Duulaan
Maskaxeed iyo Qalinkii Mustafa Maxamuud Xaaji Cali-deeq
(Mustafa Akhyaar) Qaybtii 3aad.
(U.A.E,
Feb 25, 2010 Ceegaag Online)
Bismillaah.
Darsigeenii hore waxaan kaga soo hadalney firqooyinkii
Qaraamadada iyo Baadiniyada, iyo qaabkey u bilaabmeen iyo
waliba sidey dadka u lumiyeen markay xoogaysteen.
Darsigan waxaan kaga hadlaynayaa Nimanka La yiraahdo
Istishraaqiyiinta.
Hadii aan isku dayno inaan fasirno erayga "Istishraaq"
Macnihiisu waxaa weeye, waa Raadinta Cilmiga Yaala Bariga,
Dadka raadinayana waxaa la yiraahdaa "Mustashriqiin" waana
nimanka Ka yimaada reer Galbeedka Si ay u bartaan Dadka
Bariga Diintooda, Taariikhdooda, Suugaantooda, Luuqadahooda,
Xadaaradooda, iyo Qaabka ay u noolyihiin reer Barigu "
Muslimiintu"
Hadaba Erayga Istishraaq afkeena hooyo waxa uu ku noqonayaa
" Isbariyeen" oo ah macnaha qof Markii hore Reer Galbeed
ahaa oo yimid bariga kadibna ku dhexmilmey dadkii bariga
waxa uuna isu badaley reer bari siyaasadiisa Xanbaarsan.
Sida aan kur ku qeexney, Istishraaq waxaynu niri waa niman
reer galbeed ah oo u soo banbaxay inay bartaan reer bariga
si ay u ogaadaan meelaha ay kaga duuli karaan si ay u
fuliyaan ujeedadoodii ahayd inay maskaxda ka gumaystaan.
Inta uusan soo bixin erayga Isbariyeentu, waxa uu Caalamku
ahaa Roomaan, Furus, Carab, Hindi, Iyo Siin, Ama
China,
Africanku barigaa wuu hurdey xadaaradna ma jirin waxaa ugu
soo dhawayd Ardul Xabashah, oo Iyadana ay ka talin jireen
Boqoro, Xadaaradoodu ku xidhantahay reer Galbeedka, Laakiin
Kala qaybtinta Caalamka loo Qaybiyey Bari iyo Galbeed waxaa
keeney Isticmaarkii taasoo ujeedaduna ahayd in Muslimkan
Awoodiisu Xoogaysatey ee Meelo badan oo
Europe
ka mid ah furtey in Gudaha loogu galo si dhexdiisa la isugu
baa'biyo.
Sidee ku bilaabmatey Isbariyeentu?
Isbariyeeyntu waxay ku bilaabmatey Dagaaladii ay isaga
horyimadeen Muslimiinta iyo Gaaladu, sida dagaalkii uu ku
guulaystey Hogaamiyihii Salaaxudiin Al Ayuubi, Halyeeygaan
oo guulo aan hore loo haysan u soo hooyey Muslimiinta Iyagoo
Gaaladu haystey Baytul Maqdis Todobaatan Sanadood, taasi
waxay kaliftey inay Iswaydiiyaan reer Europe maxay tahay
sababta Ciidaankeena oo ka Qalab fiican kana tiro badan In
uu Naga Gulaysto Salaaxudiin? Maxay tahay waxa uu
Isticmaalo Askariga muslimka ah Si uu uga Guulaysto Ciidanka
Europe? Maxay tahay Xadaaradiisu? Maxay Tahay Waxa uu
rumaysan yahay? .
Dhamaan Su'aalahaas waxaa is waydiiyey Mufakiriintii reer
Europe
waxayna isla garteen inay Barasho ku sameeyan Dadka
Muslimiinta ah iyo diintooda, Luuqadooda, Taariikhdooda si
ay u helaan Qaabkale oo ay uga guulaysan karaan.
Markaas kadib rag baa u soo banbaxay inay Yimadaan Wadamada
Muslimiinta iyaga oo Iska dhigaya inay baranayaan diinta
Islaamka, waa la isqaybiyey Qolo walba waxbaa loo xilsaarey
si ay ugu takhasusaan, Qaar baa waxay ku takhasuseen
Suufinimada, Qaarbaa ku takhasusey, tafsiirka Quraanka,
Qaarbaa ku takhasusey Xadiithka Nabiga Calayhissalaam,
Qaarbaa ku takhasusey Suugaanta iyo gabayada, Qaarbaa ku
takhasusey Luuqada Carabiga, Qaarbaa ku takhasusay Arimaha
bulshada, Qaarbaa ku takhasusey Taariikhda,, Qaarbaa ku
takhasusey Juquraafiga, May aysan ka tagin wax la barto oo
dhan illaa Rag baa Si fiican u bartey kana badiyey Dadkii
Asalka u lahaa.
Hadaba Hadaan is waydiino Maxay tahay Sababta intaas le'eg
ee ragaasi u rafaadayaan si ay u bartaan Dadka Muslimka ah
diintooda?
Waxaan odhankarnaa waa Guuladaradii, jabkii iyo halaagii soo
gaadhey ciidamada reer Galbeedka markii ay dagaal kafool
kafool ah isaga horyimaadeen Ciidamadii Muslimiinta ee
Xiligaas uu Hogaaminayey SalaaxulDiin Al Ayuubi, Jabkaas
gaadhey gaalada iyo kuwa la midka ah ayaa ku kaliftey inay
bartaan diinta Islaamka.
Iskuuladii Bariyeeynta.
Waxaa jirey iskuulo badan oo ay gaaladu fureen xiliyadii ay
diyaarinayeen duulaan Maskaxeedka, Iskuuladaas waxaa ka mid
ahaa, Iskuulo lagu barto Yahuudiyada, Mid lagu barto
Masiixiyada, Sidoo kale waxaa jirey rag laadiiniyiin ah oo
aan diinba haysan kaliya waxay ku takhasuseen Xadaarada
Carabta iyo Diinta Islaamka.
Qaabkee ku bilaabmatey
Isbariyeeyntu.
Inta badan dadka taariikhda qora waxay isku waafaqeen In
Istishraaqa ama isbariyeeeynta ay bilaabeen Niman Ruhbaan ah
oo reer galbeed ah kuwaas oo luuqada carabta ku bartey
Jannadii luntey " Waa Dalkii la odhan jirey Andalus ee
Islamku ka talin jirey Wakhti dheer" xiligaas markii
Muslimku jabey lagana furtey Europe meelihii uu haystey
waxa ay reer Europe ku khasbi jireen ardayda Inay bartaan
luuqada Carabiga oo ay ugu yeedhi jireen " Luuqada
Muslimiinta" Dhalinyarada waxay ku dhiiri galin jireen
barashadeeda iyo inay ku dhexfaafto Dhalinta, si ay u
fahmaan Cadowgooda waa Islaamkee iyo Dhaqankiisa.
Ragii ugu horeeyey ee
Turjuma kutabta Islaamka
Ragaas Ruhbaanta ah ( Ruhbaan waa Ninka Kaniisadaha Jooga ee
Dadka Gaalada ah Diintooda bara) waxaa ka mid ahaa Raahibkii
Faransiiska ahaa ee loo magacaabey Kaniisada Rooma
Taariikhdu markay ahayad 999 miilaadiga, kadib markuu ku
soo bartey luuqada carabiga Andalus kadibna uu ku soo noqdey
Wadankiisa, waxa uu bilaabey ninkaasi inuu barto Culuumta
Bariga. Sidoo kale waxaa isna wax la bartey ninkale oo la
yiraahdo Badras Al Muxtram, waxaa kale oo isna wax la bartey
Jiiraar Dikreemon, Ragaas Sadexda ah ayaa ugu horeeyey raga
daraaseeya Islaamka ee bartey luuqada carabiga sida taariikh
qorayaashu ay sheegayaan.
Ragaasi waxay la yimaadeen arin aan hore Europe looga aqoon
waxayna bilaabeen inay Turjumaan Kutubta Muslimiinta, Waxay
u dhaqaaqeen inay Turjumaan Quraanka, Turjumidii ugu
horaysey ee quranka waxaa turjumey ragaas dabayaaqadii
Qarnigii kow iyo tobnaad ama Horaantii Qarnigii laba iyo
tobnaad.
Europe waxay ku khasbeen dhalinyarada Jaamacadaha ku jira
inay bartaan luuqada carabiga, waxayna luuqada carabigu
noqtey luuqad cilmiyeeysan oo hore aaan Europe looga aqoon,
rag badan oo ka mid ah Mufakiriintii reer Europe ee
xiligaasi Sida Rojar Beekon waxay odhan jireen "Who
did not learn Arabic, we do not trust his information"
Qofka aan baran luuqada Carabiga kuma kalsoonaanayno
Macluumaadkiisa" .
Wakhtigaas Ayeey bilaabeen reer galbeedku Dulaan
maskaxeedka, Sida aan kor ku soo sheegney ragii wadamada
islamka imanayey nin ba waxbuu ku takhasusey oo uu ka sal
gaadhey, qaarkamidana waxayba sameeyeen Axaadiis been abuur
ah oo ay u nisbaynayaan Nabigeena Suuban Calayhissalaam,
Gabagabadii Qarnigii Sagaal iyo tobnaad ayaa waxaa bilaabmey
inuu kobco oo arinta Shaqo loo badalo iyaga oo huuwan Magaca
Dowlad, waxaa la qaybtey kulamo looga hadlayo sidii loo
dhexgali lahaa ummadda islaamka, kulankii ugu horeeyey ee
Orientalists-ka ama Mustashriqiinta waxaa lagu qabtey
wadanka
France Caasimadiisa Paris Sanadku markuu ahaa
1873 taariikhda Miiladiga, Sanadkaas wixii ka danbeeyey
Orientalists-ku waxay samayn jireen kulamo xidhiidha oo ay
ku qaban jireen wadamada Europe waxayna uga hadli jireen
sidii ay Muslimka u burburin lahaayeen, kulamada qaar waxaa
lagu qabtey wadanka Falastiin intii aan laga samayn dawladda
doofaarey ee Israa'iil Sanadihii 1935-1936 ee miilaadiga,
waxaana loogu magac darey kulankaas " Conference of
Orientatlists or Missionary conference" kulankii
Mustashriqiinta ama Mubashiriinta".
Nin
Frances ah oo ka shaqayn jirey wasaaradda arimaha dibadda ee
faransiiska qarnigii labaatanaad lana yiraahdo Hanotu, waxa
uu ku cadeeyey maqaalo uu qorey In uu yahay Shaqada ay
Qabtaan Mustashriqiintu Shaqo diini ah oo badhax la.
Hanotu muxuu ku qorey
maqaalkiisa?
Waxa uu Cinwaan uga dhigey Maqaalkiisa " The Issue of
Islam" Farta ay ku qorantahay Kalmadani waxaa laga dhigey
Far bold ah oo waa wayn waxaana turjuntey Jariidad ka soo
bixi jirtey Masar laguan magacaabo "AlMu'ayyad" waxaana u
jawaabey Hanotu Qarnigi labaatanaad Intellectual ama
Aqoonyahanoo Muslimiin ah oo lakala odhan jirey Jamaaludiin
Al Afqaani, iyo Imaam Maxamed Cabdoh.
Hanotu waxa uu ku yiri Maqaalkiisii
"There's no place on earth but has passed the limits of
Islam to spread in all the horizons, it is a religion the
only people who might have see troops and teams. Groups and
individuals, is the only religion that exceed the intensity
of religious inclination and by all tendency to embrace
another religion.
The pillars of this religion-based firm appointed by the
Staff in Europe. It has become France's everywhere in
direct contact with Islam, but Islam has become the
forefront of the liver, Islam is not in us, but is beyond
us, too, is close to us in Marrakesh, is close to us in
Tripoli, close to us in
Egypt, a common and widespread in the countries of
Asia as a whole, continues to spread Islam Crescent Partyah
on the city of Constantinople
in Turkey, and sent the other in Persia in the Islamic
Maghreb Al-Aqsa so embrace the whole West and from the
country of France." ," hadalkii hanuto hadaan isku
dayo turjumadiisa waxaan odhan karaa sidatan "majirto meel
ka mid ah dhulka korkiisa, illaa hadii ay jirto waxaa
gaadhey Xuduudihiisa Islaamka, waa diinta kaliya ee dadku ay
kooxkoox usoogalaan, waa diinta kaliya ee ka badisey diimaha
kale in diin ahaan loogu dhaqmo oo xageeda loo soo leexdo,
Islaamku waa diinta tiirarkeedu ay suganyihiin Europe
Dhexdeeda, France waxay noqotey meel kastaba mid xidhiidh
toos ah la leh Islaamka, Iskabadaaye waxay noqotey Islaamka
Qalbigiisii iyo Beerkiisii, Islaamku dhexdeena kaliya
majoogo, bal'e waxa uu joogaa banaankeena, Wuu inooga
dhawyahay Marakish "Waa Maracco" Daraabils wuu inooga
dhawyahay " Libiya" Masar wuu inooga dhaw yahay, Islaamku
wuu ku faafsanyahay Aasiya oo dhan, Xidigta Islaamku Kama
suulayo inuu gaadho Labadiisa Daraf am Cidhif Magalaada
Qusdandiiniyah ee Turkia.
Hanotu Isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi "
It must work to dismantle the
Association, which brings together Muslims in the east, and
Muslims in the west on the surface of the globe, making them
one nation.
This association is: Association of religion, is an
association of Islam, is the doctrine that is owed by a
Muslim.
Faith by the Muslim sacrifices his soul and his wealth and
the timely and for which, it must be science to weaken this
spirit prevailing movement of Muslims in their sleep.
Muslims when approached of the Ka'ba, when approached
by the Baytul Xaram, when they approached the water Elzimzm
Almqzs, when they approached the
Black Stone, which have made themselves
beloved spurred to leave their cities in the world in the
far east and the west to win the next to the Creator in the
House of God, burst into flame
religious fervor in
their hearts.
The Association of Fraternity, which brings together members
of the Muslim ritual of the pilgrimage would make the Muslim
land in the east and west come in support of the Muslim
anywhere.
This work should be an obsession for Vrsena all in the
colonies that are subject to them. Hadaan isku dayno Inaan
turjuno " Wuxu yidhi Hanotu" " waa lagama maarmaan inaan
guntiga u adkaysano sidii aan u kala furfuri lahayn xadhiga
isku xidhey Muslimka jooga Bari iyo Galbeed, Xadhigaas oo ka
dhigey hal Ummad, Xadhigaasi waa diinta, Xadhigaasi waa
islaamnimada, Xadhigaasi waa Mabda'a uu rumaysan yahay Qofka
Muslimka ahi, waa Mab'da'a qofka Muslimka ahi uu naftiisa
iyo maalkiisa u hurayo, waa lagama maarmaan inaan guntiga u
giijisano sidii aan hoos ugu dhigi la'hayn ruuxda qofka
muslimka ah ku kalifaysa inuu naftii hore noqdo, Hanotu
isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi " Muslimiintu
markasta oo ay u dhawaadaan kacbada, markasta oo ay u
dhawaadaan Baytka ilaahay, markastoo ay u dhawaadan biyaha
barkaysan ee Zamzamka, Markastoo ay u dhawaadan Dhagax Madow,
ayna xaqiisadaan inaysan wax kale u iman inay raali galiyaan
ilaaha abuurtey maahane, waxaa hurta laabtooda, waxaa gasha
diin jacayl,waxayna siyaadsadaan walaalnimo oo dhexdooda way
isjeclaadaan, waxayna naftoodu ku xanbaartaa inay walaalo
yihiin Muslimkaa Galbeedka jooga iyo Kan Bariga jooga,
Sidaas ayeeyna Isugu hiiliyaan dhamaan, waana lagama
maarmaan inay france Samayso Qaab ay Muslimiinta uga
baa'biso Caqiidadaas isku xidhaysa ee khatarta ku ah.
Waxaan filayaa Qoralku wuu
dheeraadey insha allah, waxaynu sii wadi doonaa casharada
danbe hadii ilaah nafta inagu simo.
Ilaahow wixii gefa noo
dhaaf, ilaahow nafahansii makriga ay maleegayaan gaaladu,
ilaahow nabar qaabkaan gaalada isga dhicin lahayn.
Mustafa Akhyaar
webmaster@ceegaag.com |