Shir ay yeesheen Golaha
Xukuumadda DKMG ah ee Soomoaliya oo Maanta warsaxaafadeed
laga soo saaray.
(Muqdisho,
September 16, 2009 Ceegaag Online)
Waxaa
Maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda ee
Villa Somalia Muqdisho shir balaaran oo ay isugu
yimaadeen Badi Xubnaha Golaha Wasiiradda DKMG ah ee Somalia
oo uu ugu Horeeyo Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid
Sharmaarke,Shirkan ayaa sidoo kale waxaa kala so qeybgalay
Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Somalia Shariif sheikh axmed
oo Talooyin iyo Warbixinoba Siinayay Xukuumadda
Ra'iisulwasaare Sharmaare.
Shirkani Ka dib ayaa Waxay shirkooda
Masuuliyiinta Dawladdu ka soo saareen Warsaxaafadeed loo
Qeybiyay Saxaafadi Madasha ku sugnayd taasi oo lagu Qeexayay
Xaaladaha Maanta ka taagan Dalka Somalia.
Warsaxaafadeedka Xukuumadda ayaa u
dhignaa Sidatan:-
Muqdisho - Talaado: 16-09-2009:
Kulan aad u xasaasi ah oo ay yeesheen golaha wasiirada oo uu
horkacayay Mudane Cumar C.rashiid Sharmarke- Raiisul
Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweynaha soomaaliya Mudane
Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta oo talaada ah ka dhacay
Madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka ayaa ku saabsanaa warbixin uu
madaxweynihu siinayay iyo talooyin wax ku ool ah oo uu
madaxweynuhu la wadaagay Golaha wasiirada.
Shirkan ayaa waxaa ugu horeeyntii
lagu hordhaariyay Madaxweynaha labo wasiir Dowlo oo kale
ah:-
1- Mudane C/laahi Sheekh Cali
Wasiiru dowlaha Wasaarada Qorsheynta
iyo Iskaashiga Caalamiga.
2- Mudane C/laahi Yuusuf Cigaal
Wasiiiru dowlaaha Wasaarada
Dastuurka iyo Arimaha Federaalka.
Waxaana madaxweynaha ku hordhaariyay
Wasiirka Cadaalada Mudane C.raxmaan Maxamed Faarax Janaqoow.
Safaradii Madaxweynaha
Dhaarintaa ka dib Madaxweynuhu wuxuu
warbixin ka siiyay Golaha wasiirada Safarkii Madxweynuhu ku
tagay Dalalka Qadar, Imaaraadka iyo Jabuuti, waxaana uu
tilmaamay madaxweynuhu in guulo dhanka sii xoojinta xiriirka
soomaaliya iyo dalalka Carabta ah laga soo gaaray iyo in
laga filayo in kaalmo balaaran oo baniaadanimo la soo
gaaraan dalka soomaaliya, taakuleeyaana dowlada soomaaliya.
Xilka Saaran Wasiirada
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in
golaha wasiiradu saran yahay xilweyn waxaana uu yiri isagoo
arinkaa ka hadlayay "Waxaa dusha idinka saran masuuliyaad
waaweyn, waxaana ugu horeyn laydinka rabaa in wasaaradihiina
aad waajibka idinka saran gudataan, oo aad waxqabad la
timaadaan, dhanka kale inaad dib u heshiisiinta dowr weyn ka
ciyaartaan, iyo inaad shacabka u muujisaan fikradan qaldan
ee dagaala lagula jiro dowlada oo ah inaan dagaalkani sidaad
la socotaan uusan ahayn mid diin, iyo ineysanba jirin sabab
loo dagaalamo bacdamaa dowladu ay qaadatay shareecadii
islaamka"
Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay
Wasiirada ineey aad uga howlgalaan xafiisyadooda wasaaradaha
oo waqti badan siiyaan wasaaradahooda.
Dhanka kale Madaxweynuhu wuxuu
tilmaamay in ay tahay in Amaanka Wasiirada uu hoostago
Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha lagana dejiyo siyaasad
guud si aysan u dhicin in wasiir walbaahi intuu doono oo
ciidan ah ka dhigto ilaalo.
Gargaarka Shacabka Dhibaateysan
Madxweynuhu waxaa uu tilmaamay in
dowladda ay masuuliyad ka saran tahay shacabka qaxay ee
dhibaataysan kuwa abaaraha ku haystaan dhamaan Jamhuuriyada
soomaaliya lagana doonayo ineey golaha wasiiradu ay siyaasad
iyo qorshooyin cad cad ka sameeyaan isagoo farta ku fiiqay
in:-
1- Shacabka iyo ganacsatada lagu
booriyo ineey ka qeyb qaataan kaalmeynta shacabka.
2- In golaha wasiiradu ay ka
fikiraan sidii loo aasaasi lahaa Hay’ad uruuriso Sakada si
dadka dhibaataysan loogu gudbiyo "Diiwaanu Sakaad".
Ciidamada Qalabka Sida
Madaxweynuhu oo ka hadlayay arinta
ciidanka ayaa yiri "Waxaan wadnaa waa fikrad ah in dalkeena
ka hano qaado dowladnimo waxayna u baahantahay in loo helo
awood ciidan oo suura gelisa in dowladdu ay keento amaan iyo
cadaalad".
Madaxweynuhu ayaa hoosta ka xariiqay
in ay lagama maarmaan tahay in ciidamdada qalabka ay helaan
daryeel dhan walba ah sidoo kalana ay ubadkoodu helaan
daryeel marka ay ku geeriyoodaan danta qaran isagoo ku
taliyay in la sameeyo Hay’ad daryeesha Agoonta Ciidamada
Qalabka sida.
Midnimada Dowlada
Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay
Golaha Wasiirada in gudahooda wada shaqeyn ka jirto, oo
aysan dhicin in ay warfaafinta dhaliil iyo dhaleeceyn isku
mariyaan. Dhanka kale waxaa Golaha wasiirada uu ku booriyay
in ay wada shaqeyn la yeeshaan baarlamaanka, si mar walbo
loo ilaaliyo midnimada dowlada laamaheeda kala duwan.
Dhamaad
Isku
soo wadda Duubo Warsaxaafadeedkan loo Qeybiyay Saxaafadda
ayaa waxaa ku saxiixnaa C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij) ,Agaasimaha
Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |