Diyaargarowga Ciidka iyo
Suuqyadda Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland(Sawiro).
(Addis Ababa,
September 19, 2009 Ceegaag Online)
Iyadoo ay
gabagabo tahay Bishii Barakaysneed ee Ramadaanka ayaa dadka
Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan isu Diyaarinayaa
Ciidul Fidriga oo ah wakhti ay Umadda Muslimiintu uga
Faa'idaystaan siyaabo kala Duwan,Suuqyadda waaweyn ee
Magaalooyinka Bosaso,Qardho,Garowe iyo Gaalkacyo ayaa aad u
mashquul ah Maalmihii ugu Dambeeyay Gaar ahaan wixii ka
dambeeyay 20 hore ee Bisha barakaysan ee Ramadaanka iyadoo
Maciishadda ugu Badan ee la iibsado tahay Dharka iyo Kabaha
oo Dadka caadiga ah ay ka gataan Carwooyinka iyo Bacadlaha
Magaaloyinka.
Si aan xog
uga ogaano Dhaqdhaqaaqa Suuqa wakhtigan oo la isu
Diyaarinayo Ciidul Fidiriga ayaan waxaan Booqday Suuqa Weyn
ee Magaaladda Qardho halkaasi oo aan ku arkay Dhaqdhaqaaqyo
Ganacsi oo kala duwan gaar ahaan waxaa wakhtigan Aad loo
gataa Kabaha iyo Dharka ay dadku danaynayaan inay ku
ciidaan,Xaamid C/laahi xaaji(Dangarad) wuxuu ka mid yahay
Ganacsatadda Carwooyinka Qardho wuxuuna ka waramayaa sida uu
yahay Ganacsiga Suuqu"Bismilaahi Raxmaani Raxiim aad baan
ugu mahadcelinayaa Shabakadda Ceegaag Online hadaan
ka waramo Dhaqdhaqaaqa suuqa waa mid xawli u socda wakhti
xaadirkaan waxaa hadaanu nahay Ganacsatadda Dharka ,nalaga
gataa Maciishadda u badan Dharka iyo Kabaha nooc
kastaba-Dumar iyo Rag,waxaan is dhihi karnaa waa wakhtiga
aan Faa'idada ugu badan helno Wakhtigaan,Dad badan ayaa
maalin kasta Alaabooyin kala duwan naga gata si aanu u
kobcino Ganacsigeenana waxaan Dalbanaa Alaabo kale oo
nalooga keeno Bosaso".
Sidoo kale
Dadka ayaan ku ekayn Iibshadda Dharka oo kaliya,waxa sidoo
kale Ganacsi xawli ah ku socda Raashinka maadaama Dadku
gadanayaan Raashin(Bariis) ay Fidradda isag Bixiyaan taasi
oo Ilaahay subxaanahu watacaala ku faral yeelay Muslimiinta
(Zakaatul Fidri).
Zakaatul Fidriga(Ciidka Bisha Ramadaan):-
Waa
caadiya in Umadda Muslimiintu Bixiyaan Zakaatul Fidri
wakhtiga la gelayo Ciidul Fidriga waxaana Sakadaani waajib
ku tahay Qof kasta oo muslim ah,Hadaba Diiniyan maxay Tahay
Zakaatul Fidri?.
Sakaatul
Fidrigu Waa Cibaado ilaahay loogu dhawaanayo waxayna la
xidhidhaa Soonka. Soonka oo Ajarkiisa ilaahay yiri "Soonka
anigaa iska leh anigaana ka abaal marinaya Adoomaha dartey u
soomey". Zakaatul fidriga bixinteeda waxaa la inaga rabaa
inaan u bixino sidii uu u bixin jirey Rasuulkeena SCW, iyo
Saaxaabadiisii, waxaana la inaga rabaa inaan barano
cibaadadan xukumkeeda.
Waa
Maxay Zakatul Fidri ?
Waa
Sadaqad la bixiyo Marka la afuro Bisha ramadaan, waxaana
Fidiro loogu magacaabey Afurid ayaa sabab u ah.
Ma waajib
Baa Fadiradu ?
Haa waa
waajib. (Qofkii Awooda) ee Muslim ah.
Maxaa u
daliil ah ?
Waxaa u
daliil ah, xadiiskii rasuulka SCW ee uu wariyey Cabdullahi
Ibnu Cumar A.K.R. Kuna Sugan Muslim "Waxaa la faral yeeley
Sakaatul fidriga Bisha ramadaan"
Sanadkee la faral yeeley Zakaatul Fidriga ?
Waxaa la
faral yeeley Sanadkii labaaad ee Hijriga Markii ramadaanta
la faral yeeley.
Ujeedada loo faral Yeeley Waa maxay Sakaatul Fidriga ?
Laba
Arimood ayaa loo Faral Yeeley Zakaatul fidriga oo kala ah:
1- In
Qofka ay ka nadiifiso Hadaladii laqwiga ahaa ee uu yiri
xaligii uu soomanaa iyo Rafath ka oo ah Ninka oo u baahda
Xaaskiisa isagoo sooman.
2- Iyo In
Masaakiinta maalintaas cunto la siiyo, u kaalmo ah.
Waxaana u
daliila, xadiiska Cabdullahi Ibnu cabaas A.K.R. " Nabigu
Waxa u faral yeeley Sakaatul Fidriga si ay uga maydho Qofka
Hadaladii laqwiga iyo fuxshi ka dhacay iyo weliba rafathka (Rafathka
waa Ninku wuxuu hawaynaydiisa uga baahdo) Iyo in Masaakiinta
Cunto la siiyo, Waxaa Wariyey Ibnu Mulqin Badarul Muniir.
Darajada Xadiskuna waa Saxiix.
Qofkee
bay Waajib ku tahay ?
Waxay waa
jib ku noqonaysaa Qof kasta oo Muslim ah, waxaana u daliil
ah Xadiiska rasuulka SCW " ee uu wariyey Cabdullahi Ibnu
Cumar A.K.R. kuna sugan kutubka Bukhariga Rasuulku SCW "
Qofkasta oo muslim ah, xor iyo mid adoon ahba, Lab iyo
dhadig midba, saqiir ama kabiir ah waxaa ku waajib ah
Zakaatul Fidri, Waxaana laga rabaa Hal madaal oo u dhigma (Laba
iyo bar kiilo graam) timar ah ama heed (Shaciir) ah.
Sidoo kale
Abuu Saciid Al-Khudri A.K.R. Wuxuu yiri: Waagii Nabiga SCW
Waxaan u bixin jirnay (Sakaatul Fidar ahaan) Madaal badar
ah, ama madaal timir ah, ama madaal heed ah ama madaal
sabiib ah (Laysku raac).
Sakada
lacag ma lagu bixin karaa ?
Sida
Xadiiska ku cad Rasuulku waxa uu Amrey Dadka inay bixiyaan
Zakaatul Fidriga Timir iyo Shaciir ( shaciir-Sareenka)
Maadaama Wakhtigii Rasuulka SCW Ay jirtey Lacagtu Dadkuna ay
wakhtigaas uga baahi badnaayeen wakhtigan lacagta, Rasulku
waxa uu amrey in la bixiyo Timir iyo Shaciir, Qof kasta
waxaa laga rabaa inuu rasuulka SCW ku daydo sidii uu amreyna
uu sameeyo, Zakaatul fidrigana kuna bixiyo cuntada Magaalada
uu joogo laga cuno ee ay dadku u badanyihiin.
Zakaatul Fidriga Ma la dhoofin karaa oo Wadan kale ma loo
diri karaa ?
Masaladan
Culimada way ka hadleen Qaar way diideen in la dhoofiyo
qaarna way ogolaadeen iyaga oo fiirinaya baahida markaas ka
jirta meesha loo dhoofinayo laakiin
Sida ku
cad Xadiiskii Macaad Binu Jabal Markii Nabigu SCW uu u direy
Yaman, waxa uu kula sii dar daarmey Hadaladan " Waxaad u
tagaysaa Qolo ahlu kitaab ah, Waxa ugu horeeya ee aad ugu
yeedho ha noqdo ilaahay inay caabdudaan kaligiis, hadii ay
gartaan ilaahay, u sheeg in ilaahay ku faral yeeley Shan
salaadood habeenkii iyo maalintii, Hadii ay sameeyaan, u
sheeg in ilaaahay ku faral yeeley zako xoolahooda, Zakadaas
oo loo celinayo Dadka Fuqaradooda ah,ilaa aakhiril hadiith.
Hadaba
sida Hadiithka ku cad Nabigu SCW Ma uusan odhan Sakada ka
soo qaad oo ka soo uruuri ee waxa uu yiri Sakada Waxaaa laga
qaadaya kuwooda Xoolaha leh waxaana loo Celinayaa kuwooda
Fuqarada ah, hadaba waxaa u awlaysan Sakada markaad
bixinayso Wadanka aad ku nooshahay inaad Siiso Fuqaradiisa,
Laakiin hadii ay jiraan Wadan uga baahi badan wadanka aad
markaa joogto waa loo gudbinayaa Sadaqadii sida ay culimada
qaar fatwoodeen.
Zakada
Goormaa Labixinayaa ?
Zakada
wakhtiga la bixinayo waa maalinta ugu danbaysa marka qoraxdu
dhacdo Bisha ramadaan ilaa Inta Salaadda Imaamku u baxayo,
waxaana banaan in Laga hormariyo maalin ilaa laba maalin,
Imaamu Abuu Xaniifa isagu waxaa laga soo wariyey inuu qabo
inay banaantahay in Bisha hortaanteeda la bixiyo, Imaamu
maalik Imaamu daarul Hijra waxaa laga soo wariyey in uu qabo
in aysan banaanayn in la hormariyo zakada Sida aan Salaadaha
wakhtigeeda looga hormarin karin.
Hadaba
sida wanaagsan waxaa weeye in la bixiyo maalinta u danbaysa
bisha ramadaan Marka qoraxdu dhacdo ilaaa inta Imaamku
Salaadda uga baxayo. Qofkii bixiya Inta aan salaadda la
tukan waxay u tahay Zakaatul Fidrigii Qofkii Bixiya marka
Salaadda la tukadana waxay u noqonaysaa Sadaqo ka mida
Sadaqooyinka. Waxaana u daliila Xadiiska Cabdullahi Ibnu
Cabaas A.K.R. kuna Sugan Irwaaul Galiil uuna Xasanka ka
dhigey Sheekhul Albaani ( Rasuulku wuxuu yiri SCW Qofkii
Guta (bixiya) Salaadda ka hor waa Zako La aqbaley Qofkiise
Guta (bixiya) Saladda kadib waa Sadaqo ka mida ah
Sadaqooyinka).
Maxaa
looga baahan yahay qofkii loo wakiishado in uu Qof kale
Sakaatul Fidri ka bixiyo ?
Hadaba
waxaa laga rabaa Qofka Loo soo wakiishey Zakaatul Fidriga in
uu ilaaliyo wakhtigeeda Hadii ay dhaafto wakhtiga loogu tala
galey ee aan kor ku soo xusney Zakaatul Fidri ma noqonayso.
wakiilkaasuna wuxuu noqonayaa mid aan gudan waajibkii
wakiilnimo.
Hadii ay
dhacdo Sakada in wadan kale loo gudbiyo oo dadkiisu uga
baahi badan yihiin Meesha aad joogto, Zakadii yaa la
siinayaa?
Hadii ay
sidaasi dhacdo waxaa Sakada la siinayaa Dadka Ugu liita ee
Fuqarada iyo Masaakiinta ah.
Maskiin
iyo faqiir Ma isku mid baa ?
A. Miskiin
waa ninka wax haysta, laakiin waxa uu haysto aysan
Baahidiisa wada daboolayn.
B. Faqiir
waa Ninka aan waxba Haysan oo Caydha ah ee Fara maran.
Kee baa la
hormarinayaa Faqiir ka iyo Miskiinka Markaan ?
Waxaa la
hormarinayaa Sida ilaahay u kala hormariyey ( Sadaqada waxaa
leh Fuqarada iyo Masaakiinta) Marka hore Faqiirka Fara Maran,
marka Xiga Maskiinka ayaa leh.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |