shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Xaliimo Xaaji Maxamed  oo ahayd Hooyadii dhashay Ilmo Cali wadaad oo ku geeriyootay Laascaanod.

 (Laascaanood  Feb 19,  2010 Ceegaag Online)

Dhamaan Maamulka iyo Howlwadeenada Hay’ada Waxbarashada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO Waxay Tacsi u dirayaan Dhamaan Ilmo Cali Wadaad geerida ku timid ALLE ha unaxariistee  Hooyadood  Marxuumad Xaliimo Xaaji Maxamed  oo shalay ku geeriyooday Magaalada Laascaanod ee Xarunta G/Sool.

Waxaa Tacsida diraya

  1. Jamaal Xaaji Cali Cilmi
  2. C/fataax Maxamed Geedeeye
  3. C/laahi Maxamed Geedeeye
  4. Ismaaciil Xasan (Ismail Sanlooran)
  5. Axmed Cabdicasiis Warsame (Axmed Dheere)
  6. C/laahi Xasan Dhooble
  7. Riyaadh faarax Cali Cadmeed
  8. Ayaan C/llaahi Shariif
  9. Naciima C//laahi Shariif
  10. Maxamed Ciise Ismaaciil
  11. Luul Ibraahim
  12. Cali Cabdi Geeddi
  13. Amaal Cabdi Ciise
  14. Khaalid Saalax Maxamed Lacde
  15. Liibaan Maxamed X. Cali
  16. C/nuur Saalax Maxamed
  17. Maxamed Kaafi

Waxay si gaar ah Tacsi ugu dirayaan C/qafaar cali Wadaad (Xaaji) oo ka mid ah Maamulka Hay’adda SCERDO geeridii ku timid hooyo Marxuumad Xaliimo Xaaji Maxamed  oo shalay oo khamiis ahayd  ku geeriyootay Magaalada Laascaanod Waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo dhamaan Reer Caliwadaad iyo Reer Xaaji Maxamed  na samir iyo Iimaan kasiiyo. Aamiin Aamiin Aamiin.

                       ************************************************************************************************************

Sidoo kale Reer Xaaji Cali Cilmi iyo Reer Cali Cawl ayaa tacsi gaarsiinaya dhamaan Ilmo Cali wadaad meelkasta ay joogaan iyagoo uga  tacsiyeyneyna Geerida naxdinta leh ee ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuumad Xaliimo Xaaji Maxamed  waxaan ilaahay uga baryanaa inuu janadii fardawsa ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan inaga wadasiiyo

Aamiiin.Aamiin. Aamiin.

webmaster@ceegaag.com