shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ubadka Soomaaliyeed oo u baahan udiirnax iyo ka badbaadin dhibaatooyinka  jahliga oo ka hadheeyay dhinac walba siiba kan caqiidada

 (Boston,   Feb 27,  2010 Ceegaag Online)

Soomaaliya ayaa ku huursan dhibaatooyinka Qabyaaladaynta, ku qaraabashada Shaati Diimeedyada iyo Maamulo ku mashquulsan Biliqaysiga Hantida Dabiiciga ah ee ka dhaxaysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale dadka Soomaaliyeed ee nasiibka u helay inay isaga soo huleelaan dhibaatada ka jirta dalka hooyo ayaa iyagu ah kuwo dhex muquuranaya dhibaatooyinka ka haysta wadamadii ay qaxootiga u tageen iyagoo la tacaalaya kuna dadaalaya in dhalaan kooda ka dhaxlaan dhaqankii suubanaa ee ay ka soo gaadheen dadkii ay kasoo farcameen.

Dadka Soomaaliyeed ayaa waxay barteen caadooyin badan oo ay ka mid tahay  u dabaal dega dhalashooyinka dadka muhiimka u ah wadamada ay yimaadeen waxaana hadh iyo habeen loo dabaal dagee dhalashadii Gabadhayda, Wiilkayga, Xaaskayga, Hooyaday, Aabahay iyo dhalashadaydii iyo tii saaxiibaday.

Waxaa hadaba xusid mudan in baryahan warbaahintu daabacasay Xuska 12- Mawliid iyadoo dadku u dabaal degayay dhalashadii Nabigeena nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

Dabaaldegaa ayaa ah mid lagaga dayanayo dadka aan ku abtirsan Diinta Islaamka ee uu Rasuulku(NNKH) ina soo gaadhsiiyay, iyadoo lagu been abuuranayo mabaadiida shareecada Islaamka.

Waxaan kula talinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan inay qoysaskooda ka bad baadiyaan ku been abuurashada Diinta Islaamka oo haatan si aada uga socota Soomaaliya. Gaar ahaan Reer SSC waxaan kula talinayaa inay ka feejignaadaan dhibaatada ay ku hayaan dadka aan diinta Islaamka baran ubadkooda iyo garabka ubadkooda ee ku hadhay dalkii Hooyo.

Daawo Sawirada Caruur u baahan Caqiido Toosin oo wax xoogaa Raashin ah lagaga dhaadhicinayo waxaan diinta Islaam sal iyo raad toona ku lahayn oo ah u dabaal dagida dhalashada Nabigeena NNKH.

Xafiiska Ceegaag ee Boston

webmaster@ceegaag.com