Gudoomiye kuxigeenka gobolka
Sool oo Ceegaag Online uga waramay Gaadiid u kiraysan WFP oo
laascaanood maalintii 8 ku xaniban
(Laascaanood
Feb 18, 2010 Ceegaag Online)
Maxamed Cabdi dhimbil (Daad)
Dhageyso
Gudoomiye kuxigeenka gobolka sool ee maamulka Somaliland
ayaa maanta shabakada wararka Ceegaag Online uga waramay
Gaadiid xabuul ah oo u kiraysan barmaamijka cunta adduunka
ee WFP oo maalintii 8 ku xaniban magaalada laascaanood ee
xarunta gobolkaasi sool.
Maxamed Cabdi dhimbil (Daad) Gudoomiye kuxigeenka gobolka
sool ayaa sheegay in gaadiidkaasi laga Qaaday xayiraad
dhinaca Puntland ka saarnayd oo ahayd inay gudaha puntland
raashinkaasi sii dhexmari karaan iyadoo gaadiidkani u Waday
gobolada dhexe ee somalia waxaana uu intaasi raaciyey inay
gaadiid laydu ka cabanayaan dhinaca kharasha oo gabi
ahaantiisba ka liita wadayaasha gaadiidka taasina ay keentay
in gaadiidku wali xanimaado.
Dhinaca kale waxaa gudoomiye kuxigeenka gobolka sool ayaa
sidoo kale ka hadley xaalada amaanka magaalada Laascaanood
oo mudooyinkii ugu danbeeyey laga soo sheegayey deganaansho
buuxda gobolkuna haatan xaalkiisu yahay mid dhiinaca nabad
galiyada ah Wanaagsan.
Cali Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |