shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wafti Balaadhan oo ka socda Wadan Sweden oo galabta gaadhay Garoowe

 (Garoowe,  Feb 20,  2010 Ceegaag Online)

Wafdi Balaaran oo uu hogaaminayo ergayga u qaabilsan dalka Swedan Deeqgaarsiinta Dalalka Sudan iyo Soomaaliya oo soo gaaray Garoowe ayaa waxaa uu kormeer ku sameeyay Kuliyada GTEC iyo Jamacada PSU isla markaasna waxaa xariga ka jaray dhisme loogu talagalay Ardayda wax ka barata GTEC oo gaaraya 64 gabdhood noqonaya markii ugu horaysay ee gabdho intaas garaya dhisme loo dhiso ay degaan inta ay waxbarashada ku jiraan.
 
Munaasabadaan oo ka dhacday xarunta GTEC ayaa waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiin ay ka mid ahayeen Wasirka waxbarashada Puntland Cabdi Farax Juxa maamulka sare ee GTEC saraakil ka socotay hayadaha Sida iyo Diakonia oo labaduba ah hayado Swedish ah,
 
Inta aysan bilaaban xaflada furitaanka ah ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyay goobta Masuuliyiin uu ka mid ahaa Maamulaha GTEC C/risaaq Shoole oo isagu warbixin dheer ka bixiyey kuliyada ilaa inta arday ka baxday iyo qaybaha ay ka kooban tahay, waxaa sidoo kale uu intaasi ku daray sidii uu u kormeeri lahaa kulejka GTEC oo dhiseen dowlada Swedan iyo dhisme kale oo ay degayaan Macalimiinta Wax dhigaya oo dalka dibadiisa ka imaanaysa.
 
C/risaaq waxaa kale oo uu xusay in ay ka faa'idaysan doonaan macalimiin badan oo tayo leh isla markaasna ay aad u yar yihiin macalimiinta gabdhaha oo loo tababaro macalinimo gabdhaha,
 
Intaas ka dib ayaa isna waxaa ka hadlay halkaasi ergayga u qaabilsan deeq gaarsiinta dalalka Soomaaliya iyo Sudan dalka Swedan, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Hormarka waxbarasho ee ay Puntland gaartay iyo sida ay u shaqaynayso GTEC isla markaasna ay soo saarayso macalimiin tayo iyo aqoon u leh habka waxbarashada
 
Ugu danbayntii ayaa waxaa hadal kooban isna ka jeediyay Goobta Wasirka waxbarashadda Puntland Cabdi Farax Juxa oo ku aadan mahad celin iyo soo dhawayn uu u muujiyay Dowlada Swedan iyo Hayaddaha Sida iyo Diakonia hawlaha la taban karo ee ay Puntlan ka qabteen
 
Waana markii ugu horaysay ee xarun lagu tabarayo gabdho garaya intaasi leg oo laga furo Garoowe isla markaasna ka kala yimada Gobolada oo dhan.
 
Cali dhagjar
Ceegaag online
 


webmaster@ceegaag.com