kale
ee la xariira sharciyaynta ururrada siyaasadda.
5. Haddii saddexda xisbi ee sharciga midkood burburo ama la
xiro, Guddiga Doorashada Puntland ayaa ururkii siyaasadeed
ee kaalinta ku xigta ka galay doorashada Golayaasha Degaanka
ee ugu dambeeyay ugu yeeraya inuu noqdo xisbiga siyaasadeed
ee kaalinta bannaanaatay buuxinaaya.
Madaxa III
DHAQAALAHA
Qodobka 47aad
HANNAANKA DHAQAALAHA
Hannaanka dhaqaalaha ee Puntland waa in dhammaan dadka
Puntland ay helaan nolol u qalanta karaamadooda
bani-aadaminnimo, iyo in qof kastaa helo arrimaha lama
huraanka ah, si waafaqsan mabaadiida garsoorka bulshada.
Qodobka 48aad
DHAQAALAHA SUUQA XORTA AH
1. Hannaanka dhaqaale ee Puntland wuxuu ku salaysan yahay
suuqa xorta ah, wuxuuna dhirrigelinayaa, isla markaasna
dammaanad qaadayaa maalgashiga waddaniga ah iyo kan ajnebiga
ahba.
2. Hawlaha ganacsiga waxaa saldhig u ah tartanka xorta ah.
3. Sharciga ayaa dhiirrigelinaya, hagayana tartanka xorta ah
iyo xakamaynta suuq-xirashada.
Qodobka 49aad
KAALINTA DHAQAALAHA EE DAWLADDA
1. Dawladdu waxay dhiirrigelinaysaa horumarin dhaqaale oo
joogtaysan, waxayana kaashanaysaa dhaqaalaha gaarka loo
leeyahay si kor loogu qaado wax soo saarka. Kobcinta
ganacsatada heerka dhexe, wax-soo-saarayaasha yaryar iyo
iskaashatooyinku waxay yeelanayaan mudnaan gaar ah.
2. Dawladda ayaa ilaalineysa khayraadka dalka, waxayna
dammaanad qaadaysaa in cid walba si sharciga waafaqsan oo
joogtaysan uga faa’iidaysato.
3. Dawladdu waxay ilaalinaysaa awoodda wax-gadashada ee
dadweynaha, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Qodobka 50aad
SHIRKADAHA WADAAGGA AH
1. Xukuumaddu waxay samayn kartaa, kana qayb-geli kartaa
shirkado wadaag ah oo ay saamilay ka yihiin maalgeliyayaal
waddani ah iyo kuwa ajnebi ahba.
2. Madaxda shirkadaha wadaagga ah waxaa isla magacaabaya
wasaaradda hawlaheedu la xiriiraan iyo saamileyda gaarka ah.
3. Habka dhismaha, maamulka iyo saami-qaybsiga Sharikadaha
Wadaagga ah waxaa qeexaya xeer gaar ah.
Qodobka 51aad
GADIDDA HANTIDA UMMADDA
1. Wareejnta hanti kasta ee dawladdu leedahay waa in la
mariyo habraac sharciga waafaqsan.
2. Lama iibin karo hanti ummadeed haddii aanay Dawladdu
dhinac ka ahayn.
3. Sharci gaar ah ayaa kala xadidaya heerarka qiimayaasha
kala sarreeya ee hanti kasta oo ay leedahay Dawladdu.
4. Heerarka qiimeyaasha kala sareeya ee ku qoran faqradda
saddexaad ee qodobkan waxay u qaybsamaysaa heer wasaaradeed,
heer Golaha xukuumadda iyo heer loo baahanayo ansixinta
Golaha Wakiillada.
5. Gadidda hantida dawladda waxaa loo marayaa habka tartanka
xaraashka furan.
Qodobka 52aad
QARAMAYNTA HANTIDA GAAR AHAANEED
1. Hantida qofku ku helay si xeerka waafaqsan, waxaa loola
wareegi karaa dan guud oo keli ah, iyadoo isla markaana la
bixinayo magdhow munaasib ah.
2. Xeer ayaa xadaynaya hantida gaarka ah ee loola wareegi
karo dan guud iyo habraaca loo marayo qaramaynteeda.
Qodobka 53aad
KHAYRAADKA DABIICIGA AH
1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka
Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan
sharciga.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka
faa’iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.
3. Dawladda Puntland waxay heshiis la geli karta shirkado
waddani iyo ajnebiba ah waxayna siin kartaa ruqsadda ka
faa’iidaynta khayraadka dabiiciga ah.
4. Ruqsad kasta oo la xiriirta ka faa’iidaysiga khyraadka
dabiiciga ah waxaa bixinteeda soo habaynaaya Golaha
Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiillada.
5. Qaabka saami qaybsiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland
waxaa qeexaya xeer gaar ah oo uu Golaha Xukuumaddu u
gudbinaayo Golaha Wakiilada si uu u ansixiyo.
Qodobka 54aad
ILAALINTA DEGAANKA
1. Dawladda iyo dadweynaha Puntland waxaa waajib ku ah
ilaalinta, dhawrista iyo soo kabashada deegaanka, waana in
si cad loogu qeexo heshiis kasta oo la galayo, isla markaana
waafaqsan xeerka ilaalinta deegaanka.
2. Waxaa reebban baabi’inta kaymaha, laynta duurjoogta,
xaalufinta badda, diqaynta (pollution) dhulka, hawada iyo
badda. Cid kasta oo geysata xadgubyada ku xusan faqraddan
waxay mutaysanaysaa ciqaab sharciga waafaqsan.
3. Waxaa reebban dhoofinta dhuxusha, xoolaha dhaddiga ah iyo
duur-joogta iyo wax kasta oo saameyn ku yeelan kara
xaalufinta deegaanka.
4. Degaan lagama samayn karo meel aan Dawladdu oggolaan.
5. Xeer gaar ah ayaa nidaamin doona ilaalinta deegaanka.
Madaxa IV
Qaab-Dhismeedka Dawladda
Qaybta Koowaad
Hay’adaha Aasaasiga ah ee Dawladda
Qodobka 55
Hannaanka Dawladda
Hannaanka Dawladda Puntland waa baarlamaani; Madaxweynaha
iyo Madaxweyne Ku Xigeenka waxaa dooranaya Golaha Wakiillada.
Qodobka 56aad
QAYBAHA DAWLADDA
Dawladdu waxay u qaybsantaa saddex qaybood oo kala ah:
Golaha Wakiillada (Baarlamaanka).
Golaha Fulinta (Xukuumadda).
Golaha Garsoorka (Maxkamadaha).
Qodobka 57aad
KALA SOOCNAANTA QAYBAHA DAWLADDA
1. Qayb kastaa ee Dawladda ee xusan qodobka 55aad waxay u
madaxbannaan tahay gudashada waajibaadyada, xilalka iyo
awoodaha dastuurku u jideeyey.
2. Inta aan la gaarin hirgalinta nadaamka xisbiyada badan
iyo doorashada, qofna xubin kama noqon karo wax ka badan hal
qayb ee dawladda ka mid ah.
Qodobka 58aad
ISKAASHIGA QAYBAHA DAWLADDA
Iskaashiga iyo wadashaqaynta saddexda qaybood ee dawladdu
waa waajib dastuuri ah, waxaana meelmarinaya qayb walba
masu’uulka madaxa u ah.
Qaybta 2aad
XEER-DEJINTA
Xubinta 1aad
Golaha Wakiillada
Qodobka 59aad
GOLAHA WAKIILLADA
1. Awoodda Xeer-Dejinta ee Puntland waxaa leh Golaha
Wakiilladda oo matala shacabka Puntland oo dhan.
2. Tirada Golaha Wakillada waxa uu ka koobanyahay 66
xildhibaan, hase yeeshee waxaa wax lagaga badali karaa soo
jeedin ka timaada Xukuumadda, Golaha Wakiilladuna uu ku
ogolaado saddex meelod laba meelood (2/3).
3. Muddada Golaha Wakiilladu waa shan (5) sano laga bilaabo
maalinta natiijada doorashada lagu dhawaaqo. Xildhibaanka
Golaha Wakiillada dib ayaa loo soo dooran karaa.
4. Golaha Wakiilladu waxa uu si rasmi ah hawshiisa u
bilaabayaa soddon 30 maalmood gudahood, laga bilaabo
maalinta natiijada doorashadu lagu dhawaaqo.
Qodobka 60aad
SIFOOYINKA LAGAGA MID NOQON KARO
GOLAHA WAKIILLADA
Golaha Wakiillada waxaa looga mid noqon karaa sifooyinka soo
socda:
(b) Wa in uu yahay muwaadin reer Puntland ah, xilkas ah,
anshax wanaagsan, miyirkiisu dhan yahay, da'diisuna aanay ka
yarayn soddon (30) sano.
(t) Waa in aan xuquuqdiisa muwaadinnimo xukun maxkmadeed
lagaga laalin shantii sano ee la soo dhaafay.
Waa in uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare.
Waa in Guddiga Do
rashadu hubiyaa in musharaxu buuxiyay shuruudihii looga
baahnaa intaan loo aqoonsan xubin Golaha Wakiillada ah.
Qodobka 61aad
SIFOOYINKA LAGU WAAYI KARO XUBINNIMADA
GOLAHA WAKIILLADA
1. Xubinnimada Golaha Wakiilada waxaa lagu waayi karaa:
(b) Haddii ay xubintu geeriyooto.
(t) Haddii ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed
oo joogta ah, dhakhtarna caddeeyo.
(j) Haddii xubintu ay istiqaalad keento, Goluhuna ka aqbalo.
(x) Haddii xubintu ay ka maqnaato labo kalfadhi oo isku xiga,
ayada oo aanay jirin sabab macquul ahi.
(kh) Haddii la laalo muwaadinnimada xubinta.
2. Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada ay lumiso
xubinnimadeeda waxaa badalkeeda soo galaya qofka sharci
ahaan u leh.
3. Sharciga doorashada ayaa tilmaamaya habraaca loo marayo
xulashada xubinta badaleysa, waana in lagu dhaariyo 30 beri
gudahood.
Qodobka 62aad
HABRAACA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha wakiilladu, fadhiga ugu horreeya waxa uu iska
dhex-dooranayaa guddoomiye iyo laba ku-xigeen oo kala ah
koowaad iyo labaad.
2. Kalfadhiga koowaad ee Golaha, waa in lagu meelmariyo
xeer-hoosaadka lagu socodsiinayo hawlaha Golaha.
3. Goluhu wuxuu yeelanayaa kalfadhiyo loo dhan yahay si uu
uga doodo, u oggolaado, ama u diido arrimaha la horgeeyo.
4. Fadhiyada loo dhan yahay ee Goluhu way u furan yihiin
dadweynaha, haddiise ay xukuumaddu codsato ama hoggaaminta
Goluhu u arko in ka doodidda arrin ay u baahan tahay inay
Golaha ku koobnaato, Goluhu wuxuu go’ansan karaa inuu ka
yeesho fadhi albaabadu u xiran yihiin.
5. Hogaanka Goluhu wuxuu xildhibaannada u kala qaybinayaa
Guddiyo Joogto ah oo lagu qeexayo xeer-hoosaadka Golaha,
taasoo waafaqsan arrimaha Golaha la soo hordhigayo.
6. Guddi-hoosaadyadu waa inay isugu dheellitiran yihiin
xoogagga siyaasadda ee uu ka koobanyahay Goluhu, waxayna u
xilsaaran yihiin diyaarinta, lafaguridda, iyo soo jeedinta
arrimaha Goluhu ka doodayo. Fadhiyada Golaha waxaa la
horgeeyaa arrimaha ay isku soo raaceen guddi-hoosaadka ay
khuseyso.
7. Arrimaha go’an gaaris deg-deg ah u baahan, Goluhu si toos
ah ayuu u gudageli karaa iyada oo aan la marin guddi-hoosaad,
tallaabada noocaas ahna waa in uu Goluhu cod ku meelmariyo.
8. Goluhu wuxuu iska dhex-dooranayaa guddi joogta ah oo
ururiya hawlaha Golaha labada kalfadhi dhexdooda.
9. Goluhu wuxuu yeelanayaa xoghaye joogto ah, oo aan xubin
ka ahayn Golaha Wakiillada.
10. Goluhu waxa uu yeelan karaa la-taliyayaal iyo
karraaniyaal isku dubbarrida doodaha iyo warbixinnada
guddi-hoosaadyada.
11. Kooramka furitaanka kalfadhiga Golaha ama kulanka
guddi-hoosaadka iyo go’aan gaaristooda waa kala bar iyo hal
(1/2+1) xubnaha Golaha ama guddi-hoosaadka. Dastuurka ayaa
caddaynaya mararka kooram kale loo baahanayo.
12. Habka codaynta Goluhu waa gacan taag marka laga reebo
arrimaha dastuurku si gaar ah u tilmaamo. Gacan taagga waxaa
lagu beddeli kara habka codaynta elektarooniga ah marka
Goluhu yeesho.
Qodobka 63aad
AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA
Golaha Wakiilladu wuxuu leeyahay awoodaha iyo xilalka soo
socda:
1. Ogolaanshaha, wax-ka-beddelidda iyo burinta sharicyada
iyo xeerarka DG Puntland.
2. In uu fasiraad iyo caddeyn ka bixiyo qaynuun kasta oo
micneyntiisu mugdi gasho.
3. In uu ansaxiyo xaalad dagaal iyo meelmarinta heshiis
nabadeed marka uu Golaha Xukuumadda soo jeediyo.
4. In uu ansixiyo heshiisyada caalamiga ah oo dawladda
Puntland dhinac ka tahay.
5. Inuu cod saddex-meelood laba (2/3) ee xubnaha golahu ku
ansixiyo heshiis amaah qaadasho ee Puntland la gasho
amaahiye ajnabi ah.
6. Ansixinta degmo ama gobol cusub oo xukuumaddu soo jeediso.
7. Inay ka doodaan, dhaliilaan, waxna ku biirin karaan
waxqabadka Xukuumadda.
8. Hubinta dhaqangelinta sharciyada uu Goluhu ansixiyo.
9. In uu cod qarsoodi ah saddex-meelood oo laba (2/3)
xubnaha Golahu ku doorto Madaxweynaha iyo Madaxweyne
ku-xigeenka labada wareeg ee hore, marka saddexaadna cod hal
dheeri ah.
10. Doorashada Saraakiisha sare, sida saraakiisha sarsare ee
kala ah: Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, Labada xubnood ee ka
mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland, iyo labada
garsoore oo ka mid noqonaya Maxkamadda Dastuuriga ah, Goluhu
wuxuu ku dooranayaa qaabka ku dhawaaqidda magacyada.
11. Inay ogolaadaan hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo,
Dastuurkuna farayo inay u baahan yihiin ansixinta Golaha
Wakiillada. Hawlwadeennada Golaha Fulintu magacaabo
hawshooda way bilaabi karaan marka Madaxweynuhu ogeysiiyo
xil u magcaabidooda. Golaha Wakiilladu haddii aanu muddo
saddex bilood gudahood u codayn, waxay la mid noqonaysaa
inay ansixiyeen.
12. Ansixinta barnaamijka waxqabad ee Xukuumadda.
13. Inay ogolaadaan misaaniyad-sannadeedka ama miisaaniyad
ku celini ay xukuumaddu horkeento. Goluhu ma kordhin karo
wadarta guud ee kharashka miisaaniyadda, haddiise ay Golaha
la noqoto in miisaaniyadda la dhimo ama wax laga badalo
ku-talagalka madaxyadeeda waa in la wargaliyaa Xukuumadda,
la tashina lagala yeeshaa intaan loo codeyn. Haddii
Xukuumaddu muddo shan iyo toban (15) maalmood ku soo jawaabi
weydo, waxaa loo qaadanayaa in ay aqbashay isbdalka.
14. In uu ogolaado xisaab-xirka miisaaniyad-sanadeedkii hore
ee uu soo bandhigay Hanti- Dhawrka Guud, isla markaana u
gudbiyo Xukuumadda talooyin ama dib u habeyn la xiriirta
shuruucda arrintaas quseysa.
15. In uu xeeriyo canshuuraha ay xukuumaddu ka qaadayso
dadweynaha ka hor inta aan lagu dhaqmin.
16. In uu afartan iyo shan (45) maalmood gudohood ku
oggolaado ama ku diido xeer-xukuumadeed jideenaya xaalad
degdeg ah. Haddii xeerkaas la diido, wuxuu noqonayaa waxba
kama jiraan, hase yeeshee hawlihii lagu fuliyay xeerkaas
wuxuu noqonayaa ansax, haddii aan maxkamadda u aqoonsan mid
Dastuurka ka soo horjeeda.
17. In uu ku ansixiyo haldheeri (1/2+1) Xukuumadda
Madaxweynuhu magacaabo, marka muddada xilhayantiisu
bilaabato ama uu gebi-ahaantood ama qaarkood beddelo. Markii
Xukuumad ama Wasiiro cusub la horgeeyo Golaha Wakiillada,
waa in ay ugu badnaan laba toddobaad gudahood ku ansixiyaan,
haddii taasi dhici weydo waxaa loo qaadanayaa in sharciyan
ay ansaxiyeen.
18. In uu u yeero Wasiirada ama madaxda hay’adaha
madaxabannaan si ay su’aalo uga weydiiyaan, warbixinna uga
helaan arrimaha Golaha ama ay guddi-hoosaadyadiisu
danaynayaan. Haddii mas’uulku cudurdaar la’aan ka baaqsado
inuu hortago Golaha ama guddi-hoosaadyadiisa, fadhiga guud
ee Goluhu wuxuu u qaadayaa codka kalsooni kala noqoshada
mas’uulkaas. Inta aan Wasiirka loo yeerin waa in la
wargaliyaa Madaxweynaha.
19. Ka xayuubinta xasaanadda sarkaal kasta oo xasaanad leh,
haddii uu Xeer-Ilaaliyaha guud soo hordhigo caddayn ku filan
oo la xiriirta gelid faldambiyeed culus. Eedeynta
Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku waxay u baahanaysaa
aqlabiyad gaar ah oo ah saddex meelood oo labo (2/3) xubnaha
Golaha Wakiillada.
20. Haddii xubin Golaha Wakiillada ama sarkaal ay xasaanad
siiyeen la qabto asaga oo faraha kula jira faldambiyeed,
Goloha ayaa ka doodayaa, waana ogolaanayaa qabashada ama in
la mariyo xeerka habka ciqaabta.
Qodobka 64aad
KALFADHIYADA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiilladu waxa uu yeelanayaa labo kalfadhi oo
caadi ah sannadkiiba, kuna kala aaddan bilaha Juun iyo
Oktoobar, wuxuu kaloo Goluhu yeelan karaa Kalfadhiyo aan
caadi ahayn.
2. Kalfadhiga aan caadiga ahayan, waxaa isugu yeeri kara
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, kadib marka uu codsi ka helo
Madaxweynaha ama waax (1\4) xubnaha Golaha Wakiillada.
Qodobka 65aad
KALA DIRIDDA GOLAHA WAKIILLADA
1. Golaha Wakiillada waxaa la kala diri karaa markii:
(b) Ay xubnaha intooda badan is casilaan, taasoo noqneysa
kala bar iyo hal (1/2+1).
(t) Goluhu fariisan waayo labo kalfadhi oo isku xiga, sabab
la’aan.
(j) Ay jabiyaan qodob Dastuuri ah.
2. Markii ay dhacaan qaar ka mid ah ama dhamaantood arrimaha
ku xusan faqradda 1aad, Madaxweynuhu wuxuu Maxkamadda
Dastuuriga ah u gudbinayaa qoraal uu ku dalbanayo
sugnaanshaha arrimaha ku xusan faqradda 1aad.
3. Maxkamadda Dastuuriga waxaa waajib ku ah in ay
Madaxweynaha ugu soo gudbiso natiijada baaristeeda shan iyo
toban (15) bari gudahood.
4. Madaxweynuhu marka uu helo caddaynta Maxkamadda
Dastuuriga ah, wuxuu soo saarayaa xeerka kala dirista Golaha.
Isla xeerkaas wuxuu ku go’aaminayaa taariikhda la soo
dooranayo Gole cusub, muddo afartan iyo shan (45) maalmood
gudohood ah.
Qodobka 66aad
KALSOONI KALA NOQOSHADA WASIIRADA
1. Golaha Wakiilladu wuxuu kalsoonida kala noqon karaa
wasiirada mid, ka badan ama dhammaantood.
2. Kalsooni kala-noqoshada wasiirada waxaa soo jeedin kara
ugu yaraan toban (10) xildhibaan.
3. Ka doodidda mooshinka kalsooni kala-noqoshada Wasiirada
waa in ay ogolaadaan ugu yaraan saddex meelood oo meel (1/3)
xildhibaannada Golaha Wakiillada.
4. Saddex meelood labo (2/3) xildhibaannada Golaha waa in ay
u codeeyaan kalsooni kala noqoshada Wasiirka/Wasiirada.
5. Haddii cod kalsooni kala-noqosho uu meelmaro,
Madaxweynuhu waa inuu magacaabo beddelka Golihii ama
Wasiirkii codka kalsoonida waayey; Goluhu hawshiisu waa uu
sii wadanayaa ilaa Gole cusub laga magacaabo, hase yeeshee
ma bilaabi karaan barnaamij cusub.
6. Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu muddo laba (2)
jeer ah Golaha Wakiillada dib ugu celiyo magacaabista
xubnaha Golaha Xukuumadda ee kalsoonida waayay.
7. Haddii ay Xukuumaddu dhacdo, Madaxweynuhu wuxuu bil
gudaheed Golaha Wakiillada ku horgeynayaa Xukuumad cusub si
loo ansaxiyo.
Xubinta 2aad
Habka Sameynta Sharciga
Qodobka 67aad
CURINTA SHARCIYADA
1. Golaha wakiillada waxaa mashruuc-sharci horgeyn kara oo
keli ah:
(b) Golaha Wakiillada.
(t) Golaha Xukuumadda.
(j) Tiro muwaadiniin ah oo aan ka yarayn 5.000 (shan kun) oo
qof oo cod bixiyeyaal ah.
Qodobka 68aad
NIDAAMKA HAL-ABUURKA MUWAADINIINTA
1. Muwaadiniinta soo bandhigeysa codsi qoraal ah (petition),
waa in la hubsado warqaddiisa aqoonsiga ama ugu yaraan
magaciisa, da’diisa, saxiixiisa, iyo inuu caddeeyo inuu
yahay muwaaddin reer Puntland ah.
2. Codsiga waa inuu la socdo soo jeedinta mashruuc sharci ah
iyo magacyada ugu yaraan laba qof oo lagala xiriiro.
3. Mashruuc sharci ee ku saabsan cashuur, kharashka dawladda,
difaaca dalka ama amniga, muwaadiniintu ma soo jeedin karaan.
4. Golaha Wakiilladu waxaa la gudboon in ay hal-abuurkaas ku
qiimeeyaan kalfadhiga socda ama kan ku xiga, jawaabna
siiyaan codsadayaasha.
Qodobka 69aad
DOODDA GOLAHA EE MASHAARIICDA SHARCIYADA
1. Golaha Wakiilladu waa in uu mashruuc-sharci oo kasta uga
doodo qodob qodob, uguna codeeyo.
2. Sharci kasta oo Goluhu meelmariyo waa in laga sameeyo
saddex nuqul oo rasmi ah oo ay saxiixaan hoggaanka Goluhu
loona diro Madaxweynaha
Qodobka 70aad
SAXIIXA MADAXWEYNAHA IYO FAAFINTA
1. Madaxweynuhu muddo soddon (30) beri gudohood, waa inuu ku
saxiixo sharci kasta oo Golaha Wakiilladu u soo gudbiyo ama
uu isla muddadaas gudaheeda ku ogeysiiyo Golaha wakiillada
inuu diidan yahay.
2. Haddii Madaxweynuhu aanu diidmo ka muujin waa inuu
saxiixo, nuqulna u diro Golaha Wakiillada isla markaasna
amro in faafinta rasmiga ah lagu soo saaro, nuqulna lagu
kaydiyo Madaxtooyada.
3. Haddii uu Goluhu ku dhawaaqo Sharci intifaac caam ah leh,
Madaxweynuhu wuxuu qabaa in uu ku saxiixo, kuna faafiyo ama
ku diido shan iyo toban (15) maalmood gudahood.
4. Mar haddi la shaaciyo, sharcigu wuxuu dhaqangalayaa shan
iyo toban (15) maalmood gudahood, haddii uusan ahayn mid
loogu dhawaaqay intifaac caam ah, kaasoo dhaqangalaya isla
markiiba.
5. Haddii uu sharci ku jiro gacanta Madaxweynaha muddo
soddon (30) beri ka badan, iyada oo aan la faafin, hogaanka
Goluhu wuxuu amrayaa in lagu soo saaro warbaahinta qoraalka
ah ee dalka.
Qodobka 71aad
DIIDMADA QAYAXAN EE MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu wuxuu awood u leeyahay inuu diidmada qayaxan
isku hortaago sharci uu meelmariyay Golaha Wakiilladu, isaga
oo diidmadiisa qoraal sababaysan ku wargelinaya.
Qodobka 72aad
JEBINTA DIIDMADA QAYAXAN
1. Diidmada qayaxan ee Madaxweynaha waxaa Golaha Wakiilladu
ku jebin karaan markii ay isla sharcigaas mar labaad u
codeeyaan kuna meelmariyaan aqlabiyad saddex meelood laba
meelood (2/3).
2. Hogaanka Goluhu wuxuu u dirayaa Madaxweynaha sharcigii oo
uu la socdo qoraalkii uu ku jabiyay diidmada qayaxan.
3. Madaxweynuhu, markuu helo qoraalka, wuxuu sharciga ku
faafinayaa shan iyo toban (15) beri gudohood.
Qodobka 73aad
DIB UGA DOODID MASHRUUC SHARCI OO LA DIIDAY
Sharcigii Goluhu diiday dib looguma soo celin karo isla
kalfadhiga markaas socda.
Qaybta 2aad
FULINTA
Qodobka 74aad
HAY’ADDA FULINTA
1. Hay’adda Fulinta ee Dawladda Puntland waxay ka kooban
tahay Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirrada,
Wasiir Ku-Xigeennada iyo dhammaan Saraakiisha Sare iyo
shaqaalaha awooddooda toos u hoos yimaada.
2. Hay’adda Fulinta ee dawladda waxaa haga Madaxweynaha ama
Madaxweyne Ku- Xigeenka haddii uu Madaxweynuhu maqanyahay.
3. Hay’adda Fulinta waxaa loola jeedaa "Xukuumadda".
Qodobka 75aad
GOLAHA XUKUUMADDA
Golaha Xukuumaddu waxa uu ka kooban yahay Madaxweynaha,
Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirrada iyo Wasiir Ku Xigeennada.
Qodobka 76aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA GOLAHA XUKUUMADDA
Golaha xukuumaddu wuxuu leeyahay mas’uuliyadaha soo socda:
Dejinta, xiriirinta iyo hirgelinta istaratejiyadda
siyaasadeed ee ku saabsan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo
bulshada.
Xeer ku soo saaridda (to decree by-law) kala nidaaminta
awoodaha Hay’adda Fulinta ee Dawladda.
Xukuumaddu waxa ay soo rogi kartaa canshuuro cusub ama dhimi
kartaa kuwa hore u jiray, ayada oo la waafajinayo hadba
baahida dalka.
Oggolaanshaha soo jeedinta miisaaniyad-sanadeedka Dawladda
oo muujinaya dakhliga Xukummaddu filayso inuu soo galo iyo
tafaasiishaa kharashyada xukuumadda iyo hay’adaha kaloo
dawliga ah ay filayaan in loo isticmaalo
sannad-maaliyadeedkaas oo ay ku jiraan mushaharooyinka
shaqaalaha Dawladda, waana in la horgeeyo Golaha Wakiillada,
saddexda bilood ee sanadka ugu dambeeya gudahood.
Oggolaanshaha xeerka ku dhawaaqidda xaaladda degdegga ah,
ayna nuxurkeeda ku wargeliyaan Golaha Wakiillada.
Oggolaanshaha abuuritaanka hay’ado madaxbannaan iyo kuwa ay
Dawladdu qayb ka tahay, dabadeedna xeerkeeda loo gudbiyo
Golaha Wakillada.
Magacaabidda Xeer-Ilaaliyaha Guud, Hantidhawrka Guud,
Garyaqaanka Guud iyo labo ka mid ah Garsoorayaasha
Maxkamadda Dastuurka ee dibadda laga magacaabayo, iyadoo
dabadeed xasaanad loo weydiinayo Golaha wakiillada.
Inay tixgaliyaan, go’aanna ka gaaraan dhammaan arrimaha uu
Madaxweynuhu Golaha u soo bandhigo.
Qodobka 77aad
XEERKA GUDAHA EE GOLAHA FULINTA
1. Shuruudaha la doonayo inuu buuxiyo qof kasta oo loo
magacaabayo Wasiir ama Wasiir ku-xigeen waxay la mid yihiin
kuwa xubinta Golaha Wakiillada oo ay u dheer tahay in
mudnaanta la siinayo waxbarasho gaarsiisan heer Jaamacadeed
iyo waayo-aragnimo maamul.
2. Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha
Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee Dawladda ma geli
karaan ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.
3. Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka, xubnaha Golaha
Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ee Xukuumaddu waa in ay
hantidooda qoraal ugu caddeeyaan Hantidhawraha Guud ee
Dawladda, bisha ugu horreysa oo ay xilalka la wareegaan.
4. Madaxweynaha wuxuu saxiixayaa xeerarka iyo
xeer-hoosaadyada (by-laws), halka uu Wasiirku saxiixayo
Amar-fulinta wasaaraddiisa.
5. Go’aannada Golaha Wasiirradu gaaraan waa
mas’uuliyad-wadareed saarann dhammaan xubnaha Golaha.
6. Golaha Fulinta waa inuu xil-wareejin u sii diyaariyaa
Golaha ku xiga laba bilood ka hor dhammaadka muddada
xil-hayntiisa.
Qodobka 78aad
SIFOOYINKA DOORASHADA MADAXWEYNAHA
1. Muwaadin kasta oo reer Puntland ah waa u furan tahay in
uu u tartamo mansabka Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka
haddii uu buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay qabashada
xafiiska.
2. Shuruudaha laga rabo qofka loo dooranayo Madaxweyne ama
Madaxweyne Ku-Xigeen waa:
(b) Inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, Muslim ah, kuna
dhaqma diinta Islaamka, miyirkiisu dhan yahay, da’diisuna
aanay ka yarayn afartan (40) sano, marka uu xilka la
wareegayo.
(t) Inuu leeyahay tacliin sare, aqoon iyo waayo aragnimo
hogaamineed, yaqaanna, dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.
(j) Waa in uu yahay qof xuquuqdiisa muwaadininimo u dhan
tahay oo aan looga laalin go’aan maxkamadeed shantii sano ee
ugu dambeysay.
(x) Waa in uu yahay qof damiirkiisu sarreeyo oo aan lagu
ciqaabin khiyaamo qaran, galinna dambi ka dhan ah
bani’aadinimada.
3. Musharraxa jagada Madaxweynaha ama Madaxweyne ku-xigeenka
waxay ka imaan karaan Golaha Wakiillada iyo dadweynahaba.
Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiillada loo doorto
Madaxweyne ama Madaxweyne ku-xigeen wuxuu bannaynayaa
xubinnimadii Golaha Wakiillada, waxaana beddelaya qofkii
xubin- sugaha u ahaa.
Qodobka 79aad
MUDDADA XILKA
Muddada xilhaynta Madaxweynaha iyo Madaxweye ku-xigeenku waa
shan sano (5), labo jeer oo kali ah ayaana la soo dooran
karaa.
Qodobka 80aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNAHA
1. Madaxweynuhu waa madaxa Dawladda (Head of State) iyo
madaxa Golaha Fulinta. Madaxweynuhu waa astaanta midnimada
dadka reer puntland.
2. Madaxweynuhu wuxuu ka mas’uul yahay difaaca diinta
Islaamka, Dastuurka iyo Shuruucda dalka.
3. Madaxweynuhu waa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida.
4. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne
ku-xigeenka wuxuu soo dhisayaa Xukuumadda 21 beri gudahood
laga bilaabo markii la doortay. Madaxwynuhu wuxuu Xubnaha
Xukuumaddiisa ka dhex xulan karaa Golaha Wakiillada iyo
dibaddiisaba.
5. Madaxweynuhu, isaga oo la tashanaya Madaxweyne Ku-Xigeenka,
wuxuu awood u leeyahay in uu magacaabo ama xilka ka qaado
Xubnaha Golaha Wasiirrada, madaxda hay’adaha madaxabannaan
iyo madaxda kale ee Dastuurka ama shuruucda kale u oggol
yihiin.
6. Madaxweynuhu wuxuu curiyaa ama oggolaadaa, si waafaqsan
Dastuurka iyo shuruucda dalka, siyaasadda xukuumaddiisu
fulinayso ee la xiriirta waaxyaha maamulka guud,
fulinteedana ku kormeeraa iyadoo ay ujeedadu tahay in
dadweynaha Puntland gaaraan horumar dhaqan-dhaqaale oo dhan
kasta ah.
7. Madaxweynuhu wuxuu galaa wada-xaajoodyada la xiriira
shuruudaha Dawladda Puntland uga qayb galeyso Jamhuuriyad
Soomaaliyeed ee Federaal ah, wuxuuna la saxiixayaa Dawladda
Federaalka ah heshiis, kaasoo u baahnaan doona in laga
ansaxiyo (ratification) Golayaasha Xukuumadda iyo Wakiillada.
8. Madaxweynuhu wuxuu amraa, horana u mariyaa xiriirka
caalamiga ah ee Puntland, wuxuuna ka xaajoodaa dabadeedna
saxiixaa heshiisyada caalamiga ah.
9. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah u qaabilaa wufuudda
ajnebiga ah ee Puntland soo booqda, wuxuuna u aqoonsadaa in
ay marti dawladeed yihiin.
10. Madaxweynuhu wuxuu billado iyo shahaado sharafyo
guddoonsiiyaa muwaadiniinta Puntland iyo kuwa ajnebiga ah ee
mutaysta.
11. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay awoodda saamaxaadda iyo
cafiska dembiyada siyaasadda iyo kuwa kaleba. Labada
xaaladoodba waa in uu Madaxweynuhu ka talo qaataa
sharciyaqaan. Madaxweynuhu cafis uma fidin karo dambiile ay
shareecada Islaamku ku xukuntay qisaas.
12. Madaxweynuhu wuxuu furaa, hadalna ka jeediyaa
kalfadhiyada Golaha Wakiillada.
13. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer xaalad degdeg ah si
uu uga hortago dhibaatooyinka ciribdambeed-xumadu ka dhalan
karto, sida:
(b) Musiibo dhacday, sida abaaro, duufaan, daadad, iwm.
(t) Dagaal sokeeye ama dagaal ay Dawladda Puntland ku
dhawaaqday, ama
(j) Rabshado/kacdoon gudaha ah ee loola jeedo in lagu dumiyo
jiritaanka Puntland.
14. Madaxweynuhu wuxuu ku khasban yahay in uu xeerka
xaaladda degdegga ah afartan iyo shan (45) maalmood gudahood
ku horgeeyo Golaha Wakiillada si uu u ansixiyo, sida uu qabo
qodobka 28aad ee Dastuurka.
15. Madaxweynuhu wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqaa taariikhda
Hay’adda Doorashadu u astaysay qabashada doorashada.
16. Madaxweynuhu wuxuu soo saaraa xeer (by-law) qeexaya in
la fuliyo shuruucda Golaha Wakiilladu gudbiyeen. Ma jiri
karo xeer ka horimanaya sharci Golaha Wakiilladu gudbiyeen.
17. Madaxweynuhu wuxuu ku hawlgalayaa mas’uuliyadaha kale oo
dhan iyo awoodaha kale ee sharciga Puntland u ogolaanayo.
18. Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa Guddoomiyaha Maxkamadda
Sare iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, kadib marka uu u
gudbiyo Golaha Wasiirrada. Wuxuu kaloo magacaabayaa
Garsoorayaasha Maxkamadaha Caadiga ah, kadib marka uu
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare soo jeediyo.
19. Madaxweynaha wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha,
Garsoorayaasha iyo Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada
Qalabka Sida.
Qodobka 81aad
AWOODAHA IYO MAS’UULIYADAHA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka maamulka ee
Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku
meelgaar ah xilkiisa u gudan karin.
2. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu kala taliyaa Madaxweynaha
mgacaabidda iyo xil-ka-qaadista Wasiirrada, Wasiir Ku-Xigeennada
iyo Saraakiisha sarsare ee Dawladda.
3. Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha Madaxweynuhu
u wakiisho oo aan ka baxsanayn hawlaha Madaxtooyada.
4. Madaxweyne Ku-Xigeenka waxaa loo dhaarinayaa xilka
Madaxweyninimo, haddii uu Madaxweynuhu geeriyoodo, iscasilo,
xilka laga qaado ama ay la soo gudboonaato xaalad xil
gudasho la’aan joogta ah, wuxuuna haynayaa inta ka harsan
muddadii xilka Madaxweynaha.
5. Haddii ay dhacdo xaaladda ku xusan faqradda 4aad ee
qodobkan, Golaha Wakiilladu waxa uu 30 maalmood gudahood ku
soo dooranayaa Madaxweyne ku-xigeen cusub.
6. Haddii Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu ay isku mar
geeriyoodaan, is wada casilaan ama xilka laga wada qaado,
waxaa xilkooda sii qabanaya Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
inta laga soo dooranayo Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku-Xigeen
cusub, muddo soddon (30) maalmood gudahood ah.
Qodobka 82aad
EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA
1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu
eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur,
khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:
(b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha
Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan
habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka,
iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda,
isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.
(t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la
soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad
isdifaac.
(j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo
kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu
codeyso xil-ka-qaadistooda.
2. Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenkiisu dalka kama maqnaan karaan
muddo ka badan laba (2) bilood sabab la’aan.
Qodobka 83aad
XILALKA WASIIRKA
1. Wasiirku waa mas’uulka ugu sarreeya wasaaradda loo
magacaabay, siyaasad iyo maamul ahaanba.
2. Wasiirku wuxuu fuliyaa siyasadda xukuumadda ee la
xiriirta wasaraddiisa.
3. Wasiirka, asaga oo la tashanaya Wasiir ku-xigeenka wuxuu
go’aamiyaa siyaasadda hawl-fulinta wasaaradda iyo
shaqaalaheeda.
Qodobka 84aad
XILALKA WASIIR KU-XIGEENKA
1. Wasiir ku-xigeenku waxa uu qabanayaa dhammaan xilalka
Wasiirka marka uu maqan yahay ama uusan si ku-meelgaar ah
xilka u gudan karin.
2. Wasiir Ku-Xigeenka wuxuu kala taliyaa Wasiirka dhammaan
waxqabadka wasaaradda.
3. Wasiir Ku-Xigeenku wuxuu fuliyaa hawlaha uu u cayimo
Wasiirku oo aan ka baxsanayn mas’uuliyadda Wasaaradda.
Qodobka 85aad
WAKAALADAHA GAARKA AH
1. Golaha Xukuumaddu wuxuu abuuri karaa Wakaalado Gaar ah oo
loo xilsaarayo hawlo cayiman.
2. Wakaaladaha Gaarka ah waxay yeelanayaan xeer u gaar ah oo
laga ansaxiyo Golaha Wakiillada.
Qodobka 86aad
CIIDAMADA NABADGELYADA
1. Ciidamada Nabadgelyadu waxay u xilsaaran yihiin sugidda
amniga gudaha iyo xuduudaha Dawladda Puntland, waxayna ka
kooban yihiin:
Ciidanka Daraawiishta.
Ciidanka Booliska.
Ciidanka Nabadsugidda.
Ciidanka Asluubta.
2. Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya dhismaha iyo waajibaadka
ciidan kasta.
Qaybta 4aad
GARSOORKA
XUBINTA KOOWAAD
NIDAAMKA GARSOORKA
Qodobka 87aad
QAAB-DHISMEEDKA IYO MABAADIIDA
Hay’adda Garsoorka ee Puntland waxa ay ka kooban tahay:
(b) Maxkamadda Sare.
(t) Maxkamadda Dastuuriga.
(j) Maxkamadaha Rafcaanka ee Gobollada.
(x) Maxkamadaha Darajada koowaad.
(kh) Golaha Garsoorka.
Hay’adda Garsoorka ee Puntland oo kaliya ayaa xukun ridi
karta, bixin karta amar fulin xukun dastuuri, madani, ciqaab,
ganacsi, maamul, arrimo shaqaale iyo arrimo kale oo uu
sharcigu jideeyay.
Garsoorku markuu hawlihiisa fulinayo, wuxuu xor ka yahay
Golayaasha Xeer-Dajinta iyo Fulinta, waxaana haga Dastuurka
iyo shuruucda kale.
Qaab-dhismeedka, Laamaha, xuduudaha awoodaha iyo
xilgudashada Garsoorka waxaa xadidaya sharci ay Xukuumaddu
horgeyso Golaha Wakiillada.
Maxkamadaha Ciidamada waxay awood u leyihiin oo qura
qaadista dambiyada ciidamadu galaan oo sharcigu qeexayo.
Garsoorayaashu waa in aynan qaban hawlo ka horimanaya
garsoornimadooda.
Dhageysiga dacwooyinka waa ay u furantahay dadweynaha, hase
yeeshee sharciga ama garsooruhu wuu go’aansan karaa si kale,
isagoo ka eegaya arrimaha anshaxa, daaficidda da’ yarta ama
markhaatiyaasha, fayodhowrka ama ammaanka guud.
Xukun-dacwadeed lama ridi karo iyadoo aan dhinacyada is haya
oo dhammi fursad u helin inay gartooda jeedsadaan, haddii
aan sharcigu si kale u tilmamin.
Qofna ma burin karo, ma badali karo, ma diidi karo in uu u
hogaansamo xukun maxkamadeed, haddii aysan xukunkaas badalin
ama tirtirin Maxkamad ka sarreysa.
Maxkamaddu waa in ay u fasirtaa eedeysanaha dambiga lagu
ciqaabay.
QODOBKA 88aad
GOLAHA GARSOORKA
Golaha Garsoorka waa hay’adda maamulka Garsoorka.
Golaha Garsoorku wuxuu ka kooban yahay:
(b) Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo noqonaya Guddoomiyaha
Golaha.
(t) Guddoomiye Ku-Xigeenka Maxkamadda Sare.
(j) Xeer-Ilaaliyaha Guud
(x) Labo garyaqaan oo ay Xukuumaddu ka soo xusho Dadweynaha,
Golaha Wakiilladuna ansaxiyo.
Marka Guddoomiyaha Goluhu maqan yahay ama uu xilkiisa gudan
kari waayo, waxaa hawlaha Golaha sii wadaya Ku-Xigeenkiisa.
Golaha Garsoorka waxaa hawlihiisa nidaaminaya sharci gaar
ah.
QODOBKA 89aad
AWOODAHA IYO XILALKA GOLAHA GARSOORKA
Goluhu wuxuu yeelanayaa awoodaha iyo xilalka soo socda:
Magacaabida, ruqsaynta, bedelidda, dalacsiinta,
anshaxmarinta garsoorayaasha maxkamadaha rafcaanka iyo
derajada koowaad iyo dhammaan shaqaalaha kale ee Hay’adda
Garsoorka.
Diyaarinta halbeegyada (norms) sharci ee la xiriira taxanaha
shaqo (careers) ee dhinaca maamulka hawlwadeennada garsoorka
iyo u gudbinta halbeegyadaas Wasiirka Garsoorka si uu uga
ansixiyo Golaha Xukuumadda.
Diyaarinta hindise sharci iyo wax ka badalid sharciyo la
xiriira howlaha iyo nidaamka Garsoorka iyo u gudbinta
Wasiirka Garsoorka si uu u hordhigo Xukuumadda.
Samaynta iyo maamulidda xarumo tababarro garsoor si loo
horumariyo heerka aqoonta iyo xirfadda garsoorayaasha iyo
kaaliyeyaashooda, iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda
Garsoorka.
Shuruudaha uu Golaha Garsoorka u adeegsanayo shaqaalaynta
garsoorayaasha iyo shaqaalaha kale waxaa lagu qeexayaa
sharci gaar ah.
XUBINTA LABAAD
MAXKAMADAHA
Qodobka 90aad
MAXKAMADDA SARE
1. Maxkamadda Sare waxay ku shaqaysaa go’aan wadareed,
waxayna ka kooban tahay shan (5) xubnood oo kala ah:
Guddoomiye, Guddoomiye Ku-Xigeen, iyo saddex (3) garsoore.
2. Maxkamadda Sare waxay yeelanaysaa laba (2) garsoore oo
kayd ah oo uu Guddoomiyaha Maxkamaddu u yeeri karo in uu
dacwadda la galo, marka garsoorayaasha qaarkood fasax galaan
ama garsoore si gaar ah uga cudurdaarto inuu wax ka galo
qaadista dacwadaha qaarkood. Garsoorayaasha kaydka ahi waa
inay buuxiyaan isla shuruudaha Garsoorayaasha rasmiga ah,
lana mariyo habka kuwa kale lagu doortay.
3. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo kuwa kaydka ahba waxaa
soo sharraxaya Golaha xukuumadda, waxaana ansaxinaya Golaha
Wakiillada.
4. Muddada xilhaynta xubnaha Maxmadda Sare ee rasmiga ah iyo
kuwa kaydka ahba waa shan (5) sano, marka laga reebo
doorashada koowaad oo noqonaysa sida soo socota:
(b) Saddex garsoore oo rasmi ah iyo mid kayd ah waxaa la
dooranayaa (5) shan sano doorashada ugu horraysa.
(t) Labo garsoore oo rasmi ah iyo mid kayd ahna waxaa la
dooranayaa afar (4) sano doorashada ugu horraysa.
(j) Wixii ka dambeeya doorashada koowaad koox walba oo
muddadoodu dhammaato, waxaa dib loo dooranayaa
garsoorayaashii hore ama kuwa kale muddo shan (5) sano ah.
5. Xarunta Maxkamadda Sare waa xarunta Dawladda Puntland,
hase ahaatee dacwadaha waxay ku qaadi kartaa meel kasta oo
dalka ka mid ah.
6. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare waxaa xilka lagaga qaadi
karaa aqlabiyad haldheeri (1/2+1) ah xubnaha Golaha
Wakiillada, iyadoo loo cuskanayo qodobka 100aad ee Dastuurka.
Qodobka 91aad
DOORASHADA GARSOORE MAXKAMADDA SARE
Si loo noqdo Garsoore Maxkamadda Sare waxaa loo baahan yahay:
(b) Waa inuu yahay muwaadin reer Puntland ah, xuquuqdiisana
aan la laalin shantii (5) sano ee ugu dambeysay.
(t) Waa in aysan da’diisu ka yarayn afartan sano (40).
(j) Waa in uu haysto shahaado culuunta sharciga oo uu ka
qaatay Jaamacad la aqoonsan yahay.
(x) Waa inuu leeyahay waaya-aragnimo garsoor oo aan ka
yarayn laba (2) sano ama qareennimo shan (5) sano aan ka
yareyn.
(kh) Waa inuu yahay qof lagu yaqaan hufnaan iyo daacadnimo,
aqoon iyo kartina u leh arrimaha sharciga.
Qodobka 92aad
NIDAAMKA GO’AAN QAADASHADA MAXKAMADDA SARE
1. Go’annada Maxkamadda Sare waxay ku ansaxaan aqlabiyadda
Xubnaha Maxkamadda. Garsooraha ama Garsoorayaasha aan
ogoleyn go’aanka la gaaray, waxay muujisan karaan codkooda
diidmada ah.
2. Xoghayaha Maxkamadda Sare waa inuu la socodsiiyaa
go’aannada maxkamadda dhinacyada ay khusayso.
Qodobka 93aad
AWOODAHA IYO XILALKA
1. Maxkamadda Sare waa darajada ugu sarraysa maxkamadaha,
waxayna leedahay awood ku baahsan Puntland oo dhan.
2. Maxkamadda Sare waxay Golaha Wakiillada u soo jeedisaa
abuuridda maxkamado cusub.
3. Maxkamadda Sare waa inay horgeyso Golaha Wakiillada
mashruuc sharci ama wax ka beddelid shuruuc jirtay oo la
xiriira maamulka Garsoorka.
4. Maxkamadda Sare waa inay xalliso khilaafaadka u dhaxeeya
Maxkamada, kuna saabsan xuduudahooda.
5. Maxkamadda Sare waa in ay go’aan kama dambeys ah ka
gaartaa dacwadaha ay xukumeen Maxkamadaha ka hooseeya,
iyadoo aan lagu raali galineyn dinacyada ishaya midkoodna.
6. Maxkamadda Sare waa in ay xallisaa ismaandhaafyada
sharciyeed oo aynan masuuliyiin kale sharciyan ugu
xilsaarneen.
7. Maxkamada Sare waxay diyaarisaa habraacyada dacwadaha ka
dhacaya dalka dibaddiisa iyo inay ogolaato habraaca lagu
fulinayo dacwad ama xarig dembiile dal kale lagaga soo
xukumay.
8. Maxkamadda Sare waxay go’aan ka gaartaa dhammaan
codsiyada isu-gacan gelinta dembiilayaasha.
9. Maxkamadda Sare wa in ay hubisaa sida ay Maxkamadaha
hoose u maamulayaan garsoorka, wana in ay qaadaa
tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo helo in ay
garsoorayaashu wax u xukumaan si ay ku dheehantahay karti,
hufnaan iyo caddaalad.
10. Maxkamadda Sare waxay xukuntaa Saraakiisha Dawladda sida
shuruucdu jideeneyso.
11. Awoodaha iyo xilalka Maxkamadda Sare waxaa ka mid ah .
GeboGebo:
Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland waxaa lagu soo xulay
Hab beelood lama samayn Tixraac Aqooneed ama
Xirfadeed(Education Value) waxaama Xildhibaanadu yihiin
66-Oday kuwaasi oo ku jira Hoolka Baaralamaanka .
Xildhibaanadda Qiimeyn ahaan waxaa dhici karta in 3% ay
leeyihiin Aqoon ama wax qori karaan taasina waa mid run ah
madama aanu jirin wax lagu soo xushay aqon balse oday
dhaqameedyo Beel beeleedyo ah soo xusheen 66-Nin ee matalaya
Umadda Reer puntland shalay markii la soo hordhiga 141-Qodob
iyo Lifaaqa nidaamka Axsaabta badan waxaa cadayd in aan
xildhibaanadu ka fiirsan Erayga aan soo xusnay ee (Waqoyi
Bari) halka uumadaxweyne faroole jaanis u siyay
xildhibaanadda inay soo akhristaan Dastuurka oo sabtida la
isu so noqdo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |