Dhulbahantoow Ma Isdabaqabanaa?
(SSC,
September 20, 2009 Ceegaag Online)
Marka hore waxay mahad idilkeed
usugnaatay Eebe, nawaa fujiyay hanuunka diinteenana ka
yeelay Islaam. Marka labaad waxaa ciso iyo sharafle kuwa
hanuunka raacay, dhagahana u furay weeleeyayna.
Intaas
kadib walaalayaal aniga oo ah Maxamuud Ciise Bootaan kana
mida jaaliyada SSC ama Dhulbahante ee degan wadanka
Ingiriiska khaasatan magaalada London, ahna nin jecel
midnimada, horumarka iyo wanaaga rabana inaan arko SSC oo
mida maamul iyo kala dambaynale sida kubadana loogu dheelayn
isla markaana ka soo horjeeda kana dhiidhiya horumar
la’aanta, midnimo la’aanta iyo wax alaale wixii dhib ku ah
bulshada xalaasha ah ee SSC ayaan waxaan jeclahay inaan
idiin soogudbiyo talo aan aaminsanahay in ay inoo tahay laf
dhabar haddii aan qaadano haddii aan qaadan wayna ay dhici
doonto mar aan fahano.
Walaalayaal, waxaan aamin
sanahay in qofkasta oo dhiig iyo damiirle kana soo jeeda
deegaanada SSC uu lasocdo xaalada dhabta ah ee ay ku sugan
yihiin deeganadii SSC maanta. Waxaad la socotaan in maanta
deegaankeenii uu yahay meesha ugu liidata gayiga
Soomaaliyeed oo dhan haddii ay noqoto dhanka horumarka,
midnimada, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasada,
adeega bulshada, ganacsigii iyo dhammaan wax alaale wixii
ay ahaan lahayd in qofku ku noolaado taas oo ma suuliyadeeda
ay leedahay bulshada SSC 70%.
Walaalayaal, tan iyo markii
lawaayay qarankii, nidaamkii, kala dambayntii iyo dhammaan
hanaankii iyo haybadii dawladnimo ee Jamhuuriyadii
Soomaaliya waxay bulshada SSC ku jirtay kuna dhacday
ceeldheer oo ay adagtahay sida looga sooboxo dhankasta oo
aad ka eegtid noloshada qofka Ibna Aadanka ahi ku noolaan
karo. Waxaa ku dhacay bulshadaas siyaasad xumo, midnimo
la’aan, maamul la’aan iyo hogaan la’aanba taas oo runtii ay
door wayn ku leedahay dhammaan qaybaha kala gadisan ee
bulshadu haddii ay ahaan lahaayeen siyaasiyiin, hogaanka
dhaqanka, indheergarad, aqoonyahaynka iyo dhammaan bulshada
oo dhami.
Walaalayaal, taasi waxay dhacday kadib markii aynu ka
gaabinay inaynu wada tashano inagoo ah dad walaala ah, kana
tashano wixii xal ahaa ee aynu ku gaadhi karnay horumar iyo
inaynu la sinaano bulshada kale ee Soomaaliyeed dhankasta oo
noolosha ah. Waxay dhacday tani maalin cad mugdina uusan
jirin kadib markii taladeenii, caqligeenii iyo aqoonteeniiba
ay ka badin wayday inay ina horboodeen dad aan lahayn aqoon,
waayo aragnimo ku filan isla markaana aynu mooday inay
yihiin kuwa xalka wado samaha SSCna ka shaqaynaya. Waxay
taladeenii faraha ka baxday markii aynu garan waynay in aynu
isunimaadno, wado tashano yeelana maamul xaalaala sihufana
ugu adeega bulshada ilaa iyo inta la helayo qarankii
Soomaaliyeed markale.
Waxay taladeenii iyo
masiirkeeniiba ceelka ku dhacday markii inaga oo maal iyo
moodba buuxna aynu caqligeenii u rarnay meelakale oo qayb
inaga midahi ay marti unoqdeen cidkale oo iyana cidkale iyo
aduunkale marti u ah. Walaalayaal waxay tani dhacday kadib
markii inaga oo xag magac iyo xag taariikhba aduunka kule,
dhulkeenuna uu yahay mid balaadhan oo aan la sookoobikarin
dhankasta oo aad eegtid nimcada Eebe ina siiyay aynu barqo
cad nidhi dadkale taladayadii waataase yaa geedka noo saari?
Walaalayaal waxay tani dhacday markii inagii aan wax isu
quudhiwayne dadkii aqoontalahaana aynu taladoodii
raaciwayney ninwalibana uu yidhi qumanahaygaa qoorta
iisudhan. Waxay nasiib daro tani dhacday markii ay ina
hogaansheen rag aaminsan in aysan iyagu jirin waxna noqon
karin haseyeeshee ay cidkale wax ku noqonkaraan. Waxay
taladeenii faraga kabaxday markii ay taladeenii ka badan
waydey in Garoowe iyo Hargaysa aan ukala gooshno. Waxaynuna
wax ogaanay markii dhangada la inagu jiiday ee dhulkii
laynaga dhaxlay maalin cad oo mugdi ka dheer.
Walaalayaal markii haddaba
ay burburtay xukumadii dhexe ee Soomaaliyeed ayaa reer
waliba uu ku laabtay deegaankiisii iskuna dayay in uu
samaysto maamul, maamulkaas oo ay ku gaadhaan horumar intii
lahelayo qarankii Soomaaliyeed markale. Haddii aan nahay
Dhulbahante waxaa laynagu xantaa inaynu xilal badan ka
haynay dawladii Soomaaliyeed nasiib darose maysan dhicin in
rageenii wax ka ahaa dawladii Soomaaliyeed ay deegaankii wax
u qabtaan.
Ma jirto inta ogaan kay ah
nin fahmay o dhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd
Geel jiruhu geela waa wada jiraa waana kala jiraa
isla markaa deegaankii wax u qabtay haddii ay noqon lahayd
xag cusbitaal, iskulaad, biyo deegaanka loo soosaaro haba
yaraatee maysan dhicin waxaase dhacday in ragii sariiraha
dhaadheer kuu seexanayay in qaarkood ay meelay uhoydaan ay
waayeen markii ay ku soo laabteen deegaankii SSC sabtoo ah
maysan jirin rag xataa ka dhistay hoy ay u aayaan naftoodu. Waxaa
kaloo tani ay nasiib daro inagu dhacday markale oo aynu wax
laqaybsanay beelo kale oo aan isugu nimid isir iyo
walaaltinimo taas oo an ku dhisnay Puntland. Walaalayaal
waxaa inagu habsaday waxaas oo dhan iyo wax lamida, isla
markaasna talo la’aanteenii waxay ina dhaxal siisay inana
keentay halkaas maanta aynu marano ee xaasaasiga ah.
Walaalayaal, haddii beelaha
SSC aynu nahay waxaynu 1998 wax ku darsanay beelaha bariga
inaga xiga isla markaasna inaga oo eegana in aynu isku ehel
nahay ayaynu waxaynu la wadaagnay maamul gobaleed
Soomaaliyeed oo ladho Puntland kaas oo lagu dhisay
habbeeleed, isla markaana ay beeshu ka qaadatay qayb libaax
in la sameeyo maamulkaas ilaa iyo inta lahelayo qarankii
Soomaaliyeed ee burburay mudo ku dhaw 19 sano ka hor.
Inkastoo beelaha SSC ay aad ugu riyaaqeen maamulkaas qayb
libaaxna ka qaateen ayay haddana nasiib daro markale waxay
ragii maamulkaas umatalayay beelaha SSC ayay fahmi waayeen
kana faa idaysan waayeen o dhaahdii ahayd Soomaaliyeed ee
ahayd Geel jiruhu geela waada jira waana
kala jiraa.
Beelihii maamulkaas wada dhistay oo ay ka mid ahayd bulshada
SSC ayay beesha SSC ka dhaxashay khasare aad iyo aad u
badan oo aan saloo koobi karin halka beelihii kale qaarna ay
ku gaadheen bash- bash iyo barwaaqo oo xataa ay samaysteen
dhammaan sharciyadii iyo laka dambayntii ay bulsho u
baahnayd. Waxay beelahaasi ka faa idaysteen odhaahdii
waxayna dhisteen jaamacado, nidaam iyo kale dambayn.
Wuxuu
maamulkaasi ku noqday bulshada SSC odhaahdii Soomaaliyeed ee
ahayd ileen madax muuqda iyo mindi saawira
midna lagama samro.
Waxaa jira rag ka soo jeeda SSC oo xilal sare kahaya
maamulkaas haseyeeshee aan wali fahmin dhibka ka jira
deegaankoodii geel ninkale leeyahayna hadhuubka usida.
Maamulkaasi waxuu katalinay deegaanka SSC mudo kudhaw 10
sano wax horumar ahna muusan keenin habayareetee dhankastoo
la fiirsho.
Waxaa xusid mudan in
dhankale uu jiro maamul ka arimaya gobalada waqooyi galbeed
ee Soomaaliya kaas oo ku dhawaaqay in kuu ka madax banaan
yahay Soomaaliya inteeda kale calankale iyo astaan kalana
wata isla markaasna siyaasadiisu ku qotonto wixii ay beelaha
woqooyi galbeed daga ay ka dhaxashay gumaystihii qoqobay
gayiga Soomaaliyeed oo dhan isla markaasna yidhi waxaad kala
leedihiin xuduud xuduudaas oo kudhaw Garoowe taas oo ah
magaalo madaxda maamul Goboleedka Puntland. Maamulkaas
midnimodiidka ah Soomaalidiidka ah waxaa iyana ka go nayd in
uu beelaha SSC ku rido jaah wareer siyaasdeed isla maraasna
uu ku guuleystay inuu helo damiirlawayaal aan aqoon dheeriya
lahayn isla markaasna ka dhaadhiciyay in beelaha SSC ay ka
midyihiin maamulkaas midnimodiidka ah Soomaalidiid ah. Waxaa
dhacday in maamulkaasi dadka SSC uu ka dhaadhiciyo
siyaasadiisa qaawan ee midnimodiidnimada ah waxay bulshada
SSC 99% isku raaceen in aysan wax mucaahada ah aysan
lagalayn maamulkaas lana gali doodin tooshna iskaga ifiyeen.
Haseyeeshee uu isagoo adeegsanayaa canaasiir aan lahayn
dadnimo iyo damiir toona uu xoog ku qabsaday deegaankii SSC
khaasatan Magaalo madaxdii Laascaanood taas oo xaaladii ka
siidhigtay calool isku furatay , dadkiina uu ka barakacay
deegaankii ganacsigii iyo waxlibana ay xidhmeen.
Intii maamulkaas Puntland
ee fadhiidka ahi uu ka ariminayay deeganka SSC waxay wax
badan isku dhaceen maamulkaas Soomaalidiidka ah waxaana
jiray in isku dhacyadaasi ay ku nafwaayeen dad farabadan oo
reer SSCya, kuwaas oo le rag iyo dumar xabadu dukaanadooda
iyo meelaha lagu shaaho ay ugu tagtay. Waxay labadaas maamul
gaadhsiiyeen deegaanka SSC dhib wayn oo aysan marna ilaawi
doonin kaas oo ay dhibkiisa ma masuulka yihiin rag labada
maamul wax ka ah deegaankana ka soo jeeda isla maraasna labo
tuute ukala galiyay dadka SSC xabadana isugu dhiibay, isla
markaasna isku dayay inay kala horar sadaan wax garadkii iyo
siyaasiyiintii SSC.
Hadaba
bidaari sibiq- sibiq bay wax ku gashaaye, markii ay dhacday
in maalin cad lala wareego deegaankii SSC kaas oo ay
lawareegeen maamulka Soomaalind oo ay horboodayeen dad aan
deegaanka ku lahayn wax taageero iyo tayo toona
deegaankana looga yaqaan Cado Qaatayaal
isla markaasna tooda uun ka tasha laguna khasbay in ay
deegaankoda iyo maankoodaba soowareejiyan ay dhacday in
maamul kaas fadhiidh ka ah ee Puntland ladho uu ka badin
waayo in uu dhoho maalin uun baan sooceshan deegaanka SSC. Taasina
waxay noqotay mid uun ay dadka SSC ku madadaali nayaan sida
marka ilmo caruurahi uu ooyo ay hooyadii ruxdo oo kale ama
bir u tunto si uu ilmahaasi u joojiyo oohinta. Nasiib
wanaagse maanta waa fahanay intaasi tahay mala habow
xidigohoo maalintii la'arkona ay tahay, habaynkii xalay ahaa
oo kale iyo calaacasha oo timo ka soobaxaan in maamulkaasi
soodhacsho deegaankii SSC amaba ay dhacdo in inta aan
maamulkaas ayb ka nahay aan ku gaadhno horumar dadkeena
gaadhsiino nolol fiican oo ay tahay in ay ku noolaadaan. Walina
waxaa socota taas taladiina waxay ka baxday faraha,
maamulkii Puntlandna wuxuu noqday fadhiid afka noola ah
wuxuu yahayna jirin awoodna uusan u laahayn in uu deegaankii
dib u xoreeyo haseyeeshee uu ka badan waayay maalin uun baan
xorayn taas oo uu ku beer laxawsanayo dadka SSC.
Nasiib daro taasi waxay dhacday markii aan wado tashan
waynay maamulna dhisan kari waynay talo midana yeelan waynay,
dhangadana laysugu keen dhiibay sidii 2 wiil oo usha laysugu
dhiibay.
Waxay dadka SSC isugu
yimaadeen shirar badan oo uu u dambeeyay kii Boocame kaas oo
laga soosaaray qotobo dhaxal gala haseyeeshee nasiib daro aan
maanta loo jeedin meesha ay ku dambeeyeen. Waxay jira in
shirkaas qotabadii laga soosaaray uu fashiliyo hal qodob
kaas oo ahaa in Puntland gacan ka gaysato dib uxoraynta
deeganka SSC. Waxaa markaas dadbadani ku eedaynayaan
maamulkaas Puntland in ay qabsashadii SSC ay wax badan ku
lahayd ogaydna isla markaana meelakale amaro adag laga
siiyay taas oo aysan marna Puntland diyaar ugu ahayn dib
uxoraynta SSC.
Nasiib daro tani waxay dhacday markii dusheena lagu shaxay
maalin shirkastoo aan yeelana aan ku fashilanay inaan
yeelano maamul Puntland waxa ladhahana uga tashan waynay
inagoo farta isug fiiqana uun in khatarta qudhahi ay tahay
inagoo iska dhawrna Soomaliland, Puntlandna aan marna ka
hadal kana hadhin ka mid ahaanshaheeda.
Waxaa jira Shir balaadhan
oo beelaha SSC ay rabaan in ay isugu yimaadaan magaalada
Nariobi ee caasimada wadanka Kenya si ay aayohooda uga
tashadaan iyo sidii laga yeelilahaa deegaankii SSC oo runtii
ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ka midyihiin abaaro
ba’an oo aan horay loo arag. Shirkaas waxaa wada dadka ka
dhiidhiyay dhibkaas aan soo sheegnay isla markaana raba inay
helaan karaamadii iyo sharafkii beeshu lahayd markale. Inta
jecel wanaaga, midnimada iyo horumarka SSC waxay u
hanqaltaagayaan shirkaas iyagoo aaminsan in lagu gaadho xal
kama dambaysa talo midana lahelo.
Hadaba Maxaa Xala Maanta?
Walaalayaal taladu inaguma
noola ee inagaa kunool sidaa daraadeed maadaama aan kawada
dharagsanahay meesha ay talo la’aanteenii iyo midnimo
la’aanteenii ina dhigtay maanta waxaa inagu waa jiba in aan
kawada qayb galno Shirkaas Nairobi haddii Allah idmo.
Waxaan ugu baaqayaa dadka wax garadka ah, aqoonyahan,
siyaasiyihin, Garaadada iyo cid alaale ciddii ay taladeedu
ka godo deegaanka SSC inay u diyaar garownaa shirkaas isla
markaana taageernaa wixii ka soobaxa shirka.
Maxaa Haboon Inshirkaas ay inooga soobaxaan?
Walaalayaal,
aniga oo ah Maxamuud Ciise Bootaan waxaan sameeyay rayi
ururin taas oo aan ka sameeyay meelkasta oo aduunka ah oo ay
kunooshahay bulshada SSC aniga oo istic maalaya telephone,
email, waji-waji si aan u ogaato bal waxa ay maanta beeshu
isku raac santahay. Waxaa iisoo baxday in maanta Dhulbahante
Ilaahay fadlii ay ka go’antahay in uu yeesho talo mida isla
markaana lahelo maamul xalaala oo ka sara duliga iyo dhibka
afafka badanle ee ka jira SSC deegaankeedii waxaana aan
hayaa 98% in dadkaasi rabaan in ay yeeshaan maamulkooda
ilaa inta lahelayo qarankii Soomaaliyeed markale.
Walaalayaal taas waxaan odhan karnaa waa guul. Haseyeeshee
waa inaynaan ka sii hordhicin waxa shirkaasi ku dambayn
doono isla markaana raacnaa waxa ay inoo waax yoodaan wax
garadkeenu iyo inta jecel wanaag beesha ee jooga shirka
taladana soosaarta.
Waxaa
jira dad yar oo ku dhahaya Dhulbahante ma yeelankaro maamul
waayo waxay u daliishadeen cuskadeena 3 qodob kuwaas oo kala
ah 1, in Dhulbahante uusan lahayn dakad, 2, in haddii
Dhulbahante uusamaysto maamul ay iyagu iscunayan 3, in aysan
awod u lahayn in ay dadka haysta iska dhiciso, isla
marakaana ubaahantahay garabkale.
Haseyeeshee 3dexdaas
qotob jawaab bay leeyhiin fiican kuwaas oo ah sidan,
1, In ninkii
haysta lacagtiisa talo midana haysta ma jirto cid wax
udiidaysa inay ka gado badeeco isla markaana adaa cidkasta
farta ugu yeedhan. Waxaadna ogtihiin aduunka in ay jiraan
dalalbadan oo aan lahayn dakad iyo meel ay wax uga soodagaan
sifiicana unool, lana nolala mushtamaca aduunka kunool
waxaana wadamadaas kamida Itoobiya oo aynu jaarnahay
Afganistaan iyo wadama kale oo farabadan,
2, In aysan
beeshu isku dhacayn oo ay helayso kala dambayn isla marnaa
ninkii nin dila aan la aasin ilaa lasooqabto dhagtana
dhiiga loodaro lana wada aaso, xuduudka Eebana laraaco.
3, In Beeshu
taariikhdeedu sheegayso haddii ay noqoto wax iska dhicin
isla markaana aysan uluq-luqaanayn cidkale hadii ay cudud
midaysan, talo mida yeelato iyo qacli saliibaba.
Maxay Qaadanaysaa Inaan Maamul
Kusamayno?
Wax badan maqaadanayso
Dhulbahantow inaan maamul xaalaala oo danteena ka shaqeeya
dhisano haddii aan isu sheegno runta, qalibagana isufurno,
sidii dad walaala ahna gacanta isqaabsono, cod mida iyo talo
midna yeelano.
Haddaba walaalayaal
si aan maamul u dhisanaa waa inaan helnaa oo kaliya qodobada
soosocda,
Kow waxaan u
baahanahay oo kaliya waa in aan dhisno maamul ku yimid tolo
loo dhanyahay,talo loodhan yahay markaan leenahayna maaha
uun 1 ama 2 shaqsi inay dhahaan ma taageerayno ee waxaan ula
jeedna wixii loo badan yahay iyo rabitaanka dadka isla
markaana helno 3,000 ciidana oo boolis iyo milataribale
xoreeyana dhulka ku waas oo biilkooda ay qaadayaan
qurbajoogta oo kaliya ilaa inta aduunku inoo biilayo aan ka
gaadhno ama qaran Soomaaliyeed oo dambe.
Labo waxaan u
bahanahay Dhulbahantow inaga oo ninkii nin dila aan loogu
yeedhin halyay, dhabarkana la marsan ee loogu yeedho ninkii
naftiisa haligay, walaalkiina dilayow isla markaana aan la
aasin ka ladilay ilaa kaas la sooqabanayo wax dilay, ciddii
taas u hogaan sami waydana laysugu tago sharcigana la
marsiiyo. Ilaah baan ku dhaarane in aysan jiri doonin nin
ninkale taabta haddii taas lasameeyo laguna dhaqmo taasina
waa xuduudka Eebe. Nolosha fureheeduna taas buu ka bilaab
maa horumarna lagu gaadhaa aduun iyo aakhiraba.
Sadex in aan helno
baabuurtii dhaawaca, kuwii qashinka, iyo wixii lamida.
Intaas baa Dhulbahantow aan ka dhimananaa inaan gaadhno.
Sidaa daraadeed waxaan shaki ku jiran in duliga,
talaxumada iyo hogaan la’aantani ay ina wadan doonto ilaa
iyo inta aynu ka fahmi lanahay in aan sameyno maamul ka
sheqeeya danta SSC isla markaana ka madax banaan kuwa dhibka
ukeenay SSC ee godka ku hubsatay ama ha adaadeen kuwo inaga
mida maamulada dhinacyada inaga kala xiga ay wataan oo wax
alaale wax ay ku sookordhiyeen deegaankeena aysan jirin ilaa
dhib maahee iyo maamuladaas oo runtii aynu fahanahay in
midwaliba yahay kud kaguur oo qanjo uguur isla markaana aynu
fahanay dhagaro badan oo aynaan horay u hayn.
Waxaa jira in maanta aduunku ina ogaaday kadib mudo kudhaw 1
qari oo aynu dagaal gobonimo doona ku jirnay. Waxaa xusid
mudan lanawada ogsoonyahay in maanta markii aan aduunka
hordhignay arimaheena ay dhammaantood dheheen oo miyadan
helin xuquuqdiinii taas oo aanu idin soomarkiisan jiranay
Garoowe iyo Hargaysa? Ayna inoo sheegeen in ay tani tahay
markii uhoraysay ee ay arkaan dadka SSC oo udoodaya
Xuquuqdooda. Waxayna kaloo sheegeen in Goroowe iyo
Hargaysaba ay ugu sheekayn jireen in Gobolada SSC ay yihiin
meelo aan lagalikarin oo habaaran isla markaana haddii ay
toos u abaaran ay dhib dadkaasi kala kulmayaan . Arintaas
iyo arimo kale oo badani waxaa sheegay hayadaha gargaarka
kuwa amniga iyo dhamaan urarada dawliga ah ee ka jira
caalamka kadib markii ay dhawaan kulmeen ururka NSUM iyo
garaadka Guud ee SSC mudane Garaad Jaamac haayadahaas
magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
Nasiib daro tani waxay dhacday markii aan samayn waynay
maamul inoo gaara taladeeniina cidkale u dhiibanay.
Taasi waxay ina tusinaysaa in geeleenii dusheena lagu
maalayo oo aynu waxaan la socono habayareete jirin kuwii
maamulada Puntland iyo Soomaliland ku jirayna waxay ogyihiin
iyo talo lawaydiinayo majirto aan ka hayn in shilinkooda
looduuro baryo dheer dabadeed. Sidaa awgeed waxaa lagama
maarmaana in aan waxaas oo dhan intaynu dib u fiirino aan ka
faa’idaysano taladeena geedka saarano isla markaana yeelano
talo mida iyo maamul inoo gara. Haddii taas aan samayn wayna
waxaa dhici doonta in taladeenii ceelka lagu riday ay ku
siidhagi doonto sagxada dhoobadana hooska mari doonto.
Walaalayaal si aysan taasi markale udhicin sagxadana ugu
siidhagin waxaa lagama mamaar maana in aynu isdaba qabano
kana faa’idaysano odhaahdii Soomaaliyeed ee ahayd Cano
qubtay dabadood laqabay samaysanana maamul iyo hogaan
daacada oo inaga saara dhibkaas haddii aan ka faa’idaysan
waynay odhaahdii kale ee Soomaaliyeed ee ahayd Geel jiruhu
geela waa wada jiraa waana kala jiraa oo aan ragii aan wax
ku darsanay aan gaadhi kariwaynay. Isdaa awgeed waxaan
markale uqu baaqayaa wax garadka, aqoonyahanka,
siyaasiyiinta, culima- awdiinka Garaadada in ay ka qayb
qaataan shirka SSC ee lagu wado in uu dhoco 03/10//09 haddii
Eebe idmo ayna ka dhabeeyaan shirkaas keenana xalka si
xilkasnimale taageeraana wixii xalku noqdo ee ka soobaxa
shirka ninkii taas yeeliwaayana ay taariikhdu qaybta madow
kaga lifaaqi doonto maanta wixii ka dambeeya.
Waxaa kaloo
Dhulbahantow muhiima inaan fahano in ninkii diida danta guud,
masiirka SSC iyo wax alaale wixii danta SSCya isla markaana
codadka looga bato darajaduudoono hawatee sida Siyaasi,
Garaad, Wadaad ama wax garadba in aynu tooshka ku ifino.
Danta SSCna ayaan 1 ama 2 qof waxay sheegaan loojoojin,ee
hala eego halka codku u badan yahay.
Waa in aan maanta
wixii ka dambeeya danta guud usoo jeensanaa kana hadhnaa
danta shaqsiga ah iyo mid qofgaara oo wixii sa lagu taageero.
Haddii aan
Dhulbahantow taas fahmi wayna waxaa dhici doonta inaan ku
dambayno sida Kurdistanta ay dalkeedii qaybsadeen Iraaq,
Iiraan, Turki iyo wada makele oo badan. Waxaa kaloo dhici
toonta in aan ku siijirno labadaas dibi ee geesaha isla
dhacaysa ee dadkeenu ku dhex dhimanayaan iyo in boqolaal
wiil aan odhan doono hebel iyo hebel ay ku dhiman doonaan si
macna dara ah iyadoo usha laysugu keen dhiibayo inagoo
xidhan 2shaad oo aan dani inoogu jirin marnaba.
Gabagabadii waxaan Ilaahay inooga rajeyn in uu inaga saaro
talo’aanta ina haysata, abaaraha jira iyo in dhulkeenii uu
taladisa markale gacanteena soo galiyo isla markaana uu
noqdo shirkani ka keena xalka umada SSC quluubteena mideeyo.
Guul iyo gobonimo...
Wixii
dheeriya igala soo xidhiidha
mib994@hotmail.co.uk.
By Maxamuud Ciise Bootaan.
Note: Figrada uu
Qoraalku Xambaarsan yahay waa tan qoraaga, Ceegaag Online
way ka madax banaan tahay, wayse soo tabinasaa uun Fikirkaa
ka soo maaxday walaalkeen Bootaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |