Golaha guurtida Somaliland oo
cod buuxda ku diiday iscasilaadii gudoomiye kuxigeenka
golaha guurtida.
(Hargeysa,
February 01, 2010 Ceegaag Online)
Waxaa maanta xarunta golaha guurtida somaliland ee magaalada
Hargaysa fadhi kuyeeshay xubnaha golaha guurida Maamulka
Somaliland oo maanta fadhigooda kaga doodayeen
iscasilaadii uu dhawaan iscasilay gudoomiye kuxigeenka 1-aad
golaha guurtida Somaliland Sh. Axmed Sh. Nuux waxaana
fadhiga golaha guurtida markii uu bilaaya gudoomiyaha golaha
guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamed Aadan uu golaha
u sheegay in cod loo qaado iscasilaadii gudoomiye kuxigeenka
1-aadgolaha guurtida somaliland. oo isagu iscasilay.
Golaha Guurtida ay ka soo qayb 65 Mudane ayay 63 ka mid ahi
ku diideen markii Goluhu cod u qaaday inay aqbalaan iyo
inkale, cid ka aamustayna may jirin labada Guddoomiyena may
Codaynin, sidaana waxa uu Sh Axmed Sh Nuux ku noqday inuu
sii ahaado Guddoomiye ku xigeenkii kowaad ee Golaha Guurtida.
dhinaca kale
waxaa golaha guurtida somaliland oo ah odayaal dhaqameedo
mudooyinkii ugu danbeeyey ka dhex jiray khilaaf balaadhan oo
u dhaxeeyaha xubaha golaha guurtida khilaafkaasi oo ku aadan
gudi hoosaadka golaha guurtida oo dhawaan wax laga bedelay.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |