Faah faahin dheeraad ah oo ka
soo baxday Dilkii xalay Caynaba ka dhacay.
(Caynaba,
February 08, 2010 Ceegaag Online)
Warar
dheeraad ah ayaa maanta ka soo baxay sarkaal sare oo
katirsan ciidanka Somaliland oo habeenimadii xalayto lagu
dilay degmada Caynaba ee gobolka Sarsaar waxana wararka
saaka ceegaag online ka helay magaalada caynaba ay sheegayaa
in Marxuunka dhintay lagu magacaabi jiray mahadi Xasan oo
ahaa taliyaha saadka ciidanka gobolka sool waxana dilkiisa
ka soo baxay warar is khilaafsan oo ku saabsan Qaabka loo
dilay.
Wararka Qaar
ayaa sheegay in taliyaha ay ku dhacday xabad ka dhacday
baaskoolad uu watay Mid kamid ah ilaalada Xoghaya guud ee
Xisbiga UDUB oo isagu safar kutahay degmada caynaba waxaana
dilkaasi u dhacay si kama ah sida wararka lagu kalsoon yahay
ay noogu soo waramayaan.
Waxana kaloo
jira warar kale oo sheega in marxuunkaasi lagu dilay
toogasho mana jiraan cid warkaasi cadaynaysa waxaana loo
badinayaa in sarkaal kaasi uu ku dhintay Qaab kama ah sida
warar lagu kalsoon loo badaniyo waxaana maanta marxuumka lagu
aasay degmada caynaba ee gobolka Sarsaar.
Cali dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |