Cabdi dheere (Girgiroole) oo
ahaa nin ganacsade ah ayaa si gaadmo ah xalay koox hubaysani
ugu dileen bartamaha magaalada Garoowe
(Garoowe 13, 2010 Ceegaag Online)
Habeenmadii Xalayto magaalada Garoowe ee xarunta dawlada
Puntland waxaa koox hubaysani dil ugu gaysteen bartamaha
magaalada Garoowe nin ganacsade ahaa oo siwayn looga
yaqaanay magaalada Garoowe kana soo jeeday gobolada SSC gaar
ahaan magaalada laascaanood waxaana dilkaasi fuliyey koox
hubaysan oo madaxa baastoolad kala dhacay marxuunka dhintay,
Ilaahay ha unaxariisteen.
Lama oga cida dilkiisa ka danbaysay waxaana mudooyinkii ugu
danbeeyey magaalooyinka Puntland ku soo badanyey falalka
amaandarada ah iyo dilalka Qorshaysan mana jiraan cid
laamaha amaanka Puntland dilalka u Qabteen. Saraakiil
katirasan laamaha amaanka Puntland oo Ceegaag online saaka
taleefoonka kula Xidhiidhay ayaa u sheegay inay ku raad
joogaan cidii ka danbaysay balse aanay jirin cid loo Qabtay
dilkaasi.
Marxuunka xalay lagu dilay bartamaha magaalada Garoowe
allaha haw naxariiste Marxuum C/dheere (Girgiroor) ayaa
saaka lagu aasay xabaalaha magaalada Garoowe ka xiga dhinaca
nugaasha waxaana aaskiisa ka soo Qayb galay dhamaan
dadwaynaha SSC iyo dadwaynaha magaalada Garoowe oo siwayn u
yaqaanay marxuunka lagu dilay xalay magaalada Garoowe
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |