shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dibadbax rabshada Wata oo dadku dhinteen Qaarkalena ku dhaawacmeen oo Laascaanood ka dhacay (Waraysi Ceegaag Online layeelatay dadkii mudaharaadka waday oo nooga waramay Qaabka rabshadu ku bilaameen

(Laascaanood ,  February  06,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Laascaanood Waxaa saaka ka  bilaamay mudahaarad balaadhan oo Wata rabshado oo saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan magaalada Laascaanood kadib markii mudaaharaadayaashu taayiro ku gubeen wada laamiga ah Xidheena bartamaha magaalada goobo kamid ah waxaana mudaharaadkaasi ku dhinta ALLAHA U NAXARIISTE XAAJI CABDILAAHI MAHAMUD CABDULE DEGAQOOL waxaana kaloo ku dhaawacmay tiro kale oo aan la xaqiijin tiradooda kadiba markii gaadhi ay leeyihiin ciidamada Somaliland uu gudaha u galay goob meherad ah oo kutaala wada laamiga ah gaar ahaan goolada farmashiyaha ina Garaad Soofe ee kuyaala bartamaha magaalada Laascaanood.
 
Rabshadahani ayaa yimid kadib markii xabsiga magaalada Laascaanood loo taxaabay Aadan Weli iyo Xasan Cawed oo ka mid ah macalimiinta Macadyada magaalada Laascaanood oo saraakiisha Somaliland ku tilmaameen inay ka danbeeyeen Qaraxyadii fashilmay ee ninka ismiidaamiyey isku Qarxiyey agagaarka Hotel Xamdi oo kuyaala bartamaha magaalada Laascaanood.
 
Hadaba Shabakada Wararka ee Ceegaag Online ayaa markii uu mudahaaraadkaasi Laascaanood ka bilaay taleefoonka kula Xidhiidhay gabadh magaceeda ku soo koobtay Ayaan oo kamid ahaa dadkii maanta mudaharaadka laascaanood ka dhigay waxaana ay Ceegaag Online Ayaan uga warantay Qaabkii Rabshaduhu maanta Laascaanood uga dhaceen.

Dhagayso Ayaan


 
Cali dhagjar
Ceegaag online

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com