Gaadiidkii
u kiraysnaa WFP oo saaka ka anbabaxay Laascaanood
(Laascaanood,
Feb 20, 2010 Ceegaag Online)
Magaalada Laascaanood waxaa gabi ahaanba kaantaroolka
dhinaca bariga ka anba baxay Gaadiidkii u kiraysaa
barmaamijka cunta adduunka ee WFP Soomaaliya, gaadiidkaasi
oo mudooyinkii ugu danbeeyey ku sugnaa gudaha magaalada
Laascaanood kadib markii maamulka Puntland u diiday inay
gudaha Puntland dhexmaraan balse markii danbe dawlada
Puntland iyo WFP Wada hadal magaalada Garoowe ku yeesheen
isku fahmay inay gaadiidkaasi gudaha Puntland soo galaan una
gudbaan deegaano kamid ah gobolada Puntland iyo gobolada
Dhexe ee Soomaaliya oo Raashinka loo Wado.
Ceegaag Online oo saaka Xidhiidh dhinaca taleefoonka
magaalada Laascaanood la samaysay ayaana warkaasi
kaxaqiijisay masuuliyinta Somaliland ee Laascaanood ku
sugan oo sheegay in gaadiidkaasi gabi ahaantiis magaalada ka
baxay kuna sii jeedo dhinaca deegaanada Puntland iyo
gobolada dhexe ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Ceegaag Online ayaa taleefoonka magaalada
gaalkacyo kula Xidhiidhaya masuuliyiinta dhinaca Puntland oo
sheegay in Qaadiidkaasi Qaarkood soo galeen deegaano kamid
ah Puntland raashinkaasina amnigiisa ay la socdaan Ciidamada
amaanka Puntland oo ilalainayaa mucaawimadaasi sidii loo
gaadhsiin lahaa dadka baahan ee kunool gobolada Soomaaliya
webmaster@ceegaag.com |