shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dhismaha Isbitaalka Ceegaag oo taagan Heer Gabo gabo ah

 (Ceegaag,  Feb 22,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo dhawaan magaalada Ceegaag laga Bilaamay dhismaha Isbitaal wayn oo loogu tala galay inay dhinaca arimaha bulshada gaar ahaan Caafimaadka kaga faa'iidaystaan guud ahaan shacabka kunool mandaqada gamaha ayaa Isbitaalkaasi oo aad u balaadhan haatan waxaa uu ku dhow yahay heer gabo gabo ah waxna kaliya oo Isbitaalkaasi u hadhsan in lagu wareejiyo Dayr wayn oo hosbitaalkaasi loogu tala galay haatanba Qayb ahaan lagu wareejiyey oo dhinaca dhismaha Isbiltaaka ku yahay mid gabo gabo ah.

Isbitaalkan ayaa ka koobnaan doona Qaybahan hoosku qoran

1. Qaybta daawaynta degdega ah ( Intensive Care Unit ).

2. Qaybta Umulusooyinka ( Newborn Nurseries Unit )

3. Qaybta Qaliinka ( Surgical Facilities )

4. Qaybta Raajooyinka ( Radiology Suite )

5. Qaybta Shaybaadhada ( Laboratory Suite )

6. Qaybta Daawada ( Pharmacy Suite )

7. Qaybta Maamulka ( Administration  and Public Areas )

8. Qaybta Arkiifiyada (Medical Records Unit )

Sidoo kale Isbataalku wuxuu yeelan doona marka loo dhamays tiro dhismayaashiisa

Qaybta Tiibiida

Qaybta Duumada

Qaybta (Acute Respiratory infection) Qaabilsan

Qaybta HIV/AIDS ka qaabilsan.


 
Isbitaalkani ayaa Waxaa Maalgaliyey Jaaliyada u dhalatay degmada Ceegaag iyo asxaabtooda kulanool  wadanka dibadiisa waxaana figrada dhismihiisa lahaa Aasiya Maxamuud Axmed Dabagooye (Rag ka roon) waxaana Hirgalintiisa gacanta ku haya Maxmed Axmed Cumar.  waxaana lagu Wadaa in dhamaadka bishan Isbitaalkaasi si rasmi ah xadhiga looga jaro waxna lagu wadaa inay Ceegaag yimaadaan Jaaliyada Isbitaalkani maalgalisay ayna ka soo qayb galayaan xaflada furitaanka Isbitaakaasi laga  yagleelay Ceegaag.
 
 
Guud ahaanba shacabka Ceegaag iyo mandaqaasi ayaa soo dhaweeyey dhismaha Isbitaalkani waaxaana wariyaha Ceegaag Online Cali Dhagjar u sheegeen inay aad ugu mahad celinayaan cidii maalgalisay dhismaha Isbitaalkani oo guud ahaanba dadwaynaha kunool deegaankaasi muhiim u ah Isbitaalkani iyagoo kaga faa'iidaysandoona daafimaadkood, si ay ula socdaan  xaalada noloshooda.
 
Magaalada Ceegaag Waxaa ka soconaa mashaariico kala duwan oo ay kamid yihiin dhismaha Misaajidyo Waa Wayn Isbitaalkan, dhismayaal guriyaha gaarka loo leeyahay, iyadoo laga hir galiyey Ceegaag Guriyo aad u qurux badan waxaana degmada ka socda mashaariico kala duwan oo ay wadaan dadka degmadaasi u dhashay ee dibada iyo gudaha kunool.

Daawo Sawirada


 
 

Cali dhagjar
Ceegaag online
Buuhoodle
Email cali dhagjar@hotmail.com

 

webmaster@ceegaag.com