12-ka Bisha
Mowliid oo xalay laga xusay Buuhoodle
(Buuhoodle,
Feb 27, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa xalay inta badan dalka Soomaaliya laga xusay 12-ka
bisha Mowliid oo ku beegan Waqtigii uu Dhashay Nebi Muxamed
(NNKH), waxaana siwayn looga xusay dhamaan gobolada dalka
somalia oo dhan iyo Waliba Wadadom kuyaala Geeska africa oo
kuja Jaamacada Carabta.
Magaalada Buuhoodle ayaa kamid ah magaalooyinka siwayn looga
xusay 12-ka bisha Mowliid oo ku beegan Waqtigii uu Dhashay
Nebi Muxamed (NNKH),waxaana culumada diinta magaalada
buuhoodle iyo dhamaan shacabka magaalada kunool xalayto
isagu yimaadeen fagaaraha bartamaha buuhoodle oo xalay
siwayn looga xusay dhalashadii nabigeena suuban (NNKH).
Waxaana goobtaasi xalayto ka soo jeediyey khubado diini ah
oo ku aadan xiligii uu dhashay nabigeena suuban (NNKH
Culumada diinta ee buuhoodle waxaana habeenimadii xalayto
fagaaraha soo buux dhaafiyey dadwayne aad u fara badan oo ka
kala yimid xaafadaha magaalada buuhoodle oo siwayn ugu farax
sanaa dhalasha nabigeena Muxumed (NNKH)
Dhinaca kale Guud ahaanba gobolada somalia inta badan ayaa
lagu Qaybtay xalayto xaflada kala duwan oo lagu soo
dhawaynayo dhalashadii laga xusay 12-ka bisha Mowliid oo ku
beegan Waqtigii uu Dhashay Nebi Muxamed (NNKH),
Daawo Sawirada
Cali Dhegjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |