Ardeyda SSC ee wax kabarata
India oo Taageertay Shirka Beelweynta Dhulbahante ee manta
ka furmay Magaalada Nairobi.
(Hyderabad Oct
03,
2009 Ceegaag Online)

Ardayda
Waxkabarata Magaladda Hyderabad ee dalka India kana soo
jeeda Gobolada SSC oo xalay xaflad ku qabsaday
Hotel-ka
Pearl Regency
ee magaaladaasi ayaa taageero u muujiyay shirka Beesha
Dhulbahante ee maanta ka furmaya Magaalada Nairobi ee
Xarunta Dalka Kenya.
kulankan ay
isugu yimaadeen Ardaydu ayaa waxaa qadka Telephone-ka uga
qeybqaatay Garaad Jaamac Garaad Cali isagoo ardayda ku
dhiiri galiyay in ay waxbarashadooda ku dadaalaan si ay
dalkooda iyo dadkoodaba u anfacaan.
Waxay
Ardaydu si buuxda u soo dhawaynaysaa una garab taagan tahay
shirwaynaha Beesha Dhulbahante ee manta ka furmay magaalada
Nairobi,
Ardaydii ka
Hadley xaflada ayaa waxa ka mid ahaa Maxamed Hassan Ibraahim,
Aar Muxumed Aw-xuseen (Aar Diarra), Cali Muuse Jaamac (Cali
Dhuux), Maxamud Hassan Shire, Faisal Jaamac Cali
Abokor iyo Mustafe Cabdi Cismaan
Daawo Sawirada
     
Cali Muuse
Jaamac (Cali Dhuux)
yagoori50@hotmail.com

webmaster@ceegaag.com |