Gudoomiyaha degmada Horufadhi Xiir
Xaaji Nuux oo ka hadlay abaarta kataagan degmadaasi.
(Horufadhi,
Feb 24, 2010 Ceegaag Online)
Gudoomiyaha Degmada Horufadhi
Xiir Xaaji Nuux
Dhageyso
Gudoomiyaha
degmada horufadhi Xiir Xaaji Nuux ayaa ka hadlay abaarta iyo
xaalufka kataagan degmada hurufadhi iyo degmooyinka kale ee
magaaladaasi ku dhow dhow waxaana uu gudoomiyaha degmada
hurufadhi Xiir xaaji nuux uu maanta sheegay isagoo waraysi
khaas ah siinaya shabakada wararka ceegaag online in guud
ahaan xaalada degmada hurufadhi ay tahay mid ka sii daraysay.
Gudoomiyaha degmaha hurufadhi waxaa kaloo uu sheegay in
dhamaan dadkii Reer guuraga ahaa xoolihii ka dhamaadeen
gaajana u dhimanayaan xaaladuna tahay mid haatan maraysa
meeshii ugu xumayd oo aanay jirin wax gurmad ah oo dadkaasi
lala soo gaadhay waxna ugu baaqay dhamaan jaaliyada iyo
ha,yadaha deeqda bixiya inay gurmad deg deg ah la soo
gaadhaan degmooyinka hurufadhi, ceegaag, iyo magaalooyinka
ku dhow dhow ee dadka xoolo dhaqata ahi ku nool yihiin.
Cali
Dhagjar
Buuhoodle
webmaster@ceegaag.com |