Takoorid lakala takooraya
dadka Soomaaliyeed oo aan abid laga samayn dhulyawga SSC oo
maanta lagaga dhawaaqay xarunta Laascaano
(Laascaanood
Feb 16, 2010 Ceegaag Online)
Dadka rayidka ah ee ku dhaqan Magaalada
Laascaanood ee xarunta gobolka Sool gaar ahaan kuwa ka soo
jeeda koonfurta dalka ee ku ganacsada magaaladaas ayaa
maamulka degmada ee Laascaanood waxaa uu maanta ku amray in
loo diyaariyey aqoosin dawlada hoose ee Laascaanood dadkaasi
ay siinayso.
Maamulka degmada Laascaanood ayaa isagu
shaaciyay in ay dadka reer koonfurta ah ee ka ganacsada
Magaalada issasoo diiwaan geliyaan iyagoo imanaya xarunta
Dowlada hoose ee magaaladaas.
Arintan ayaa mar ay ka hadleen qaar ka
mid ah ganacsatada Reer koonfurta ah ee ku dhaqan
magaaladaas waxay sheegeen in ay u hogaansamayaan amarkan
balse ay san iyagu waxba ka ogeyn falalka Amaanxumi ee ka
jira Magaaladaas.
Si kastaba ha ahaatee dadweynaha reer
Laascaano ayaa iyagu arintan ka carooday iyagoo sheegay in
dadweynaha Soomaaliyeed meelwalba oo ay joogaan ay la mid
yihiin aana loo baahneyn in lakala sooco islamarkaana
Soomaaliya ay tahay hal dal oo keliya waxna dadwayanah
Caadiga ee magaalada Laascaanood oo Ceegaag Online siyaabo
kala gooni ulak Xidhiidhay sheegeen inay la yaaban yihiin
talaabadan uu maamulka degmada Laascaanood Qaaday xiligan
Caadadan ayaa ah mid aan abid ka dhicin
caro reer SSC iyadoo la doonayo sidii looga xuubsiibi lahaa
Soomaali-nimada Ragaadisay ruugaga reeraha ku abtirsada SSC.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |