shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Biyo la’aantii ugu darnayd oo kataagan buuhoodle iyo Wariyaha Ceegaag online oo booqday Ceelka riiga buuhoodle.

(Buuhoodle ,  February  02,  2010 Ceegaag Online)

 

Iyadoo raxmaadkii sanadkani uu dhawaan seejiyey magaalada buuhoodle ayaa waxaa iminka sii xoogaysanaya biyo la'aan tii ugu xumeyd oo kataagan magaalada buuhoodle waxaana kor u siikacay Qiimaha biyaha macaan oo magaalada looga soo dhaamiyo magaalooyinka waxana Qiimaha foostada biyaha macaan ahi ay gaadhay 2.5$ oo somali ahaan u dhiganta 70 kun oo shilin waxaana gabi ahaanba magaalada biyaha macaan looga soo dhaamiyaa magaalooyin kale oo gaadiid farabadan oo la saaray booyada ayaana magaalada biyaha soo galiya.
 
Hadabada Ceegaag online ayaa maanta booqasho kutagtay Ceelka Riiga ee buuhoodle oo xiligaasi mashquul ahaa waxaana markii ceegaag online tagtay ceelka buuhoodle kula kulantay xoolo farabadan oo ka soo arooray deegaano fog fog waxaana ceelka xiligaasi ka cabayey Geel adhi, lo' iyo dhamaan dadka reer miyiga ah, ceelka magaalada buuhoodle oo biyaha laga soo saaro yihiin kuwa cadhaadh balse la cabi karo waxaana xiligani ceelku yahay mashquul waxaana gaadiidka biyaha Qaataa ay noo sheegeen inay xili badan taagnaayeen.
 
Guud ahaaba magaalada buuhoodle ayaa laga dareemayaa waxaana gobolka haatan kataagan biyo la,aan waxaana saamayn wayni ku yeelatay bulshada reer buuhoodle iyo dadka danyarta ahba oo iyagu aan iibsan karin foostaya biyaha ah dhinaca kale dadka ka soo barakacay koonfurta somalia ayaa biyo la,aantaasi saamayn ku yeelatay lana wareegaya jirikaamada biyaha lagu shubto iyagoo dadka waydiisanaya in biyaha laga waraabiyo.

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com